Impetigo school sores Somali – Impetigo infekshan maqaarka ku dhaca

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Impetigo waa infakshan ku dhaca maqaarka waxaana dhaliya bakteeriyada. Wuxuu keenaa nabaro maqaarka ka soo baxa oo inta badan cuncun leh.
    • Wuxuu badanaa ku dhacaa carruurta, laakiin dadka waaweyna waa uu ku dhici karaa, sidoo kale.
    • Impetigo-du waa infekshan aad ah u faafa, oo si fudud ugu gudbi kara qaybaha kala duwan ee jirka iyo carruurta kale.
    • Isku day intii suurtagal ah inaad ilmahaaga ka celiso inuu xoqo nabarrada.
    • Waa muhiim in si tartiib ah looga qaado qolofka nabarrada si ay si fiican u bogsadaan.
    • Caadiyan infakshanka Impetigo wuxuu u baahan yahay in lagu daaweeyo antibiyootiko. Waa in ilmahaagu uu sii wadaa qaadashada daawada ilaa ay nabarada oo dhan ka bogsanayaan.

    Waa maxay impetigo? (What is impetigo?)

    Impetigo (im-pet-eye-go) waa caabuq maqaarka ku dhaca oo ay sababaan bakteeriyada Staphylococcus (staph) ama Streptococcus. Dadka qaar ayaa ugu yeera ‘boogaha iskuulka’ sababtoo ah wuxuu aad ugu dhacaa carruurta da’da iskuulka dhigata wuxuuna keenaa nabaro kasoo baxa maqaarka oo si sahlan ugu faafi kara ilmaha kale.

    Inta badan, infakshanka impetigo wuxuu yimaadaa marka ay bakteeriya jirka kasoo gasho meel la xoqay, meel la qaniinay, ama xaalad kale oo maqaarka saameysa sida cambaarta (eczema). Mararka qaarkood, waxay saameyn kartaa dadka maqaarkoodu fiican yahay.

    Inkastoo infakshanka impetigo uu u muuqan karo mid aad u daran, haddana badanaa waa infekshan aan aad u darneyn oo si fudud loo daweyn karo, isla markaana inta badan bogsada dhowr maalmood ka dib marka la daaweeyo. Caadiyan maaha wax iskiis isaga raysta si dhaqso ah ayuuna u faafi karaa.

    Calaamadaha iyo astaamaha lagu garto infakshanka impetigo (Signs and symptoms of impetigo)

    Inta badan kiisaska infakshanka impetigo waa kuwo is shabaha:

    1. Hal ama dhowr nabar ayaa ka soo baxa maqaarka; badanaa waxay u eg yihiin meel ay biyo galeen oo kale (blisters) waana kuwo cuncun leh.
    2. Nabaradaas waxay isu beddelaan casaan wayna dilaacaan, qoyaan ayaana ka yimaada.
    3. Marka uu dheecaanka ka istaago meelaha nabarada ah, qoyaanka ayaa qalala kabacdina wuxuu meesha ku reebaa qolof jaalle ah, sidii in meeshaas malab korka laga mariyay oo kale.
    4. Nabaro kale ayaa laga yaabaa inay ka soo baxaan hareeraha nabaradii ugu horeeyay kuwaas oona sii faafaya.

    Booguhu waxay ka soo bixi karaan meel kasta, laakiin meelaha ugu badan ee ay ka soo baxaan waa hareeraha afka iyo sanka, ama gacmaha iyo lugaha. Maadaama ay cuncun yihiin, carruurta ayaa laga yaabaa inay xoqaan – taasina waxay sababi kartaa in infekshanku ku faafo maqaarka iyo qaybaha kale ee jirka.

    Carruurta qabta infakshanka impetigo badanaa ma yeeshaan qandho (heerkul dhan 38°C ama ka badan) mana dareemaan xanuun.

    Laba sawir oo dad qaba infakshanka impetigo. Sawirka bidix waa infakshanka maqaarka ee *impetigo* oo kasoo baxay afka ilmo maqaarkiisu cad yahay; sawirka midigna waa *impetigo* kasoo baxay lugta ilmo maqaarkoodu madoow yahay.

    Sawirka koowaad: Laba sawir oo muujinaya carruur qabta infekshanka maqaarka ee impetigo – mid uu infekshanku kaga yaallo hareeraha afka iyo mid kale oo uu lugta kaga yaallo. Sawirrada dib ayaa laga sameeyay iyadoona fasax laga helay ©DermNet 2025.

    Infakshanka impetigo ma mid la kala qaadaa? (Is impetigo contagious?)

    Infakshanka impetigo waa mid aad ah u faafa. Inta badan wuxuu faafaa marka maqaarka la taabsiiyo qoyaanka ama qolofka nabarka *impetigo*-ga, kuwaas oo bakteeriya leh. Tusaale, haddii aad taabato nabarka ama aad taabato wax maqaarkaas la taabsiiyay, sida dharka ama shukumaannada.

    Boogta impetigo-ga waxay noqon kartaa mid la kala qaadi karo ilaa inta ay dheecaan leedahay. Inta badan in nabarkaas uu noqdo mid faafi kara waxay dhamaataa qiyaastii 24 saacadood ka dib marka la bilaabo daaweynta antibiyootigga, marka ay bilaabato inay reysato.

    Caadiyan waxay qaadataa inta u dhaxaysa hal ilaa saddex maalmood ka dib in nabar uu kusoo baxo marka uu qofku taabto maqaarka qof qaba infakshanka impetigo ee leh dheecaan ama qolof.

    Sida loo yareyn karo faafitaanka infakshanka maqaarka ee impetigo-ga (Reducing the spread of impetigo)

    Waxaa jira tallaabooyin aad qaadi karto si aad u yarayso khatarta ah in ilmahaagu qaado infakshanka maqaarka ee *impetigo*, isla markaana aad u xaddidi karto faafitaanka infekshanka haddii ay qaadaan.

    • Maqaarka ilmahaaga ha ahaado marwalba mid nadiif ah.
      • Dhaq oo dabool meeshii dhaawac ah, la xoqay, ama la qaniinay.
      • Maqaarka qalalan ama dillaacay waxaad si tartiib ah ugu daaweysaa ama u marisaa kareem maqaarka qooya oo aan caraf lahayn.
      • Daryeel meel kasta oo hore u dhaawacneed oo maqaarka ah – ha dayicin daaweyntooda.
      • Vaseline mari maqaarka dhaawacan ee sanka hoostiisa ah hadii uu diif biyo-biyo ah kaa socdo.
    • Ku dadaal nadaafada wanaagsan oo bar carruurtaada inay ayagana saas sameeyaan.
      • Maalin kasta in saabuun lagu qubeysto ayaa waxay yareyn kartaa khatarta cudurka maqaarka ee impetigo-ga.
        • Waxaad isticmaali kartaa saabuunta jeermiska disha ama kuwa jirka lagu maydho (body washes), laakiin waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood ay maqaar cuncun ka qaadaan.
        • Ha u oggolaan ilmahaaga inuu carruur kale la wadaago biyaha qubayska si looga hortago in infekshanku faafo.
      • Ku dhaq saabuun gacmahaaga mar kasta oo aad ilmahaaga u qubeyso, ama aad kareem u mariso, ama aad taabato meesha uu infekshanku saameeyay.
      • Had iyo jeer iska tuur maro-gacmeedyada la isticmaalay.
      • Ilmahaaga cidiyaha ka jar oo markasta nadiifi.

    Haddii ilmahaagu uu qabo infakshanka maqaarka ee impetigo:

    • Meel gaar ah oo ka reeban dharka kale ku dhaq dharkooda, shukumaannadooda, iyo marooyinka sariirta lagu goglo.
      • Isticmaal biyo kulul wax walbana ku qalaji qorraxda ama mashiinka dharka lagu qalajiyo.
    • Ku nadiifi dhammaan alaabaha ay caruurta ku ciyaaraan jeermis-dile khafiif ah.
    • Dhammaan faashadaha laga furay nabarrada *impetigo*-ga ku rid qashin-qub leh dabool isla marka aad maqaarka ka fiiqdo sidoo kalena gacmahana ku dhaq saabuun.

    Sida loo daryeelo infekshanka maqaarka ee impetigo (How to care for impetigo)

    U tag dhakhtar (See a doctor)

    U gee ilmahaaga dhakhtarka haddii aad u malaynayso inay qabaan infakshanka maqaarka ee impetigo. Waxaa laga yaabaa in loo qoro antibiyootik kareem ah, wax maqaarka la marin karo, kiniiniyo, ama sharoobo. Usii daawooyinkaas sida lagu faray, oo hubi inaad sii waddo daaweynta ilaa ay nabarada oo dhan ka bogsanayaan.

    Daryeelka guriga (Care at home)

    Nabarrada infekshanka impetigo ee ilmahaaga ayaa ku bogsan kara dhawr maalmood gudahood haddii la daweeyo.

    • Nabarrada ilmahaaga si tartiib ah uga qaad qolofka mar kasta oo ay soo baxaan.
      • Taasi waxay yaraynaysaa tirada bakteeriyada maqaarka saaran, waxayna u oggolaanaysaa kareemada inay gaaraan meesha infekshanka leh.
        • Wixii nabaro ah ee wajiga kasoo baxay, ku qoy maro nadiif ah, oo la tuuri karo dabadeedna si tartiib ah u mari qolofka si aad uga qaaddo.
        • Wixii nabaro ah ee jirka ku yaalana, muddo 10 daqiiqo ah dhex geli ilmahaaga baaf biyo kujiraan adigoo qolofka marinaya maro nadiif ah oo qoyan oo la tuuri karo.
        • Dib ha u isticmaalin marada aad jirkooda ku tirtirtay.
    • 10 daqiiqo oo aad baaf biyo kujiraan dhex geliso waxay yareynaysaa tirada bakteeriyada ku taal maqaarka ilmahaaga iyo khatarta ah in nabraha infekshanka 'impetigo'-ga ay faafaan.
      • Markaad si fiican ugu qubeynayso, isticmaal 'bleach'-ka caadiga ah ee guriga ee leh 4% chlorine, kuna dar 12mL oo 'bleach' ah 10-kii litir ee biyo ahba. Dhibaato kalama kulmayaan carruurta; xaddiga 'bleach'-ka (jeermis-dile) ee biyaha ku jira ayaa ka yar kan barkadda dabaasha.
      • Waxaad ilmahaaga ugu maydhi kartaa daawada jeermiska disha ee *chlorhexidine* haddii aadan haysan baaf loogu qubeyn karo. Inta badan farmashiyeyaashu way iibiyaan saabuunta jirka ee chlorhexidine-ka.
      • Haddii ay jiraan impetigo ama infekshanno soo noqnoqonaya, laba jeer in baaf loogu qubeeyo ayaa caawin karta.
    • Intii suurtogal ah isku day inaad ilmahaaga ka goyso inuu xoqo nabrihiisa. Taasi waxay ka caawin doontaa inay meesha noqoto nabar aan baaba'eyn, dhiig ka yimaada, iyo in infekshanku faafo.
      • Waxaad nabarradooda ku dabooli kartaa faashad hawada u oggolaanaysa inay dhex-marto, haddii aysan joojin karin inay xoqaan.
      • Xoqista nabraha infekshanka *impetigo* waxay keeni kartaa in bakteeriyadu ay gasho ama ku dhegto ciddiyaha hoostooda; haddii ilmuhu taabto qaybo kale oo jirkiisa ka mid ah, waxaa laga yaabaa inuu faafiyo infekshanka.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)

    Aad isbitaalka haddii:

    • ilmahaagu uu xanuunsan yahay; tusaale, wuxuu qabaa qandho (heerkulku yahay 38°C ama ka badan).

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • nabarrada ilmahaaga ay sii faafeen ama ay ka sii dareen intii ay daaweynta antibiyootiga ah u socotay ama kadib ba.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • ay sidoo kale u caafimaad qabaan ayna iska fiican yihiin.
    • ay nabaradooda bilaabeen inay qalalaan oo bogsadaan.

    Su'aalaha inta badan lais weydiiyo ee ku saabsan infekshanka maqaarka ee impetigo (Common questions about impetigo)

    Infakshanka impetigo ma calaamad muujinaysa inay nadaafad-xumo jirto baa? (Is impetigo a sign of poor hygiene?)

    Infekshanka Impetigo wuxuu imaan karaa xitaa ayadoo lagu dadaalay nadaafada maqaarka. Ma aha calaamad muujinaysa inay nadaafad-xumo jirto.

    Nabarrada ilmaheyga kasoo baxay ee infekshanka *impetigo* ee ilmahayga ma reebi doonaan raad nabar oo aan go'eyn? (Will my child’s impetigo sores leave scars?)

    Haddii ilmuhu uusan xoqin nabarrada oo aysan dhicin in dhiig ka yimaado, badanaa way bogsan doonaan iyagoon wax nabar ah (ama calaamad) reebin.

    Infekshanka impetigo dadka waaweyn maku dhacaa? (Can adults get impetigo?)

    Dadka waaweyn ayuu ku dhici karaa infekshanka impetigo maadaama uu yahay mid aad u faafa. Si kastaba ha ahaatee, uma badna in infekshanka maqaarka ee *impetigo* uu ku dhaco dadka waaweyn marka loo eego carruurta, maadaama ay leeyihiin hab-difaac jir oo ka xooggan kan carruurta.

    Muddo intee le'eg ayuu infekshanka impetigo sii jirayaa? (How long does impetigo last?)

    Infakshanka maqaarka ee *impetigo* ee ilmahaaga ku dhacay ayaa si dhakhso ah looga reystaa marka daawada la bilaabo. Inta badan, nabarradu waxay si buuxda u baaba'aan toban maalmood gudahood.

    Infekshanka maqaarka ee impetigo iskiis maisaga bogsan karaa? (Can impetigo heal on its own?)

    Maadaama cudurka impetigo uu yahay mid si fudud u faafa oo ka dhasha bakteeriyada, badanaa iskii uma bogsado. Waxuu si dhakhso ah u reysanayaa marka la qaato antibiyootiko.

    Marar badan ayuu ilmahayga ku dhacay infekshanka maqaarka ee impetigo-ga. Maxaan sameeyaa? (My child keeps getting impetigo. What should I do?)

    Haddii uu infekshanka maqaarka ee *impetigo* ku dhaco ilmahaaga, dhakhtarkiisa ayaa laga yaabaa inuu qaado muunad (sample) laga soo qaaday sanka si loo baaro in sanka uu bakteeriya ka qabo. Waxay u baahan karaan antibiyootiko gaar ah oo sanka loogu talagalay si looga hortago in infekshanka impetigo uu markale ku dhaco.

    Waxaa laga yaabaa inay caawiso haddii si joogto ah loogu qubeeyo biyo lagu daray 'bleach', xalna loo helo wixii kaloo dhib ah ee uu maqaarka ka qabo, isla markaana ciddiyaha gacmahooda laga jaro loona nadiifiyo.

    Muddo intee le'eg ayaan u baahanahay inaan ilmahayga ka joojiyo iskuulka ama xanaanada carruurta? (How long do I need to keep my child away from school or kindergarten?)

    Ilmahaaga guriga ku hay oo ha u dirin xanaanada carruurta ama iskuulka ilaa ay ka soo wareegto 24 saacadood tan iyo markii la bilaabay in la siiyo daawada antibiyootika. Ilmahaagu wuu ag joogi karaa carruurta kale muddadaas ka dib haddii aad nabarradooda oo dhan faashado saarto. Inta uu boogahoodu weli dheecaan ka socdo, dadka kale ayay qaadsiin karaan infekshanka.

    Ilmahaygu ma dabaalan karaa isagoo qaba infekshanka maqaarka ee impetigo? (Can my child go swimming with impetigo?)

    Ilmahaagu wuxuu dabaalan karaa 24 saacadood ka dib marka uu bilaabo inuu qaato daawada antibiyootika. Bakteeriyada keenta infekshanka maqaarka ee *impetigo* ayaa ku faafi karta biyaha barkadaha dabaasha, sidaa darteed waa inaanu ilmahaagu dabaalan inta marka hore laga daaweynayo.

    lmahaygu haddii uu qabo infekshanka maqaarka ee impetigo ma inuusan ciyaarin ciyaaraha jirku is taaban karo? (Should my child avoid contact sports with impetigo?)

    Waxaa fiican in ilmahaagu ka fogaado ciyaaraha jirka is taabanayo, sida kubadda cagta, inta uu qabo infakshanka maqaarka ee *impetigo*, in nabrihiisa la wada dabooli karo mooyee. Taasna waxaa u sabab ah in infakshanka impetigo uu faafayo marka maqaarka qoyan ama qolofka saaran yahay uu taabto maqaar kale.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)


    Waxaa soo saartay waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Isbitaalka Carruurta ee Boqortooyada ( The Royal Children’s Hospital Emergency department), iyadoo talo laga helay waaxda Maqaarka. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Dib loo eegay Luulyo 2026

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.