Qodobada muhiimka ah ee loo baahan yahay in la xasuusnaado (Key points to remember)
- Khamaarka waa ficil khatar lagu gelinayo lacag ama alaab qiimo leh si loogu guuleysto abaal-marin ku salaysan natiijo aan la garanayn.
- Fursada laga yaabo inaad ku guulaysato marka loo barbardhigo inaad khasaarto waa mid hooseysa.
- Australia gudaheeda da'da sharciyan la oggolyahay khamaarka dadweynaha waa 18 sano.
- Kurayada iyo dhallinyarada waxaa laga yaabaa inay ka qeybqaataan khamaarka ciyaaraha fiidiyoowyada ah iyaga oo aananba wax war ah u heyn – sida ayagoo iibsanaya waxyaabaha loo yaqaan token ama loot boxes
- Khamaarka la sameeyo ilmanimada ayaa kor u qaada khatarta dhibaatooyinka khamaarka marka uu qofku weynaado.
- Kagala hadal ilmahaaga waxyaabaha ku saabsan khamaarka qaab caawimaya adoo ka fogaanaya inaad canaanato.
- Caawimaad ka raadso dhakhtar ama khadka caawinta khamaarka haddii aad ka welwelsan tahay in ilmahaaga ay heysato dhibaato dhanka khamaarka ah.
Waa maxay khamaaridu? (What is gambling?)
Khamaaridu waa marka ay dadku halis galiyaan lacag ama alaab qiimo leh si ay ugu guuleystaan abaalmarin ku saleysan natiijo aan la garanayn. Waa ciyaar fursadeed, sidaas darteed rajada laga yaabo in qofku guuleysto ayaa guud ahaan hooseeysa.
Waxaa jira noocyo badan oo khamaar ah; Qaar ka mid ah noocyada badana la sameeyo waxaa ka mid ah tartanka fardaha iyo sharadka lagu kala dhigto ciyaaraha, mashiinnada khamaarka (pokies), sharadka turubka, bakhtiyaa-nasiibka iyo tigidhada la xoqo (xoqdo).
Sanadihii la soo dhaafay, khamaarka internetka ayaa noqday mid aad loo isticmaalo oo qaar badan oo ka mid ah ciyaaraha fiidiyowga ayaa leh astaamo khamaar u eg; Tan waxaa loo yaqaan khamaarayn (gamblification).’
Khamaarka kurayada iyo dhalinyarada (Gambling for teens and young people)
Da'da sharcigu oggol yahay ee khamaarka dadweynaha waa 18 sano Australia gudaheeda, laakiin cilmi-baaris la sameeyay ayaa waxay muujinaysaa in badi dhallinta Australiyaanka ahi ay si uun khamaar uga qeybqaateen.
Dhalinyaradu waxay inta badan ka qayb qaataan khamaarka internet ka ee aan rasmiga ahayn sida iibsashada waxyaabaha loo yaqaan 'loot boxes' ee kujira ciyaaraha fiidiyoowyada. Si ka duwan khamaarka dadweynaha, khamaarka onlineka ayaa leh shuruuc kooban
Australia dhexdeeda.
Dhamaan noocyada khamaarka waxay noqon karaan waxyaabo uusan qofku iska goyn karin oo ay adag tahay in la joojiyo.
Noocyada khamaarka iyo hawlaha khamaarka u eg ee ay dhalinyaradu samayso waxaa ka mid ah:
- Ciyaaraha taleefannada casriga ah ee app-ka laga iibsado (microtransactions)
- ‘Loot boxes’ ku dhex jira ciyaaraha fiidiyoowyada
- Tartannada fardaha iyo eeyaha
- Tigidhada raffle-ka (Raffle tickets)
- Sharadka ciyaaraha
- Ciyaaraha kaararka/turubka
- Tigidhada bakhtiyaanasiibka iyo kaararka la xoqdo
- Ciyaaraha lagu ciyaaro mashiinada kala duwan
Tusaalooyinkan qaarkood maaha noocyada khamaarkii waayadii hore la aqoon jiray. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku lug leeyihiin in loo bareero khatar loo galayo natiijo aan la garanayn, sidaas darteed waxay dhiirigeliyaan dhaqanka khamaarka oo kale ah.
Khamaarka xayeysiiska (Gambling in advertising)
Dhalinyaradu waxay khamaarka bartaan markay yar yihiin. Waxay booqdaan meelaha ay yaalaan mashiinada ciyaaraha si ay u ciyaaraan khatar na u geliyaan lacagta iyagoo ku rajoweyn inay abaalmarin ku guuleystaan. TV-ga markay daaraan waxay arkayaan khamaarka
oo la xayeeysiinayo. Waxay daawadaan muuqaalada warbaahinta bulshada oo ay kafaala qaadeen shirkadaha khamaarka. Markay noqdaan kurayo, qaar badan ayaa u arka khamaarka qayb caadi ah oo nolosha ka mid ah.
Shirkadaha khamaarka waxaa waajiba inay raacaan sharciyada ku saabsan goorta iyo sida ay wax uga xayaysiin karaan Australia. Tusaale ahaan, xayaysiisyada khamaarka lama soo bandhigi karo inta lagu jiro barnaamijyada ay carruurtu daawato ama waqtiyada
qaar maalintii; si kastaba ha ahaatee, sharciyadan ma khuseeyaan wararka iyo qubanaha ciyaaraha. Tan micnaheedu waxay tahay in ilmaha daawanaya kubbadda cagta galabnimada Sabtida laga yaabo inay arkaan xayeysiiska khamaarka inta ciyaaruhu socdaan.
Khamaarka iyo geemamka (Gambling and gaming)
Dhalinyaradu waxay ku arki karaan khamaarka iyo waxyaabaha khamaarka u eg fiidiyoow gaymamka iyo noocyada kale ee madadaalada dhijitaalka ah. Geymam badan oo caana oo inta badan la isticmaalo ayaa ku dhiirigeliya ciyaartoyda inay lacag ku bixiyaan natiijooyin
aan la garanayn oo ay khatar u bareeraan si ay u horumariyaan khibradooda geymamka.
Waa maxay waxa loo yaqaan khamaaraynta (gamblification)? (What is gamblification?)
Khamaaraynta (gamblification) waxaa loola jeedaa astaamaha khamaarka u eg ee kujira fiidiyoow geemyada iyo noocyada kale ee madadaalada dhijitaalka ah. Waxyaabahan waxay noqon karaan waxyaabo aan saas usii weyneen ama naadir ah, sida bahalka kubada camal
u wareegsan oo la tuuro oo geym ku jiro, ama waxay noqon karaan waxa markaas gaymku diirrada saarayo.
Tusaalooyinka astaamaha badanaa khamaarka u eg waxaa ka mid ah:
- Tookeenada waxaa lagu iibsadaa lacag waxaana lagu beddelan karaa geymka dhexdiisa waxyaabo gaar ah ama xirmooyin ay ku jiraan waxyaabo marmar dhaca - oo ay ku jiraan waxyaabaha kobciya waxqabadka iyo hubka.
- '‘Loot’ boxes waa sanduuqyo aan la ogeyn waxa ay yihiin oo lagu iibsaday tookenno (tokens) ama lacag. Caadi ahaan waxay qabtaan alaabta ciyaarta dhexdeeda, casriyaynta iyo 'maqaarka' si ay u beddelaan muuqaalka avatars (jilayaasha).
- Khamaarka loo yaqaan Simulated gamblingwaxyaabaha ah waxay ku daydaan muuqaalka, dhawaaqa iyo ficilada khamaarkii jiri jiray waqtiyadii hore laakiin kuma lug laha wax lagu guuleysanayo ama lacag la qasaarinayo.
Khamaarka Loot boxes waxay ku badan yihiin ciyaaraha fiidiyowga ee internetka maadaama ay lacag badan u sameeyaan shirkadaha geymamka. Si la mid ah khamaarkii hore loo yaqaanay, khamaarka loo yaqaan loot boxes waxay ku dhiirigeliyaan dadka ciyaara inay
ku khamaaraan lacagta iyagoon ogayn natiijada. Haddii ayan ku faraxsanayn alaabta ku jirta loot box ka, waxa laga yaabaa inay sii wadaan khamaarka oo ay sii iibsadaan wax badan ilaa ay dareemaan inay guuleysteen - iyada oo aan la eegayn qiimaha uga
baxaya.
Waa maxay sababta uu khamaarka ugu xun yahay dhallinta yar? (Why is gambling bad for teens?)
Qaybaha go'aan qaadashada ee maskaxda si buuxda uma dhisna ilaa da'da 25 jir. Tani waxay ka dhigan tahay in dhallinta ay ku adkaan karto inay fahmaan khataraha khamaarka, taas oo ka dhigaysa inay aad u xamaasad badan yihiin. Waxay lumin karaan xakamaynta
falalkooda wayna ku adkaaneysaa inay joojiyaan khamaarka.
Khamaarka ilmanimadu waxay siyaadisaa fursadaha dhibaatooyinka khamaarka ee qofka ku imaan kara markuu weynaado.
Marka laga soo tago khasaarinta lacagta, dhallinta khamaarta ayaa sidoo kale laga yaabaa:
- Inay dareemaan ceeb iyo inay dambi galeen
- Inay la kulmaan dhibaatooyin dhanka caafimaadka maskaxda ah, sida niyad-jab iyo walaac
- Inay la kulmaan dhibaatooyin dhanka khamriga iyo daroogooyinka kale ah
- In waxbarashadooda iskuulka ay hoos u dhacdo
- Inay u gooyaan dugsiga
- Inay la kulmaan dhibaatooyin dhanka xiriirkooda kala dhaxeeyo qoyska iyo asxaabta ah.
Calaamadaha muujinaya in ilmahaygu qabo dhibaato dhanka khamaarka ah (Signs that my child has a gambling problem)
Kurayada iyo dhallinyaradu ma qiran karaan khamaarka. Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa inaysan xitaa ogaanin falalka ay ku kacayaan inay yihiin khamaar. Waxaa muhiim ah in la ogaado in qof kasta oo dhalinyaro ah ee khamaara uu la kulmi doono dhibaatooyinka
khamaarka.
Calaamadaha digniinta ee dhibaatada khamaarka waxaa ka mid noqon kara:
- Isbeddellada ku yimaadda hab-dhaqanka, sida inay markasta ku weydiiyaan lacag
- Hoos u dhac ku yimaadda natiijada dugsiga iyo inay maalmo badan ka maqnaadaan iskuulka/dugsiga
- Inay u dhaqmaan sidii qof murugaysan, is-mashquuliyaan ama inay dadka ka go'aan
- Firfircoonidooda oo hoos u dhacda iyo hurdo xumo
- Waxyaabihii ay xiisayn jireen inaysan xiisaynayn, sida ciyaaraha dugsiga ka dib
- Xiiso ay si degdeg ah ugu qaadaan isboortiga ay dadka xirfada u lihi ciyaaraan iyo natiijooyinka ciyaaraha, oo ay ku jiraan inay hal mar rabaan inay la socdaan natiijooyinka ciyaaro kala duwan
- Isticmaalka ereyada khamaarka marka ay hadlayaan, sida 'line' iyo 'spread'.
Taageero ayaa loo heli karaa dhalinyarada la kulanta dhibaatooyinka khamaarka. Haddii ilmahaagu u muuqdo mid leh calaamado badan oo calaamadaha digniinta ah, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad la hadasho dhakhtar ama khadka caawinta khamaarka si
aad talo u hesho.
Sidee ugala hadli karaa ilmahayga khamaarka? (How do I talk with my child about gambling?)
Inaad kala hadasho ilmahaaga khamaarka ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu bari karo khataraha. Waa muhiim in lala yeesho dood furan oo ka madax-banaan fadeexayn. Inaad canaanato ilmahaaga waxa laga yaabaa inay abuurto cadho aadna ku sii riixdo dhaqamo
khatar ah. Hadafku waa in la dareensiiyo in la taageerayo - haddii ay hore u khamareen iyo haddii kaleba.
Xilliga aad la hadleyso ayaa markasta muhiim u ah wada hadal waxtar leh. Waxay u badan tahay in kurayada iyo dhallinyaradu ay si xor ah u hadli doonaan marka ay xaaladoodu degan tahay oo aysan ku mashquul sanayn howlo kale. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa
in ilmahaagu aanu rabin in uu kula sheekeysto asagoo ciyaaraya fiidiyo gaym. Cashada ka dib ama marka baabuurka lagu wado ee iskoolka loo wado waxay noqon kartaa wakhtiyo wanaagsan oo arimahaan lagala hadli karo.
Waxa kale oo aad wada hadal bilaabi kartaa marka ilmahaagu ku weydiiyo lacag uu ku iibsado tookenada geemamka ama marka xayeeysiis khamaar soo gasho talafishinka. Weydiinta su'aalo ay ka mid yihiin 'wax iiga sheeg sababta aad u rabto inaad u iibsato tookenada'
iyo 'Xaggee baad ku aragtay xayeysiis kan oo kale ah hadda ka hor?' waxay soo dadajin doontaa wada hadal adiga oo aan cadaadis saarin ilmahaaga.
Su'aalaha khamaarka ku saabsan ee ay inta badan dhallinta iyo dadka waaweyn is weydiiyaan (Common questions about teen and adolescent gambling)
Australia malaga oggol yahay khamaarka? (Is gambling legal in Australia?)
Australia waa laga oggol yahay khamaarka; si kastaba ha ahaatee, da'da sharciga ah ee khamaarka dadweynaha waa 18 jir. Tani waxay khusaysaa khamaarka waqtiyadii hore la sameyn jiray, sida mashiinnada khamaarka iyo khamaarka dhijitaalka ah, sida khamaarka
internet ka.
Waxaan mararka qaar iibsanaa tigidhada bakhtiyaanasiibka oo qoys ahaan sharad ayaan dhiganaa marka ay jiraan xaflado isboorti oo waaweyn. Waxyaabahaas maloo aqoonsan karaa khamaar? (We sometimes buy lottery tickets and place bets as a family during major sporting events. Do these count as gambling?)
Tigidhada bakhtiyaa nasiibka iyo sharadka ciyaaraha waa noocyo ka mid ah khamaarka. Haddii aad doorato inaad ilmahaaga ka qaybgeliso hawlahan, waa fikrad wanaagsan inaad kala hadasho khataraha ka dhalan kara iyo fursadaha ay ku qasaari karaan.
Waa kuwee dhalinyarada ay u badan tahay inay la kulmaan dhibaatooyinka khamaarka? (Which teens are more likely to develop gambling problems?)
Dhallinyarada qaarkood waxay u badan tahay inay la kulmaan dhibaatooyinka khamaarka marka loo eego qaar kale. Dhibaatooyinka khamaarka waxay ku badan yihiin dhalinyarada ragga ah, ee caafimaadkooda dhimirku liito, lana kulmay xayaysiisyada khamaarka,
lehna saaxiibo iyo qoys khamaara oo sameeya dhaqamo kale oo khatar ah sida isticmaalka mukhaadaraadka.
Waa maxay sababta uu ilmahaygu u khamaarayo? (Why is my child gambling?)
Khamaarka waa nooc madadaalo ah; kurayo iyo dhalinyaro badan ayaa laga yaabaa inay khamaaraan sababo la xiriira inay u maleynayaan wax xiiso leh ama waxay rabaan inay lacag ku guuleystaan. Qaar ayaga ka mid ah, khamaarka waa hab ay isaga ilaalin karaan
shucuurta aan loo baahnayn.
Sideen ku ogaan karaa in ilmahaygu u baahan yahay in laga caawiyo dhibaatada khamaarka? (How do I know if my child needs help with a gambling problem?)
Haddii aad leedahay ilmo aadna ku aragtay calaamadaha digniinta, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad la hadasho dhakhtar ama khadka caawinta khamaarka si aad talo u hesho.
Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)
Waxaa soo saartay The Royal Children's Hospital waaxda Daawaynta Dhalinyarada. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Waxaa dib loo eegay Sebteembar 2024.
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.