Su'aalaha badanaa la isweydiiyo ee ku saabsan gastro (Common questions about gastro)
Waxaan ka walwalsanahay in dareeraha aan siinayo ilmahayga uu uga sii darayo xaalada shubanka. Miyaan ka yareeyaa cabitaanka? (I am worried the fluids I am giving my child are making their diarrhoea worse. Should I give them less to drink?)
In kastoo ay u muuqato in cabitaanada la siinayo ay si toos ah jirka uga sii baxayaan, ilmahaaga jirkooda wuxuu ceshan doonaa wax badan oo aad siiso. Waa muhiim inaad siiso ilmahaaga ugu yaraan in u dhiganta inta dareere ee uu jirkoodu luminayo markay
matagaan iyo markay shubmaan.
Miyaan ka werweraa in ilmahaygu aanu doonayn inuu wax cuno marka uu gastro ku dhaco? (Should I be worried that my child does not want to eat when they have gastro?)
Marka ugu horraysa ee uu gastro ku dhaco ilmahaaga, waxa laga yaabaa inay diidaan cuntada. Taasi wax dhib ah malaha haddii ay cabayaan dareere ku filan. Sii cuntada mar kale markay dareemayaan inay cunto cuni karaan; taasina badanaa waa marka uu matagu
ka joogsado oo aysan dareemayn lallabo.
Ilmahayga ma siin karaa caano (dairy) gastro markuu ku dhaco kabacdi? (Can my child have dairy after a bout of gastro?)
Carruurta badankood dhib kuma qabaan dheefshiidka markay qaataan waxyaabaha caanaha leh (dairy) markuu gastro ku dhaco ka dib. Qaar ayay muddo kooban yaraan doontaa awooda ay u leeyihiin in dheefshiidkoodu shaqeeyo markay qaataan caanaha sonkorta leh
(lactose). Taasi waxay dhalisaa hawo badan iyo shuban aashito leh. Haddii aad dareento in ilmahaagu yeeshay calaamado xanuun markuu caano/yoogat cabo ka dib, waxaad yarayn kartaa siinta caanaha/yoogartiga ilaa saddex asbuuc wixii ka dambeeya marka
uu gastro ku dhacay.
Maxaan ku quudiyaa ilmahayga marka uu gastro ku dhaco? (What should I feed my child when they have gastro?)
Ma jiraan cunnooyin gooni ah oo aan loo oggolayn carruurta in la siiyo markay qabaan gastro ama markuu ka baxo ka dib. Waxaa fiican in rabitaanka cuntada ee ilmahaaga ay ku hagto. Mararka qaar cuntooyinka dufanka leh ama cuntada ay ku jiraan waxyaabaha
caanaha iyo yoogat ka leh (dairy) ayaysan cunistoodu u sahlaneyn sida cuntooyinka kale, laakiin ma ogaan doontid ilaa aad tijaabiso. Mindhicirku si degdeg ah ayuu u bogsadaa markay cunto meeshaas gasho.
Goorma ayuu ilmahaygu ku laaban karaa iskuulka ama meelaha lagu daryeelo ilmaha markuu gastro ku dhaco ka dib? (When can my child go back to school or childcare after gastro?)
Ilmahaagu wuxuu ku laaban karaa iskuulka ama xannaanada carruurta marka ay xaaladoodu roonaato oo aanay shubmin ama matagin muddo 48 saacadood ah. Si kastaba ha ahaatee, waa inaysan ku laaban dabaasha laba asbuuc ka dib markay soo kabtaan si ay taasi
uga caawiso in laga hortago faafitaanka cudurka.
Dhiig baa ku jira saxarada ilmahayga. Miyeey tahay inaan taas ka welwelo? (There is blood in my child’s poo. Should I be worried?)
Saxarada oo dhiig lagu arko waa wax caadiyan dhacdao marka uu qofku qabo gastro-ga. In kasta oo ay cabsi tahay in la arko, in taasi dhibaato noqoto waa wax dhif ah. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad kala hadasho dhakhtarka ilmahaaga sidii saxarada
looga baari lahaa jeermiska cuntada sumeeya. Baaritaankaas waxay ujeedadiisu tahay in lagu ogaado in cunto sumaysan/wasakhaysan ay sababtay iyadoo sidaasna loo sameynayo sababo la xiriira caafimaadka dadweynaha.
Dhakhtarku wuxuu u malaynayaa in ilmahaygu leeyahay bakteeriyada gastro. Ma u baahanahay antibiyootik? (A doctor thinks my child has bacterial gastro. Do we need antibiotics?)
Inkasta oo ay bakteeriyadu mararka qaar keento gastro, dhakhaatiirtu marar dhif ah ayay ku taliyaan in lagu daweeyo antibiyootiga. Carruurta badankood iskood ayay u fiicnaan doonaan, antibiyootigana waxay sababi karaan dhibaatooyin halis ah sida xasaasiyad
ama shuban ka dhasha antibiyootiga.
Ilaa intee ayay caadi tahay in shubanku sii socdo marka uu gastro yimaado? (How long is it normal for diarrhoea to last after gastro?)
14 maalmood oo shuban ah ka dib, waxa fiican inaad kala hadasho dhakhtarka xaalada ilmahaaga. Baaritaan in lagu sameeyo saxarada ayaa laga yaabaa inay faa'iido leedahay maadaama ay qabi karaan jeermis aan caadi ahayn.
Ma loo baahan yahay in la baaro saxarada ilmahayga? (Do you need to test my child’s poo?)
Caadiyan muhiim ma aha in la baaro saxarada ilmahaaga marka uu gastro ku dhaco. Ku dhowaad dhamaan gastro-ga waxaa loo daaweeyaa isku si, markaa in la ogaado waxa sababay waxba kama beddeli doonto daaweynta. Kiisaska badankood, saxarada waxaa kaliya oo
la baaraa marka uu dhiig ku jiro ama haddii shubanku uu socday in ka badan 14 maalmood.
Ilmahayga waxaa ku dhacay gastro isagoo dalka dibadiisa ku sugan. Maxaan sameeyaa? (My child caught gastro while overseas. What do I do?)
La hadal takhtar haddii ilmahaagu uu gastro kasoo qaaday dalka dibadiisa. Waxaa jira xoogaa kala duwanaansho ah oo la xiriira daryeelista iyo baaritaanka lagu sameynayo carruurta xanuunsata intay safarka ku jireen.