Respiratory syncytial virus (Somali) – Fayraska isku dhafan ee neefsashada

  • Respiratory syncytial (sin-city-al) virus (RSV) waa sababta ugu badan ee keenta caabuqyada sambabka iyo neefsashada ee ku dhacda carruurta. Waa fayras sababa caabuq ku dhaca sambabada iyo marinnada neefsashada, waana mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keena hargabka caadiga ah.

    RSV waxay saameyn kartaa dadka da' kasta leh. Inta badan carruurta da'doodu ka yar tahay laba sano waa uu ku dhacay RSV mar ay noqotaba, waxaana suurtagal ah in RSV uu ku dhaco marar badan. Caadooyinka nadaafadda wanaagsan waxay yarayn karaan fursadda uu ilmahaagu ku qaadi karo fayraska ama ugu gudbin karo dadka kale.

    Calaamadaha iyo astaamaha RSV (Signs and symptoms of RSV)

    Marka uu fayraska ku dhaco ka dib, ilmahaagu waxa laga yaabaa in uu calaamado yeesho shan maalmood kabacdi. RSV da carruurta waxaa caadi ahaan lala xiriiriyaa calaamadaha hargabka oo iska fudud ama dhexdhexaad ah, kuwaas oo guud ahaan socda inta u dhaxaysa siddeed iyo 15 maalmood. Haddii ilmahaagu qabo RSV waxaa laga yaabaa inay yeeshaan qaar ka mid ah ama dhammaan calaamadaha soo socda:

    • sanka oo duuf ka socdo
    • qufac
    • hinraag
    • qandho.

    RSV waa waxa caadiyan sababa burunkiitada iyo oof wareenka ku dhaca carruurta ka yar hal sano. Haddii ilmahaagu qabo neef, RSV waxay u badan tahay inay ku kiciso calaamadaha neefta.

    Ku daryeelida guriga (Care at home)

    Inta badan kiisaska RSV waa kuwo fudud waxaana lagu daweyn karaa nasasho guriga lagu nasto. Haddii ilmahaagu qabo RSV:

    • Guriga ku hay haddii ay caafimaad darro dareemaan. Haddii uu caafimaadkoodu wanaagsan yahay oo aanay qufac iyo hindhiso jirin, waxay sii wadan karaan hawlahooda caadiga ah (kindergarten, school iwm).
    • Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu si joogto ah u cabbo xoogaa yar oo dareere ah. Haddii dhallaanku qabo RSV, usii xoogaa yar oo dareere ah (caanaha naaska, caanaha la qaso ama biyo) si joogto ah.
    • Fiiri xaashideena xaqiiqda Qandhada carruurta wixii talo ah ee ku saabsan sida loo maareeyo qandhada ilmahaaga haddii ay liitaan.  Fever in children for advice on managing your child's fever if it is causing them discomfort. 

    Goorta loo baahan yahay in dhakhtar la arko (When to see a doctor)

    U gee ilmahaaga GP-ga haddii:

    • ay leeyihiin heerkul sare (qandho) oo aysan kuula muuqan mid xaalkoodu wanaagsan yahay
    • haddii sankooda uu ka buuxo xab, oo ay ku adag tahay inay wax cunaan   
    • haddii qufaca uu kasii daro, ama ilmahaagu bilaabo inuu xab qufaco
    • haddii ilmahaagu uu fuuqbaxay
    • haddii uu dhallaan yahay oo uu diidayo in naaska ama masaasada la nuujiyo ayna ooyin badan yihiin.

    Wac ambalaas ama u tag qaybta gargaarka degdega ah ee isbitaalka kuugu dhow haddii ilmahaaga midabkoodu isu beddelo buluug, ay dhib ku tahay neefsashada, ama uu si dhakhso ah u neefsanayo.

    Mark uu arko ilmahaaga, dhakhtarku wuxuu codsan karaa inuu dib u eego ilmahaaga mar kale maalinta ku xigta. Si dhakhso ah ugu celi haddii ilmahaagu:

    • ay kusii adkaanayso neefsashada ama uu si boobsiis ah u neefsanayo
    • uu kuula muuqdo mid xaaladiisu ay kasii dareyso
    • haddii uusan qaadaneyn ugu yaraan kala badh dareeraha ay caadiyan qaataan
    • haddii uu qabo qufac sii xumaanaya.

    Sidee ayuu RSV u faafaa? (How is RSV spread?)

    Carruurta qabta RSV caadi ahaan waa ay faafin karaan (waxay awoodaan inay fayraska u gudbiyaan dadka kale) siddeed maalmood loo ka bilaabaneysa calaamadaha markay soo biloowdeen. RSV aad buu u faafaa wuxuuna ku noolaan karaa sagxadaha dhowr saacadood, iyo gacmaha aan la dhaqin 30 ilaa 60 daqiiqo. RSV wuxuu si dhaqsi ah oo fudud ugu faafaa carruurta markay qufacaan ayna hindhisaan, iyo markay wadaagaan koobabka iyo alaabaha kale ee taabtay afka, sanka ama indhaha ilmaha cudurka qaba. 

    Way adkaan kartaa in la joojiyo faafitaanka RSV; si kastaba ha ahaatee, ku dhaqanka nadaafadda wanaagsan waxay kaa caawin doontaa inaad iska ilaaliso u gudbinta fayraska dadka kale.

    • Ha u oggolaan carruurta inay wadaagaan cabitaannada, qalabka wax lagu gooyo ama alaabta carruurtu ku ciyaarto (mar kasta oo ay suurtogal tahay) oo hubi in alaabtan si fiican loogu nadiifiyey saabuun iyo biyo inta u dhaxaysa isticmaalka.
    • Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu ku qufaco oo ku hindhiso tiishuu, ka dibna uu iska tuuro tiishuuga.
    • Aad bay muhiim u tahay in adiga iyo/ama ilmahaaga aad gacmaha dhaqataan marka aad sanka diif ka siimisaan si looga hortago faafitaanka jeermiska.
    • Dhaq gacmahaaga ka dib markaad is taabataan qof leh calaamadaha hargabka.

    Haddii ilmahaagu qabo RSV (ama calaamado hargab u eg), waa muhiim inaad ka fogayso dhallaanka hadda dhashay ama dadka difaaca jirkoodu hooseeyo (oo difaaca jidhkoodu daciif yahay).

    Qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay inaad xasuusnaato (Key points to remember)

    • Fayraska isku dhafan ee neefsashada (Respiratory syncytial virus - RSV) waa sababta ugu badan ee keenta caabuqyada sambabaha iyo neefsashada ee ku dhaca carruurta.
    • RSV waa waxa caadiyan dhaliya burunkiitada iyo oof-wareenka carruurta da'doodu ka yar tahay hal sano, waxaana laga yaabaa inay ku kiciyaan calaamadaha carruurta qaba neefta.
    • Ilmahaagu wuxuu aadi karaa dugsiga haddii ay dareemayaan caadi oo aysan fayraska ku faafin karin qufac ama hindhiso.
    • RSV aad buu u faafaa, marka in lagu dadaalo nadaafada waa muhiim si looga hortago faafitaanka fayraska.
    • Isku day in aad ilmaha cudurka qaba ka fogeysid ilmaha dhallaanka ah iyo dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciif yahay.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Su'aalaha badanaa dhakhaatiirtayada la waydiiyo (Common questions our doctors are asked)

    Waa maxay farqiga u dhexeeya hargab (cold) iyo RSV?   

    RSV waa mid ka mid ah fayrasyada ​​badan ee keena hargabka caadiga ah, wayna adkaan kartaa in la sheego fayraska ilmahaagu qabo. Runtii wax micno ah ma sameynayso haddii aan ogaano fayraska uu yahay, sababtoo ah daawadu waa isku mid - nasasho iyo dareere badan, iyo antibiyootik inaan la isticmaalin, sababtoo ah antibiyootiga kuma shaqeeyaan fayraska. Si kastaba ha ahaatee, RSV wuxuu carruurta qaarkood u horseedi karaa dhibaatooyin kale, oo ay ku jiraan burunkiito iyo oof-wareen. Waxay sidoo kale kaga sii dari kartaa dhibaatooyinka jira, sida neefta.

    Ma jiraa tallaal looga hortago RSV?

    Hadda ma jiro tallaal looga hortago RSV. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay ka shaqeynayaan horumarinta tallaalada iyo daaweynta fayraska ka hortagga si ay uga caawiyaan dhallanka carruurta yaryar inay difaacaan, iyo sidoo kale haweenka uurka leh, caabuqa RSV ee daran. Haddii ilmahaagu uu ku dhaco RSV mar labaad isla xilli sanadeedka, jirradoodu waxay u badan tahay inay ka khafiisanaato markii hore.   


    Waxaa soo saartay qaybta xakamaynta caabuqa ee Isbitaalka carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Dib loo eegay Ogosto 2023.

    Macluumaadkani waxa uu sugayaa dib u eegis joogta ah. Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee takhtar diiwaangashan.

    Macluumaadka Caafimaadka Carruurta waxaa taageera Ururka Royal Children's Hospital Foundation. Si aad wax ugu tabarucdo, booqo www.rchfoundation.org.au.

    Afeef

    Macluumaadkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero, maaha inay beddesho, wadahadalada lala yeelanayo dhakhtarkaaga ama xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha qoraalladan macluumaadka caafimaadka macaamilka waxay sameeyeen da'daal badan si ay u hubiyaan in macluumaadku yahay mid sax ah, oo kii u dambeeyay ah oo si fudud loo fahmi karo. Isbitaalka Royal Children's Hospital Melbourne ma aqbalayo mas'uuliyadda wixii khalad ah, macluumaadka loo arko marin-habaabin, ama guusha nidaam kasta oo daaweyn ah oo lagu faahfaahiyay qoraaladan. Macluumaadka ku jira qoraal-gacmeedyada si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa sidaa darteed waa inaad had iyo jeer hubisaa inaad tixraacayso nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraal-gacmeedka. Waajibku aduu ku saaran yahay, isticmaalaha, si aad u hubiso inaad soo dejisay nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraalka macluumaadka caafimaadka macaamilka.