Respiratory syncytial virus (Somali) – Fayraska isku dhafan ee neefsashada

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Fayraska ku dhaca unugyada laga neefsado (Respiratory syncytial virus - RSV) waa fayras ku dhaca sambabada iyo marinnada hawada.
    • RSV waa waxa ugu badan ee dhaliya caabuqyada caruurta uga dhaca neef-mareenka.
    • Calaamadaha caabuqa ee ka dhasha RSV inta badan waxaa ka mid ah diif, qufac, hinraag iyo qandho.
    • Kiisaska ugu badan ee caabuqa RSV waa kuwo iska sahlan waana laga soo kabtaa marka guriga lagu nasto oo dareere/biyo la cabo.
    • RSV si fudud ayuu u faafaa; bar ilmahaaga inay ku dadaalaan nadaafada.
    • Isku day inaad ilmahaaga ka fogayso dhallaanka dhawaan dhashay iyo dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay intay qabaan calaamadaha lagu yaqaan caabuqa.
    • Ilmahaagu waa inuu aadi karaa xanaanada ama iskuulka haddii ay caadi dareemayaan oo ay xaaladoodu soo roontahay.
    • Australia gudaheeda, hadda waxaa ka jira barnaamij tallaal oo RSV ah kaas oo lacag la'aan ah si dhallaanka looga ilaaliyo RSV.

    Waa maxay fayraska ku dhaca unugyada laga neefsado ee loo yaqaan (RSV)? (What is respiratory syncytial virus (RSV)?)

    Respiratory syncytial (sin-city-al) virus (RSV) waa fayras ku dhaca sanka, cunaha iyo sambabada. Waa waxa ugu badan ee dhaliya caabuqyada caruurta ee ku dhaca neef-mareenka (marinka neefsiga).

    Qof kasta ayaa qaadi kara RSV-ma aha carruurta oo keliya. Waa fayras aad u faafa. Carruurta badankood waa uu ku soo dhacay RSV mar ay noqotaba intay ay gaareen laba sano, waxaana suurtogal ah inuu RSV ku dhaco hal mar ka badan.

    Waa maxay faraqa u dhexeeya hargab iyo RSV? (What is the difference between a cold and RSV?)

    RSV waa mid ka mid ah fayrasyo badan oo keeni kara caabuqyada neef-mareenka, oo uu ku jiro hargabka caadiga ah. Maaha jirro gooni ka ah oo ka baxsan.

    Inta badan, RSV wuxuu keenaa hargab iska fudud oo leh calaamado sida sanka oo diif biyo ah ka socdaan iyo qufac lagaga roonaado hal ama laba toddobaad gudahood. Si kastaba ha ahaatee, fayrasku waxa uu u horseedi karaa xaalado aad halis u ah carruurta qaarkood, sida burunkiito iyo oof-wareen (bronchiolitis and pneumonia) - gaar ahaan carruurta da'doodu ka yar tahay hal sano iyo kuwa leh xaaladaha khatarta ah sida dhicisnimada iyo cudurrada sambabada ee joogtada ah. Waxa kale oo ay sababi kartaa inay kasii darto dhibaatooyinkii horay u jiray sida neefta.

    Calaamadaha iyo astaamaha lagu garto RSV (Signs and symptoms of RSV)

    Carruurta intooda badan, RSV wuxuu caadi ahaan u keenaa caabuq iska sahlan, oo leh calaamado sii jiraya inta u dhaxaysa hal ilaa laba toddobaad.

    Calaamadaha badanaa lagu yaqaan caabuqa RSV waa:

    • diif biyo ah
    • qufac
    • Shanqar feeraha ah
    • neefsashada oo dhib ku noqota
    • qandho.

    Calaamadaha lagu yaqaan caabuqa RSV ee ilmahaagu lahaan doono waxaa kaliya oo laga yaabaa inay soo if baxaan dhawr maalmood ka dib marka uu fayraska ku dhaco.

    Inta badan kiisaska caabuqa RSV waxay isaga roonaadaan guriga oo nasiino lagu qaato iyo cabitaano la cabo. Si kastaba ha ahaatee, RSV waxay keeni kartaa dhibaatooyin daran oo saamayn kara quudashada iyo neefsiga ilmahaaga. Waa muhiim inaad la socoto calaamadaha ilmahaaga.

    RSV ma la kala qaadaa? (Is RSV contagious?)

    RSV aad buu u faafaa. Taas macneheedu waxa weeye wuxuu si sahlan ugu faafi karaa qof ilaa qof kale. Haddii ilmahaagu qabo caabuqa RSV, waxay u badan tahay inay fayraska u gudbiyaan dadka kale ilaa siddeed maalmood ka dib marka ay astaamaha jiradooda soo ifbaxaan. Waxay xitaa faafin karaan RSV hal ama laba maalmood ka hor intaanay soo ifbixin calaamadaha jirradooda.

    RSV waxaa la isugu gudbiyaa faniinka candhuufta. Marka dadka cudurka qaba ay hadlaan, qufacaan, ama hindhisaan, waxay ku sii daayaan dhibco hawada ama dusha. Fayrasku wuxuu ku noolaan karaa sagxadaha alaabaha saacado badan iyo sidoo kale gacmaha oo aan la dhaqin ilaa 60 daqiiqo.

    Sida loo joojin karo faafitaanka RSV (Stopping the spread of RSV)

    Way adag tahay in laga hortago in ilmahaagu faafiyo RSV - gaar ahaan haddii ay yar yihiin. In la baro inay ku da'daalaan nadaafadda wanaagsan waxay gacan ka geysan doontaa in la xadido faafitaanka uu ku faafayo dadka kale.

    Waa kuwan siyaabaha ugu wanaagsan ee looga hortagi karo in RSV uu faafo:

    • Ha u oggolaan in ilmahaagu la wadaago cabitaannada, qalabka wax lagu gooyo ama alaabta carruurtu ku ciyaarto qof kale (haddii ay suurtogal tahay) marka uu buko ama la nadiifiyey alaabtaas, sidoo kalena si sagxadaha, marka uu qof isticmaalo.
    • Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu ku qufaco uuna ku hindhiso tiishuu, ka dibna tuur tiishuuga.
    • Bar ilmahaaga inay gacmahooda dhaqaan markasta, oo ay ku jirto marka ay sankooda diif ka tiraan.
    • Ka fogee ilmahaaga carruurta dhowaan dhalatay yar ama dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay marka uu buko.

    Haddii ilmahaagu ka weyn yahay laba sano, af-saabka (face masks) wajiga iyo kala fogaanshaha ayaa gacan ka geysan kara in la joojiyo fiditaanka RSV. Af-saabka ayaa khatar ku ah carruurta ka yar laba sano.

    Sida guriga loogu daryeelo RSV (How to care for RSV at home)

    • Guriga ku hay ilmahaaga haddii ay xanuunsan yihiin ama hadday aad u qufacayaan oo ay hindhisayaan.
    • Haddii ilmahaagu roonyahay, oo ay qufacayaan hindhisadooduna aad u yartahay, oo ay wax cunayaan ayna cabbayaan, waxay sii wadan karaan hawlahooda caadiga ah sida inay aadaan xanaanada carruurta iyo iskuulka.
    • Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu si joogto ah u cabbo waxyaalla yaryar oo dareere ah. Haddii ilmahaagu ka yar yahay hal sano, si joogto ah u sii wax-wax yar oo dareere ah sida caanaha naaska, caanaha la qaso ama biyo.
    • Isku day inaad xaqiijiso in ilmahaagu helo nasasho badan.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:

    • Haddii ilmahaaga midabkooda uu isku badelo buluug, ama ay dhibeyso neefsashada, ama uu hakad yar oo kala dhexgalo neefsashadooda (apnoeas) ama ay aad u neefsanayaan ama ay si boobsiis ah u neefsanayaan.

    Aad isbitaalka haddii:

    • ay ilmahaaga ku adagtahay inay neefsadaan ama ay boobsiis u neefsanayaan.
    • ilmahaagu uu cunayo wax ka yar kala badh intii caadiga ah.
    • ilmahaagu ka yar yahay saddex bilood una u muuqdo mid tabar yar ama uusan kuula ekayn qof caafimaad qaba.

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • ilmahaagu uu ka yar yahay saddex bilood uuna leeyahay qandho ka sarreysa 38°C.
    • ilmahaagu leeyahay qandho, oo uusan kuula ekayn inuu caafimaad qabo.
    • ilmahaagu uu ka yar yahay hal sano uusana si fiican wax u quudaneyn.
    • ilmahaagu leeyahay qufac ka sii daraya ama saamaynaya neefsashadooda.
    • ilmahaagu leeyahay xaalad caafimaad taas oo ka dhigaysa inay halis sare ugu jiraan jirro halis ah oo ka imanaysa RSV sida cudur muddo dheer sambabada ka hayay ama cudur wadnaha ah oo ay ku dhasheen.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • ay leeyihiin calaamadaha caadiga ah ee caabuqa RSV sida sanka oo diif biyo ah ay ka socdaan, qufac ama shanqadh feeraha ah.

    Tallaalka RSV ee haweenka uurka leh iyo tallaalka RSV ee dhallaanka (RSV vaccine for pregnant women and RSV immunisation for infants)

    Horraantii 2025, dawladda Australia waxay bilawday barnaamij tallaal oo lacag la'aan ah si ilmaha looga ilaaliyo inuu RSV ku dhaco. 'Barnaamijka RSV looga ilaalinayo Hooyada iyo Dhallaanka ' waxaa ku jira tallaalada haweenka uurka leh iyo dhallaanka ee halista sare ugu jira RSV.

    Tallaalka haweenka uurka leh (Vaccine for pregnant women)

    Sida ku qeexan Barnaamijka Talaalka Qaranka, haweenka uurka leh waxay hadda heli karaan tallaalka RSV ee hooyada 'Abrysvo®' iyadoo aan wax lacag ah laga qaadayn. Tallaalka waxaa lagula talinayaa haweenka laga bilaabo marka uu uurkoodu gaaro 28 toddobaad si ay uga ilaaliyaan dhallaankooda RSV. Waxaa si badbaado leh loo siin karaa isla marka la qaadanayo tallaalada hooyada ee bilaashka ah ee hargabka iyo qufaca xiiqdheerta.

    Cilmi-baaris la sameeyay ayaa waxay muujinaysaa in tallaalada RSV ee xilliga uurka la qaato ay ilaa 70% hoos u dhigaan halista cudur daran oo RSV ah ee ku dhici kara dhallaanka da'doodu ka yar tahay 6 bilood.

    Tallaalada dhallaanka (Immunisation for infants)

    Victoria gudaheeda laga bilaabo 1-da Abriil ilaa 30ka Sebtembar 2025, tallaalka RSV monoclonal antibody ee loo yaqaan 'Beyfortus™' ayaa la bixin doonaa si looga ilaaliyo dhallaanka iyo carruurta da'doodu ka yar tahay siddeed bilood ee halista ugu ah infekshan daran oo RSV ah, sida burunkiitada. Daawadu waxay ku dhegaysaa fayraska RSV waxayna ka hortageysaa inuu galo unugyada jidhka. Waxa loo bixiyaa qaab cirbad ahaan ah.

    Inta badan dhallaanka waxa kaliya oo ay u baahan yihiin waa tallaalka hooyada ama tallaalka difaacyada jirka ee monoclonal. Dhallaanka khatarta sare ugu jira RSV-ga daran ayaa sidoo kale la siin karaa qiyaasta Beyfortus™ xilligooda koowaad ama labaad ee RSV.

    Akhrmacluumaadka barnaamijka ama booqo Xarunta Waxbarashada Tallaalka Melbourne (Melbourne Vaccine Education Centre – MVEC) website-kood si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan bal in ilmahaagu u baahan yahay tallaalka RSV iyo in kale. Haddii aad su'aalo qabto, sidoo kale waa fikrad wanaagsan inaad la hadasho dhakhtarkaaga.

    Su'aalaha badanaa la iska qeydiiyo RSV (Common questions about RSV)

    Muddo intee ah ayuu RSV soconayaa? (How long does RSV last?)

    Inta badan, infekshanka RSV sida hargabka caadiga ah wuxuu heynayaa hal ilaa laba toddobaad. Ilmahaaga waxa laga yaabaa inay ku qaadato wakhti dheer inuu ka soo kabsado haddii ay qabaan xannuuno kale sida neefta.

    Dadka waaweyn ma qaadi karaan RSV? (Can adults get RSV?)

    Dadka waaweyn waa uu ku dhici kara caabuqa RSV, sida uu ugu dhaco carruurtaba. Inta badan dadka qaangaarka ah ee uu ku dhaco caabuqa RSV waxaa ku dhaca hargab leh astaamo ay ka mid yihiin diif, qufac, hiinraag, neefsashada oo dhibta, ama qandho. Dadka ka weyn 65 sano waxay halis sare ugu jiraan inay aad ula xanuunsadaan RSV.

    Ilmahaygu wuxuu qabaa hargab; miyaan u baahanahay inaan ka baaro RSV? (My child has a cold; do I need to test them for RSV?)

    Haddii ilmahaagu qabo hargab, way adkaan kartaa in la sheego fayraska ay qabaan nuuciisa. Waxaa jira baaritaanno laga heli karo farmashiyeyaasha kuwaas oo lagu baaro RSV; dhakhtarku waxa kale oo uu samayn karaa in sanka ama cunaha uu ku sameeyo baaritaanka loo yaqaan PCR. Si kastaba ha ahaatee, wax farqi ah ma sameynayso haddii ilmahaagu qabo RSV ama fayras nuuc kale ah sababtoo ah daawaynta fayrasyada hargabka camal ah oo dhan waa isku mid - nasasho iyo dareere/biyo badan oo la cabo ayaa u daawo ah. Antibiyootigu daawo uma aha fayrasyada.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Waxaa soo saartay waaxda daawaynta guud ee carruurta ee Royal Children's General Medicine, iyadoo talo laga helayo waaxda Gurmadka. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib u eegis lagu sameeyay bishii Abriil 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.