Su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan badbaadada biyaha (Common questions about water safety)
Baafka lagu qubaysto ilmahayga maku ciyaari karaa mise dhibaato ayaa ka imaan karta? (Are bath toys safe for my child to play with?)
Baafafka lagu qubaysto ee godan ama leh daloolo ay biyuhu ka daataan waxaa ku dhalan kara caaryo (mould) muddo ka dib. Carruurta yaryar ee ruugta toy yaasha lagu ciyaaro ama cabba biyaha qubeyska waxa laga yaabaa inay ku jirradaan bakteeriyada ku dhex
dhalata baafka, markaa waxa fiican in ilmahaagu uu ku ciyaaro oo keliya baafafka lagu maydho ee aan daloolka lahayn. Haddii kale, biyaha ka daadi oo qalaji baafka lagu maydho inta aadan xareyn ka hor marka la isticmaalo.
Waa maxay sharciyada loogu talagalay carruurta xiran jaakadaha badbaadada ee doomaha saaran? (Are there legal requirements for fencing dams on private property?)
Gobolada kala duwan ee Australia waxay leeyihiin sharciyo kala duwan marka laga hadlayo jaadadka lagu dhex gashado ee biyaha. Victoria marka laga hadlayo, Sharciga Badbaadada Badda (The Marine Safety Act) wuxuu
dhigayaa in qof kasta oo ka yar 10 sano ay tahay inuu xidho jaakada badbaadada mar kasta inta uu saaran yahay doon. Hubi in jaakada badbaadada ee ilmahaaga ay si fiican ula egtahay, maadaama laga yaabo inay ka dhacdo haddii ay tahay jaakad ka weyn
oo loogu talagalay qof qaangaar ah. Safe Transport Victoria (Safarka Badbaadada leh ee Victoria) kuma talinayso in ilmaha
yar-yar ee dhawaan dhashay la saaaro doomaha madadaalada sababtoo ah jaakadaha badbaadada ayaa laga yaabaa inaanay waxba u tarayn.
Ma jiraan shuruudo sharci ah oo khuseeya dayr-xireennada guryaha gaarka loo leeyahay? (Are there legal requirements for fencing dams on private property?)
Biyo-xireennada iyo balliyada kalluunka ee Victoria sharci ahaan qasab maaha in wax lagu gooyo. Si kastaba ha ahaatee, milkiilayaasha beeraha ayay mas'uuliyad ka saaran tahay badbaadada biyo xireenadooda. Waa inay diiwaangeliyaan oo, xaaladaha qaarkood,
helaan shatiga ay ku shaqeeyaan. Haddii sharcigu u baahan yahay in wax lagu gooyo iyo haddii kaleba, in wax lagu gooyo biyaha ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo qarqidda. Haddii aadan wax ku goyn karin biyo-xireenkaaga, ka fakir inaad
ood ama silig ku wareejiso dayrkaaga aadna samaysato meelo lagu ciyaaro oo ka fog biyaha.
Badbaadiyayaal ayaa jooga barkadaada ku taal xaafadayada iyo kuwo hirka dadka ka badbaadiyo oo ku sugan xeebta aan ilmahayga geeeyo. Ma u baahanahay inaan wali barto gargaarka degdegga ah iyo CPR? (There are lifeguards at the local pool and surf lifesavers at the beach where I take my child. Do I still need to learn first aid and CPR?)
Dadka wax badbaadiyo ee ku sugan goobaha biyaha maaha kuwa kuu badalaya kormeerka lagaaga baahan yahay inaad kormeerto ilmahaaga markay ku sugan yihiin barkadda dabaasha ee dadweynaha ama xeebta. In kastoo ay dadka wax badbaadiyo ay yihiin kuwo si gaar
ah loogu tababaray gargaarka degdega ah iyo CPR, waalidiinta iyo daryeelayaashu waa inay sidoo kale bartaan gargaarka degdega ah si ay ugu gurmadaan dhaawacyada ama xaaladaha degdegga ah. Tani waxay la macno tahay inaad awoodo inaad caawin karto marka
aanay naf-badbaadiyayaashu joogin - barkadaha dabaasha ee gaarka loo leeyahay.