Su'aalaha badanaa la iska weydiiyo qandhada carruurta ku dhacda (Common questions about fever in children)
Miyeey tahay inaan ka walwalo qandhada ilmahayga? (Should I be worried about my child’s fever?)
Waa caadi inaad welwesho haddii ay qandho heyso ilmahaaga. Balse, inta badan qandhada waxaa sababa caabuqa iskiis isaga reysta oo uma baahna daawo gaar ah. Carruurta aad u yar kuma jiraan waxa laga hadlayo. Haddii ilmahaagu uu ka yar yahay hal bil ayna
qandho heyso, waa inaad geysaa isbitaal; Haddii ilmahaagu ka yar yahay saddex bilood ayna qandho heyso, u tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad.
Adiga ayaa nooga aqoon badan ilmahaaga. Da' kasta oo ay yihiinba, haddii ay u muuqdaan kuwo aad u liita oo aad ka welwelsan tahay, waxaa fiican inaad la hadasho dhakhtar.
Ilmahaygu cuntana ma cunayo waxna ma cabayo markay qandho heyso. Maxaan sameeyaa? (My child is not eating or drinking with a fever. What should I do?)
Waa wax iska caadi ah in rabitaanka cuntada ee caruurta uu xumaado markay qandho qabaan. Inta badan taasi wax dhib ah maleh, marba haday wax cabayaan si aysan u oomin. Haddii ilmahaagu
ka yar yahay lix bilood, naas-nuujinta u badi ama caanaha dhalada sii marar badan. Waxa kale oo aad siin kartaa cabitaanka jirka qooya ee loo yaqaan (oral rehydration solution). Haddii ilmahaagu ka weyn yahay lix bilood, sii biyo, cabitaanka jirka
qooya ee loo yaqaan (oral rehydration solution), caano ama casiir tufaax ah oo biyo lagu daray.
Haddii ilmahaagu cabayo biyo kaliya, waa inaad siisaa cuntooyin fudud sida furuut ama buskud qallalan. Taas waxay ka heli doonaan firfircooni dheeraad ah.
La hadal dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii aanay cabbi karin ama waxkasta oo lasiiyo ay soo matagayaan.
Caadi ahaan ilaa intee ayay qandhadu sii heynaysaa qofka? (How long does a fever typically last?)
Inta badan qandhada waxaa looga reystaa isbuuc gudihiis, waxayna ku xiran tahay waxa sababay qandhada. Si kastaba ha ahaatee, xirfadlayaasha caafimaadku waxay inta badan ku talinayaan inaad la hadasho dhakhtarka haddii ilmahaagu qabo qandho wax ka badan
laba maalmood - waliba haddii ay yeeshaan calaamado kale oo walaac leh.
Ma runbaa in qandhada aan waxba loo cunin? (Is it true that you should starve a fever?)
Maahmaahdii hore ee dhahaysay 'qandho gaajo ayaa u daawo ah' waa khuraafaad. Cabitaanka in diirada la saaro ayaa muhiim ah marka ay ilmahaagu qandho heyso, laakiin waa iska caadi haday wax cunaan.
Isku mar ma wada siin karaan ilmahayga paracetamol iyo ibuprofen? (Can I give my child paracetamol and ibuprofen at the same time?)
Paracetamol ama ibuprofen midkood ayaa caadiyan ku filan inay caawiso ilmaha qaba qandhada. Balse, wax dhibaato ah malaha haddii aad labadaba isku mar wada siiso, ama in aad mid uun siiso ka-bacdina aad ka daba siiso midka kale si waafaqsan sharaxaada
lagu qoray baakadka ay daawada ku jirto, haddii loo baahdo. Haddii aad ilmahaaga wada siinayso paracetamol iyo ibuprofen, hubi inaad la socoto qiyaasta iyo goorta aad siinayso. Waxa kale oo laga yaabaa inay ku caawiso haddi aad taleefankaaga ku buuxiso
xilliga loo baahan yahay in marka xigta la siiyo daawada.
Ilkaha soo baxaya ma keeni karaan qandho? (Can teething cause a fever?)
Carruurta ay ilkuhu u soo baxayaan waxa laga yaabaa inuu heerkulkooda gaaro ilaa 38°C. Heerkul ka sarreeya 38°C maaha mid ay sababeen ilkahja soo baxayaa; waxay u badan tahay in ilmahaagu qabo caabuq. Waxa dhici karta in ay si kadis ah isku mar isugu
soo beegantay ilmahaaga oo ay ilkuhu u soo baxayaan iyo asagoo infekshan leh, maadaama ay labaduba yihiin marxalad ay ilmaha la kulmi karaan.
Wali qandho ayaa heysa ilmahayga markii aan xanuun baabi'iye siiyay ka dib. Miyeey tahay inaan taas ka welwelo? (My child still has a fever after pain relief medicine. Should I be worried?)
Haddii ilmahaagu uu u dareemayo caadi oo calaamada kale ee jirradana uu ka soo roonaanayo, looma baahna inaad ka welwesho qandhadooda. Waxaa laga yaabaa in Paracetamol iyo ibuprofen inay qandhada ka jabin waayaan; sababta dawooyinkan loo siinayo waa inay
xaaladiisu roonaato.
Waa inaad la hadashaa dhakhtarka ilmahaaga haddii uu qandho lahaa wax ka badan laba maalmood oo aanu soo roonaanayn, ama haddii aad ka welwelsan tahay inay u muuqdaan kuwo aad u xanuunsan.
Ma siin karaa ilmahayga aspirin si uga caawiso qandhada? (Can I give my child aspirin to help with a fever?)
Waligaa ilmahaaga ha siin aspirin inuu dhakhtarkooda si gaar ah ugu qoray mooyee. Waxay u horseedi kartaa xaalad khatar ah balse marar dhif ah ayay dhacda taas oo loo yaqaan 'Reye syndrome'.
Maxaan siin karaa ilmahayga oo dawooyin dabiici ah si ay uga caawiso inuu roonaado? (What natural remedies can I give my child to help them feel better?)
In caruurta la siiyo daawooyin dabiici ah laguma talinayo iyadoo uusan dhakhtar kula talin. Ilmahaagu uma baahna fiitamiino si ay xaaladiisu dhakhsi usoo roonaato.
Intee maalmood ayaa loo baahan yahay in ilmahayga ay guriga joogaan oo ay iskuulka ama xannaanada carruurta ka joogaan hadii ay qandho heyso? (How long should my child stay home from school or childcare with a fever?)
Ilmahaagu waxa uu ku soo laaban karaa iskuulka marka ay xaaladiisu soo roonaato oo ay calaamadihii xanuunka kasoo reynayaan, inuu dhakhtar kugula taliyo ra'yi kaas ka duwan mooyee.