Qodobbada muhiimka ah (Key points)
- Molluscum waa infakshan fayras ah oo ku dhaca maqaarka, oo sababa nabaro yaryar oo kor u soo taagan, oo aan dhibaato lahayn.
- Nabaradaasi waa kuwo ifaya ama dhalaalaya, xanuunna ma leh, balse mararka qaarkood waa kuwo cuncun leh.
- Infekshanka molluscum waa mid si sahlan ay dadku u kala qaadi karaan marka la taabto nabarka waxaana sidoo kale lagu kala qaadi karaa marka lagu wada qubeysto hal baaf ama barkadaha dabaasha, alaabta lagu ciyaaro ee qubayska iyo shukumaannada.
- Nadaafadda oo lagu da'daalo ayaa kaa caawin karta inay yarayso faafitaanka infakshanka.
- Marar dhif ah ayaa loo baahdaa in la daaweeyo infekshanka molluscum. Haddii maqaarka ku hareeraysan nabraha uu infekshan ku dhaco, dhakhtarka ayaa laga yaabaa inuu kuu qoro dawooyin antibiyootik ah.
- Infekshanka molluscum wuxuu sababi karaa in qofka uu ku dhaco ay cambaar (eczema) kasoo baxdo, taas oo laga yaabo inay u baahato daaweyn.
Waa maxay molluscum? (What is molluscum?)
Molluscum (oo mararka qaarkood loo yaqaan ‘finanka biyaha’) waa infekshan fayras ah oo maqaarka ku dhaca, kaas oo sababa in maqaarka ay ka soo baxaan nabro yaryar oo kor u soo taagan, kuwaas oo aan inta badan wax dhib ah lahayn. Waxaa dhaliya fayraska
*molluscum contagiosum*. Marka uu infakshanku ku dhaco, ilmahaagu wuxuu infekshanka molluscum-ka si fudud ugu gudbin karaa dadka kale ama meelo kale oo jirkiisa ah. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada nabraha *molluscum*-ka iyo biyaha qubayska, alaabta
lagu ciyaaro ee qubayska iyo shukumaannada.
Inta badan nabarada infekshanka molluscum-ka waxay u baahan yihiin waqti si ay u bogsadaan. Caadiyan waxay jirka ku sii ooli doonaan inta u dhaxeysa lix ilaa 18 bilood. Infekshanka molluscum badanaa waa iskiis ayuu isaga tagaa, iyada oo aan la daaweyn.
Calaamadaha iyo astaamaha infekshanka molluscum-ka (Signs and symptoms of molluscum)
Marka hore, finanka/nabraha molluscum-ku waxay u egyihiin finan cadcad. Badanaa waxay isu beddelaan burooyin wareegsan oo u eg luul ama dhalaalka shumaca oo kale, kuwaas oo dhexda ka leh god yar. Finanka Molluscum-ka badanaa cabbirkoodu waa hal ilaa shan
milimitir mana sababo wax xanuun leh. Finanka waxay ka soo bixi karaan meel kasta oo jirka ka mid ah. Haddii ilmahaagu uu qabo infekshanka molluscum, waxaa laga yaabaa inay yeeshaan finan yaryar ama kuwo badan.
Dhaqaatiirtu waxay infekshanka molluscum-ka ku aqoonsadaan muuqaalka u gaarka ah finankaas. Looma baahna in maqaarka baaritaan lagu sameeyo ama dheecaan laga qaado.
Bogsashada nabraha molluscum-ka (Healing molluscum spots)
Nidaamka difaaca jirka ee ilmahaaga ayaa la filayaa inuu bilaabo inuu iska caabiyo fayraska molluscum lix ilaa 18 bilood ka dib. Caadiyan, mid ama laba ka mid ah finanka ayaa u ekaan doona kuwo casaan ah oo bararsan, maqaarka ku hareeraysanna waxaa laga
yaabaa inuu cuncun yeesho. Qiyaastii muddo asbuuc ah ka dib, finanka ayaa dilaacaya, iyagoo soo daynaya qoyaan cad oo cufan oo u eg farmaajo (cottage cheese) ka hor inta aysan bilaabin inay bogsadaan. Finanka kale ee *molluscum*-ka waa inay raacaan
isla qaabkaas – iyagoo casaan noqonaya ka dibna dilaacaya. In kasta oo ay u ekaan karto in nabraha ay infekshan leeyihiin, haddana bararkaasi waa habka uu jirku u bogsado.
Haddii aadan hubin in xaalad kale oo maqaarka ah ama infekshan ah aysan saamaynayn infekshanka *molluscum* ee ilmahaaga ku dhacay, waxaa fiican inaad u tagto dhakhtarkooda.

Jaantusyada 1 iyo 2: Sawirro dhowr ah oo muujinaya finanka *molluscum* oo kasoo baxay maqaar cad (bidixda) iyo maqaarka madow (midigta). Sawirrada ayaa dib loo soo saaray iyadoo oggolaansho laga helay ©DermNet2025.
Infekshanka molluscum ma yahay mid la kala qaadi karo? (Is molluscum contagious?)
Molluscum-ku waa infekshan la kala qaadi karo; hase yeeshee, dadka waaweyn badankood waxay qaadaan fayraska molluscum markay yar yhiin waxayna yeeshaan difaac ka dhan ah fayraskaas. Marka, waxay u badan tahay inuusan kugu dhici doonin infekshanka marka
aad taabato finan-ka ilmahaaga.
Fayraska molluscum-ku wuxuu ku noolaadaa biyaha qandaca ah. Wuxuu faafi karaa marka la sameeyo waxyaabaha ay ka midka yihiin qubayska iyo dabaasha barkadaha biyaha qandaca ah leh, iyo sidoo kale marka la isla isticmaalo alaabta lagu ciyaaro ee qubayska
iyo shukumaannada. Infekshanka molluscum-ka waxaa sidoo kale la kala qaadi karaa marka jirkaagu uu taabto meesha nabarka leh.
Waxay qaadan kartaa toddobaadyo ama xitaa bilo in ay finanku kusoo baxaan ka dib marka ilmuhu uu la kulmo fayraska molluscum-ka.
Nadaafad wanaagsan ayaa muhiim u ah ka hortagga faafitaanka infekshanka molluscum-ka. Haddii ilmahaagu uu qabo infekshanka molluscum:
- Ha u oggolaan inay carruurta kale la wadaagaan meelaha lagu qubaysto ama alaabta lagu ciyaaro xilliga qubayska
- marka hore tirtir oo qalaji qaybaha jirkooda ee aan lahayn finanka molluscum-ka, ka dibna qalaji finanka molluscum-ka
- dhaq shukumaanada oo dhan marka la isticmaalo ka dib
- ha u oggolaan inay shukumaanada, waxyaabaha wajiga lagu dhaqdo ama calalada la wadaagaan carruurta kale
- nadiifi oo qalaji dhamaan alaabta lagu ciyaaro waqtiga qubayska
- isku day in aadan u oggolaan inay xoqaan, fiiqaan ama rugaan nabrada *molluscum*-ka; taasi waxay ku faafin kartaa fayraska qaybaha kale ee jirka
- si fiican u dhaq gacmahaaga ka dib markaad taabato finanka.
Sida infakshanka molluscum-ka guriga loogu daryeelo (How to care for molluscum at home)
- Carruurta badankood lama kulmaan wax dhibaato ah oo ka dhasha infekshanka molluscum-ka. Haddii aan la taaban, waa dhif in nabraha molluscum-ku ay noqdaan kuwo aan go'ayn oo jirka calaamad ku noqda. Xalka daaweynta sida kareemada cuncunka keena, barafeynta,
laysarka iyo qalliinka ayaa laga yaabaa inay carruurta u keenaan xanuun; waxayna sababi karaan nabarro, finan biyo leh ama infekshan.
- Mararka qaar, nabraha *molluscum*-ka ayaa laga yaabaa inay ka soo baxaan meel xasaasi ah, sida wajiga ama xubnaha taranka. La hadal dhakhtarka ilmahaaga haddii ay taas dhacdo. Waxay kuu gudbin karaan dhakhtarka maqaarka ama kalkaaliso-dhakhtar ku
takhasustay cudurrada maqaarka si loo eego wixii xal daaweyn ah noqon kara.
- Haddii maqaarka ku hareeraysan nabarada molluscum ee ilmahaaga uu u muuqdo mid infekshan leh, sida xanuun, casaan faafaya ama qolof huruud ah, ilmahaagu wuxuu u baahan karaa antibiyootik.
- Infekshanka molluscum-ka wuxuu qaadan karaa waqti dheer inay carruurta difaaca jirkooda daciifka yahay kaga bogsadaan. Haddii ilmahaaga difaaca jirkooda uu daciif yahay, ama haddii infekshanka *molluscum* aysan ka reysan 18 bilood ka dib, waa inaad
kala hadashaa dhakhtarkooda wixii xal daawo ah.
- Haddii maqaarka ku hareeraysan nabraha *molluscum*-ka ee ilmahaagu uu u ekaado mid qaba *eczema* – oo qalalan, casaan iyo cuncun leh – waxaa laga yaabaa inay u baahdaan kareem dhakhtar
qoray si loogu daweeyo. Kariimku ma daaweyn doono nabraha *molluscum*-ka, balse wuxuu caawin doonaa meelaha uu *eczema*-hu saameeyay, wuxuuna yareyn doonaa cuncunka. La hadal dhakhtarka ilmahaaga.
Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)
|
U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:
|
- Ilmahaaga wuxuu yeeshaa finan ku hareeraysan nabarada infekshanka molluscum-ka.
- nabarada molluscum-ka ee ilmahaaga waxay ku yaaliin meelo xasaasi ah, sida wajiga ama xubnaha taranka.
- nabarada molluscum-ka ee ilmahaaga ay u keenaan dhibaatooyin sida xanuun ama nasiino la'aan.
- nabarada molluscum-ka ee ilmahaaga ay u muuqdaan kuwo infekshan leh sida xanuun, casaan sii faafaya, ama qolof huruud ah.
- ilmahaaga maqaarkooda ku hareeraysan meesha nabraha molluscum-ka leh oo reysanaya qalaylna noqda, ama casaan noqda ama cuncun leh (eczema).
- difaaca jirka ee ilmahaaga uu daciif yahay (aan difaac lahayn).
- nabraha molluscum-ka ee ilmahaaga ay baabi'i waayaan 18 bilood ka dib.
|
|
Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:
|
- nabraha molluscum-ka aysan lahayn wax xanuun ama dhibaato ah.
|
Su'aalaha guud oo ku saabsan molluscum (Common questions about molluscum)
Ma caadi baa in nabarada *molluscum*-ku ay cuncun yeeshaan? (Is it normal for molluscum spots to be itchy?)
Marka ay mid kasta oo ka mid ah finanka *molluscum*-ku bilaabaan inay bogsadaan, waxaa laga yaabaa in maqaarka ku hareeraysan uu yara casaado, isla markaana uu cuncuno yeesho. Maro ku dabool meesha uu infakshanku saameeyay si aad uga hortagto
in infekshanka *molluscum* uu ku faafo qaybaha kale ee jirka ilmahaaga marka uu xoqo. Haddii cuncunku uu sii darsado, taasi waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa cudurka maqaarka ee loo yaqaan 'eczema'; waa inaad la hadashaa dhakhtarka ilmahaaga.
Ilmahaygu ma tagi karaa xanaanada carruurta ama iskuulka haddii uu qabo infekshanka molluscum? (Can my child go to childcare or school if they have molluscum?)
Carruurta qabta infekshanka molluscum way tagi karaan xanaanada carruurta ama iskuulka, wayna la ciyaari karaan carruurta kale. Taasna waxaa sabab u ah in dharka uu badanaa daboolo meelaha ay dhibaatadu saameysay, isla markaana ay dhif iyo naadir
tahay inay dhacdo taabasho toos ah oo keeni karta in fayraska uu faafo. Waxaad sameyn kartaa inaad meelahaas ku daboosho faashado, balse khatarta ka dhalan karta xaaladahan waa mid yar.
Ilmahaygu ma aadi karaa casharrada dabaasha isagoo leh finan *molluscum* ah? (Can my child go to swimming lessons with molluscum spots?)
Ilmahaagu wuu aadi karaa casharrada dabaasha isagoo qaba infekshanka molluscum. Balse, waa inaad nabrahooda ku dabooshaa faashad aysan biyaha kasoo gudbi karin, si looga hortago inay faafiyaan. Ha la wadaagin shukumaannada ilmahaaga carruurta
kale.
Infekshanka molluscum ma calaamad muujinaysaa inay nadaafad-xumo jirto? (Is molluscum a sign of bad hygiene?)
Infekshanka molluscum ma aha calaamad muujinaysa inay nadaafad-xumo ama wasakh jirto. Waa wax inta badan la arko, ilmo kastaana wuu qaadi karaa fayraska.
Sidee ayaan uga takhalusi karaa infekshanka molluscum-ka? (How do I get rid of molluscum?)
Ku dhowaad dhammaan kiisaska, infekshanka molluscum-ka ugu dambeyn asaga ayaa iskiis isaga reysta. Daawooyinka ugu wanaagsan waa waqtiga iyo dulqaadka. Marka la isku dayo in la daaweeyo nabraha molluscum-ka waxayna sababi kartaa in uu sii faafo,
iyadoona sababi karta infakshan inuu ka dhasho, xanuun, finan iyo nabarro reeba calaamado. Haddii infekshanka *molluscum* ee ilmahaaga ku dhacay uu yahay mid aad u daran, ayna ku hareeraysan yihiin *eczema* (cambaar), ama uu dhibaato ku hayo
ilmahaaga, la hadal dhakhtarkooda si aad talo u hesho.
Dadka waaweyn maku dhici karaa infekshanka molluscum? (Can adults get molluscum?)
Molluscum-ku wuxuu badanaa ku dhacaa carruurta da'doodu u dhaxayso hal ilaa 12 sano. Aad bay dhif u tahay in qof weyn uu ka qaado infekshanka *molluscum* finanka uu kasoo baxay ilmahooda. Sababtu waxay tahay in dadka waaweyn badankoodu ay difaac
u leeyihiin fayraska haduu kusoo dhacay markay yaraayeen – xitaa haddii aysan waligood yeelan finan.
Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)
Waxaa soo saaray waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Isbitaalka Carruurta ee Boqortooyada, iyadoo talo laga helayo waaxda Maqaarka. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Waxaa dib loo eegay bisha Sebteembar 2025
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.