Fasting for surgery (Somali) – Soonka loo soomayo qalliinka

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Waxaa loo baahan yahay inuu ilmahaagu joojiyo cunto cunista iyo cabbitaanka inta aan la qalin ka hor si aanu wax dhibaato ah ula kulmin; taas waxaa loo yaqaannaa soon.
    • Waa muhiim in loo hogaansamo sharaxaada ku saabsan soonka ee ay bixisay kooxda daaweynaysa ilmahaaga, haddii kale waxaa laga yaabaa in qalliinka dib loo dhigo ama ballan kale la qabto.
    • Ilmahaagu wuxuu cabbi karaa caanaha naaska ilaa saddex saacadood ka hor inta aan qalliinka lagu sameyn, iyo sidoo kale caanaha budada ah (formula) oo uu cabi karo ilaa afar saacadood ka hor inta aan qaliinka lagu sameyn.
    • Ilmahaaga waxaad siin kartaa kabashooyin yar oo cabitaanada sida biyaha, casiirka cad iyo cabitaannada macaan ee la qasi karo (cordial), ilaa inta looga wacayo qolka qalliinka. Dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad ayaa kuu sheegi doonta marka aad joojinayso. Ha siin caano (dairy milk) laga soo lisay xoolaha.
    • Ilmahaagu ma cuni karo wax cunto ah haba yaraatee ugu yaraan lix saacadood ka hor qalliinka. Waxaana taas ku jira nacnacyada iyo cuntada fudud.
    • Haddii aad wax su'aalo ah oo ku saabsan cunto joojinta aad qabto, la hadal kooxda qaleysa ilmahaaga.

    Waa maxay soonku? (What is fasting?)

    Soonku micnihiisu wuxuu yahay in aan waxba la cunin muddo cayiman.

    Haddii ilmahaaga loo samaynayo qalliin u baahan in la seexiyo (iyadoo la isticmaalayo daawada suuxinta), waxay u baahan yihiin inay soomaan inta aan la qalin ka hor.

    Soonka la soomayo qalliinka ka hor (Fasting before surgery)

    Maxay tahay sababta uu ilmahaygu ugu baahan yahay inuu soomo? (Why does my child need to fast?)

    Soonka la soomayo qalliinka ka hor waa mid aad muhiim u ah si aysan ilmaha wax dhibaato ahi usoo gaarin. Daawada ka caawinaysa ilmahaagu inuu seexdo ayaa sii adkaysa iyaga si loo ilaalliyo hawo-mareenada. Haddii ay wax cunto ahi ku jirto calooshooda, way neefsan karaan waxayna khatar ugu jiraan caqabado sida (pneumonia).

    Goorma ayaa loo baahan yahay inuu ilmahaygu bilaabo inuu soomo? (When should my child start fasting?)

    Dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad ayaa kuu sheegi doonta goorta loo baahan yahay in ilmahaagu joojiyo cunto-cunista inta aan la qalin ka hor. Caadiyan qof ka tirsan kooxda qallinka samaynaysa, sida kalkaaliso caafimaad ama dhakhtarka suuxdinta – dhakhtarka ilmahaaga seexin doona, ku qanacsan, oo amaangeliya inta qaliinku socdo.

    Haddii aad qabto wax su'aalo ama ay jiraan wax aad ka walaacsan tahay oo ku saabsan soonka, kala hadal kooxda qalliinka ku sameynaysa ilmahaaga.

    Tilmaamaha soonka ee carruurta iyo dhallinyarada (Fasting guidelines for children and young people)

    Waxaa jira tilmaamo kala duwan oo ku saabsan soonka marka laga hadlayo cuntada iyo caanaha, oo ay ku jiraan caanaha naaska. Taasna waxaa u sabab ah in cuntada iyo caanuhu ay qaataan waqti dheer si ay u dheefshiidmaan marka lala barbardhigo cabitaannada cad (clear liquids).

    Halkan waxaa ku qoran tilmaamaha soonka ee Isbitaalka Carruurta ee Royal (RCH):

    • Cabitaannada khafiifka ah: Ilmahaago haraadan waxaa loo oggol yahay kabashooyin yar, ilaa inta uu dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad ay kaaga sheegi doonto inaad joojiso. Kuwaas waxaa ka mid ah biyaha caadiga ah, casiirka tufaaxa (oo aan wax miro ah lahayn), cabitaannada elektrolaayt (electrolyte) ka ah, iyo jalaatada barafka ah (ice poles).
    • Caanaha naaska: Waxaad ilmahaaga ka joojisaa caanaha naaska saddex saacadood ka hor inta aan qalliinka la sameyn.
    • Foormalada: ka jooji ilmahaaga caanaha budada ah afar saacadood ka hor inta aan qalliinka la sameyn. Kuwaan waxaa ka mid ah caanaha budada ah ee loogu talagalay dhallaanka, socod baradka, iyo caanaha heerka labaad ee budada ah.
    • Cuntada iyo cabitaannada kale: Ka jooji ilmahaaga cuntada iyo cabitaannada kale lix saacadood ka hor inta aan qalliinka la sameyn. Kuwaas waxaa ka mid ah nacnacyada, jalaatada, caanaha kale (caanaha dairy ga ah iyo kuwa aan ahaynba), iyo cabitaannada fadhiya (smoothies) sida kuwa la shiiday.

    Haddii ilmahaagu uu qalliin ku galayo RCH, waa inaad raacdaa xeerarkan. Haddii kale, waxaa laga yaabaa in qalliinkooda dib loo dhigo ama maalin kale loo balamiyo.

    Waa sawir muujinaya xilliga loo baahan yahay in carruurtu ay joojiyaan cunto-cunista iyo wax cabista qalliinka inta aan la samayn ka hor; wuxuu ka kooban yahay afar qaybood oo midabbadoodu u kala baxaan buluug iyo guduud-madow (purple).

    Jaantuska koowaad: Jadwal muujinaya waqtiga ay tahay in ilmahaagu joojiyo cunto-cunista iyo cabitaanka qalliinka ka hor.

    Cabitaana khafiifa (Clear liquids)

    Cabbitaanada faseexa ah (clear liquid) waxaa loola jeedaa cabitaanada sida dhalada oo kale wax laga dhex arki karo, oo aan lahayn wax weyn oo is heysta oo aan sahlanayn in gudahooda la arko.

    Ilmahaaga waxaa loo oggol yahay kabashooyin yar oo cabitaanada sida dhalada oo kale ah (clear fluids) haddii oo ooman yahay, ilaa uu dhakhtar ama kalkaaliso kaaga sheegayso inaad joojiso.

    Qaar ka mid ah cabitaano khafiifa (clear liquids):

    • Biyaha caadiga ah
    • Casiir cad, sida casiirka tufaaxa ee aan lahayn wax miro ah
    • Cabitaanada macaan (cordial)
    • Gulukoos ama biyo sonkor ah.

    Fiiro gaar ah: Casiirka liinta (orange), caanaha (iyo kuwa aan caanaha xoolaha ka samaysnayn), jeliga, maraqa, biyaha qumbaha, iyo cabitaannada aashitada leh ma aha cabbitaan clear ah.

    Daawooyinka (Medicines)

    Waa in ilmahaagu qaataa daawada oo caadiyan qaato maalinta la qalayo inuu dhakhtarka ku taliyo si kale mooyee. Waa inay daawooyinka ku qaataan cabitaano cad sida biyaha oo kale.

    Haddii ilmahaagu uu qaato dawooyinka dhiigga khafiifiya (sida aspirin-ka) ama dawooyinka sonkorowga (sida insulin-ta), kala tasho dhakhtarkooda sida loo maareeynayo dawooyinkan ugu yaraan laba isbuuc ka hor inta aan qalliinka la sameyn.

    Qalliin degdeg ah (Emergency surgery)

    Wixii qalliino degdeg ah, dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad oo kuu sheegi doonta goorta ay tahay in ilmahaagu joojiyo cunto-cunista iyo cabbista. Marxaladahan oo kale way ka duwanaan karaan marxaladaha kale.

    Cunto iyo cabitaan qalliinka ka dib (Food and drink after surgery)

    Carruurtu badanaa waxay awoodaan inay wax cunaan ayna cabbaan isla markiiba marka la qalo ka dib; dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad ayaa taas kuu xaqiijin doonta.

    Waxaa fiican inaad ilmahaaga siiso biyo, casiirka tufaaxa ee saafiga ah, ama barafka macaan ee dhadhanka liin dhanaanta leh (lemonade ice pop) ka hor inta aadan dib ugu bilaabin cuntadoodii caadiga ahayd. Carruurta yaryar badankoodu waxay cabi karaan caanaha naaska ama caanaha budada ah ee la qaso.

    Carruurta qaar waxaa laga yaabaa inay awoodi waayaan inay wax cunaan ama cabbaan isla markiiba, sidaas darteedna waxaa cabitaanka lagu siin doonaa faleenbo (IV) xiddinka looga mudayo.

    Su'aalaha inta badan la iska weydiiyo soonka la soomayo marka qalliin la sameynayo (Common questions about fasting for surgery)

    Ma siin karaa ilmahayga nacnaca reexaanta (mint) ama xanjo inta aan la qalin ka hor? (Can I give my child mints or chewing gum before their surgery?)

    Ha siin ilmahaaga nacnaca reexaanta (mint) ama xanjo inta aan la qalin ka hor. Waxay sababi karaan in ilmahaagu sameeyo uuna liqo candhuuf badan, taas oo kordhinaysa dheecaannada caloosha. Dareerayaashani waxay leeyihiin aashito; haddii ilmahaagu uu neefsado inta lagu jiro qalliinka, aashitadu waxay dhaawici kartaa sambabbadooda. La hadal dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad haddii aad wax su'aalo ah qabto.

    Cuntooyinka sida jeliga (jelly) iyo barafka jalaatada ah (icy poles) ma loo arki karaa inay yihiin dareerayaal cad (clear liquids)? (Are foods like jelly and icy poles considered clear liquids?)

    Barafka jalaatada ah (ice lollies) badanaa waxaa laga sameeyaa dareere cad oo la qaboojiyey, balse waxaa fiican inaad la tashato dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad ka hor inta aadan siin ilmahaaga. Jalaatada laga sameeyay caanaha ee qoriga leh ma aha dareereyaal cad (clear liquids). Jelly-ga waxaa laga sameeyaa borotiin (gelatin). Ma aha dareere cad (clear liquid) oo wuxuu fadhinaya caloosha dhowr saacadood.

    Cabbitaanada kuwa cad (clear liquid) nuucee ayaa ugu fiican inuu ilmahaygu cabo intuusan qalliinka gelin kahor? Ma waxaa fiican inaan siiyo biyo cad intaan siin lahaa cabbitaanada sonkorta leh? (Which clear liquid is best for my child to drink before their surgery? Should I give them water instead of sugary drinks?)

    Biyaha caadiga ah, casiirka tufaaxa ee saafida ah iyo cabitaanka macaan (cordial) ayaa dhammaantood ah cabitaanno ku habboon in ilmahaaga la siiyo inta aan la qalin kahor. Casiirka tufaaxa ee saafida ah iyo cabitaanka macaan ee la qasi karo (cordial) ayaa laga yaabaa inay ilmahaaga ka yareeyaan dareenka gaajada. Waxaad sidoo kale siin kartaa biyo lagu daray xoogaa yar oo sonkor ah.

    Ilmahaygu ma cadaysan karaa ilkaha inta uu sooman yahay qalliinka ka hor? (Can my child brush their teeth when fasting for surgery?)

    Ilmahaagu wuu cadaysan karaa ilkahiisa inta uu sooman yahay, laakiin waa inuusan liqin wax cadayga ah.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)


    Wac ambalansi (000) isla markiiba haddii ay xaalad culus ku qabsato.

    Waxaa soo saartay waaxda Suuxinta iyo Maareynta Xanuunka ee Isbitaalka Carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Dib loo eegay Luulyo 2026

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.