Qodobada muhiimka ah ee loo baahan yahay in la xasuusnaado (Key points)
- In loo bareero khatar waa qayb caadiyan ka mid ah korriinka.
- Kurayda iyo dhallinyaradu waxay u bareeraan khatar sababo badan awgood, oo ay ka mid tahay inay rabaan wax uun inay tijaabiyaan ama iyagoo raadinaya saaxiibtinimo iyo inay ku biiraan asxaab.
- Waxay aad ugu dhowdahay inuu ilmahaagu khatar u bareero haddii qof facooda ahi sameeyo.
- Khatar u bareeridu maaha wax mar walba xun; muhiimada waa in lala socdo calaamadaha digniinta ee khatarta dhalin kara.
- Dooro waqti ay xaaladu degan tahay iyo meel aad kagala hadli kartid ilmahaaga waxyaabaha ku saabsan khatar-u-bareerida.
- Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu u bareero oo keliya khatarta togan, sida inuu bilaabo hiwaayad cusub ama ciyaar.
Waa maxay khatar u bareeridu? (What is risk-taking?)
Khatar-u-bareerista waa fal la sameeyo iyadoo aan la ogeyn sida ay natiijadu noqon karto. Natiijadu waxay noqon kartaa mid wanaagsan, laakiin sidoo kale waxay noqon kartaa mid dhibaato leh. Si kastaba ha ahaatee, khataraha oo dhami isku wada mid maaha.
Xaaladaha qaar, natiijada xumi waxay yeellan kartaa saameyn yar - tusaale ahaan, in laga maqnaado fasalka dugsiga. Mararka qaarna, natiijada xun waxay yeelan kartaa saameyn weyn, sida inaad baabuur wado adoo khamri cabay.
Maxay tahay sababta ay dhalinyaradu khatar ugu bareeraan? (Why do teens take risks?)
In khatar loo bareero waa qayb caadiyan ka mid ah korriinka. Waa habka ay dhallinyaradu wax uga bartaan waaya-aragnimadooda oo ay u tijaabiyaan awoodooda, waxayna ka caawinaysa in ay iyagu nafsadooda aqoon u yeeshaan.
Waxaa jira sababo badan oo ay dhalintu khatar ugu bareeri karaan, sida:
- Tijaabo inay ka tahay
- Inay ku raadinayaan saaxiibtinimo iyo inay ka mid noqdaan asxaabta
- Inay baranayaan xirfado cusub
- Inay raadinayaan dareen wax ku oolla
- Inay ka cararayaan dareenka xun
- Inay hormumariyaan dareenka leh ujeedo togan
- Inay yeellanayaan xorriyad
- Cadaadis uga imaanaya saaxiibadood.
Dhalinyaradu waxay maraan isbedelo badan xilliga qaan-gaarnimada. Jidhkoodu wuu isbedelaa, xirfadahooda bulsheed way qaangaadhaan, maskaxdooduna waxay samaysaa habab fikir oo aad u qalafsan. Dhallinyarada waxaa si gaar ah u dhiirigeliya dareenka wanaagsan
ee ay helaan marka ficilladoodu ay keenaan natiijooyin wanaagsan; tani waxay ka dhigaysaa inay u badan tahay inay mustaqbalka raadiyaan dareenkan. Tusaale, haddii qof dhallinyara ah uu shactireeyo ka bacdina saaxiibadiis ay qoslaan ayna amaanaan,
waxay u badan tahay inay mar kale sameeyaan.
Tusaalayaal khatar-u-qaadasho oo dadka dhalinyarada ah iyo kuwa koran (Examples of risk-taking in teens and young people)
Tusaalooyinka badi la arko ee dhaqamada khatar-u-bareerista dhibaatada leh ee ay dhallinyaradu sameyso waxaa ka mid ah:
- Cabitaanka khamriga
- Sigaar cabista loo yaqaan vaping iyo sigaar cabista caadiga ah
- Qaadashada daroogooyinka sharci darrada ah
- Baabuur wadista iyada oo qofka ay saamaysay daroogo ama aalkolo
- Isticmaalka moobaylka iyo warbaahinta bulshada ee khatarta ah, sida shukaansiga iyo in macluumaadka shakhsiyeed in la soo geliyo internetka
- Khamaarida
- Dhaqdhaqaaq galmo oo aan ammaan ahayn, sida galmo aan xafidnayn
- Dhaqan dagaal ama rabshado badan oo lagula kaco dadka kale.
Dabeecadahani waa kuwo iskood halis u ah, laakiin sidoo kale waa kuwo halmar wada dhici kara. Tusaale, kuray cabay khamri badan ayaa laga yaabaa inay u badan tahay inuu galmo taxadar la'aan ah sameeyo.
Doorka dhalinyarada xagga khatar qaadashada (The role of peers in risk-taking)
Markay carruurtu yar yihiin, waxay ku tiirsan yihiin talada waalidkood iyo daryeelayaasha. Markay da'doodu sii weynaato, asaagood ayaa ah kuwo u muuqda inay door weyn ka ciyaaraan go'aan-qaadashadooda. Isbedelkaani waa qayb muhiim ah oo ka mid ah korriinka
caafimaadka leh.
Waxay noqon kartaa in waxyaabaha cusub ee ay xiisaynayaan ay si wadajir ah u sahmiyaan ama xoojinta saaxiibtinimada iyo dhisidda aqoonsigooda, dadka ilmuhu waqtiga la qaato ayaa saamayn kara dhaqankooda. Tani waa shay wanaagsan; kurayadu saaxiibada ay leeyihiin waxay ku dhiirigeliyaan inay u bareeraan khataro togan, sida bilaabista hiwaayad cusub ama u istaagida arrin ay daneeynayaan.
Waxaa muhiim ah in la xuso in saameynta asaagga ay sidoo kale ku gaarsiisan tahay khatar-u-bareerista. Dadka dhalinyarada ah ayaa laga yaabaa inay qaataan khataro la mid ah kuwa dhiggooda ah, waxayna u badan yihiin inay khataro qaataan haddii kuwa la da'da ah sameeyaan.
U diyaari ilmahaaga xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan asaagooda adiga oo kala hadlaya fasax-bixinta. Kala hadlida muhiimada iyo macnaha fasax-bixintu waxay awood u siinaysaa ilmahaaga inuu xad dejisto oo uu yiraahdo 'maya.'
Calaamadaha muujinaya in ilmahaygu u bareerayo khatar halis ah (Signs that my child is taking dangerous risks)
Ilmahaagu waxaa laga yaabaa in aanu kuu sheegin markay qaadanayaan go'aan xun oo halis ah - gaar ahaan haddii ay ka welwelaan sida aad uga falcelin doonto.
Xasuusnoow, khatar qaadasho kastaa uma xuma dhalinyarada. Muhiimada weyni waa inaad barato calaamadaha digniinta ee laga yaabo in ilmahaagu u bareerayo khataro halis ah. Kuwaani waxay noqon karaan:
- Inay ka go'aan qoyska iyo/ama saaxiibada gaarka ah
- Hoos u dhac degdeg ah ee derajooyinka dugsiga
- Maalmo badan in laga maqnaado dugsiga
- Si joogto ah in lacag ay u weydiistaan
- In wakhti badan laga maqnaado guriga iyada oo aan la sharxin halka ay ku maqnaayeen.
Haddii aad ka welwelsan tahay in ilmahaagu uu qabo dhibaato dhanka mukhaadaraadka ah ama khamriga ah, u kuurgal calaamadaha kale ee jirka sida daalka, dhalanteed, matag, dhidid, xanaaq, indhaha oo weynaada ama indhaha oo gaduuta.
Markaad u kuurgasho calaamadaha, waxaad awoodaa inaad goor hore wax ka qabato kana taageerto qofkaaga dhallinta inuu sameeyo xulashooyin ay aad uga fiirsadeen.
Sideen ugala hadlaa dhallintayda waxyaabaha ku saabsan khatar-u-bareerista? (How do I talk to my teen about risk-taking?)
Inaad kala hadasho dhallintaada xaaladaha khatarta ah waa hab fiican oo aad ugu sii diyaarin karto safarka nolosha ee kasii horeeya. Dadka dhalinta yari caadiyan waxay iska jecel yihiin inay wax tijaabiyaan; marxaladdan noloshu waxay ku saabsan tahay
barashada iyo tijaabinta. Hadba inta aad ka barto khatarta qaadasho amaana hab degan oo guriga ku salaysan, uma badna inay cid kale ka raadiyaan macluumaad, meela aan lagu kalsoonaan karin.
Markaad kala hadlayso ilmahaaga dabeecadaha halista ah, ka dhig sheekada mid degan oo ka fogow eedeymaha. Hadafku waa in la awoodo in la awoodgeliyo ilmahaaga, ee maaha in la baqdin geliyo. Tusaale, waxaad waydiin kartaa dareenkooda ku aadan inay asxaabtooda
sigaar ama vap cabaan. Haddi ay ka dhawaajiyaan hab-dhaqan halis ah oo ay saaxiib ku arkeen, taas u isticmaal meeshaad hadalka ka bilaabi lahayd oo weydii su'aalo furan oo dabagal ah. Way fiican tahay inaad diirada saarto khatar qaadasho togan halkii
aad ka qaadan lahayd khataraha helista ah wada sheekaysigaan.
Khatar-u-bareerista togan (Positive risk-taking)
Khataraha togan ayaa sharci ahaan iyo bulsho ahaan la aqbali karaa marka natiijooyinka xumi ay yeellan karaan saamayn aan fiicnayn - tusaale ahaan, tegida munaasabad cusub oo bulsho. U-bareerista khatarta togan ayaa weli kicinaysa dareenka wanaagsan ee
la xiriirta khatar-u-bareerista.
Markay u bareeraan khatar togan, dhalinyaradu waxay si badbaado leh u baran karaan xirfado cusub. Kala shaqee dhallintaada si aad u heshid waxyaabo ku haboon waxyaabaha ay xiisaynayaan. Haddii ay yihiin kuwo jecel inay u bareeraan khatar, waxa laga yaabaa
inay jecel yihiin fuulista dhagaxa ama dhagxaanta. Haddii ay ka helaan muusigga, waxa laga yaabaa inay jecel yihiin inay aadaan riwaayadaha. Hadafka dhiirigelinta khatarta togan ma aha in gebi ahaanba meesha laga saaro khataraha balse waa in la dhiirigeliyaa
khatarta loogu gudbiyo hab-dhaqanno wax ku oolla.
Inaad taageerto dhallintaada (Supporting your teen)
Sida ugu wanaagsan ee aad ku taageeri karto dhallintaada waa in aad xiriir la yeelato. Dhallinyarada xiriirka wanaagsan la leh waalidiintooda iyo daryeelayaashooda waxay u badan tahay inay ku yar tahay inay galaan khataro dhibaato leh.
Ma jiro qaab aad uga hor istaagi karto ilmahaaga inuu qaato go'aamo khatar ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira waxyaabo aad samayn karto si aad u taageerto aadna ugu diyaariso xaaladaha khatarta ah.
- Si joogto ah uga war haay
- La soco cidda ku jirta kooxda ay saaxiibka la yihiin
- Hubi in ay had iyo jeer haystaan nambarkaaga taleefanka gacanta iyo qaab ay kugula soo xiriiri karaan
- Diyaarso qorshe xidhiidh degdeg ah – gaar ahaan marka ay guriga ka maqan yihiin
- Baro meelaha xafladuhu ka dhacayaan
- Kala hadal ilmahaaga waxyaabaha ku saabsan inay naftooda ka taxadaraan iyo inay bartaan sida loo yiraahdo 'maya'
- La yeelo wada hadal furan, oo toos ah isla markaasna togan kaas oo ku saabsan fasax-qaadashada
- U qorshee waqtiga laga soo qaadi doono meesha ay ku maqan yihiin ama gaadiid ku soo celiya guriga
- Kalsooni ah inay mar walba ku soo wici karaan haddii ay doonayaan in la caawiyo marxalad kasta oo ay ku sugan yihiin
- Hubi inay yaqaanaan sida loo waco nambarka 000 markay timaado xaalad degdeg ah.
Waa fikrad wanaagsan inaad kala hadasho dhallintaada marka ay wanaagsan tahay inaad kormeerid sameyso iyo marka ay dareemayaan inay kaligood si dhib la'aan ah wax u qabsan karaan.
Su'aalaha badi la iska weydiiyo dabeecadaha khatar-u-bareerista ee kurayada (Common questions about risk-taking behaviours in teens)
Kurayada ama dhallinyarada kuwoodee ayay u badan tahay inay u bareeraan khatar halis ah?
Dhamaan dhallinyaradu way u bareeraan khatar; si kastaba ha ahaatee, qaar ayay aad ugu sii badan tahay inay u bareeraan khataro halis ah marka loo eego qaarkood kale. Dabeecadaha halista ahi waxay aad ugu badan yihiin dhalinta qabta dhibaatooyinka
caafimaadka dhimirka , ama kuwa aadka isugu buuqsan, ama kuwa dareemaya inay ka go'an yihiin qoyska, asxaabta iyo bulshada.
Sideen u caawin karaa dhallintayda haddi ay qaataan go'aan khatar ah?
Waxa ugu fiican ee aad samayn karto si aad uga caawinto ilmahaaga go'aanka halista ah waa inaad caawinto iyaga. Inaad u muujiso xanaaq, ama aad xukmiso ama cadho marka ay marxalladu taagan tahay waxay u keeni kartaa oo kaliya inay mustaqbalka kaa qariyaan
dabeecadahaas. Taa beddelkeeda, xaqiiji in ilmahaagu nabad qabo oo aad labadiinuba degan tihiin ka hor intaadan ka hadlin go'aankooda.
Cunigayga saaxiibadiis ayaa ah kuwo saamayn xun ku leh. Sidee uga hortagi karaa inay cadaadis saaraan ilmahayga?
Waxaa laga yaabaa in aadan waxba ka qaban karin ilmahaaga inuu la saaxiibo dad gaar ah, laakiin waxaad yarayn kartaa saamaynta ay ku leeyihiin hab-dhaqanka ilmahaaga. Waxaad marka hore ku bilowdaa, qadka wadahadalka ha ahaado mid markasta furan si ilmahaagu
u ogaado inay mar walba kula hadli karaan. Kadib, samee xuduud macquul ah oo kala hadal ilmahaaga waxyaabahaas. Weydii su'aalo furan oo dhiirigelinaya inay iyagu dib isu xisaabiyaan - sida 'Maxaad ku jeceshahay saaxiibbadaa?' Haddii aad ka werwersantahay
wanaaggooda, u muuji welwelkaaga adigoo isticmaalaya weedho ah 'Aniga', sida 'Aniga waxaan ogaaday inaad saaxiibbadaada cusub aad waqti la qaadanayso oo aad guriga timaado waqti dambe. Ma iga caawin kartaa inaan fahmo sababta?'
Miyay tahay inaan ka welwelo in ilmahaygu uu khatar u bareero?
Waa wax iska caadi ah in dhallintu ay wax tijaabiyaan. Go'aan qaadasho khatar leh oo hadda iyo mid dib laga sameeyaba waxaa laga yaabaa inaysan noqon sabab loo welwelo. Haddii ilmahaagu inta badan uu galo xaalado khatar ah, sida inuu khamari badan cabo,
ama uu qaato daroogooyinka sharci darrada ah ama uu markasta dagaal galo, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad la hadasho dhakhtarka ama xirfadlayaasha caafimaadka dhimirka.
Wixii macluumaad dheeraad ah (Why do teens take risks?)
Waxaa soo saaray Isbitaalka The Royal Children Waaxda Daawada dhalinyarada. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay Nofeembar 2024.
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.