Qodobbada muhiimka ah (Key points)
- Fuuqbaxa waa marka jirka ay ka baxaan biyo ka badan inta uu qaadanayo.
- Carruurta yaryar iyo dhallaanka ayaa khatarta ugu badan ugu jira inay fuuq baxaan.
- Xanuunada keena matagga iyo shubanka waxay keeni karaan fuuqbax.
- Hubi in ilmahaagu cabbayo cabitaan ku filan marka ay jiran yihiin, si aanay u fuuq bixin.
- Haddii ilmahaagu uusan cabayn cabitaan ku filan oo ay u muuqdaan inay xaaladoodu kasii darayso, waa inaad u qaaddaa dhakhtar.
Waa maxay fuuqbaxa? (What is dehydration?)
Fuuqbaxa waa marka jirku lumiyo biyo ama dareere ka badan inta uu qaadanayo.
Biyuhu waxay muhiim u yihiin habab badan oo jirka ah, sida in heerkulka jirkaaga uu ahaado mid caafimaad leh, dheefshiidka cuntada, iyo isku dheelitirka milixda iyo heerarka nafaqeynta. Jirku haduusan lahayn biyo ku filan waxay adkeynaysaa inuu si sax
ah u shaqeeyo.
Dhallaanka iyo carruurta yaryar ayaa halista ugu badan ugu jira fuuqbaxa dhowr sababood dartood. Iyagu:
- biyo badan ayuu maqaarkooda lumiyaa
- mar walba ma helaan cabitaan ku filan waxayna badanaa u baahan yihiin dadka kale inay biyo siiyaan
- waxay u badan tahay inay la xanuunsadaan xanuuno sababaya in jirkoodu biyo lumiyo markay matagaan iyo markay shubmaan, sida gastroenteritis (xanuunka gaaska)
- waxay u badan tahay in cudurrada neef-mareenka uu ku dhaco, kuwaas oo keena calaamado sida dhuun xanuun sababi kara inay diidaan cunto-cunista iyo cabbitaanka
- waxaa laga yaabaa inaysan kuu sheegi karin marka ay u baahan yihiin cabitaan badan.
Carruurta la nool xanuuno muddo dheer soo jiray sida dhibaatooyinka wadnaha iyo kelyaha, iyo carruurta qaadata daawooyinka qaar (sida daawooyinka kaadida kordhiya), ayay u badan tahay inay fuuq baxaan.
Isku day inaad ku dadaasho sidii uu ilmahaaga jirkoodu qoyaan u heli lahaa marwalba, aadna ula soco inta ay cabayaan marka ay xanuunsan yihiin. Fuuqbaxa siyaadada ahi wuxuu noqon karaa khatar.
Calaamadaha iyo astaamaha lagu garto fuuq-baxa (Signs and symptoms of dehydration)
Fuuqbaxa yar (Mild dehydration)
Haddii ilmahaagu ay wax yar fuuqbaxeen, waxaa laga yaabaa inay:
- harraad dareemaan
- inta jeer ay kaadinayaan (fii) ka yar tahay sidii caadiga ahayd.
fuuqbaxa meel dhexaadka ah (Moderate dehydration)
Haddii ilmahaagu uu si meel dhexaad ah u fuuqbaxay, waxaa laga yaabaa inay:
- harraad dareemaan
- firfircoonidoodu yaraato sidoo kalena aamusnaan aan caadi aheen lagu arko
- gacmahooda iyo cagahooda qabow noqdaan
- yeeshaan af, bushimo iyo carrab qallalan
- kaadidooda (kaadi) ka yartahay sidii hore oo ay sidoo kalena ka madoowdahay sidii caadiga ahayd.
Fuuqbax daran (Severe dehydration)
Haddii ilmahaagu zaaid u fuuqbaxo, waxaa laga yaabaa inay:
- gacmahooda qabow noqdaan iyo in uu sidii wax qalalan oo kale noqdo (bacsan, qaab guduudan oo buluug ah) maqaarkooda
- u muuqdaan sidii qof ay tabar darri heyso (awood yari) oo ayna hurdo badan dareemayaan
- indhahooda god galaan
- inta jeer ay kaadinayaan yaraato markay kaadiyaana ay kaadidoodu ka yaraato sidii caadiga ahayd, amaba aysan kaadin.
Fuuqbaxa saayidka ah waa halis oo si dhakhso ah ayuu uga sii dari karaa. Waa inaad si degdeg ah u raadsato gargaar caafimaad.
Sida guriga loogu daryeelo fuuqbaxa (How to care for dehydration at home)
Sida wax looga qaban karo waxa sababay fuuq-baxa (Addressing the cause of dehydration)
Fuuqbaxa badanaa waa calaamad lagu garto jiro kale. Caabuqa fayraska ayaa ah waxa badanaa keena.
Haddii ilmahaagu leeyahay:
- cune xanuun, xanuun afka, qandho ama xanuun iyo jir xanuun ka joojinaya inay wax cabbaan, daawada xanuunka baabi'isa sida paracetamol ama ibuprofen ayaa inta badan caawinaysa.
- sanka oo xiran oo ku adkeynaya in la quudiyo, isku day inaad isticmaasho daawada sanka lagu buufiyo ama daaweeyaha sanka si aad uga soo nuugto diifka sankuna ugu furmo.
- lallabbo ama matag, la hadal dhakhtarkooda kaas oo u qori kara dawo sida ondansetron oo ka hortagsa lallabada.
Ha siin ilmahaaga daawooyin ka yaraynaya shubanka sababtoo ah waxay keeni karaan dhibaatooyin (side effects) kale.
Cabitaanada ugu fiican ee lagu daweeyo fuuq-baxa (Best fluids to treat dehydration)
Cabitaanada aan wax lagu darini waxay u fiican yihiin inay qofka ka caawiyaan fuuq-celinta, maadaama jidhku si dhakhso ah u nuugo. Teeda kalena inta badan carruurta xanuunsan waxay ugu dhadhameysaa si fiican. Si kastaba ha ahaatee, haddii ilmahaagu cabbayo
cabitaan kale sida caanaha, waad siin kartaa.
Cabitaanada cad kuwa ugu fiican ee la siin karo carruurta fuuq-baxa badankoodu waa biyaha, casiirka tufaaxa oo biyo lagu daray iyo xalalka fuuq-celinta afka (oral rehydration solutions) - haday ahaan lahayd cabitaan ama jalaato baraf ah. Xalka fuuq-celinta
afka (Oral rehydration solutions) ayaa jirka siinaya qoyaan iyo cusbo; waxaad ka iibsan kartaa dukaamada waaweyn iyo farmashiyeyaasha. Waa waxa ugu fiican ee lagu daaweeyo fuuq-baxa, laakiin carruurtu inta badan ma jecla cusbada dhadhankeeda.
Haddii uu ilmahaagu cabayo biyo kaliya, waa inaad sidoo kale ku dhiirigelisaa inay cunaan cuntooyinka fudud sida khudradda ama buskudka qallalan. Taas waxay ka heli doonaan firfircooni dheeraad ah.
Sida loo daryeelo fuuqbaxa sahlan iyo midka dhexdhexaad ka ah (Care for mild and moderate dehydration)
Dhallaanka ka yar lix bilood (Babies under six months)
Haddii ilmahaagu ka yar yahay lix bilood oo ay u muuqato inuu leeyahay calaamadihii fuuqbaxa, u gee dhakhtarka. Dhakhsi ayay xaaladooda uga sii dari kartaa.
Dhallaanka da'doodu tahay lix bilood ilaa hal sano (Babies aged six months to one year)
- Wax yar ku quudi ilmahaaga, adoo quudinaya marar badan.
- Waxa kale oo aad siin kartaa ilmahaaga cabitaan dheeraad ah oo cad 12 ka saacadood ee ugu horreeya – waliba haddii ay matagayaan ama ay shubmayaan.
- Waxaad siin kartaa dareere adoo isticmaalaya silinge (cirbad la'aan), si la mid ah sida aad daawada ugu siiso, haddii aysan caadi u quudanayn. Sida caadiga ah, isku day inaad siiso 5ml (millitres) shantii daqiiqaba mar kasta oo ay soo jeedaan.
- Isku day tallaabooyinkan afar saacadood oo arag sida ilmahaagu uga falceliyo. Haddii ay u muuqdaan in aanay soo roonaanayn ama aysan haynayn wixii calooshooda galaba, u gee dhakhtar.
Carruurta ka weyn 10kg (kilogram) – qiyaastii hal sano ama ka weyn (Children over 10kg (kilograms) – around one year or older)
- Sii canuggaaga kabbashooyin yar-yar oo cabitaan ah marar badan.
- Isku day inaad muddo afar saacadood ah siiso ilaa nus koob ama 100ml (millilitir) saacaddiiba.
- Waxaa laga yaabaa inay u baahdaan cabitaan badan haddii ay matagayaan ama ay shubmayaan.
- Ugu bedel cabitaan cad haddii ilmahaagu diido cabitaanadii ay caadiyan cabi jireen.
- Waxa laga yaabaa inay caawiso haddii ay ilmahaagu ku cabaan istaroow (straw), ama aad ugu shubto koob laga cabi karo ama la isticmaalo saliingaha daawada (cirbad la'aan).
- Tani waxay noqon kartaa mid aad waxtar u leh haddii uu ilmahaaga afku xanuunayo, sida gacanta, cagaha iyo afka.
- Haddii uusan ilmahaagu cabayn cabitaan biyo ah, waxaa loogu bedali karaa jalaato baraf caadi ah, jelly, iyo yoogarti.
- Isku day in aad iska ilaaliso cabitaanada sokorta badan sida liinta, sinjibiisha ama cabitaanada isboortiga waayo fuuqbaxa ayey uga sii dari kartaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa u roon inay helaan xoogaa cabitaan sonkor leh intii aysan waxba cabi
lahayn.
- Sidoo kale, ilmahaagu waxaa laga yaabaa inay u sahlanaato inuu liqo cabitaan waxyar baraf ah sida slushies.
- Raac taladan afar saacadood. Haddii ilmahaaga ay weli ula muuqato mid leh calaamadihii fuuq-baxa ama wixii calooshooda galaba ay soo celinayaan, u gee dhakhtar ama xirfadle caafimaad.
Sida loo daryeel fuuqbaxa siyaadada ah (Care for severe dehydration)
Haddii uu ilmahaagu leeyahay calaamadihii lagu yaqaanay fuuq-baxa daran, wac ambalaas (000) isla markiiba ama u qaad qaybta gurmadka degdegga ah ee isbitaalka kuugu dhow.
Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)
Ka wac ambalaasta (000) haddii:
- Ilmahaagu wuxuu uu leeyahay calaamadihii lagu yaqaanay fuuq bax ba'an oo ay neefsashaduna dhibayso.
- ilmahaagu wuxuu uu leeyahay calaamadihii lagu yaqaanay fuuq bax daran iyo maqaar u eg buluug ama cawl.
Aad isbitaalka haddii:
- Ilmahaagu wuxuu leeyahay calaamado fuuq-bax daran, sida gacmo qabow, indho god ku jira, caajis (tamar yar), ama maqaarka engagan (casaan-buluug).
U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:
- ilmahaagu uu ka yar yahay lix bilood.
- Ilmahaagu uu qabo xanuuno muddo dheer (chronic) soo jiray, sida xanuunada wadnaha iyo kelyaha ama cudurada caloosha iyo mindhicirka.
- Ilmahaagu uu qaato daawo keeni karta khatar aad u sareysa oo ah inuu qofku fuuqbaxo, sida daawooyinka sababa kaadida badan.
- fuuq-baxa ilmahaagu uusan ahayn mid soo roonaanaya xitaa markii aad raacday talada kor ku qoran, sida in la siiyo cabitaan dheeraad ah.
- calaamadaha fuuq-baxa ee ilmahaagu leeyahay aysan meesha uga bixin 24 saacadood ka dib.
Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:
- u muuqdaan inay soo roonaanayaan cabitaan badan markay cabaan ka dib.
Su'aalaha badanaa la isweydiiyo ee ku saabsan fuuq-baxa (Common questions about dehydration)
Ilmahaygu ma inuu cabbo baa cabitaannada isboortiga marka uu ciyaarayo ciyaaraha si uu uga hortago fuuq-baxa? (Should my child drink sports drinks when playing sports to prevent dehydration?)
Jimicsigu waxa uu sababi karaa in uu ilmahaagu fuuqbaxo haddii aanay cabbin cabitaan ku filan. Si kasta ha ahaatee, cabitaanada isboortiga lagulama talinayo carruurta, maadaama ay badanaa leeyihiin maaddo sonkor badan, taas oo kaga sii dari karta
fuuq-baxa. Ilmahaagu waa inuu cabbaa biyo dheeraad ah inta lagu jiro ciyaaraha isboortiga iyo ka dib. Waxa kale oo aad siin kartaa cabitaanka jirka qooya ee loo yaqaan (oral rehydration solution).
Xanuunadee ayaa badanaa keena fuuq-bax? (What illnesses are most likely to cause dehydration?)
Gastroenteritis ayaa ah xanuunka inta ugu badan keena fuuq-baxa. Taasna waxaa u sabab ah dadka xanuunkan qaba waxay lumiyaan biyaha jirka markay matagaan ama shubmaan, oo uu yaraado waxa ay cunayaan iyo waxay cabayaan. Xaaladaha sababa cune-xanuun
ama af-xanuun - sida qumanka ama xanuunka gacanta, cagaha iyo afka - waxay keeni karaan fuuqbax haddii xanuunku keeno marxalad ay qofku ku adkaaneyso inuu wax cuno ama cabo. Qandho siyaada ah ayaa sidoo kale loo aaneeyaa fuuqbaxa, sababtoo
ah jirku wuxuu ku luminayaa biyo dhididka.
Sideen uga hortagi karaa in ilmahaygu uu fuuqbaxo? (How can I prevent my child from getting dehydrated?)
Marka ilmahaagu uu xanuunsan yahay, waa muhiim inaad hubiso inay cabbayaan cabitaan ku filan si aysan u fuuqbixin. Haddii uu ilmahaagu caafimaad qabo, ku dhiiri geli ilmaha inuu si joogto ah u cabo biyaha. Sidoo kale waa inay cabbaan cabitaan
badan ka hor, inta lagu jiro iyo ka jimicsiga iyo maalmaha ay hawadu kulushahay.
Intee in le'eg oo biyo ah ayaa habboon in ilmahaygu cabbo maalin kasta marka uu caafimaad qabo?(How much water should my child drink each day when they are well?)
Biyaha uu ilmahaagu u baahan yahay inay cabaan maalin kasta marka uu caafimaad qabo inta ay la egyihiin waxay ku xiran tahay arrimo badan, sida da'dooda, heerka dhaqdhaqaaqa iyo qaab nololeedkooda. Tusaale, haddii ilmahaagu ay ciyaartiisu badan,
waa inay cabbaan cabitaan badan. Ka hage ahaan, carruurta da'doodu tahay hal ilaa saddex sano waa inay cabbaan qiyaastii afar koob oo cabitaan ah ama 1L (litir) maalintii; carruurta da'doodu u dhaxayso afar ilaa siddeed sano waa inay cabbaan
qiyaastii shan koob oo cabitaan ah ama 1.2L maalintii; carruurta da'doodu u dhaxayso sagaal ilaa 13 sano waa inay cabbaan qiyaastii shan ilaa lix koob oo cabitaan ah ama 1.4 ilaa 1.6L maalintii; iyo dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 14 ilaa
18 waa inay cabbaan qiyaastii lix ilaa sideed koob oo cabitaan ah ama 1.6 ilaa 1.9L maalintii.
Dhallaanka yaryar xoogaa way ka duwan yihiin, maadaama ay inta badan ama dhamaan cabitaanka maalin laha ah ka helaan caanaha naaska, caanaha la qaso ama cuntada runtiina uma baahna inay cabbaan biyo. Inta badan, dhallaanka da'doodu tahay eber
ilaa lix bilood waa inay helaan qiyaastii 0.7L oo cabitaan ah maalintii oo caanaha naaska ama caanaha la qaso oo uma baahna inay cabbaan biyo; sidoo kalena dhallaanka da'doodu u dhaxayso toddoba ilaa 12 bilood waa in ay helaan qiyaastii 0.8L
oo cabitaan ah maalintii oo caanaha naaska, caanaha la qaso iyo cuntada, waxayna u baahan yihiin oo kaliya inay cabbaan wax yar oo biyo ah.
Ilmahayga cabitaanka la siiyo caloosha kuma sii heyn karo. Ma waxaa loo baahan yahay inaan sii wado biyo-siinta? (My child cannot keep any fluids down. Should I keep giving them water?)
Waa muhiim inaad sii wado siinta aad ilmaha siinayso cabitaanka marka ay matagayaan ama shubmayaan. Waxay u ekaan kartaa in cabitaanka uu toos usii dhex maro jirka ama dib loo soo matago, laakiin wax badan oo ah cabitaanka aad siinayso ilmahaaga
jirkooda ayay galayaan. Muhiimadu waa inaad xaqiijisaa in ilmahaagu cabo cabitaan ka badan inta ay luminayaan.
Sidee fuuqbaxa carruurta ku dhaca loogu daaweeyaa isbitaalka? (How is dehydration in children treated in hospital?)
Haddii ilmahaagu u jiifo cisbitaal fuuq-bax daraadeed, waxa laga yaabaa inay u baahdaan daawayn ka caawinaysa inay u bedesho cabitaankii uu jirkoodu lumiyay. Saasna waxaa la sameyn karaa iyadoo la isticmaalayo tuubo lagu quudinayo oo caloosha
tagta tageysa iyadoo la sii marinayo sanka (tuubo sanka), ama dareere si toos ah xididka looga siinaya iyadoo la isticmaalayo faleebo (daawaynta xididka ama IV).
Ilmahaygu maku fuuqbaxi karaa qorraxda badan awgeed? (Can my child get dehydrated from too much sun?)
Ilmahaagu waa uu ku fuuq-baxi karaa qorraxda oo waqti badan la isku dhigo ama maalmaha ay cimiladu kulushahay. Taasna waxaa u sabab ah waxay si dhakhso ah u luminayaan biyaha jirka markay dhididaan si ay isugu dayaan inay is qaboojiyaan, waxaana
laga yaabaa inay awoodi waayaan inay kuu sheegaan inay u baahan yihiin biyo badan oo ay cabbaan. Waa muhiim inaad hubiso in ilmahaagu haysto biyo badan marka cimiladu kulushahay si loogu da'daalo inaysan fuuqbixin. Waa inay sidoo kale xirtaan
koofiyad iyo dhar dhaadheer, iyo sidoo kale kareemka qoraxda laga marsado SPF50 (Sun Protection Factor 50) ama ka sareeya maalmaha ay UV (Ultraviolet) yahay saddex ama ka badan - badanaa laga bilaabo dhamaadka gu'ga (spring) iyo xagaaga (summer)
oo dhan.
Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)
Waxaa soo saartay Waaxda Gurmadka Degdega ah ee Isbitaalka Carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Waxaa dib loo eegay bisha Sebteembar 2025
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.