Hand, foot and mouth disease (Somali) – Cudurka gacanta, cagaha iyo afka

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Cudurka gacanta, cagaha iyo afka waa caabuq ka dhasha fayras.
    • Fayraskaas wuxuu keenaa finan/ama meelo sidii dhibco camal u gaduudanaya ama nabaro u eg sidii meel ay biyo galeen oo gacmaha, cagaha iyo barida kasoo baxaya, oo ay u dheer yihiin boogo afka kasoo baxa.
    • Boogaha afka ka soo baxa waxay noqon karaan kuwo ilmahaaga ay ku dareemaan xanuun marka ay wax cunayaan ama cabayaan.
    • Inta badan, infakshankaasi wuxuu jirka kusii jirayaa hal isbuuc.
    • Haddii uu ilmahaagu qabo cudurka gacanta, cagaha iyo afka, waxaad ku daryeeli kartaa guriga adiga oo xaqiijinaya inay cabitaan badan cabaan sidoo kalena si joogto ah usiinaya dawo xanuun baabi'iye ah.
    • Si sahlan ayuu dadka ugu faafaa fayraska, sidaa darteed in nadaafada lagu dadaalo, sida gacmaha oo si joogto ah loo dhaqdo, ayaa u muhiim ah adiga iyo ilmahaaga.

    Waa maxay cudurka gacanta, cagaha iyo afka? (What is hand, foot and mouth disease?)

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka waa caabuq fayras ah oo ka dhasha fayraska loo yaqaan Coxsackie. Inta badan carruurta xanuunkan qaba waxay yeeshaan finan/ama meelo sidii dhibco camal u gaduudanaya ama nabaro u eg sidii meel ay biyo galeen oo gacmaha iyo lugaha ka soo baxaya, oo ay u sii dheer yihiin boogo afka kasoo baxa.

    Ma jiro talaal looga hortagi karo cudurka gacanta, cagaha iyo afka.

    Inkasta oo cudurka gacanta, cagaha iyo afka uu aad ugu badan yahay carruurta aan wali iskuulka gaarin, hadana qof kasta ayaa la qaadsiin karaa cudurka. Waa suurtogal in fayrasku uu qofka ku dhaco hal mar ka badan, laakiin xanuunka ayaa sidii hore kasii yaraanaya.

    Calaamadaha iyo astaamaha lagu garto cudurka gacanta, cagaha iyo afka (Signs and symptoms of hand, foot and mouth disease)

    Calaamadaha badanaa lagu yaqaan cudurka gacanta, cagaha iyo afka waa:

    • finan/ama meelo sidii dhibco camal u gaduudanaya ama nabaro u eg sidii meel ay biyo galeen oo gacmaha, cagaha iyo barida kasoo baxaya
    • boogo afka hareerihiisa iyo afka gudihiisa kasoo baxa
    • daal
    • qandho.

    Pale-skin hand with red spots and blisters from hand, foot and mouth disease. Hand is in front of blue background.

    Boogaha afka kasoo baxa ayaa noqon kara kuwo xanuun badan - waliba marka ilmahaagu isku dayayo inuu wax cuno iyo inuu wax cabbo. Carruur badan ayaa badanaa u muuqda kuwo iska xanaaqsan oo kale marka ay xanuunsan yihiin sidoo kalena si fiican uma seexdaan.

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka wuxuu caadiyan ilmaha hayaa todobo ilaa 10 maalmood.

    Mararka qaar, cudurka gacanta, cagta iyo afka wuxuu keeni karaa canbaar inay timaado.

    Marar dhif ahna, cudurku wuxuu saameyn karaa maskaxda ama wadnaha. Hadii ay taasi dhacdo, ilmahaagu wuxuu u muuqan doonaa mid xanuunsanaya, oo inta badan lulmoonaya sidoo kalena midabkiisu cadaanayo sidii qof ay dhiig la'aan heyso oo kale. Waxaa laga yaabaa inay caloosha xanuunto iyo neefta oo ku dhegta, ama marar dhif ahna, suuxaan. Haddii uu ilmahaagu yeesho calaamadahan waa in la tusaa dhakhtar.

    Sida cudurka gacanta, cagaha iyo afka loogu dareyeeli karo guriga (How to care for hand, foot and mouth at home)

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka waa xanuun iska sahlan oo marar dhif ah keena dhibaatooyin. Antibiyootig ma caawinayo, maadaama uusan dawo u ahayn fayraska.

    Inta badan, cudurka gacanta, cagaha iyo afka ayaa iskii meesha uga baxa. Si aad ilmahaaga ugu daryeesho guriga, waxaad sameyn kartaa:

    • inaad ku dhiiri geliso inay cabbaan kabashooyin badan oo biyo ah ama dareere jirka qoyaan siinaya sida electrolytes si aysan u fuuqbixin. Waxaad isku dayi kartaa inaad si joogto ah u siiso jalaato baraf ah haddii aanay rabin inay cabbaan casiir ama cabitaanka afka laga qaato.
    • boogaha u muuqda sidii meelo ay biyo galeen oo kale iskood ha u qalalaan – ha dilaacin hana tuujin
    • sii daawo xanuun jabiye ah, sida paracetamol ama ibuprofen. Ha siinin ilmahaaga asbiriin.

    Haddii uu ilmahaagu xanuunsan yahay oo uu qandho iyo finan aan maqaarka midabkiisa badalayn (blanch) markaad riixdo leeyahay, taasi waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa caabuqa meningococcal waxayna u baahan tahay in la helo daryeel caafimaad oo degdeg ah.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:

    • Ilmahaagu uu qandheysan yahay (heerkulka 38°C ama ka badan) sidoo kalena leeyahay finan aan maqaarka midabkiisa badalayn (blanch) markaad riixdo.

    Aad isbitaalka haddii:

    • Ilmahaagu uu fuuqbaxay oo uusan wax cabayn inkasta xataa markii aad siisay dawo xanuunka ka jabisa.
    • Ilmahaagu uu u muuqdo mid ay xaaladiisu aad u liidato uuna leeyahay calaamadaha sida lulmo/hurdo, maqaarka oo cadaada, calool xanuun, neefta oo ku dhegta ama suuxdin.

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • Ilmahaagu uusan cabayn cabitaan ku filan, laakiin aadan hubin inay fuuq baxeen.
    • finanka gaduudan ee ka soo baxay ilmahaaga ay ka weyn yihiin 3mm ama ay malax ka socoto (qoyaan jaalle ah).

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • ay hayso qandho iska sahlan ayna sidooda kale u muuqdaan inay fiican yihiin.
    • ay cabayaan cabitaan ku filan.

    Su'aalaha badanaa la iska weydiiyo cudurka gacanta, cagaha iyo afka (Common questions about hand, foot and mouth disease)

    Sidee ayuu u faafaa cudurka gacanta, cagta iyo afka? (How does hand, foot and mouth disease spread?)

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka ayaa si sahlan loo kala qaadi karaa waxaana lagu kala qaadi karaa biyaha kujira boogaha jirka, candhuufta iyo saxarada ilaa hal bil ka dib marka qofka cudurka qaba uu fiicnaado. Si loo joojiyo faafitaanka fayraska, raac tallaabooyinka nadaafadda oo lagu da'daalo sida gacmo-dhaqashada joogtada ah sidoo kalena ha wadaagina alaabaha ay ka midka yihiin koobabka ama qaadooyinka/fargeetooyinka/midiyaha.

    Ma jiraa farqi u dhexeeya sida loo daryeelayo dhallaanka aadka u yaryar iyo carruurta waaweyn ee qaba cudurka gacanta, cagaha iyo afka? (Is there a difference in caring for hand, foot and mouth in babies compared to older children?)

    Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya daryeelista carruurta da'doodu kala duwan tahay ee qaba cudurka gacanta, cagaha iyo afka waa sida aad u siinayso cabitaanka. Haddii uu ilmahaagu yar yahay uuna diido inuu cabo cabitaan ku filan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad cabitaanka ku siiso sirinji. Caruurta waaweyn waxa laga yaabaa inay u sahlanaato inay istaroow (straw) wax ku cabaan ama ay jalaato baraf ah cunaan.

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka ee dadka ku dhaca ma wuxuu la mid yahay cudurka cagaha iyo afka ee xoolaha ku dhaca? (Is hand, foot and mouth disease in people the same as foot and mouth disease found in animals?)

    Cudurka cagaha iyo afka ee ku dhaca xayawaanku waa cudur gebi ahaanba ka duwan cudurka gacanta, cagaha iyo afka ee aadanaha ku dhaca.

    Cudurka gacmaha, cagaha iyo afka maku dhici karaa carruurta in ka badan hal mar? (Can children get hand, foot and mouth disease more than once?)

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka waa uu ku dhici karaa ilmahaaga in ka badan hal mar. Taasna waxaa u sabab ah waxaa jira noocyo kala duwan oo ah fayrasyada cudurka gacanta, cagaha iyo afka, mid walbana wuxuu keeni karaa caabuq cusub.

    Cudurka gacmaha, cagaha iyo afka maku dhici karaa dadka qaangaarka ah? (Can adults get hand, foot and mouth disease?)

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka waa uu ku dhici karaa dadka qaangaarka ah, laakiin badanaa wuu uga sahlan yahay carruurta.

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka khatar ma ku noqon karaa haweenka uurka leh? (Is hand, foot and mouth disease dangerous for pregnant women?)

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka laguma yaqaan inuu halis ku yahay haweenka uurka leh ama ilmaha uurka ku jira.

    Cudurka gacanta, cagta muddo intee ah ayuu sii ahaan karaa mid la kala qaadi karo? (How long is hand, foot and mouth disease contagious for?)

    Cudurka gacanta, cagaha iyo afka waxa la kala qaadi karaa ilaa hal bil ka dib marka ugu horeysa ee ay calaamadaha cudurka soo ifbaxaan, laakiin wuxuu si fudud ugu faafaa isbuuca ugu horreeya ee caabuqa.

    Ilmahaygu ma aadi karaa xannaanada carruurta ama iskuulka asagoo qaba cudurka gacanta, lugta iyo afka? (Can my child go to child care or school with hand, foot and mouth?)

    Ilmahaagu waa inuusan aadin xanaanada carruurta ama iskuulka isagoo qaba cudurka gacanta, cagaha iyo afka ilaa inta ay boogaha biyaha galeen ee uu leeyahay ka reysanayaan. Haddii kale, waxay cudurka ku faafin karaan carruurta kale.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Waxaa soo saartay Waaxda Gurmadka Degdega ah ee Isbitaalka Carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay bishii Maajo (May) 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.