Su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan cudurrada fayraska (Common questions about viral illnesses)
Ma inaan dhakhtarka geeyaa ilamahayga si aan u ogaado fayraska uu qabo nooca uu yahay? (Should I take my child to a doctor to diagnose their virus?)
Haddii calaamadaha jirrada ee uu ilmahaagu leeyahay ay yihiin kuwo iska fudud oo ay paracetamol ama ibuprofen caawinayaan, ayna ku soo roonaadaan toddoba maalmood gudahood, uma baahnid inaad geyso dhakhtarka. Daryeelku waa isku mid inta badan fayrasyada,
markaa takhaatiirtu badanaa ma baadhi doonaan si ay u ogaadaan nuuca fayraska ee uu ilmahaagu qabo.
Ilmahaygu ma u baahan yahay daawada fayraska? (Does my child need antiviral medicine?)
Ma jiraan dawooyin badan oo waxtar leh oo ka hortagga fayraska, dhakhaatiirtuna waxay ku taliyaan in daawo la qaato xaalado dhif ah oo keliya.
Sidee uga hortagi karaa in fayrasyo badan ay ku dhacaan ilmahayga? (How can I stop my child from getting so many viruses?)
Suurtagal maaha in laga hortago in ilmahaagu qaado caabuqyada fayraska ee caadiyan ku dhaca. Siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu dhimi karo khatarta cudurka fayrasku waa in la siiyo cunto nafaqo leh, la tallaalo, laga caawiyo inay iska ilaaliyaan qiiqa sigaarka,
la baro nadaafadda wanaagsan, lagana fogeeyo carruurta xanuunsan.
Waa maxay daawooyinka dabiiciga ah ee aan siin karo ilmahayga si aan uga caawiyo inay soo roonaadaan markay hargab qabaan? (What natural remedies can I give my child to help them feel better when they have a cold?)
Kuma talineyno in ilmahaaga la siiyo dawooyin dabiici ah (oo ay ku jiraan uumiga) iyada oo aan la helin talobixin caafimaad oo ka timid qof xirfad u leh. Daawooyinka farmashiyaha laga iibsan karo iyadoo uusan dhakhtar kuu qorin sida fiitamiinada ama kaabayaasha
looma baahna mana laha amaba way kooban yihiin cadaymaha sayniska ee caddeynaya waxtarkooda ku aadan inay ka hortaggaan ama daawayeeyaan fayraska sida hargabka.
Inta badan waxyaabaha ay qoysasku u arkaan in ay xal tahay, sida la is kululaynta, in aan la seexan oo timaha oo kuu qoyan, iyo in markasta didabada loo qaato kabo, maaha waxyaabo la xaqiijiyay inay ka hortagayaan hargabka. Waxay ahaayeen waxyaabo aad
usoo shaac baxay ka hor intaanay saynisyahannadu ogaanin fayrasyadu inay hargab keenaan.
Ilmahaygu wuxuu qabaa neef; ma inaan ka welwelaa inuu fayras qabo? (My child has asthma; should I be worried about them catching a virus?)
Mararka qaar, fayrasyadu waxay kicin karaan neefta (haddii ilmahaaga laga helay cudurka neefta) ama xiiq (dhawaaq foori u eg marka uu neefsanayo). Haddi ay taasi dhacdo, u daawee neefta sidii aad caadi ahaan u daaweyn jirtay. Haddii shanqarta feerahooda
ka yeeraysa ay tahay wax cusub oo ilmahaaguna ay dhib ku tahay neefsashada, u gee dhakhtarkaaga.
COVID-19 maku dhici karaa carruurta? (Can children get COVID-19?)
COVID-19 waa uu ku dhici karaa caruurta. Inta badan, calaamadaha xanuunka waxay la mid yihiin fayrasyada kale ee qaboowga.
Muddo intee ah ayaa loo baahan yahay in ilmahaygu uu guriga sii joogo oo uusan aadayn xannaanada carruurta ama iskuulka markuu fayras ku dhaco ka dib? (How long should my child stay home from childcare or school after a virus?)
Haddii ilmahaagu uu la xanuunsan yahay fayras, ku haay guriga oo ha geyn meelaha carruurta lagu daryeelo, xanaanada ama dugsiga ilaa ay ka bogsanayaan.