Qodobbada muhiimka ah (Key points)
- Haddii ilmahaagu uu xanuun dareemayo jirro ama dhaawac darteed, waxaa laga yaabaa inaad doonayso inaad siiso daawo si ay caawiso.
- Paracetamol iyo ibuprofen ayaa ah laba ka mid ah dawooyinka xanuunka joojiya ee la qaato inta badan.
- Daawooyinka xanuunka joojiya ma daaweeyaan waxa sababay xanuunka ilmahaaga, laakiin way ku raysanayaan.
- Raac tilmaanta ku qoran baakada ay ku jirto dawadu oo sii ilmahaaga qiyaasta saxda ah ee loogu talagalay inta uu miisaankoodu/culayskoodu yahay.
- U kaxee ilmahaaga dhakhtarkooda ama xirfadle caafimaad haddii ay u baahan yihiin dawo xanuunka joojisa in ka badan 48 saacadood.
- Ku kaydi dhamaan daawooyinka meel badbaado leh oo aysan caruurtu gaari karin.
- Haddii aad u malaynayso in ilmahaagu qaatay daawooyin badan, ka wac Xarunta Macluumaadka Sunta (13 11 26 haddii aad ku sugan tahay Australia gudaheeda) ama u qaad qaybta gurmadka degdega ah ee isbitaalka kuugu dhow.
- Isla markiiba wac ambalaas (000) haddii ilmahaagu uusan neefsanayn, miyir beelo ama uu suuxo.
Waa maxay dawada xanuunka joojisaa? (What is pain-relief medicine?)
Daawada xanuunka joojisa waxay yareysaa xanuunka.
Qaar ka mid ah dawooyinka xanuunka ayaa laga heli karaa dukaamada waaweyn iyo farmashiyeyaasha iyada oo aan loo heysan warqad dhakhtar - kuwaas na waxaa loo yaqaan over-the-counter medicines. Laba ka mid ah noocyada daawooyinka xanuunka loo qaato ee inta
badan la iibsado ayadoo aan waraaq dhakhtar qoray la heysan ayaa waxay kala yihiin paracetamol iyo dawooyinka ka hortagga nabarada jirka (anti-inflammatory medices) sida ibuprofen.
Paracetamol iyo ibuprofen wax dhib ah ugama imaanayaan caruurta haday u qaataan sida saxda ah. Ma daweeynayaan waxa sababay xanuunka ilmahaaga, laakiin waa ay ku roonaanayaan.
Waa maxay farqiga u dhexeeya paracetamol iyo ibuprofen? (What is the difference between paracetamol and ibuprofen?)
Paracetamol iyo ibuprofen waa daawooyin kala duwan. Marka laga hadlayo xanuunada badankood, labadoodaba isku si ayey u shaqeeyaan.
Paracetamol iyo ibuprofen labaduba waxay dadka ka caawiyaan inay xanuunka yareeyaan, laakiin ibuprofen wuxuu kaloo yareeyaa danqashada jirka (casaanka iyo barar).
Dhibaato malaha haddii aad ilmahaaga isla wada siiso paracetamol iyo ibuprofen haddii xanuunka ay dareemayaan ilmahaaga uu aad u daran yahay, maadaama ay si kala duwan ugu shaqeeyaan jirka. Balse, hal dawo oo xanuunka joojisa ayaa caadiyan ku filan inay ka caawiso xanuunka maalinlaha ah.
Calaamadaha lagu garan karo in ilmahaagu dareemayo xanuun (Signs your child is in pain)
Carruurta waaweyn caadiyan waa ay kuu sheegi karaan marka ay xanuun dareemayaan. Balse, waxaa laga yaabaa inaysan kuu sheegi karin meesha ay xanuunka ka dareemayaan.
Qaar ka mid ah calaamadaha lagu garan karo in dhallaankaaga ama ilmahaaga yari ay dareemayaan xanuun ayaa waxay kala yihiin:
- Oohin, qeylo ama inay u muuqdaan (wajigooda) sidii qof meel xanuunayso oo kale
- Isbeddel ku yimaadda qaabka hurdadooda ama cunnada – tusaale, inaysan cunto cunayn waxna cabbayn
- Inay u dhaqmayaan sidii kuwo aamusan oo aan qofna la hadleyn
- Inay diidayaan dhaqdhaqaaqa ama aysan awoodin inay wax sameeyaan.
Sida aad guriga ugu daryeeli karto xanuunka haya ilmahaaga (How to care for your child's pain at home)
Xanuunka waa calaamad badanaa ka dhalata dhaawacyo iyo xanuuno badan oo ay carruurta la kulmaan.
- Marka laga hadlayo sida loo daryeelayo xanuunka haya caruurta waxaa laga hadlaya sidii ay xaalad aan xanuun lahayn u dareemi lahaayeen. Ku bilaw inuu jirkoodu u yaalo qaab ay raaxo ku dareemi karaan - haday ahaan laheed sariir inay saaran yihiin
ama kuraasta fadhiga dushooda. Waxaa laga yaabaa in loo baahdo inaad habsiiso ama dhunkato oo aad qabato, ama la fadhiisato ilaa inta ay xaaladoodu ka roonaaneyso.
- Mashquulinta ayaa aad muhiim u ah marka laga hadlayo xanuunka. Tusaale, si tartiib ah in caloosha looga riixo ayaa laga yaabaa inay caawiso calool xanuunka, halka baraf ama wax qabow ay xal u noqon karto xanuunka ka dhasha dhaawaca.
- Haddii raaxada iyo mashquulintu ay shaqayn waayaan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad siiso daawo xanuunka joojisa.
- Carruurta da' kasta ah ayaa la siin karaa Paracetamol iyadoo wax dhib ah aysan uga imaanayn. Balse, waxaa fiican inaad la hadasho dhakhtarka marka hore haddii ilmahaagu ka yar yahay hal bil.
- Carruurta ka weyn saddex bilood waxaa la siin karaa Ibuprofen wax dhib ahna ugama imaanayo.
- Waligaa aspirin ha siinin ilmahaaga hadii ay dareemayaan xanuun inuu dhakhtar u qoro mooyee. Daawadu waxay keeni kartaa jirro naadir ah laakiin halis ah oo loo yaqaan 'Reye syndrome'.
- Xasuusnoow, paracetamol iyo ibuprofen ma daawayn doonaan waxa sababay xanuunka ilmahaaga - waxay daawaynayaan oo kaliya xanuunka. Haddii xanuunkoodu meesha uga bixi waayo 48 saacadood gudahood, u tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad.
Paracetamol (Paracetamol)
Nuucyada la heli karo (Available forms)
- Mid sharoobo ah.
- Ka joojinta/suspension (sharoobo aad u baahan tahay inaad ruxdo).
- Elixir (sharoobo cad - badanaa way macaan tahay).
- Kiniiniyo la ruugi karo.
- Kuwo dabada laga galinayo (suppositories).
Marka ay ammaan tahay in la siiyo (When it is safe to give)
- Da' kasta; la hadal dhakhtarka marka hore haddii ilmahaagu ka yar yahay hal bil.
Inta la siinayo (How much to give)
- Hubi qiyaasta saxda ah ee loogu talagalay miisaanka ilmahaaga, sida ku qoran baakadka ay daawada ku jirto, inuu dhakhtar ama farmashiiste uu sida loo qaadanayo kuu sharaxay mooyee.
- Haddii ilmahaagu qaadanayo dawo kale, hubi in aanay daawadu ku jirin paracetamol marka hore.
Inta jeer ee la siinayo (How often to give)
- Ugu badnaan afar jeer 24-kii saacadoodba, ugu yaraan afar ilaa lix saacadood ayaa loo kala dhaxeysiinayaa.
- Haddii aad u baahan tahay inaad ilmahaaga siiso paracetamol in ka badan 48 saacadood, waa inaad tustaa dhakhtar.
Sida loo siinayo (How to give)
- Cunto miyaa lala siinayaa mise cunto la'aan.
Ibuprofen
Nuucyada la heli karo (Available forms)
- Mid sharoobo ah.
- Ka joojinta/suspension (sharoobo aad u baahan tahay inaad ruxdo).
- Kaabsol la ruugi karo.
Marka ay ammaan tahay in la siiyo (When it is safe to give)
- Hadday ka weyn yihiin saddex bilood.
Inta la siinayo (How much to give)
- Hubi qiyaasta saxda ah ee loogu talagalay miisaanka ilmahaaga, sida ku qoran baakadka ay daawada ku jirto, inuu dhakhtar ama farmashiiste uu sida loo qaadanayo kuu sharaxay mooyee.
Inta jeer ee la siinayo (How often to give)
- Ugu badnaan saddex jeer 24-kii saacadoodba, ugu yaraan lix saacadood ayaa loo kala dhaxeysiinayaa.
- Haddii aad u baahan tahay inaad ilmahaaga siiso ibuprofen in ka badan 48 saacadood, waa inaad u geysaa dhakhtar.
Sida loo siinayo (How to give)
- Cunto ama caano la'aan - waxaad ku siin kartaa calool madhan in ka yar laba maalmood, laakiin waxaa laga yaabaa inay qaras ku kiciso.
In la isla wada siiyo paracetamol iyo ibuprofen (Giving both paracetamol and ibuprofen)
Wax dhib ah maleh haddii la wada siiyo paracetamol iyo ibuprofen isku mar, ama haddii la siiyo mid ka dibna kan kale la siiyo, adoo raacaya sharaxaada ku qoran baakadka ay daawada ku jirto.
Ku da'daal inaad la socoto qiyaasta aad siinayso. Waxaa laga yaabaa inay ku caawiso haddii aad taleefankaaga ku buuxiso xasuusinta xilliga xiga ee hadana daawada la siinayo, ama aad meel aad wax ka arki karto ku qorato, sida firinjeerka oo kale, si aysan u dhicin inaad laba jeer si qaldan daawo u wada siiso.
Badbaadada daawada (Medicine safety)
In daawo badan la qaato ayaa ah wax khatarteeda leh. Paracetamol waa mid ka mid ah daawooyinka ugu badan ee ay carruurtu si lama filaan ah wax badan u qaataan.
- Paracetamol oo laiska badiyo waxay keeni kartaa dhaawac ku yimaada beerka iyo kelyaha.
- Ibuprofen oo la iska badiyo waxay keeni kartaa caloosha uu qasanta iyo jir-danqasho, dhaawac kelyaha ah iyo marar dhif ah, qofku inuu lulmoodo/hurdo-hurdo camal.
Ha siin ilmahaaga daawo ka badan inta ku qoran baakadka ay daawadu ku jirto, inuu dhakhtarka kugula taliyo mooyee.
Ka wac Xarunta Macluumaadka Sunta (13 11 26 haddii aad ku sugan tahay Australia gudaheeda) haddii aad u malaynayso in ilmahaagu qaatay dawooyin badan u kaxee qaybta gurmadka degdega ah ee isbitaalka kuugu dhow. Haddii ilmahaagu uusan neefsanayn, miyir beelo ama uu suuxo, wac ambalaas (000) isla markiiba.
Si aad uga hortagto inuu ilmahaaga si lama filaan ah u qaato daawada:
- Marwalba ku kaydi daawooyinka meel aanay carruurtu gaadhi karin. Way fiicantahay in lagu keydiyo armaajo qufulan ama khaanad aysan caruurtu furi karin.
- Ha ka bixin daawada baakadda ilaa aad diyaar u tahay inaad siiso ilmahaaga ama aad adiga qaadato mooyee. Baakadaha ay dawada ku jirto waxaa loo sameeyaa qaab ay adag tahay inay caruurta furaan.
- Marwalba ha ku xirnaadaan furka aysan caruurtu ka furi karin dhalooyinka ay daawooyinka sharoobada ah kujiraan. Ogoowna in carruurta badankood ay furi karaan furka sharoobada marka u dambeysa, markaa waa inaadan furka isku halayn.
Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)
Ka wac ambalaasta (000) haddii:
- ilmahaagu uusan neefsanayn, miyir beelay ama uu suuxay.
Aad isbitaalka haddii:
- Ilmahaagu uu paracetamol ama ibuprofen aad u badan cunay, aadna wacday Xarunta Macluumaadka Sunta.
U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:
- aad ilmahaaga siinaysay paracetamol ama ibuprofen 48 saacadood si ay uga caawiso xanuunka walina aysan soo roonaan.
- wax kasta ood samaysay oo xanuun jabiye uu ka caawin waayo ilmahaaga inuu xanuunka joogsado.
Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:
- wax kasta ood samaysay iyo xanuun jabiye uu ka caawiyay ilmahaaga inuu xanuunka joogsado.
Su'aalaha badanaa la iska weydiiyo daawada xanuunka jabisa (Common questions about pain-relief medicine)
Ma hubo inta kiilo ee uu ilmahaygu yahay. Miyaan siiyaa qiyaasta daawada ee lagula taliyay da'dooda in la siiyo ee baaakada ku qoran? (I am not sure how much my child weighs. Should I give them the medicine dose recommended on the package for their age?)
Da'da ku qoran baakada ay daawadu kujirto waxaa loogu talagalay oo keliya inay ku hagto, waxaana lagu saleeyay celceliska miisaanka. Haddii aadan garanayn miisaanka ilmahaaga, sii qiyaasta bokiska ku qoran ee loogu talagalay da'dooda. Balse, haddii aad ogtahay in ilmahaagu aad uga miisaan yaryahay badi carruurta da'dooda, sii qiyaasta lagu taliyey in la siiyo da'da xigta ee tiisa ka hooseysa ee meesha ku qoran (kuwa ka yar).
Ilmahayga ma waxaan siiyaa paracetamol mise ibuprofen? (Should I give my child paracetamol or ibuprofen?)
Paracetamol iyo ibuprofen waa inay isku si ugu shaqeeyaan waxyaabaha ugu badan ee dhaliya xanuunka carruurta. Haddii ilmahaagu ka weyn yahay saddex bilood, ku bilow hal daawo, haddii ay shaqayn waydo ama aanay jeclayn, u beddel midda kale.
Haddii aan ilmahayga geynayo dhakhtarka ama qaybta gurmadka degdegga ah, miyaan sugaa ilaa ay ka arkayaan dhakhtar ka hor intaanan siin daawada xanuunka? (If I am taking my child to the doctor or emergency department, should I wait until they see a doctor before giving pain medicine?)
Daawada xanuunka ma qarin doonto calaamadaha lagu garto cudur halis ah. Way fiicantahay inaad siiso ilmahaaga daawo ka hor inta aadan u qaadin dhakhtarka ama isbitaalka. Taasina waxay xaqiijinaysa in xaaladoodu fiicanaato.
Qandho ayaa heysa ilmahayga laakiin xanuun ma hayo. Miyaan siinayaa daawo xanuun jabiye? (My child has a fever but is not in pain. Should I give them pain-relief medicine?)
Haddii ilmahaagu u muuqdo mid ay xaaladiisu wanaagsan tahay uuna faraxsan yahay, looma baahna in la daweeyo qandhada heysa (heerkulka 38 ° C ama ka badan). Qandhada ayaa laga yaabaa inay dhab ahaantii ka caawiso nidaamka difaaca jirka inuu la dagaallamo caabuqyada. Haddii ilmahaagu u muuqdo mid xanuunsanaya ama uusan faraxsanayn, waxaad siin kartaa paracetamol ama ibuprofen si ay uga caawiso inuu roonaado.
Ilmahaygu wuu soo tufaa dawooyinka sharoobada ah. Ma jiraa xal kale? (My child spits out liquid medication. Are there other options?)
Waa wax badanaa dhaca in carruurtu ay soo tufaan ama diidaan daawada sharoobada ah. Kala hadal farmashiistaha wixii ah talooyin ku saabsan sida ilmahaaga loo siin karo daawada.
Haddii ilmahaaga uusan cabayn sharoobo ama uusan laqayn kaniiniyada, kala hadal farmashiistaha wixii kale xal daawooyinka xanuunka jabiya ah, sida kuwa dabada laga siinayoyo ama kaabsalada la ruugo iyo kaniiniyada.
Ma jiraan wax dhibaato ah oo ka dhalan kara qaadashada paracetamol iyo ibuprofen? (Are there any side effects of taking paracetamol and ibuprofen?)
Daawooyinka oo dhan waxay leeyihiin khatar ah dhibaato ka dhalan karta. Balse, paracetamol iyo ibuprofen ayaa loo tixgaliyaa inay yihiin dawooyin badbaado u ah carruurta marka si sax ah loo qaato. Akhri bokiska ay daawada kujirto si aad wax badan uga ogaato waxyeelooyinka ka dhalan kara daawooyinka gaarka ah. Waxa kale oo aad la hadli kartaa dhakhtarka ilmahaaga ama farmashiistaha.
Sidee ayay daawooyinka xanuun baabi'iyaha u shaqeeyaan? (How does pain-relief medicine work?)
Dhammaan dawooyinka xanuunka waxay si kala duwan ugu shaqeeyaan jirka, waxayna ku xiran tahay maaddooyinka laga sameeyay. Qaar baa u shaqeeya inay joojiyaan calaamadaha xanuunka ee maskaxda; qaar kalena waxay xannibaan kiimikooyinka xanuunka keena.
Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)
Waxaa soo saartay Waaxda Gargaarka Degdegga ah ee Isbitaalka Carruurta ee Royal, iyadoo talo laga helayo waaxda Farmashiyaha. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Dib loo eegay Oktoobar 2025
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.