Qodobada muhiimka ah ee la xasuusnaado (Key points)
- Migraine-ku waa xaalad keeni karta madax-xanuun leh xanuun garaac iyo calaamado kale sida dareen jirro, matag, dawakhaad iyo iftiinka, dhawaaqa iyo urta oo la dhibsado.
- Madax xanuunka (migraine ka) wuxuu noqon karaa mid aad u xanuun badan, laakiin maaha mid nafta halis gelinaya.
- Ma jirto daawo loogu talagalay madax xanuunka dhanjafka - daawaynta waxaa loogu talagalay in lagu joojiyo calaamadaha xanuunka loogana hortago madax-xanuun mustaqbalka imaan kara.
- Waxyaabo kala duwan ayaa dadka kala duwan ku dhaliya madax xanuunka madaxfaraj. Ka caawi ilmahaaga inuu ka fogaado wax kasta oo sababi kara xanuunka madaxfaraj-ka, haddii ay suurtogal tahay.
- In xilli hore la daaweeyo madax xanuunka madaxfarajka ee ilmahaaga uu la kulmo waxay joojin kartaa in xaalkiisu sii xumaato.
- Dhakhaatiirta waxa laga yaabaa inay kugula taliyaan nafaqooyin (supplements) ama daawo haddii ilmahaagu uu dareemayo madax-xanuun soo noqnoqda.
- Isla markiiba wac ambalaas (000) haddii ilmahaagu uu ku dhaco madax-xanuun degdeg ah oo daran oo leh astaamo ay ka mid yihiin suuxdin, jahawareer lama filaan ah, jiririco ama daciifnimo wejiga iyo gacmaha.
Waa maxay xanuunka madaxfarajka ah (migraine ka)? (What is a migraine?)
Madaxfarajka ah (migraine) waa xaalad keeni karta madax-xanuun leh garaac iyo calaamado kale sida dareenida lalabo (warawareer), matag, dawakhaad iyo dhibsashada iftiinka, dhawaaqa iyo urka. Erayga 'madaxfarajka ah' waxaa loola jeedaa xaalad, halka weeraraka
madax-xanuunka (migrane-ku) loola jeedo calaamadaha xanuunka inta lagu jiro xaaladaas.
Madaxfarajka ahi wuxuu noqon karaa mid qoyska, iyo carruurta kala barkood kuwaas oo qaba madax xanuun ayaa sii yeellan doona markay qaangaar noqdaan. Carruurta qaar buu ku dhacaa madax xanuunka madaxfarajka ah marar dhif ah, halka qaar kalena ay dareemaan
hal mar toddobaadkii.
In kastoo xanuunada nuucaan ah ay noqon karaan kuwo xanuun badan oo dhibaato leh, madax xanuunka madaxfarajka ah maaha kuwo nafta halis gelinaya. Nasiib darro, ma jirto daawo loogu talagalay madax xanuunka madaxfarajka ah, laakiin ujeedada daawada loo
qaato waxay tahay in lagu joojiyo calaamadaha lagana hortago madax-xanuun mustaqbalka imaan kara.
Maxaa keena xanuunka madaxfarajka ah ee carruurta iyo dhalinyarada ku dhaca? (What causes migraines in children and young people?)
Waxyaabo badan ayaa dhalin kara weerarrada madax xanuunka madaxfarajka ah ee ku dhaca carruurta iyo dhalinyarada, oo ay ku jiraan:
- daal
- nalalka iftiimaya, oo ay ku jiraan shaashada telefoonka, tablet-ka iyo shaashada telefishinka
- shanqarta siyaadada ah
- nasashada la nasto jirka ama maskaxda marka laga daalan yahay ka dib, sida jimicsiga ama imtixaanada dugsiga ka dib
- murqaha oo adkaada muddo dheer
- sigaar cabista ama qiiqa sigaarka ee uu qof kale soo deynayo
- cuntada oo aan cunin xilligeeda
- cabbitaanka khamriga
- caffeine ka ku jira kafeega, cabitaannada tamarta iyo daawooyinka qaarkood
- caadada dumarka
- kaniiniyada afka laga qaato (pill)
- cimilada kulul.
Tiro yar oo caruurta ka mid ah, cuntooyinka qaar ayaa laga yaabaa inay ku kiciyaan madax xanuunka madaxfarajka ah, sida:
- cuntooyinka leh amino acid 'tyramine', oo ay ku jirto farmaajo da' ah, kalluun la qiiqiyay, beerka digaaga, berdaha (figs) iyo digirta qaarkood
- shukulaatada
- lowska ama subagga lawska (peanut butter)
- furuutka - gaar ahaan afokaadho, mooska iyo citrus liinta (citrus fruits)
- basal
- waxyaabaha caanaha ka yimaad (dairy) sida caanaha, yogartiga iyo farmaajada
- waxyaallaha la dubay
- hilibka Nitrate-ka leh sida hilib doofaar, hot dogs, salami iyo hilibka kale ee la daweeyay
- cuntooyinka ay ku jiraan monosodium glutamate (MSG)
- cunto la warshadeeyey, khamiirsan, la shiiday, ama la dubay.
Calaamadaha iyo astaamaha lagu garto xanuunka dhanjafka ee carruurta (Signs and symptoms of migraines in children)
Carruurta socod-baradka ah iyo carruurta yaryar waxaa laga yaabaa inuu ku dhaco madax-xanuun wata lallabbo ama matag, waxaana laga yaabaa inay si dhakhso ah midabka jirkoodu (pale) isku badalo.
Carruurta da'da weyn iyo kuwa kurayda ah ayaga waxaa ku dhaca madax-xanuun la mid ah kan dadka waaweyn ku dhaca marka laga hadlayo astaamaha xannuunka.
Weerarrada madax-xanuunka dhanjafka badanaa waxaa ka mid ah madax-xanuun caadi ah, kaas oo inta badan socda 6 ilaa 12 saacadood laakiin wuxuu socon karaa 2 ilaa 72 saacadood. Iyadoo aysan ku xirnayn da'da ilmahaaga, calaamadaha madaxfaradka badanaa waa
laga reystaa marka la seexdo.
Madaxfaradka waxa uu noqon karaa:
- mid aad u daran
- xanuun aan nuuc gooni ah ahayn (dull) ama garaacid (throbbing)
- mid laga dareemo madaxa oo dhan, ama uu ku badan yahay dhinacyada madaxa - waliba marka laga hadlayo carruurta yaryar
- hal dhinac oo madaxa ah - gaar ahaan carruurta waaweyn.
Ilmahaaga waxa kale oo laga yaabaa:
- wuxuu lumiyaa rabitaanka cuntada, dareemaa hunqaaco ama bugto
- dareemaan daal
- leeyihiin calool xanuun.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo madax xanuunka (migraine) madaxfaraj ah waxayna ku xiran tahay calaamadaha xanuunka. Carruurta qaark waxaa ku dhaca madax xanuunka madaxfarajka oo leh astaamo naadir
ah sida dawakhaad ama miyir beelid (basilar migraine), jiririco ama daciifnimo agagaarka wejiga iyo gacmaha (hemiplegic migraine), ama jahawareer lama filaan ah iyo inaad kala garan weyso meesha lagaa jiro (madax wareer daran).
Waxaa muhiim ah in la ogaado in calaamadahani ay sidoo kale noqon karaan calaamado xaalad aad u daran sida qalal. Isla markiiba wac ambalaas (000) haddii ilmahaagu uu madaxa xanuunayo uuna yeesho mid ka mid ah calaamadahan.
Calaamadaha digniinta ee madax xanuunka mdaxafaradka (migraine-ka) (Migraine warning signs)
Carruurta qaarkood waxay helayaan calaamado digniin ah oo loo yaqaan 'prodrome' saacado ama maalmo ka hor weerarka dhanjafka inta uusan bilaaban. Calaamadahani waxay ku kalifi karaan inay hamaansadaan ayna dareemaan sidii qof jiran, daal, isla markaasna
u nugul iftiinka iyo/ama shanqarta.
Isbeddelka aragga ama dareenka wax yar ka hor inta uusan imaan xanuunka waxaa loo yaqaan 'madafajka'. Tusaalooyinka isbeddeladan waxaa ka mid ah in la arko dhibco ama xariijimaha sigsaaga ah, bushimaha oo aad ka jiriiricooda ama aragtida oo xoogaa daciif
noqota. Dhacdooyinkaasi waxay carruurta u keeni karaan dhib waxayna soconaysaa dhowr daqiiqo, iyadoo caadiyana meesha ay ka baxaan marka uu madax xanuunka caadiga ah (headache) bilowdo.
Madax-xanuunka caadiga ah marka uu meesha ka baxo, carruurta qaarkood waxay helayaan calaamadaha 'postdrome' sida daal, feejignaanta oo ku adkaata iyo qoorta oo adkaata.
Goorta loo baahan yahay in dhakhtar la arko (When to see a doctor)
Haddii marar badan uu ilmahaaga madax xanuun ku dhaco ama madax-xanuunkoodu uu aad u xanuun badan yahay, waxa fiican inaad la hadasho dhakhtar.
Ma jiraan baaritaanno gaar ah oo lagu xaqiijiyo xanuunka. Dhakhaatiirta ayaa sida caadiga ah sheegi kara markay baaritaan ku sameeyaan ilmahaaga oo loo sharaxo calaamadaha madax xanuunka iyo taariikhda. Tiro aad u yar oo carruur ah, dhakhaatiirta waxaa
laga yaabaa inay ku sameeyaan baaritaan si ay meesha uga saaraan waxyaabaha kale ee sababi kara madax-xanuunka, laakiin carruurta intooda badan uma baahna baaritaankaas.
Waa inaad sidoo kale ilmahaaga u geysaa dhakhtarkooda haddii:
- aad ka welwelsan tahay madax xanuunkooda, ama ay xaaladoodu ka sii dareyso
- madax xanuunkoodu uu sii socdo in ka badan laba maalmood
- madax xanuunku uu carqaladeeyo noloshooda iskuulka, guriga ama nolosha bulshada
- madax xanuunku uu ku dhaco wax ka badan hal mar todobaadkii
- ay da'doodu ka yar tahay shan sano madaxuna xanuunayo
- madax xanuunka uu hurdada kasoo toosiyo ama uu ka sii daro subaxdii markay tahay.
Wac ambalansi (000) ama u geey ilmahaaga dhakhtarka kuugu dhow ama qaybta gurmadka degdega ah ee isbitaalka haddii ilmahaagu uu qabo madax xanuun caadi ah iyo sidoo kale:
- qoorta oo adkaata, matag ama qandho badan
- jaahawareer sii kordhaya, isbeddel dabeecadeed ama daciifnimo si degdeg ah ku timid, kabuubyo, hadalka oo ku adkaada ama luminta dheelitirka/baalansiga
- dhaawac madaxa ah.
Sida loo daweeyo madax-farajka (How to treat migraines)
Waxaa jira siyaabo badan oo aad ku caawin karto ilmahaaga marka uu dareemayo madax-farajka:
- Niyada u dhis haddii ay murugaysan yihiin.
- Sii daawada xanuunka bi'isa marka uu madax-xanuunku bilaabmo intuusan ka hor inta aanu sii xumaan. Waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaagu uu u qoro ilmahaaga daawooyin gaar ah oo loogu talagalay madax xanuunka madaxfarajka ama inuu kugula taliyo inaad
siiso xanuun baabi'iyaha sida paracetamol ama ibuprofen.
- Haddii ay u dulqaadan karaan, sii biyo ama wax yar oo cunto ah.
- Ku dhiiri geli inay seexdaan qol qabow, oo mugdi ah, oo aan buuq lahayn - hurdada ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee lagu caawin karo madax xanuunka dhanjafka.
- Isticmaal xirmooyin qabow si aad uga caawiso madax-xanuunkooda sidoo kalena isticmaal xirmooyin qandac ah haddii ay qoorta adag tahay.
- Haddii dhakhtarku u qoro daawo si loo yareeyo lallabada ama matagga, sii dawadan sida loogu baahan yahay.
Haddii ilmahaagu uu leeyahay weeraro madax-xanuunka dhanjafka oo joogto ah, waa fikrad wanaagsan inaad la qorsheyso dhakhtarkooda sida loo maareeynayo calaamadaha jirra, kuwaas oo ku jiraan marka daawada la siinayo. Waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarku kugula
taliyo nafaqooyin, ama waxay u qori karaan daawo si ay isugu dayaan ayna u yareeyaan inta jeer ee uu madax xanuunka madaxfarajku ku dhaco ilmahaaga.
Sida looga hortago xanuunka madaxfarajka (migraine ka) (How to prevent migraines)
Si aad u caawiso ilmahaaga si looga hortago madaxfarajku in aanu aysan mustaqbalka ugu dhicin, waxaad isku dayi kartaa hababka qaab nololeedka soo socda:
- Ka fogow wax kasta oo la ogyahay inay sababi karaan madax xanuunka madaxfarajka haddii ay suurtogal tahay.
- Ku dhiiri geli inay helaan 15 ilaa 20 daqiiqo oo jimicsi wadnaha ah maalintii; haddii ay u dulqaadan karaan, isku day inaad kordhiso jimicsigaas oo aad ka dhigto 30 ilaa 60 daqiiqo maalintii.
- U deji jadwal hurdo, xarakaadka iyo barnaamijka dugsiga.
- Hubi inay si joogto ah wax u cunaan una cabaan biyo maalintii oo dhan.
- Isku day inaad culeyska maskaxda (stress ka) ee ay dareemayaan aad ku yarayso jimicsiyada nasashada sida miyir-qabka, yoga iyo khilaawayn. Haddii ilmahaagu qabo caqabado caafimaadka maskaxda ah, waa fikrad wanaagsan inaad la hadasho dhakhtarka cilmi-nafsiga,
maadaama xaaladaha sida walaaca iyo niyad-jabka ay uga sii dari karaan madax-xanuunka.
- Yareey waqtiga lagu luminayo geymamka fiidiyoowyada iyo qalabka kale.
- Si taxadar leh ula soco marka ay u baahan yihiin nasasho iyo marka ay qabsan karaan hawl maalmeedka caadiga ah.
- La hadal macalimiintooda haddii ay u baahan yihiin caawimo inta ay dugsiga joogaan.
- Si joogto ah ugu ballami baaritaannada indhaha; dhibaatooyinka dhanka aragtida ah ayaa keeni karaan madax-xanuun.
Xusuus qorka (diary) madax xanuunka (Headache diary)
Marka ugu horraysa ee ilmahaaga uu ku dhaco madax xanuunka madaxfarajku, xusuus-qorka madax-xanuunku wuxuu kaa caawin karaa inaad ogaato waxa sababi kara. Xusuus-qorka madax-xanuunku waa inay ku jirtaa:
- xilliga uu madax xanuunku bilaabmay iyo waxa ay kuula muuqato inay tahay sababta kicisay
- muddada uu xanuunku hayay
- Dhinaca madaxu uu ka xanuunayay
- xanuunka sida uu u daran yahay adoo ku cabiraya inta u dhaxeysa 1 (xanuun yar) ilaa 10 (xanuun daran)
- haddii ay jiraan waxyalla caawimay yaraynta madax xanuunka
- waqtiga ay sariirta aadeen habeenkii ka horeeyay
- haddii ay jireen calaamado kale oo xanuunku uu lahaa
- haddii ay dugsiga uga baaqdeen madax xanuunka dartii.
Dadka qaar waxay u arkaan inay u sahlan tahay isticmaalka app loogu talagalay xasuus qorka madax xanuunka - dhowr nuuc oo kala duwan isla markaasna fiican ayaa
lacag la'aan lagu soo dejisan karaa.
Su'aalaha guud oo saabsan madaxfarajka ee carruurta (Common questions about migraines in children)
Waa maxay faraqa u dhexeeya madax xanuunka madaxfarajka (migraine) iyo madax xanuunka margiyadu kacaan (tension headache)? (What is the difference between a migraine and a tension headache?)
Madax xanuunka madaxfarajka (migraine) iyo madax xanuunka margiyadu kacaan (tension headache) labaduba waxay badanaa sababaan in madaxu uu xanuun dareemo; si kastaba ha ahaatee, madax xanuunka madaxfarajka ayaa u muuqda mid inta badan yimaada
oo badanaana leh calaamado kale sida lallabbo, matag iyo iftiinka oo la dhibsado. Madax xanuunka margiyadu kacaan (tension headache), dhanka kale marka la fiiriyo, caadiyan uma darna sida kan kale oo waa mid dareenkiisu yahay cadaadis ama
cidhiidhi madaxa ah oo kale.
Ilmahaygu ma ka kori doonaa madax xanuunka madax farajka? (Will my child outgrow migraines?)
Carruurta qaar waxa laga yaabaa in weerarrada madax xanuunka madaxfarajku uu ka yaraado markay weynaadaan, laakiin qaar kale ayaa laga yaabaa inuu sidii hore ugu sii dhaco xataa markay qaangaaraan.
Ilmahaygu ma u baahan yahay in iskaan laga saaro maskaxda? (Does my child need a scan of their brain?)
Inta badan carruurta uu ku dhaco madax farajku xanuunku uma baahna in iskaan ah la saaro. Sida caadiga ah, dhakhtarka ayaa ogaan kara madax xanuunka madaxfarajka marka uu baaritaan ku sameeyo ilmahaaga ka dib oo loo sharaxo calaamadaha madax xanuunkooda
iyo taariikhdooda. Haddii ay wax walaac ah ka qabaan baaritaankan ka dib ama taariikhda ilmahaaga, waxa laga yaabaa inay ilmahaaga u balamiyaan sawirka maskaxda si meesha looga saaro sababaha kale ee keeni kara madax-xanuun daran.
Ilmahayga maka qeybqaadan karaa ciyaaraha isboortiga ama dhaqdhaqaaqyada jirka haddii uu qabo madax xanuunka madaxfarajka ama wax aan dhib ahi ma uga imansysaa madax xanuunka? (Is it safe for my child to participate in sports or physical activities with
migraines?)
Waxa sababay weerarrada madax xanuunka dhanjafka ee ilmahaaga ku dhaca waxay saamayn doontaa waxa ay sameyn karaan iyo waxa aysan sameyn karin. Tusaale, haddii ilmahaagu uu madax xanuunka madaxfarajka yeesho markuu jimicsi sameeyay ka dib, dhakhtarkoodu
waxa laga yaabaa inuu kugula taliyo inay beddelaan dhaqdhaqaaqyadooda ama waxay ku siin karaan talo ku saabsan goorta ay dib u bilaabi karaan ciyaaraha weerarka madax xanuunka madaxfarajka ka dib.
Waxa aan ilmahayga siin jiray daawooyin ay ku jiraan codeine si ay u caawiso madax xanuunka dhanjafka. Maxaa noqon kara bedel wanaagsan oo aan codeine ku badalo? (I used to give my teenager medication with codeine to help their migraines. What is a good
alternative to codeine?)
Dhakhaatiirtu hada kuma talinayaan in codeine loo qaato daawo xanuun baa bi'iye ah oo loogu talagalay madax xanuunka madaxfarajka sababtoo ah waa daroogo opioid ah. Intaa waxaa dheer, cilmi-baaris la sameeyay ayaa waxay muujinaysaa inaysan lahayn
faa'iidooyin badan oo dheeraad ah marka lala barbardhigo dawooyinka la midka ah ee aan lahayn codeine, laakiin waxaa suurtogal ah inay leedahay saameyn kale (side-effects).
Madax xanuunka daran, sii ilmagaaha yar ibuprofen iyo paracetamol labadaba. Haddii aysan taas caawin, la hadal dhakhtarkooda oo kala hadal haddii la heli karo daawooyin kale - waxaa jira daawooyin si gaar ah loogu talagalay calaamadaha madax xanuunka
madaxfarajka.
Waa maxay xanuunka dhanjafka caloosha (abdominal migraine)? (What is an abdominal migraine?)
Carruurta qaar waxa ku dhaca xanuunka dhanjafka calooshooda halkay xanuunka ka dareemi lahaayeen madaxooda. Waxa laga yaabaa inay xanuun ka dareemaan dhexbartanka calooshooda iyo sidoo kale inay dareemaan calaamado kale oo madaxfarajka sida lallabbo
iyo daal. Haddii aad u malaynayso in ilmahaagu uu qabo xanuunka madaxfarajka caloosha, waa inaad la hadashaa dhakhtarkooda. Xanuunka madaxfarajka ee caloosha ayaa la rumeysan yahay inay ka dhashaan waxyaabo la mid ah waxa dhaliya madax xanuunka
madaxfarajka, waxayna dhakhaatiirtu soo jeedinayaan in loo daaweeyo si isku mid ah sida in la nasto, la seexdo iyo daawooyinka xanuun bi'iyaha ah.
Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)
Waxaa soo saartay Qaybta Neerfaha ee Isbitaalka Royal Children's Hospital. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Waxaa dib u eegis lagu sameeyay bishii Janaayo ee 2025
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.