Cough Somali – Qufac

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Qufucu waa hab uu jirku ku nadiifinayo sambabada iyo marinada hawada.
    • Qufucu waa dhibaato aad ugu badan carruurta. Badanaa waxaa sababa hargabka caadiga ah ama infekshan fayras ah.
    • Waa wax iska caadi ah in qufac qalalan uu sii socdo dhowr isbuuc hargabka ka dib.
    • Qufaca badankiis uma baahna daaweyn, wuuna iska reysan iyada oo aan wax antibiyootik ah la qaadan.
    • Ma jiraan wax caddayn ah oo cilmi ku salaysan oo muujinaysa in dawooyinka qufaca ay carruurta caawiyaan, lagumana talinayo in la isticmaalo.
    • Malabku ayaa laga yaabaa inuu u fiican yahay qufaca, laakiin waa inaad siisaa oo keliya carruurta da'doodu ay ka weyn tahay 12 bilood.
    • Waxaa jirta in marar dhif ah, uu qufucu noqon karo calaamad muujinaysa xanuun halis ah.

    Waa maxay qufac? (What is a cough?)

    Qufuca waa fal-celin jirka ka caawisa inuu nadiifiyo sambabada iyo marinnada hawada. Waa wax inta badan ku dhaca carruurta, badanaana waxaa sababa infekshan ku dhaca marinka neef-mareenka, sida hargabka caadiga ah.

    Iyadoo la eegayo codkooda, waxaa jira laba nooc oo aad loo yaqaan oo qufac ah: midka qoyaanka wata (qoyan) iyo midka aan qoyaanka lahayn (qalalan).

    Qufac leh dheecaan (qoyan): Waa qufac laga dareemayo dhawaaq ka imanaya laabta, oo u eg mid ay ku jirto xab ama dheecaan. Haddii ilmahaagu uu leeyahay qufac qoyan oo maalin kasta ah kaas oo soconaya in ka badan 4 asbuuc oo aanu ka soo ladnaanayn, waa inaad la hadashaa dhakhtarkooda.

    Qufac aan xab lahayn (oo qalalan): Waa qufac aan u dhawaaqayn sidii inuu xab ama dheecaan kujiro laabta. Inta badan waxa la dareemaa xanxanto ama cuncun.

    Mararka qaar, carruurtu waxay yeelan karaan qufac qalalan oo soconaya isbuucyo badan caabuqa fayraska ah markuu ku dhaco ka dib – tan waxaa loo yaqaannaa qufaca ka dhasha fayraska, dawooyinka antibiyootikaduna badanaa waxba ma tarto.

    Mararka qaarna, infekshan bakteeriya ah oo ku dhacda cunaha ama laabta u keeni karta qufac. Dhakhtarkaaga ayaa u qori doona ilmahaaga dawooyinka antibiyootikada si loo daweeyo caabuqa haddii ay taas dhacdo.

    Qufaca muddo kooban soconaya (Short-term cough)

    • Wuxuu socdaa wax ka yar afar isbuuc.
    • Badanaa waxaa sababa fayras.
    • Waxaa sidoo kale sababi karta neefta.

    Qufaca mudada dheer soconaya (Long-term cough)

    • Badanaa waxaa loo yaqaan qufac joogto ah ama muddo badan socday.
    • Wuxuu socdaa in ka badan afar isbuuc.
    • Waxaa sababi kara xaalado kala duwan, sida qufaca yimaada fayraska ka dib, xanuunka neefta, xasaasiyad sanboor ah baktiiriya muddo jirtay oo burunkiito ah (protracted bacterial bronchitis - PBB) ama san suncun iyo waxyaabo kaloo badan.

    Sida aad qufaca loogu daryeelo guriga (How to care for a cough at home)

    Haddii ilmuhu uu sidiisa kale u caafimaad qabo, waxay u badan tahay in qufucu uusan ahayn calaamad muujinaysa xaalad halis ah.

    • Xaqiiji in ilmahaagu ay helaan nasniin ku filan ayna cabaan cabitaano badan marka uu qufacayo.
    • Malabku wuxuu sababi karaa in qufacu uusan noqon mid aad u daran sidoo kalena uusan muddo badan sii jirin. Si ay u noqoto xal ku-meel-gaar ah, haddii ilmahaagu ka weyn yahay 12 bilood, waxaad siin kartaa hal ilaa laba qaado oo yar oo malab ah 30 daqiiqo ka hor inta aanu seexan. Ha siin malab carruurta ay da'doodu ka yar tahay 12 bilood, maadaama ay jiri karto khatar la xiriirta xaalad naadir ah balse halis ah oo loo yaqaan 'botulism'.
    • Qiiqa sigaarka ama sigaarka elektaroonigga ah (vaping-ka) ayaa kaga sii dari doona qufaca, sidaa darteed ka fogee ilmahaaga qaaca.
    • Ma jirto caddayn muujinaysa in dawooyinka qufacu ay caawin karaan carruurta qufacaysa. Dawooyinka qufacu waxay waxyeello u geysan karaan carruurta – gaar ahaan kuwa da'doodu ay ka yar tahay lix sano.
    • Daawooyinka antibiyootika ah waxba kama tarayaan qufaca uu fayraska keenay.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:

    • ilmahaaga uu dhibaato kala kulmo neefsashada.
    • ilmahaaga midabkooda uu isu badelo buluug ama sidii mid iftiimaya oo kale.
    • ilmahaagu uu lulmoonayo ama uusan miyirkoodu joogin.
    • ilmahaaga uu u muuqdo sidii qof wax ku saxanaya oo kale.

    Aad isbitaalka haddii:

    • ilmahaagu yahay mid inta badan raashinka ama wax kale ku saxan jiran inta uusan qufaca bilaaban.

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • daawada aad ilmahaaga siinayso ay u shaqeyn weydo sidii aad filaysay.
    • ilmahaaga uu kuula muuqdo mid xanuunsan ama ay tabar-dari heyso (tamartiisu hoosayso).
    • qufaca ilmahaaga haya uu socday muddo ka badan afar isbuuc.
    • qufaca ilmahaaga haya uusan ahayn mid uu kasoo roonaanayo, amaba uu kasii darayo, ama uu yahay mid sababaya in howl-maalmeedkooda iyo/ama hurdadooda ay ku adkaato.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • qufaca haya ma uusan ahayn mid ay la il daran yihiin.
    • Ma ay qabaan astaamo kale.

    Su'aalaha inta badan laiska weydiiyo qufaca (Common questions about cough)

    Qufaca haya ilmahayga waa mid uusan habeenkii la seexan karin. Maxaan sameyn karaa? (My child’s cough is keeping them awake at night. What can I do?)

    Haddii ilmahaagu ka weyn yahay 12 bilood, waxaad isku dayi kartaa inaad siiso malab si uu cunaha ugu fiicnaado. Ha siin malab carruurta ay da'doodu ka yar tahay 12 bilood.

    Qufaca ilmahayga haya ma noqon karaa neef? (Could my child’s cough be asthma?)

    Haddii ilmahaaguu uu habeenkii si joogto ah u qufacayo, waxaa laga yaabaa inuu qabo xanuunka neefta (asthma). Caadiyan, carruurta qabta xanuunka neefta (asthma) waxay sidoo kale yeeshaan calaamado kale, sida neef-tuur iyo dhibaato xagga neefsashada ah. Waxaa kaloo laga yaabaa inay qabaan xaalado kale sida xasaasiyad iyo cambaar (eczema). Haddii aad ka walwalsan tahay in ilmahaagu qabo xanuunka neefta, kala hadal dhakhtarkooda macluumaad intaas ka badan.

    Ma habboon tahay inaan ilmahayga u diro xanaanada carruurta ama iskuulka haddii uu qufacayo? (Is it okay to send my child to childcare or school if they have a cough?)

    Haddii ilmuhu uu xanuunsan yahay uuna qandheysan yahay, sanka biya ka socdaan, uuna qufacayo, waxaa fiican in guriga lagu hayo si loo yareeyo suurtagalnimada laga yaabo inuu dadka kale u gudbiyo cudurka. Si kastaba ha ahaatee, qufucu wuxuu sii socon karaa dhowr ka dib marka ilmuhu ka bogsado caabuqa, mana jirto sabab guriga loogu sii hayo oo looga reebo inuu tago xanaanada carruurta ama iskuulkaa mudaddaas oo dhan. Haddii qufaca ilmahaaga hayaa uu yahay mid uu sababay xanuunka neefta, way aadi karaan iskuulka; kaliya un hubi inay haystaan ​​qorshe wax looga qaban karo neefta, kaas oo uu bixiyay dhakhtarkoodu.

    Paracetamol ama ibuprofen-ku wax kama tarayo qufaca ilmahayga haya? (Will paracetamol or ibuprofen help my child’s cough?)

    Paracetamol iyo ibuprofen ma daaweeyaan qufaca. Dawooyinkaan inta badan waxay yareeyaan xanuunka iyo qandhada.

    ilmahayga waxaa la sheegay inuu caado u leeyahay qufac. Maxay taasi ka dhigan tahay? (My child has been diagnosed with habit cough. What does this mean?)

    Qufaca caadada noqday waa qufac joogto ah oo maalintii ah kaas oo aysan jirin xaalad caafimaad oo sababtay. Carruurta qabta qufaca caadada noqday (habit cough) ayaa badanaa dareema sidii inay cunahooda wax ku jiraan oo ay doonayaan inay iska saaraan, balse qufucu ma tirtiro dareenkaas. In kasta oo uu qufaca caadada noqday noqon karo mid la dhibsan karo, haddana wax dhib ah ma laha. Wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta da'doodu u dhaxayso 6 ilaa 12 sano.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Oo ay soo saartay waaxda Neefsashada ee Isbitaalka Carruurta ee Royal, iyadoo talo laga helay waaxaha Daawaynta Guud iyo Gurmadka Degdegga ah. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay bishii Maajo (May) 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.