Viral illnesses (Somali) – Cudurrada fayraska

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Cudurada fayrasku aad bay ugu badan yihiin carruurta waxayna si fudud ugu faafaan agagaarka meelaha carruurta lagu daryeelo, xannaanada kindergarten ka ama iskuulka.
    • Waa wax caadi ah in 12 caabuq oo fayras ah ay ku dhacaan ilmaha sannadkii dhawrka sano ee ugu horreeya noloshooda; waxay u muuqan kartaa inay jiran yihiin mar walba.
    • Antibiyootigyadu ma caawin doonaan daaweynta cudurrada fayraska. Daawaynta ugu fiican waa in lagu nasto guriga si jirku u nadiifiyo caabuqa.
    • Tallaalku wuxuu ka hortagaa fayrasyo badan oo halis ah, sida jadeecada, qaamo-qashiirta, (jadeecada jarmalka) iyo busbuska.

    Waa maxay cudurrada fayraska?(What are viral illnesses?)

    Jirrada fayraska waa caabuq uu keeno jeermis loo yaqaanno fayras. Fayrasyadu waxay keenaan cudurro badan, sida hargabka caadiga ah, boronkiitada, jirada qumanka, caabuqa dhegta, gastroenteritis, ifilada (hargabka), qaamo-qashiirta iyo busbuska. Waxaa jira boqolaal fayras oo kala duwan; inaad taqaan midka uu ilmahaagu qabo badanaa muhiim maaha.

    Marka ilmahaagu yar yahay, waxaa laga yaabaa inay kuula muuqato inay mar walba xanuunsan yihiin - inuu fayras ku dhaco wax yar ka dib markay kasoo bogsoonaadaan mid hore. Waa wax caadiyan loo arko in carruurta caafimaadkoodu fiican yahay ay qaadaan ilaa 12 caabuq oo fayrasyo ah sannadaha ee ugu horreeya noloshooda. Marka ilmahaagu sii weynaado oo uu habdhiska difaaca jidhkoodu sii xoogeysto, waa inay yaraadaan xannuunada ku dhacaya.

    Calaamadaha iyo waxyaabaha lagu garto fayrasyada badanaa dadka ku dhaca (Signs and symptoms of common viral illnesses)

    Calaamadaha caabuqa fayraska ee uu ilmahaagu yeelan doono waxay ku xiran yihiin nooca fayraska ku dhacay. Calaamadaha cudurrada fayraska ee badi la arko waa:

    • Qandho (heerkulka 38°C ama ka badan)
    • Daal iyo inay rabaan inay hurdada badsadaan (tabar-darri)
    • In aanay rabin inay cunto cunaan
    • Caadiyanba inay dareemayaan fiyoobi la'aan.

    Fayrasyo badan ayaa sidoo kale sababa:

    • sanka oo xiran ama duuf ka imanayo
    • indho gaduudan, oo biyo ka socdaan
    • dhuun xanuun
    • finan yar-yar oo cadaanaya (blanch) markaad farta ku riixdo ilbiriqsi ama wax ka badan
    • qufaca iyo/ama hindhisada
    • matag iyo/ama shuban
    • calool xanuun
    • fiyoobi la'aan iyo xanuun.

    Cudurada fayrasku ma yihiin kuwo la kala qaado? (Are viral illnesses contagious?)

    Ku dhawaad dhamaan cudurrada fayraska waa la kala qaadaa. Taasi waa sababta fayrasyadu si degdeg ah inay ugu faafaan meelaha carruurta lagu daryeelo iyo dugsiyada.

    Labada siyaabood ee ugu badan ee ay fayrasyadu ku faafaan waa:

    1. Dhibco yar-yar oo candhuuf hawada ku faniintay ama meel dusheed qabsatay ah, sida marka la qufaco lana hindhiso.
    2. Marka qof taabto candhuuf, xabka/xaako, matagga ama saxarada qofka cudurka qaba.

    Sida looga hortago faafitaanka fayraska (Stopping the spread of viruses)

    Inaad ilmahaaga guriga ku hayso marka uu buko waxay yaraynaysaa faafitaanka fayraska. Guriga dhexdiisa marka lagu sugan yahay, nadaafadda wanaagsan ayaa kaa caawin doonta in laga hortago in fayrasku uu ku faafo xubnaha kale ee qoyska. Taas waxaa ka mid ah:

    • si joogto ah in gacmaha loogu nadiifiyo saabuun ama alkoholo (sanitiser) gacmaha lagu nadiifiyo
    • inaan laisla wadaagin koobabka ama qalabka wax lagu gooyo
    • inaad ku dhiirigeliso ilmahaaga inuu ku qufaco ama ku hindhiso tiishuu ama xusulkooda
    • inaad bartid ilmahaaga inuu qashinka ku tuuro tiishuuga markuu isticmaalo ka dib iyo inay gacmahooda dhaqdaan markaas ka dib.

    Haddii ay suurtogal tahay, ka fogee ilmahaaga dhallaanka yar-yar iyo dadka da'da ah inta uu buko.

    Sida guriga loogu daryeelo jirrooyinka fayraska (How to care for viral illnesses at home)

    Antibiyootigu ma daweyn karo fayraska. Daawaynta ugu fiican ee cudurada fayrasku waa in la helo nasasho badan oo guriga ah; Tani waxay ka caawin doontaa habka difaaca ilmahaaga inuu la dagaallamo fayraska.

    Waa kuwan qaar ka mid ah dhowr siyaabood oo sahlan oo aad ilmahaaga ku caawin karto markay xanuunsan yihiin:

    • Sii ilmahaaga xoogaa yar oo cabitaano ah marar badan marka ay soo jeedaan. 15-kii daqiiqaba ama meelahaas inaad afka uga buuxiso cabitaan ayaa ah wax wanaagsan. Tani waxay siin doontaa jidhka ilmahaaga tamar si uu kula dagaallamo caabuqa oo uusanna u fuuqbixin.
      • Cabitaanka aad siinayso nuuca uu yahay waxay ku xiran tahay da'da uu jiro ilmahaagu. Dhallaanka waa in la siiyaa caanaha naaska ama caanaha la qaso, ama cabitaanada jirka qooya sida electrolytes. Carruurta waaweyn waa in la siiyo biyo, casiir ama caano. Haddii ay biyo keliya cabayaan, markaa hubi inay sidoo kale cunaan cuntooyinka aasaasiga ah sida buskudka, jelly, yogurt, boorash ka sameysan bariis (congee) ama maraq.
    • Isticmaal waxyaabaha sanka lagu (sanka) buufiyo si ay uga caawiso inay u furto sanka xiran - gaar ahaan dhallaanka. Haddii ilmahaaga sankiisu nadiif yahay, waxaa u fududaanaysa inuu wax cuno.
    • Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu helo nasasho badan.
    • Sii ilmahaaga paracetamol ama ibuprofen si ay uga caawiyaan xanuunka ama haddii ay u muuqdaan inay aad u ildaran yihiin, ama ay wax dhibsanayaan ama ay tabar-darri heyso. Ha siinin ilmahaaga asbiriin. Si taxadar leh u hubi qiyaasta saxda ah ee ku qoran oo hubi in aadan horay u siin ilmahaaga daawooyin kale oo leh paracetamol ama ibuprofen (sida daawooyinka hargabka qaarkood).
      • Haddii uu ilmahaagu qandho leeyahay laakiin uusan u muuqan mid ildaran ama aysan dhibaato heyn, ha siin daawada xanuunka. Qandhadu waxay ka caawisaa jirka inuu si dabiici ah u fiicnaado.
    • Ha isticmaalin daawooyin kale in uu dhakhtar kugula taliyo mooyee.

    Waa wax iska caadi ah in carruurtu ay ka go'aan cunto cunista markay xanuunsan yihiin. Ha welwelin haddii ilmahaagu uu cuntada ka go'o dhowr maalmood; Waxay bilaabi doonaan inay wax cunaan markay roonaadaan.

    Ilmaahaaga waa inuu bilaabaa soo ladnaan dhowr maalmood ka dib, laakiin waxay qaadan kartaa dhowr toddobaad inay xaaladiisa caadi ku soo noqoto. Qufaca muddo dheer ayuu sii jiri karaa; taasi waa caadi haddii ilmahaagu uu sidiisa kale soo roonaanayo.

    Finanka fayraska waa badi la arko waxayna caadi ahaan sii jiri karaan dhowr maalmood.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato ()

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:When to get help

    • ilmahaagu ay ku adkaato neefsashada oo uusan si fiicana u neefsan karin.
    • maqaarka ilmahaaga uu u ekaado buluug ama cawl.
    • ilmahaagu uu hurdada ka toosi waayo ama uusan hadlayn.
    • ilmahaagu uu yeesho finan aan u ekaan midabka maqaarka (blanch) markaad riixdo.

    Aad isbitaalka haddii:

    • ilmahaagu uu dareemayo tabar-yari mar walba una muuqdo mid aan firfircoonayn.
    • ilmahaagu uu leeyahay finan uuna dareemayo madax-xanuun, qoorta oo adkaata ama dhabar xanuun.
    • ilmahaagu uu jiro saddex bilood amaba uu ka yar yahay uusana si fiican cunta u qaadanayn.

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • ilmahaaga maqaarkiisu uu cadaaday (pale).
    • ilmahaagu dareemayo xanuun (sida madax-xanuun) kaas oo aan ku roonaanayn paracetamol ama ibuprofen.
    • ilmahaagu uu leeyahay matag iyo shuban joogto ah.
    • ilmahaagu uusan cabayn cabitaan ama uusan cunayn jalaato baraf ah.
    • ilmahaagu ka yar yahay saddex bilood uuna leeyahay qandho (heerkulka 38°C ama ka badan).
    • ilmahaagu uu leeyahay calaamadaha fuuq-baxa, sida inay kaadidoodu ka yaraatay sidii caadiga ahayd, gacmahooda iyo cagahooda qabow yihiin, indhahooda god kujiraan iyo tabar-yari ka sii daraysa.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • ay cabayaan cabitaan ku filan ayna kaadinayaan in ka badan kala badh inta jeer ee ay caadiyan kaadiyaan.
    • aysan wax dhib ah kala kulmayn neefsashada.
    • ay xoogaa firfircooni ah muujiyaan inta u dhaxaysa qandhada.
    • ay xaaladoodu ku soo roonaato muddo todoba maalmood gudahood ah.

    Su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan cudurrada fayraska (Common questions about viral illnesses)

    Ma inaan dhakhtarka geeyaa ilamahayga si aan u ogaado fayraska uu qabo nooca uu yahay? (Should I take my child to a doctor to diagnose their virus?)

    Haddii calaamadaha jirrada ee uu ilmahaagu leeyahay ay yihiin kuwo iska fudud oo ay paracetamol ama ibuprofen caawinayaan, ayna ku soo roonaadaan toddoba maalmood gudahood, uma baahnid inaad geyso dhakhtarka. Daryeelku waa isku mid inta badan fayrasyada, markaa takhaatiirtu badanaa ma baadhi doonaan si ay u ogaadaan nuuca fayraska ee uu ilmahaagu qabo.

    Ilmahaygu ma u baahan yahay daawada fayraska? (Does my child need antiviral medicine?)

    Ma jiraan dawooyin badan oo waxtar leh oo ka hortagga fayraska, dhakhaatiirtuna waxay ku taliyaan in daawo la qaato xaalado dhif ah oo keliya.

    Sidee uga hortagi karaa in fayrasyo badan ay ku dhacaan ilmahayga? (How can I stop my child from getting so many viruses?)

    Suurtagal maaha in laga hortago in ilmahaagu qaado caabuqyada fayraska ee caadiyan ku dhaca. Siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu dhimi karo khatarta cudurka fayrasku waa in la siiyo cunto nafaqo leh, la tallaalo, laga caawiyo inay iska ilaaliyaan qiiqa sigaarka, la baro nadaafadda wanaagsan, lagana fogeeyo carruurta xanuunsan.

    Waa maxay daawooyinka dabiiciga ah ee aan siin karo ilmahayga si aan uga caawiyo inay soo roonaadaan markay hargab qabaan? (What natural remedies can I give my child to help them feel better when they have a cold?)

    Kuma talineyno in ilmahaaga la siiyo dawooyin dabiici ah (oo ay ku jiraan uumiga) iyada oo aan la helin talobixin caafimaad oo ka timid qof xirfad u leh. Daawooyinka farmashiyaha laga iibsan karo iyadoo uusan dhakhtar kuu qorin sida fiitamiinada ama kaabayaasha looma baahna mana laha amaba way kooban yihiin cadaymaha sayniska ee caddeynaya waxtarkooda ku aadan inay ka hortaggaan ama daawayeeyaan fayraska sida hargabka.

    Inta badan waxyaabaha ay qoysasku u arkaan in ay xal tahay, sida la is kululaynta, in aan la seexan oo timaha oo kuu qoyan, iyo in markasta didabada loo qaato kabo, maaha waxyaabo la xaqiijiyay inay ka hortagayaan hargabka. Waxay ahaayeen waxyaabo aad usoo shaac baxay ka hor intaanay saynisyahannadu ogaanin fayrasyadu inay hargab keenaan.

    Ilmahaygu wuxuu qabaa neef; ma inaan ka welwelaa inuu fayras qabo? (My child has asthma; should I be worried about them catching a virus?)

    Mararka qaar, fayrasyadu waxay kicin karaan neefta (haddii ilmahaaga laga helay cudurka neefta) ama xiiq (dhawaaq foori u eg marka uu neefsanayo). Haddi ay taasi dhacdo, u daawee neefta sidii aad caadi ahaan u daaweyn jirtay. Haddii shanqarta feerahooda ka yeeraysa ay tahay wax cusub oo ilmahaaguna ay dhib ku tahay neefsashada, u gee dhakhtarkaaga.

    COVID-19 maku dhici karaa carruurta? (Can children get COVID-19?)

    COVID-19 waa uu ku dhici karaa caruurta. Inta badan, calaamadaha xanuunka waxay la mid yihiin fayrasyada kale ee qaboowga.

    Muddo intee ah ayaa loo baahan yahay in ilmahaygu uu guriga sii joogo oo uusan aadayn xannaanada carruurta ama iskuulka markuu fayras ku dhaco ka dib? (How long should my child stay home from childcare or school after a virus?)

    Haddii ilmahaagu uu la xanuunsan yahay fayras, ku haay guriga oo ha geyn meelaha carruurta lagu daryeelo, xanaanada ama dugsiga ilaa ay ka bogsanayaan.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Waxaa soo saartay Waaxda Gurmadka Degdega ah ee Isbitaalka Carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib u eegis lagu sameeyay bishii Abriil 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.