Fever in children (Somali) – Qandhada carruurta

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Qandho waa marka heerkulka jidhku kor u kaco ilaa 38°C ama ka badan – badanaana waxaa u sabab ah caabuq.
    • Qandhadu waa wax badanaa ay carruurtu yeeshaan. Waxay calaamad u tahay in habka difaaca jidhku uu shaqaynayo.
    • Looma baahna in la daweeyo qandhada heysa ilmahaaga haddii ay u muuqdaan inay sidooda kale u fiican yihiin oo aysan wax dhibaato ah dareemayn.
    • U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii aad ka welwelsan tahay ilmahaaga aadna u malaynayso inay aad u liitaan.
    • Haddii uu ilmahaagu ka yar yahay saddex bilood ayna qandho ka sarreysa 38° C hayso, waa inaad sida ugu dhakhsaha badan u geysaa dhakhtarka.

    Waa maxay qandho? (What is a fever?)

    Qandho waa marka heerkulka jidhku kor u kaco ilaa 38°C ama ka badan. Qandhada ayaa ku badan carruurta waxayna jawaab caadi ah u tahay caabuqa; dhab ahaantii, waxaa laga yaabaa inay ka caawiso nidaamka difaaca ee uu jirku leeyahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen caabuqyada.

    Dhakhaatiirtu badanaa waxay diiradda saaraan waxa keenay qandhada, ee ma saaraan heerkulka inta uu yahay. Haddii ay qandho qabato ilmahaaga, waxaa aad muhiim u ah in lala socdo inay leeyihiin calaamado kale oo xanuunka ah, halkii aad si joogto ah u hubin lahayd heerkulkooda inta uu yahay. Tusaale, haddii ay ilmahaaga heyso qandho taasina ay u weheliso diif biyo ah oo sanka ka socda ama qufac, waa muhiim inaad la socoto neefsashadooda.

    In kastoo aysan qandhadu marwalba ahayn sabab loo welwelo, hadana weli waa inaad feejignaataa. Haddii ilmahaagu u muuqdo mid aysan xaaladiisu fiicnayn, waxa fiican inaad la hadasho dhakhtar ama xirfadle caafimaad.

    Calaamadaha iyo astaamaha qandhada (Signs and symptoms of fever)

    Qandho ayaa heysa ilmahaaga haddii heerkulku yahay 38°C ama ka badan.

    Waxa kale oo laga yaabaa:

    • inaysan faraxsanayn ayna iska xanuunsan yihiin
    • in jirkoodu kulul yahay markaad tabato
    • inay wax dhibsanayaan ama ooyayaan
    • inuu madaxu xanuunayo
    • inay hurdo badan oo aan lagu aqoon leeyihiin
    • inay dhididayaan
    • inay yeeshaan furuuruc ama uu midabka uu maqaarkooda isbedelo
    • inay gariirayaan ama ay qarqarayaan.

    Sida loo ogaado heerkulka ilmahaaga (Taking your child’s temperature)

    Waxaa jira dhowr siyaabood oo loo ogaan karo heerkulka ilmaha inta uu yahay. Mid kastana wuxuu heerkulka u cabiraa si gooni ah, natiijaduna way kala duwanaan kartaa iyadoo ay ku xiran tahay heerkulbeegga (thermometer) aad isticmaashay nooca uu yahay.

    Qaabka ugu fiican ee lagu hubin karo heerkulka ilmahaaga waa:

    • Kilkisha hoosteeda inaad gelisid heerkulbeeg (thermometer) dijitaal ama aalkohol ah (sidoo kalena loo yaqaan spirit)
    • in la isticmaalo heerkulbeeg dhegta la geliyo (sidoo kale loo yaqaan tympanic) - laguma talinayo in kaas loo isticmaalo dhallaanka ay da'doodu ka yar tahay lix bilood.

    Laba nuuc oo heerkulbeegyo kala duwan ah ayaa loo isticmaalaa carruurta. Dhinaca bidix, heerkulbeeg gacanta hoosteeda la galiyo ayaa loo isticmaalaa ilmaha asal ahaan ka soo jeeda Aasiya. Dhinaca midig, heerkulbeeg dhegta gudaheeda la geliyo ayaa loo isticmaalaa ilmaha cadaanka.
    Muuqaalka koowaad: Laba nooc oo heer-kul-beegyo kala duwan ah - heer-kul-beegyada kilkisha la geliyo (bidix) iyo heer-kul-beegyada dhegta (midig).


    Marwalba raac tilmaamaha heerkulbeegga si aad u hesho natiijada heerkulka saxda ah.

    Inaad wajiga ka taabato ilmahaaga ayaa laga yaabaa inay tahay sida ugu dhaqsida badan ee lagu hubin karo inay qandheysan yihiin, laakiin waa inaad ku hubisaa heerkulbeeg haddii aad u baahan tahay inaad si dhab ah u xaqiijiso.

    Heerkulbeegyada nalka ifiya (infrared) iyo kan balaastiga ah (plastic-tape) ayaa noqon kara kuwo lagu kalsoonaan karin natiijadooda marka lagu hubinayo heerkulka carruurta.

    Sida qandhada loogu daryeeli karo guriga (How to care for a fever at home)

    Cuduro badan oo kala duwan ayaa keeni kara qandho; caabuqyada fayraska ayaa naah kuwa badanaa qandhada keena.

    Qandhada badanaa waxay ku reysataa nasniin iyo taageero.

    Hoos in loo dhigo qandhada ilmahaaga heysa ma sababi doonto in caabuqa uu si dhakhso ah u baxo ama laga hortagto suuxdin ka dhalata qandhada.

    Looma baahna inaad daawo u raadiso qandhada ilmahaaga heysa haddii ay u muuqdaan kuwo ay xaaladoodu fiican tahay isla markaasna cabitaan ku filan ilmuhu cabayo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira waxyaabo aad samayn karto si aad uga caawiso inay roonaadaan:

    • U-sii ilmahaaga si joogto ah cabitaan yar marar badan. Carruur badani ma rabaan inay wax cunaan marka ay qandho hayso. Caadiyana taas wax dhib ah ma leh, mar hadii ay cabitaan ku filan cabayaan.
      • Haddii ilmahaagu ka yar yahay lix bilood, naasnuujinta ama caanaha aad dhalada ku siiso u kordhi inta jeer ee aad siiso.
      • Haddii ilmahaagu ka weyn yahay lix bilood, waxaad siin kartaa biyo, casiir tufaax oo biyo lagu daray ama cabitaanada jirka qooya ee loo yaqaan (oral rehydration solution).
    • Sii ilmahaaga paracetamol iyo/ama ibuprofen haddii qandhandhada heyso awgeed ay la xanuunsan yihiin ama ay leeyihiin calaamado kale oo jirrada ah, sida cuna xanuun. Si taxadar leh u raac tilmaamaha ku qoran bokis ka ee ku saabsan qiyaasta. Waligaa ha siin aspirin carruurta inuu dhakhtar u qoro mooyee.
    • Biyo qaboow ha ugu qubeyn ilmahaaga. Waxaa laga yaabaa inay biyaha qabow ku qarqaroodaan oo ay ku gariiraan.
    • Dhar aan cuslayn ugu labis ilmahaaga si aysan aad ugu kululaan ama aysan qaboow u dareemin. Looma baahna inaad u geliso dhar culus haddii ay jareynayaan qandho heysa awgeed - taas waxaa laga yaabaa inay jirkooda aad u sii kululeyso.

    Qallal/suuxdin qandho (Febrile seizures)

    Carruurta qaarkeed waxaa laga yaabaa inay suuxdin (qalal) yeshaan marka ay qandho qabato. Kuwaan waxaa loo yeeraa/yaqaan (febrile seizures) suuxdinta ka dhalata qandhada. Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu qabo qallal/suuxdin qandho haddii heerkulkoodu si lama filaan ah kor ugu kaco. Mararka qaar, suuxdinta ay qandhadu keento ayaa ah calaamadaha ugu horeeya ee lagu ogaan karo qandhada.

    Suuxdintu waxay noqon kartaa mid cabsi leh marka uu qofku arko, laakiin waa wax iska caadi ah oo marar dhif ah keenta saameyn caafimaad oo muddo dheer sii socon karta.

    Haddii ilmahaagu qabo suuxdinta ka dhalata qandhada ayna tahay markii ugu horeysay oo ay suuxaan, inta ay suuxsan yihiin na ay ka badan tahay shan daqiiqo, ama ay toosi waayaan marka ay suuxdinta dhamaato, isla markiiba wac ambalaas (000). Haddii kale, kaxee ilmahaaga si aad u aragto dhakhtar ama xirfadle caafimaad.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:

    • ay neefsashadu dhibayso ilmahaaga, ama uu midabkiisu buluug noqdo ama uu cadaado sidii qof dhiig la'aan heyso oo kale.
    • haddii aadan kicin karin ilmahaaga.
    • ay tahay markii ugu horreysay ee uu suuxo.
    • ay suuxdintiisu sii socoto wax ka badan shan daqiiqo.
    • Ilmahaaga ayaa suuxay markii ay suuxdinta dhamaatay na waa uu kici waayay.

    Aad isbitaalka haddii:

    • Ilmahaagu uu ka yar yahay hal bil ayna heyso qandho heerkulkeedu ka sarreeyo 38°C.
    • difaaca jirka ee ilmahaaga uu daciifay (immunocompromised) qandhadiisuna ay ka sarreyso 38°C.
    • ilmahaaga qoortiisa ayaa adag ama iftiinka ayaa indhaha ka dhibaaya.
    • ilmahaagu wuxuu leeyahay madax-xanuun joogto ah.
    • Ilmahaaga ayaa wuxuu yeeshay finan aan midabka maqaarka bedelayn marka aad riixdo (non-blanching).

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • Ilmahaaga uu ka yar yahay saddex bilood uuna leeyahay qandho ka sarreysa 38°C.
    • xaalada ilmahaaga ay kasii dareyso.
    • labo maalin ka bacdi uu soo roonaan waayo ilmahaaga.
    • Ilmahaagu wuxuu sidoo kale leeyahay calaamadaha soo socda:
      • matag iyo haduusan caloosha ku heyn karin cuntada uu cunay, ama cabitaanka uu cabay ama daawada uu qaatay
      • finan/meel gaduudatay oo maqaarka ah oo midabkeedu isbedelayo marka la tuujiyo (blanching rash)
      • neefsashada oo dhib ku noqota
      • daal ka sii daraya oo uusan qofku mar-mar xataa firfircooni dareemayn.
    • caadiyan haddii uu ilmahaagu soconayo laakiin uu joojiyay iyo/ama uusan u muuqan inuu socon karo.
    • haddii inta uu suuxsan yahay ilmahaaga ay ka yar tahay shan daqiiqo, oo aadan hubin waxa keenaya qandhada (heerkul gaaraya 38°C ama ka badan).
    • waxaad ka walwalsan tahay ilmahaaga oo waxaadna u malaynaysaa inay u muuqdaan qof xanuunsan.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • ay xaaladoodu roontahay oo ay firfircoon yihiin inta u dhaxeysa qadarka u dhaxeeya qandha soo noqnoqonaysa, ama markay qaataan paracetamol iyo/ama ibuprofen ka dib.
    • ay cabayaan cabitaan ku filan.
    • ay si caadi ah u neefsanayaan.
    • Waxay u muuqdaan inay soo roonaanayaan.

    Su'aalaha badanaa la iska weydiiyo qandhada carruurta ku dhacda (Common questions about fever in children)

    Miyeey tahay inaan ka walwalo qandhada ilmahayga? (Should I be worried about my child’s fever?)

    Waa caadi inaad welwesho haddii ay qandho heyso ilmahaaga. Balse, inta badan qandhada waxaa sababa caabuqa iskiis isaga reysta oo uma baahna daawo gaar ah. Carruurta aad u yar kuma jiraan waxa laga hadlayo. Haddii ilmahaagu uu ka yar yahay hal bil ayna qandho heyso, waa inaad geysaa isbitaal; Haddii ilmahaagu ka yar yahay saddex bilood ayna qandho heyso, u tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad.

    Adiga ayaa nooga aqoon badan ilmahaaga. Da' kasta oo ay yihiinba, haddii ay u muuqdaan kuwo aad u liita oo aad ka welwelsan tahay, waxaa fiican inaad la hadasho dhakhtar.

    Ilmahaygu cuntana ma cunayo waxna ma cabayo markay qandho heyso. Maxaan sameeyaa? (My child is not eating or drinking with a fever. What should I do?)

    Waa wax iska caadi ah in rabitaanka cuntada ee caruurta uu xumaado markay qandho qabaan. Taasi badanaa wax dhib ah malaha, mar haddii ay wax ka cabayaan si uusan jirkoodu qoyaan la'aan u noqon. Haddii ilmahaagu ka yar yahay lix bilood, naas-nuujinta u badi ama caanaha dhalada sii marar badan. Waxa kale oo aad siin kartaa cabitaanka jirka qooya ee loo yaqaan (oral rehydration solution). Haddii ilmahaagu ka weyn yahay lix bilood, sii biyo, cabitaanka jirka qooya ee loo yaqaan (oral rehydration solution), caano ama casiir tufaax ah oo biyo lagu daray.

    Haddii ilmahaagu cabayo biyo kaliya, waa inaad siisaa cuntooyin fudud sida furuut ama buskud qallalan. Taas waxay ka heli doonaan firfircooni dheeraad ah.

    La hadal dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii aanay cabbi karin ama waxkasta oo lasiiyo ay soo matagayaan.

    Caadi ahaan ilaa intee ayay qandhadu sii heynaysaa qofka? (How long does a fever typically last?)

    Inta badan qandhada waxaa looga reystaa isbuuc gudihiis, waxayna ku xiran tahay waxa sababay qandhada. Si kastaba ha ahaatee, xirfadlayaasha caafimaadku waxay inta badan ku talinayaan inaad la hadasho dhakhtarka haddii ilmahaagu qabo qandho wax ka badan laba maalmood - waliba haddii ay yeeshaan calaamado kale oo walaac leh.

    Ma runbaa in qandhada aan waxba loo cunin? (Is it true that you should starve a fever?)

    Maahmaahdii hore ee dhahaysay 'qandho gaajo ayaa u daawo ah' waa khuraafaad. Cabitaanka in diirada la saaro ayaa muhiim ah marka ay ilmahaagu qandho heyso, laakiin waa iska caadi haday wax cunaan.

    Isku mar ma wada siin karaan ilmahayga paracetamol iyo ibuprofen? (Can I give my child paracetamol and ibuprofen at the same time?)

    Paracetamol ama ibuprofen midkood ayaa caadiyan ku filan inay caawiso ilmaha qaba qandhada. Balse, wax dhibaato ah malaha haddii aad labadaba isku mar wada siiso, ama in aad mid uun siiso ka-bacdina aad ka daba siiso midka kale si waafaqsan sharaxaada lagu qoray baakadka ay daawada ku jirto, haddii loo baahdo. Haddii aad ilmahaaga wada siinayso paracetamol iyo ibuprofen, hubi inaad la socoto qiyaasta iyo goorta aad siinayso. Waxa kale oo laga yaabaa inay ku caawiso haddi aad taleefankaaga ku buuxiso xilliga loo baahan yahay in marka xigta la siiyo daawada.

    Ilkaha soo baxaya ma keeni karaan qandho? (Can teething cause a fever?)

    Carruurta ay ilkuhu u soo baxayaan waxa laga yaabaa inuu heerkulkooda gaaro ilaa 38°C. Heerkul ka sarreeya 38°C maaha mid ay sababeen ilkahja soo baxayaa; waxay u badan tahay in ilmahaagu qabo caabuq. Waxa dhici karta in ay si kadis ah isku mar isugu soo beegantay ilmahaaga oo ay ilkuhu u soo baxayaan iyo asagoo infekshan leh, maadaama ay labaduba yihiin marxalad ay ilmaha la kulmi karaan.

    Wali qandho ayaa heysa ilmahayga markii aan xanuun baabi'iye siiyay ka dib. Miyeey tahay inaan taas ka welwelo? (My child still has a fever after pain relief medicine. Should I be worried?)

    Haddii ilmahaagu uu u dareemayo caadi oo calaamada kale ee jirradana uu ka soo roonaanayo, looma baahna inaad ka welwesho qandhadooda. Waxaa laga yaabaa in Paracetamol iyo ibuprofen inay qandhada ka jabin waayaan; sababta dawooyinkan loo siinayo waa inay xaaladiisu roonaato.

    Waa inaad la hadashaa dhakhtarka ilmahaaga haddii uu qandho lahaa wax ka badan laba maalmood oo aanu soo roonaanayn, ama haddii aad ka welwelsan tahay inay u muuqdaan kuwo aad u xanuunsan.

    Ma siin karaa ilmahayga aspirin si uga caawiso qandhada? (Can I give my child aspirin to help with a fever?)

    Waligaa ilmahaaga ha siin aspirin inuu dhakhtarkooda si gaar ah ugu qoray mooyee. Waxay taasi horseedi kartaa xaalad khatar ah balse naadir/dhif ah oo loo yaqaan (Reye syndrome).

    Maxaan siin karaa ilmahayga oo dawooyin dabiici ah si ay uga caawiso inuu roonaado? (What natural remedies can I give my child to help them feel better?)

    In caruurta la siiyo daawooyin dabiici ah laguma talinayo iyadoo uusan dhakhtar kula talin. Ilmahaagu uma baahna fiitamiino si ay xaaladiisu dhakhsi usoo roonaato.

    Intee maalmood ayaa loo baahan yahay in ilmahayga ay guriga joogaan oo ay iskuulka ama xannaanada carruurta ka joogaan hadii ay qandho heyso? (How long should my child stay home from school or childcare with a fever?)

    Ilmahaagu waxa uu ku soo laaban karaa iskuulka marka ay xaaladiisu soo roonaato oo ay calaamadihii xanuunka kasoo reynayaan, inuu dhakhtar kugula taliyo ra'yi kaas ka duwan mooyee.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Waxaa soo saartay Waaxda Gurmadka Degdega ah ee Isbitaalka Carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib loo eegay bisha Sebteembar 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.