Su'aalaha badana la iska weydiiyo finanka/maqaarka oo casaada
Maxay tahay sababta ay finanku ugu badan yihiin caruurta?
Finanku waxay ku badan yihiin carruurta sababtoo ah hab-dhiska difaaca jirkooda ayaa ah mid wali soo kobcayo. Tani waxay ka dhigaysaa inay u badan tahay inay qaadaan fayrasyada, kuwaas oo ah waxyaabaha ugu badan ee sababa finanka/maqaarka. Sidoo
kale caruurta maqaarkood si sahlan ayey wax u dhisi karaan, marka waxaa laga yaabaa inay finan ka qaadaan waxyaabo uu maqaarkoodu dhibsanayo oo aan dadka kale saameynayn.
Sidee bay finanka maqaarku u faafaan (viral rashes)?
Finanka maqaarka ku faafa (viral rashes) waxaa sababa fayras, dhamaan fayrasyaduna si kala duwan ayay u faafaan. Haddii uu ilmahaagu leeyahay finanka maqaarka ku faafa (viral rashes), qaabka ugu fiican oo looga hortagi karo inuu ku faafo dadka
kale ayaa ah inaad ku da'daasho nadaafada. Hubi inaad si joogto ah gacmahaaga u dhaqdo - waliba markaad taabato dareerayaasha jidhka ee ilmahaaga sida candhuufta ka dib. Sidoo kale waa inaysan la wadaagin dadka kale alaabaha wax lagu cuno
oo dhan, koobabka, shukumaanada, cadayga iyo dharka ilaa inta uu fayrasku ka baxayo.
Waa maxay furuuruca kulaylka?
Waxa loo yaqaan (heat rush) waa xaalad ku timaada maqaarka marka uu dhididka ku go'doomo maqaarka. Taasina badanaa waxay dhacdaa marka uu jirku dhidido si ka badan sidii caadiga ahayd, sida xilliyada kuleelaha. Finanka ka dhasha kuleylka (heat
rash) maaha wax dhibaato leh, laakiin waxay noqon karaan kuwo cuncun leh oo uu qofku dhibsado. Inta badan, finanka ka dhasha kuleylka iskood ayay isaga reystaan. Haddii uu ilmahaagu qabo finanka ka dhasha kuleylka (heat rash) uuna u muuqdo
mid aysan xaaladiisu fiicnayn, kala hadal farmashiistahaaga wixii daawo ah ee la heli karo.
Ma u baahanahay inaan ilmahayga u geeyo dhakhtarka mar kasta oo ay finan/maqaar cas yeeshaan?
Uma baahnid inaad ilmahaaga u geyso dhakhtarka mar kasta oo uu finan/maqaar cas yeesho. Raac talada kor ku qoran ee ku saabsan goorta loo baahan yahay inaad raadiso daryeel.
Ilmahaygu finan baa ka soo baxay aniguna uur baan leeyahay. Miyeey tahay inaan taas ka welwelo?
Qaar ka mid ah caabuqyada faafa waxay sababi karaan dhibaatooyin xilliyada hore ee uurka. Haddii aad uur leedahay, ilmahaaguna yeesho finan/maqaar cas, oo aad ka walwalsan tahay, waa inaad u tagtaa dhakhtarkaaga ama dhakhtarka dhalmada (obstetrician)
ee deegaankaaga si aad talo uga hesho.
Ilmahaygu weli ma aadi karaa daryeelka carruurta ama dugsiga haddii uu qabo finan/maqaar cas?
Inta badan, ilmahaagu wali wuu aadi karaa daryeelka carruurta ama dugsiga haddii uu leeyahay finan aan badneyn oo midabkoodu isbadalayo marka la tuujiyo (balanches), oo ay sidooda kalena u muuqdaan kuwo ay xaaladoodu fiican tahay. Haddii uu ilmahaagu
leeyahay finan/maqaar cas taasna ay u dheertahay qandho (heerkulka 38°C ama ka badan) ama calaamado kale oo xanuun, waa inay joogaan guriga ilaa inta ay ka reysanayaan.