Gastroenteritis (Somali) – Caloosha

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Gastroenteritis (gastro) waa caabuq ku dhaca caloosha iyo mindhicirka.
    • Wuxuu sababaa matag, qandho iyo shuban (Diif biyo-biyo ah, saxaro biyo-biyo ah).
    • Qaybta ugu muhiimsan oo daryeelida ilmaha qaba gaastiriga waa xaqiijinta inay cabbaan cabitaan ku filan. Isku day inaad ilmahaaga siiso wax yar oo cabitaan ah marar badan.
    • Gastro aad buu u faafaa; waa muhiim in lagu da'daalo nadaafadda si looga hortago inuu faafo.
    • U kuurgal ilmahaaga leh calaamadaha fuuqbaxa, sida xafaayadaha qoyan ama kaadida musqusha marar badan oo yaraata, kaadi jaalla ah ama kafee ah, ama bushima iyo af qalalan. Haddii aad walwalsan tahay, la hadal dhakhtar.

    Waa maxay gastro? (What is gastro?)

    Gastroenteritis (gastro) waa caabuq ku dhaca caloosha iyo mindhicirka. Xaalladaha badankood, gaastaro wuxuu ka bilowdaa matag ka dibna wuxuu horseedaa shuban (saxaro biyo-biyo ah). Mataggu si dhakhso ah ayuu u joogsan karaa, laakiin shubanku wuxuu socon karaa ilaa 10 maalmood.

    Jeermis badan ayaa sababi kara gastro, laakiin fayraska ayaa ugu badan.

    Gastro si sahlan ayuu u faafaa oo wuxuu badanaa ku dhacaa aadna ula ildarnaada dhallaanka iyo carruurta yaryar.

    Calaamadaha iyo astaamaha gastarada (Signs and symptoms of gastro)

    Haddii ilmahaagu qabo gastro, waxaa laga yaabaa inay:

    • dareemayaan fiyoobi la'aan mana doonayo inuu wax cuno ama cabo
    • matagaan 24ka ilaa 48 saacadood oo ugu horreeya
    • shubmayaan
    • leeyihiin calool xanuun marna imaanaya marna tagaya
    • yeeshaan qandho.

    Maalmaha ugu horreeya ee caabuqa ayaa badanaa ah kuwa ugu adag in la maareeyo - gaar ahaan haddii ilmahaagu matagayo.

    Carruurta qaarkood waxay u badan yihiin inay fuuq baxaan. Kuwaas waxaa ka mid ah:

    • carruurta ka yar lix bilood
    • dadka muddo dheer soo xanuunsanayey, sida xanuunada mindhicirka ee raga ama xanuunka kelyaha.

    Sida guriga loogu daryeelo gastro (How to care for gastro at home)

    Nasiib darro, ma jirto dawo lagu daweeyo xanuunka gastro. Daawooyinka farmashiyaha laga iibsan karo ee hunqaacada iyo shubanka waxaa laga yaabaa inay dhibaato u keenaan carruurta. Haddii ilmahaagu uu dareemayo lalabbo uuna aad u matagayo, waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu kuu qoro ondansetron si ay marxaladahaas uga caawiso.

    Jirka oo cabitaan lagu quudiyo ayaa fure u ah in gastro-ga lagu daryeelo guriga, laakiin way adkaan kartaa in la hubiyo in ilmahaagu cabbo cabitaan ku filan marka ay matagayaan oo aanu doonayn inuu wax cabbo. Isku day inaad ilmahaaga siisid wax yar oo cabitaan ah marar badan - xitaa haddii ay matagayaan. Taas ayaa ka caawin doonta inay helaan bedelka biyaha uu jirkoodu luminayo markay matagaan iyo markay shubmaan.

    Sida loo daryeelo dhallaanka ka yar lix bilood (Caring for infants under six months)

    Carruurta da'doodu ka yar tahay lix bilood waxay halis sare ugu jiraan fuuq-baxa, markaa waa inaad u tagtaa dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii ay u muuqdaan kuwo leh calaamadihii xanuunka gastro.

    • Haddii aad naaska nuujinayso ilmahaaga, sii wad inaad sidaas samayso, laakiin marar badan sii. Waxa kale oo aad afka ka siin kartaa ilmahaaga daawooyinka lagu daaweeyo fuuqbaxa (oral rehydration solution) 12 ka saacadood ee ugu horreeya.
    • Haddii aad ku quudiso caanaha dhalada ee la qaso, isku day in aad wax yar siiso marar badan. Haddii aanay dareeraha jirkooda galaya heyn karin, waxaad ugu bedeshaa cabitaan afka laga qaadanayo oo nafaqa ah 12 saacadood, ka dibna ku noqo caanaha la qaso adigoo si joogto ah u siinaya wax yar markiiba. Awooda caanaha la qaso waa inay yihiin mid caadi ah, oo aan barax laga dhigin.
    • Sii ilmahaaga cabitaan mar kasta oo ay matagaan.

    Sida loo daryeelo carruurta ay da'doodu u dhaxayso lix bilood iyo saddex sano (Caring for children between six months and three years)

    • Haddii aad naaska nuujinayso ilmahaaga, sii wad inaad sidaas samayso, laakiin marar badan sii. Sii cabitaan mar kasta oo ay matagaan.
    • Marka ilmahaagu matagayo, isku day inaad si joogto ah u siiso wax yar oo casiir tufaax ah oo xoogaa aad khafiifisay adoo ku daraya biyo ama daawooyinka jirka qooya (dareere ama jalaato baraf ah) ilaa inta uu mataggu ka joogsanayo.
    • Waad sii wadi kartaa inaad siiso caanaha la qaso iyo caanaha caadiga ah; si kastaba ha ahaatee, jirku si fudud uma nuugi karo cabitaanadan haddii uu ilmahaagu matagayo.
    • Liin dhanaan xoogaa dhadhankeeda la badalay (flat lemonade), cabitaannada isboortiga iyo quudinta la xoojiyay oo ay ku badan tahay sonkortu ayaa kaga sii dari kara xaalada fuuqbaxa. Ka ilaali carruurtaada inaad siiso waxyaabahaas intay xanuunsanayaan.
    • Waxa ugu muhiimsan waa in ilmahaagu helo xoogaa dareere ah. Waxaad isku dayi kartaa inaad si joogto ah u siiso jalaato baraf ah haddii aanay rabin inay cabbaan casiir ama cabitaanka afka laga qaato.
    • Sii ilmahaaga cabitaan mar kasta oo ay matagaan.
    • Haddii ilmahaagu uu aad u yar yahay oo uusan waxba cabayn, waxaad isku dayi kartaa inaad silingaha ku siiso cabitaan si la mid ah sida aad daawada ugu siiso.

    Daryeelida carruurta koray (Caring for older children)

    • Sii ilmahaaga wax yar oo cabitaan ah marar badan - dhowr jeer afka u buuxi shantii daqiiqo ilaa 15 daqiiqaba mar.
    • Haddii ilmahaagu aanu rabin inuu cabbo biyo, waxaad ku dayi kartaa daawooyinka afka laga qaato ee jirka qooya (an oral rehydration solution), laakiin qaarkood ma jecla dhadhanka milixda leh. Taa bedelkeeda, isku day inaad siiso jalaato baraf ah ama casiir tufaax ah oo aad biyo caadi ah ku dartay.
    • Paracetamol ayaa ku caawin kara haddii ilmahaagu uu xanuun hayo. Iyaga ha siin asbiriin.

    Calaamadaha lagu garan karo marka loo baahan yahay in daryeel caafimaad la raadsado (Signs to seek medical care)

    Ilmahaagu waxa laga yaabaa inuu u baahdo in lagu daryeelo cisbitaalka haddii aad isku dayday wax walba oo aad ku xaqiijin karto in jirkoodu qoyaan helayo balse ay weli muujinayaan calaamadaha fuuqbaxa. Daryeelkaan waxaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho dareere lagu siinayo tuubada sanka ama faleebo IV.

    Haddii ilmahaagu uu leeyahay mid ka mid ah calaamadaha soo socda, waxa fiican inaad la hadasho dhakhtarkooda:

    • Xaaladdoodu haddii ay ka sii darayso, oo aysan soo roonaanayn.
    • Haddii ay dareemayaan calool xanuun joogto ah (lagama hadlayo mid marna imaanaya marna tagaya)
    • Haddii ay dareemayaan calool xanuun aad u daran
    • Haddii ay ka dareemayaan xanuun joogto ah dhinaca midigta ee hoose
    • Haddii aysan rabin inay dhaqdhaqaaq sameeyaan ama socdaan
    • Haddii ay si joogto ah u matagayaan balse aysan shubmayn
    • Haddii matagoodu uu yahay matag midab-kaaki-cagaar ah.

    Gastro ma la kala qaadi karaa? (Is gastro contagious?)

    Gastro aad buu u faafaa. Wuxuu ku faafaa taabashada matagga ama saxarada qofka cudurka qaba, tusaale, haddii aad taabato qof dhowaan matagay ama shubmay, haddii la isla wadaago cunto ama cabitaan uu qof xanuunsan taabtay, ama taabashada` shay uu qof xanuunsani taabtay sida alaabaha caruurtu ku ciyaaraan. Gastro waxa kale oo uu ku faafi karaa hawada marka qof cudurka qabaa uu matago.

    Joojinta faafida gastarada (Stopping the spread of gastro)

    Nadaafadda wanaagsan ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu dhimi karo faafitaanka gastro. Haddii ilmahaagu qabo gastro, xasuusnoow inaad:

    • si fiican gacmahaaga ugu dhaqdo saabuun ama alkoholka (sanitiser) gacmaha lagu nadiifiyo - gaar ahaan ka hor iyo ka dib markaad taabato ilmahaaga, markaad quudiso, iyo markaad xafaayada ka badeshaba.
    • si joogto ah u dhaqdo oo/ama jeermiska kaga disho waxyaabaha ay ku ciyaaraan, dharka iyo gogosha.
    • nadiifiso dusha sare ee waxyaabaha laisla wadaago sida miisaska iyo gaanjooyinka albaabada.
    • ka ilaaliso in xubnaha kale ee qoyskaaga ay alaabta la wadaagaan ilmahaaga xanuunsan.

    Waa fikrad wanaagsan inaad xidhato galoofyada iyo af-saab (maaski) marka aad nadiifinayso matagga ama saxarada. Isticmaal waxyaabaha wax lagu nadiifiyo ee la iska tuuri karo sida tuwaalada waraaqaha oo ku rid bac ka hor intaadan tuurin.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:

    • ilmahaagu uusan miyir lahayn, tabar-darri badan ay hayso (tamar yar) ama ay adag tahay in la toosiyo.

    Aad isbitaalka haddii:

    • ilmahaagu uusan ceshan karin dareeraha asagoon soo matagin uuna sidoo kale leeyahay dhowr calaamadood oo ah calaamadihii fuuq-baxa, sida xafaayadaha qoyan ee laga badalayo inay ka yar yihiin intii hore ama uusan inta badan aadin musqusha, ama ay kaadidiisu tahay jaalle, ama ay bushimaha iyo afku qalaleen, ama uu dareemayo wareer ama madax-qafiif.
    • ilmahaagu uu matagay matag cagaaran oo kaaki ah (matag jaale ah inta badan maaha wax laga welwelo).

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • ilmahaagu uu ka yar yahay lix bilood uuna matagayo ama ay qandho hayso.
    • ilmahaagu uu matagayo, shubmayo uusanna cabayn cabitaan/dareere ku filan.
    • ilmahaagu uu aad u shubmayo (sideed ilaa 10 jeer oo shuban biyood ah maalintii).
    • xaalada shuban ee ilmahaagu aysan soo roonaanayn toban (10) maalmood ka dib.
    • ilmahaagu uu muujinayoy calamadaha fuuq-baxa, sida xafaayadaha qoyan oo intii hore ka yar ama uusan inta badan aadin musqusha, kaadi midabkeedu jaalle madoow oo bunni ah, bushimaha iyo afka oo qalalan, madax-qafiif ama dawakhaad.
    • ilmahaagu uu leeyahay calool xanuun joogto ah oo aan ahayn mid marna qabanaya marna katagaya, uu kasii darayo ama uusan ku roonaanayn kiniiniga paracetamol.
    • ilmahaagu uu dhigayo saxaro dhiig leh.
    • ilmahaagu uu ka soo qaaday xanuunkan dalka dibaddiisa.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • ay cabayaan dareere ku filan jirkooduna wuxuu helayo qoyaan.
    • ilmahaagu uu bilaabay inuu ku soo roonaado dhawr maalmood gudahood.

    Su'aalaha badanaa la isweydiiyo ee ku saabsan gastro (Common questions about gastro)

    Waxaan ka walwalsanahay in dareeraha aan siinayo ilmahayga uu uga sii darayo xaalada shubanka. Miyaan ka yareeyaa cabitaanka? (I am worried the fluids I am giving my child are making their diarrhoea worse. Should I give them less to drink?)

    In kastoo ay u muuqato in cabitaanada la siinayo ay si toos ah jirka uga sii baxayaan, ilmahaaga jirkooda wuxuu ceshan doonaa wax badan oo aad siiso. Waa muhiim inaad siiso ilmahaaga ugu yaraan in u dhiganta inta dareere ee uu jirkoodu luminayo markay matagaan iyo markay shubmaan.

    Miyaan ka werweraa in ilmahaygu aanu doonayn inuu wax cuno marka uu gastro ku dhaco? (Should I be worried that my child does not want to eat when they have gastro?)

    Marka ugu horraysa ee uu gastro ku dhaco ilmahaaga, waxa laga yaabaa inay diidaan cuntada. Taasi wax dhib ah malaha haddii ay cabayaan dareere ku filan. Sii cuntada mar kale markay dareemayaan inay cunto cuni karaan; taasina badanaa waa marka uu matagu ka joogsado oo aysan dareemayn lallabo.

    Ilmahayga ma siin karaa caano (dairy) gastro markuu ku dhaco kabacdi? (Can my child have dairy after a bout of gastro?)

    Carruurta badankood dhib kuma qabaan dheefshiidka markay qaataan waxyaabaha caanaha leh (dairy) markuu gastro ku dhaco ka dib. Qaar ayay muddo kooban yaraan doontaa awooda ay u leeyihiin in dheefshiidkoodu shaqeeyo markay qaataan caanaha sonkorta leh (lactose). Taasi waxay dhalisaa hawo badan iyo shuban aashito leh. Haddii aad dareento in ilmahaagu yeeshay calaamado xanuun markuu caano/yoogat cabo ka dib, waxaad yarayn kartaa siinta caanaha/yoogartiga ilaa saddex asbuuc wixii ka dambeeya marka uu gastro ku dhacay.

    Maxaan ku quudiyaa ilmahayga marka uu gastro ku dhaco? (What should I feed my child when they have gastro?)

    Ma jiraan cunnooyin gooni ah oo aan loo oggolayn carruurta in la siiyo markay qabaan gastro ama markuu ka baxo ka dib. Waxaa fiican in rabitaanka cuntada ee ilmahaaga ay ku hagto. Mararka qaar cuntooyinka dufanka leh ama cuntada ay ku jiraan waxyaabaha caanaha iyo yoogat ka leh (dairy) ayaysan cunistoodu u sahlaneyn sida cuntooyinka kale, laakiin ma ogaan doontid ilaa aad tijaabiso. Mindhicirku si degdeg ah ayuu u bogsadaa markay cunto meeshaas gasho.

    Goorma ayuu ilmahaygu ku laaban karaa iskuulka ama meelaha lagu daryeelo ilmaha markuu gastro ku dhaco ka dib? (When can my child go back to school or childcare after gastro?)

    Ilmahaagu wuxuu ku laaban karaa iskuulka ama xannaanada carruurta marka ay xaaladoodu roonaato oo aanay shubmin ama matagin muddo 48 saacadood ah. Si kastaba ha ahaatee, waa inaysan ku laaban dabaasha laba asbuuc ka dib markay soo kabtaan si ay taasi uga caawiso in laga hortago faafitaanka cudurka.

    Dhiig baa ku jira saxarada ilmahayga. Miyeey tahay inaan taas ka welwelo? (There is blood in my child’s poo. Should I be worried?)

    Saxarada oo dhiig lagu arko waa wax caadiyan dhacdao marka uu qofku qabo gastro-ga. In kasta oo ay cabsi tahay in la arko, in taasi dhibaato noqoto waa wax dhif ah. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad kala hadasho dhakhtarka ilmahaaga sidii saxarada looga baari lahaa jeermiska cuntada sumeeya. Baaritaankaas waxay ujeedadiisu tahay in lagu ogaado in cunto sumaysan/wasakhaysan ay sababtay iyadoo sidaasna loo sameynayo sababo la xiriira caafimaadka dadweynaha.

    Dhakhtarku wuxuu u malaynayaa in ilmahaygu leeyahay bakteeriyada gastro. Ma u baahanahay antibiyootik? (A doctor thinks my child has bacterial gastro. Do we need antibiotics?)

    Inkasta oo ay bakteeriyadu mararka qaar keento gastro, dhakhaatiirtu marar dhif ah ayay ku taliyaan in lagu daweeyo antibiyootiga. Carruurta badankood iskood ayay u fiicnaan doonaan, antibiyootigana waxay sababi karaan dhibaatooyin halis ah sida xasaasiyad ama shuban ka dhasha antibiyootiga.

    Ilaa intee ayay caadi tahay in shubanku sii socdo marka uu gastro yimaado? (How long is it normal for diarrhoea to last after gastro?)

    14 maalmood oo shuban ah ka dib, waxa fiican inaad kala hadasho dhakhtarka xaalada ilmahaaga. Baaritaan in lagu sameeyo saxarada ayaa laga yaabaa inay faa'iido leedahay maadaama ay qabi karaan jeermis aan caadi ahayn.

    Ma loo baahan yahay in la baaro saxarada ilmahayga? (Do you need to test my child’s poo?)

    Caadiyan muhiim ma aha in la baaro saxarada ilmahaaga marka uu gastro ku dhaco. Ku dhowaad dhamaan gastro-ga waxaa loo daaweeyaa isku si, markaa in la ogaado waxa sababay waxba kama beddeli doonto daaweynta. Kiisaska badankood, saxarada waxaa kaliya oo la baaraa marka uu dhiig ku jiro ama haddii shubanku uu socday in ka badan 14 maalmood.

    Ilmahayga waxaa ku dhacay gastro isagoo dalka dibadiisa ku sugan. Maxaan sameeyaa? (My child caught gastro while overseas. What do I do?)

    La hadal takhtar haddii ilmahaagu uu gastro kasoo qaaday dalka dibadiisa. Waxaa jira xoogaa kala duwanaansho ah oo la xiriira daryeelista iyo baaritaanka lagu sameynayo carruurta xanuunsata intay safarka ku jireen.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Waxaa soo saartay Waaxda Gurmadka Degdega ah ee Isbitaalka Carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay bishii Maajo (May) 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.