Water safety (Somali) – Badbaadada biyaha

  • English

    Qodobada muhiimka ah ee la xasuusnaado (Key points)

    • Waligaa ha kaga tagin ilmaha ayagoo kaligood ah meel biyo ay ka ag dhow yihiin. Had iyo jeer isha ku hay carruurta, markay ku dhexjiraan kuna dhow yihiin biyaha.
    • Ilmuhu waxay ku qaraqmi karaan 20 ilbiriqsi gudahood, ilmaha qarqinayana sameeyo dhawaaq ama biya firdhin.
    • Xakamee meelaha laga geli karo dhamaan biyaha - barkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba.
    • Faaruqi baafka lagu qubeysto, baaldiyada iyo barkadaha isla markiiba marka la isticmaalo ka dib.
    • Baro gargaarka ugu horreeya iyo CPR si aad u caawiso qoyskaaga xaaladaha degdegta ah.
    • Dhis aqoonta ilmahaaga aqoontiisa iyo kalsoonida biyaha.
    • Baro khataraha ka dhalan kara biyaha ka ag dhow gurigaaga iyo daaradaada.
    • Ka wac ambalansi (000) xaalad qarqad ah oo degdeg ah ama u dhow qarqasho.

    Muhiimadda uu leeyahay amaanka biyuhu (The importance of water safety)

    Biyaha oo lagu ciyaaro waa wax faaiidooyin badan u leh carruurta - xagga korinta xirfadahooda dhaqdhaqaaqa si loo sahamiyo dareenkooda. Si kastaba ha ahaatee, ku cayaarida biyuhu waxay leedahay khatarteeda. Ku-qarqidda (drowning) ayaa ah sababta ugu weyn ee ay carruurta ugu dhintaan Australia; waxay qaadataa keliya 20 ilbiriqsi iyo dhawr senti mitir oo biyo ah in ilmo ku qaraqmo. Carruurta yaryar iyo kuwa yare koran ayaa khatar ugu jira qarqasho maadaama aysan fahmi karin khatarta biyaha ayna yihiin kuwo korka u culus, sidaas darteed kor isagama qaadi karaan biyaha markay dhacaan - iyada oo aan ku xirnayn sida biyaha salkoodu u dhow yahay.

    Qarqashada lagu sigto, oo sidoo kale loo yaqaan ‘aan khatar ahayn in lagu qaraqmo’, waxay yeelan karaan cawaaqib xun waxayna horseedi kartaa dhaawacyo joogto ah.

    Sharciyada aasaasiga ah ee amaanka biyaha (Basic rules of water safety)

    Raacida afartan sharci ee fudud ee badbaadada ayaa kaa caawin doona inay amaan carruurta ku ahaadaan agagaarka biyaha.     

    Sharciga koowaad: Kormeer joogto ah oo firfircoon (Rule one: Constant active supervision)

    Had iyo jeer isha ku hay ilmahaaga markay ku jiraan gudaha, iyo hareeraha biyaha.

    • Ku da'daal inaad si joogto ah ula socoto. Tan micnaheedu waxay tahay inaad si feejigan ula socotid ilmahaaga oo aad mar walba indhahaaga ku hayso, maaha inaad mar-mar uun dhankooda soo eegto.
    • Had iyo jeer isha ku haay ilmahaaga marka ay biyaha ku dhex jiraan, xitaa haddii ay dabaalan karaan.
    • Inay gacantaadu gaari karto carruurta ka yar shanta sano
    • Inaad arki karto carruurta ka yar 10 sano mar kasta
    • Ka fogow dhamaan waxyaabaha ku mashquulin kara inta ilmahaagu ku dhex jiro, ama uu kor saaran yahay ama uu ka ag dhow yahay agagaarka biyaha. Tani waxay ka dhigan tahay in aadan isticmaalin taleefoon ama aadan ka jawaabin albaab la garaacayo.

    Ha uga tagin carruurta waaweyn (ee da'doodu ka yartahay 16) si ay ula socdaan walaalahood ka yar.

    Sharciga labaad: Xadid helitaanka biyaha (Rule two: Restrict access to water)

    Xaddid meelaha laga galo biyaha oo raac dhamaan sharciyada u degsan meelaha barkadda iyo spa ga laga soo geli karo.

    Dhammaan barkadaha iyo spas-ka Australia waa inay sharciyan lahaadaan meelo aysan caruurtu ka gudbi karin sida xeyndaab meesha lagu wareejiyay.

    • Ka faaruqi biyaha baafafka, baaldiyada iyo barkadaha bambiirada ah isla markiiba marka la isticmaalo.
    • Haddii aad leedahay barkad ama spa, xaqiiji in xeyndaabka ku wareegsan uu waafaqsan yahay Heerka Australia AS1926.
    • Had iyo jeer la soco carruurta ka ag dhow meelaha kale ee biyaha sida fountain-yada, firintijeerada yar-yar, weelasha kalluunka la geliyo iyo madiibaadaha xayawaanka rabaayada ah. Haddii aadan faaruqin biyaha, ku dabool shay adag, dhig alaabta meel aan la gaarin ama hubi in ilmahaagu uusan kaligiis heli karin biyaha.
    • Si joogto ah uga hubi gurigaaga khataraha biyaha ee u baahan kara dayactir, sida tuubooyinka jaban ama bullaacadaha furan.

    Xeerka seddexaad: Baro waxa la sameeyo marka ay xaalad degdeg ah jirto (Rule three: Learn what to do in an emergency)

    Dhamaan waalidiinta iyo daryeelayaashu waa inay ogaadaan waxa la samaynayo haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah oo biyo ah.

    • Baro koorsada gargaarka koowaad (first aid) si aad u barato in dib loogu kiciyo wadnaha sambabada dhallaanka iyo ilmaha (CPR) haddii ay xaalad degdeg ahi timaado.
    • Cusbooneysii xirfadahaaga gargaarka koowaad saddexdii sanoba mar iyo sidoo kale xirfadaha CPR-ka sannadkiiba mar.
    • Ka wac ambalansi (000) xaalad qarqad ah oo degdeg ah ama u dhow qarqasho.

    Sharciga afraad: Kordhi wacyigelinta biyaha (Rule four: Increase water awareness)

    Bar ilmahaaga muhiimadda ay leedahay badbaadada biyaha.

    Ka diiwaangeli ilmahaaga casharrada dabaasha iyo badbaadada biyaha.

    U deji shuruuc ilmahaaga kuwaas oo ku saabsan goorta iyo sida ay biyaha ugu ciyaari karaan.

    Dhis aqoonta iyo kalsoonida ay ilmahaaga u leeyihiin agagaarka biyaha adoo saas u sameynaya qaab ciyaar iyo wada hadal ah.

    Badbaadada biyaha ee marxaladaha kala duwan (Water safety in different environments)

    Qubayska dhexdiisa (In the bath)

    • Had iyo jeer si firfircooni leh isha ugu haay carruurta ka yar shan sano marka ay ku jiraan baafka qubeyska oo waligaa ha uga tagin carruurta ka weyn ama walaalahood si ay u sii ilaaliyaan.
    • Ku sugnoow meel ay gacantaadu ka gaadhi karto ilmahaaga – xataa marka aad isticmaalayso kursiga qubeyska ama sariirta.
    • Ka daadi biyaha isla marka ilmahaagu ka baxo baafka qubayska.
    • Waligaa ha uga tagin ilmahaaga baafka qubeyska ayadoon lala joogin, xitaa qaddar yar.
    • Waxyaabaha ku mashquulin kara oo dhan ha daneyn inta lagu jiro wakhtiga qubayska, sida taleefan kuusoo dhacay ama gambaleelka albaabka.
    • Biyaha qabow iyo biyaha kulul isla wada fur si aad u hesho biyo heerkulkoodu uusan khatar ahayn, inta u dhaxaysa 37 ilaa 38 Celsius, oo la joog ilmahaaga mar kasta inta uu baafka ka buuxsamayo.
    • Albaabada musqusha iyo meesha dharka lagu dhaqo ha xirnaadaan marka aadan isticmaalayn.

    Xeebta markaad ku sugan tahay (At the beach)

    • Si firfircooni ku jirto ula soco ilmahaaga marka ay xeebta joogaan - labadaba marka ay carada iyo biyaha xeebta ku sugan yihiin. Waa inaad ku sugan tahay meel ay gacantaadu ka gaarto carruurta shanta sano ka yar mar walba ayna kuu muuqan karaan carruurta ka yar 10 sano mar kasta
    • Xeebaha ugu ammaanka wanaagsan waa kuwa ay gaaf-wareegayaan badbaadiyayaasha. Australia dhexdeeda, bar ilmahaaga inuu ku dabaasho inta u dhaxaysa calamadacasaanka iyo jaalada ahee ka taagan xeebaha la ilaaliyo - meelahaas ayaa ah meelaha ugu amniga fiican ee biyaha.
    • Inta aad biyaha kula jirto ilmahaaga, si joogto ah dib ugu eeg xeebta si aad u hubiso inaad weli ku sugan tahay calamada dhexdooda.
    • Si taxadar leh ula soco calaamadaha digniinta oo akhri khatar kasta, sida biyaha dhanka ay u qulqulayaan (rip currents) ama hirarka.
    • Ilmahaaga bar waxa loo baahan yahay inay sameeyaan haddii ay dhibaato la kulmaan: isdeji dheh, dhabar-dhabar ugu dul seexo biyaha oo gacanta kor u taag si aad u muujiso inaad u baahan tahay in lagu caawiyo.
    • Hubi in ilmahaagu uu xiran yahay jaakada badbaadada haddii uu saaran yahay doon.

    Agagaarada barkadaha (Around a pool)

    • Had iyo jeer isha ku haay ilmahaaga marka uu ku dhex jiro, ama dul saaran yahay ama uu ku sugan yahay agagaarka barkadaha - xitaa haddii uu qof wax badbaadiyo uu barkada dabaasha ka shaqeynayo. Waa inaad ku sugan tahay meel ay gacantaadu ka gaarto carruurta shanta sano ka yar mar walba ayna kuu muuqan karaan carruurta ka yar 10 sano mar kasta
    • Kaliya un waxaad xoogaa ka fogaan kartaa markaad biyaha kula jirto ilmahaaga haddii aad tahay qof si fiican dabaasha u yaqaan.
    • Waxyaabaha sida kuraasta iyo dhirta lagu beero dheriga ee uu qofku u isticmaali karo inuu ku koro meelaha xeyndaabka ka qaad meelahaas.
    • Hubi in alaabada bambiirada barkadaha ee la buufin karo aysan duleelin intaadan isticmaalin ka hor.
    • Had iyo jeer alaabaha la buufiyo ee barkadaha aaryada ka saar oo si fiican u dhig meesha loogu talagalay marka aan la isticmaalayn; waligaa ha uga tagin barkada dhexdeeda.

    Wabiyada iyo harooyinka (By a lake or river)

    • Harooyinka, webiyada iyo marin-biyoodyada dhulka dhexmara waxay noqon karaan kuwo aan la saadaalin karin; had iyo jeer ilaali ilmahaaga markaad ku dabaalanayso meelahan. Waa inaad ku sugan tahay meel ay gacantaadu ka gaarto carruurta shanta sano ka yar mar walba ayna kuu muuqan karaan carruurta ka yar 10 sano mar kasta
    • Had iyo jeer iska hubi in lagu dabaalan karo inta aadan u oggolaan ilmahaaga biyaha - xitaa haddii aad hore ugu dabaasheen halkaas.
    • Weligaa ha u ogolaanin ilmahaagu inuu madax-madax isugu tuuro biyaha, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaysan aad u qodneen.
    • U deji sharciyo ilmahaaga dhahaya inuusan u dhowaan marin-biyoodka dhulka dhexmara adiga oo aan asaga la socon ama uusan qof kale oo qaangaar ah la socon.
    • Bar ilmahaaga inuusan ku dabaalan biyo xawaare sare ku qulqulaya. Waxyaabaha sida geedaha iyo laamaha dhirta ee biyaha hoostooda ka baxa lama arki karo waxayna sababi karaan dhaawac halis ah.

    Su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan badbaadada biyaha (Common questions about water safety)

    Baafka lagu qubaysto ilmahayga maku ciyaari karaa mise dhibaato ayaa ka imaan karta? (Are bath toys safe for my child to play with?)

    Baafafka lagu qubaysto ee godan ama leh daloolo ay biyuhu ka daataan waxaa ku dhalan kara caaryo (mould) muddo ka dib. Carruurta yaryar ee ruugta toy yaasha lagu ciyaaro ama cabba biyaha qubeyska waxa laga yaabaa inay ku jirradaan bakteeriyada ku dhex dhalata baafka, markaa waxa fiican in ilmahaagu uu ku ciyaaro oo keliya baafafka lagu maydho ee aan daloolka lahayn. Haddii kale, biyaha ka daadi oo qalaji baafka lagu maydho inta aadan xareyn ka hor marka la isticmaalo.

    Waa maxay sharciyada loogu talagalay carruurta xiran jaakadaha badbaadada ee doomaha saaran? (Are there legal requirements for fencing dams on private property?)

    Gobolada kala duwan ee Australia waxay leeyihiin sharciyo kala duwan marka laga hadlayo jaadadka lagu dhex gashado ee biyaha. Victoria marka laga hadlayo, Sharciga Badbaadada Badda (The Marine Safety Act) wuxuu dhigayaa in qof kasta oo ka yar 10 sano ay tahay inuu xidho jaakada badbaadada mar kasta inta uu saaran yahay doon. Hubi in jaakada badbaadada ee ilmahaaga ay si fiican ula egtahay, maadaama laga yaabo inay ka dhacdo haddii ay tahay jaakad ka weyn oo loogu talagalay qof qaangaar ah. Safe Transport Victoria (Safarka Badbaadada leh ee Victoria) kuma talinayso in ilmaha yar-yar ee dhawaan dhashay la saaaro doomaha madadaalada sababtoo ah jaakadaha badbaadada ayaa laga yaabaa inaanay waxba u tarayn.

    Ma jiraan shuruudo sharci ah oo khuseeya dayr-xireennada guryaha gaarka loo leeyahay? (Are there legal requirements for fencing dams on private property?)

    Biyo-xireennada iyo balliyada kalluunka ee Victoria sharci ahaan qasab maaha in wax lagu gooyo. Si kastaba ha ahaatee, milkiilayaasha beeraha ayay mas'uuliyad ka saaran tahay badbaadada biyo xireenadooda. Waa inay diiwaangeliyaan oo, xaaladaha qaarkood, helaan shatiga ay ku shaqeeyaan. Haddii sharcigu u baahan yahay in wax lagu gooyo iyo haddii kaleba, in wax lagu gooyo biyaha ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo qarqidda. Haddii aadan wax ku goyn karin biyo-xireenkaaga, ka fakir inaad ood ama silig ku wareejiso dayrkaaga aadna samaysato meelo lagu ciyaaro oo ka fog biyaha.

    Badbaadiyayaal ayaa jooga barkadaada ku taal xaafadayada iyo kuwo hirka dadka ka badbaadiyo oo ku sugan xeebta aan ilmahayga geeeyo. Ma u baahanahay inaan wali barto gargaarka degdegga ah iyo CPR? (There are lifeguards at the local pool and surf lifesavers at the beach where I take my child. Do I still need to learn first aid and CPR?)

    Dadka wax badbaadiyo ee ku sugan goobaha biyaha maaha kuwa kuu badalaya kormeerka lagaaga baahan yahay inaad kormeerto ilmahaaga markay ku sugan yihiin barkadda dabaasha ee dadweynaha ama xeebta. In kastoo ay dadka wax badbaadiyo ay yihiin kuwo si gaar ah loogu tababaray gargaarka degdega ah iyo CPR, waalidiinta iyo daryeelayaashu waa inay sidoo kale bartaan gargaarka degdega ah si ay ugu gurmadaan dhaawacyada ama xaaladaha degdegga ah. Tani waxay la macno tahay inaad awoodo inaad caawin karto marka aanay naf-badbaadiyayaashu joogin - barkadaha dabaasha ee gaarka loo leeyahay.

    Wixii macluumaad dheeraad ah

    Waxaa soo saartay waaxda dhaawacyada carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib u eegis lagu sameeyay bishii Diseembar 2024

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.