Croup (Somali) – Xiiqdheer

  • English

    Qodobbada muhiimka ah (Key points)

    • Croup waa caabuq fayras ah kaas oo cidhiidhi ka dhiga marin-haweedka, taas oo qofka ku adkeynaysa neefsashada.
    • Carruurta uu ku dhaco fayraska croup waxaa laga yaabaa in markay neefsanayaan ay shanqar ka yeerto taas oo loogu yeero 'stridor' ama qufac qoto dheer, oo ciyaya kaas oo si lama filaan ah u bilaaban kara - badanaa habeenkii.
    • Sida ugu fiican ee loo daryeeli karo ilmaha qaba fayraska croup waa in la dejiyo oo la hubiyo in ay cabbaan cabitaan ku filan. Dhakhaatiirtu waxay badanaa u qoraan steroids si loo yareeyo bararka marin-haweedka.
    • Waa muhiim inaad si dhow ula socoto ilmahaaga adoo u kuurgalaya calamadaha tilmaami kara in neefsashadu ay ku adkaanayso, sida in calooshiisa ama sarartiisu u muuqato inay wax nuugayso oo kale.
    • Haddii ay neefsashadu ku adag tahay ilmahaaga ama uu sameeynayo shanqar dheer marka uu neefsanayo, uuna u muuqdo mid midabkiisu sii cadaanayo oo lulmoonaya, bishimihiisuna buluug noqdeen, ama uusan wax liqi karin, wac ambalaas (000) isla markiiba.

    Waa maxay caabuq? (What is croup?)

    waa caabuq uu keeno fayrasku. Wuxuu ka dhigaa sanduukha codka (larynx) iyo dhuunta (trachea) meel bararsan, isagoona marin-haweedka ka dhigaya meel aad u dhuuban taas oo neefsashada adkeynaysa.

    Carruurta da'doodu u dhaxayso lix bilood iyo lix sano ayay u badan tahay in caabuqaan croup loo yaqaan uu ku dhaco. Qaar baa laga yaabaa inay u baahdaan in lagu daaweeyo steroids si loo yareeyo bararka marin-haweedka neefsashaduna ugu sahlanaato.

    Calaamadaha Croup si degdeg ah ayey uga sii dari karaan, markaa waa muhiim inaad si dhow ula socoto ilmahaaga. Haddii ay neefsashadu ku adag tahay ilmahaaga ama uu sameeynayo shanqar dheer marka uu neefsanayo, uuna u muuqdo mid midabkiisu sii cadaanayo oo lulmoonaya, bishimihiisuna buluug noqdeen, ama uusan wax liqi karin, wac ambalaas (000) isla markiiba.

    Calaamadaha iyo astaamaha croup (Signs and symptoms of croup)

    Croup caadi ahaan wuxuu u biloowdaa sida hargabka caadiga ah oo kale, kaas oo leh calaamadaha hargabka oo sahlan sida qandho, diif biyo ah iyo qufac. Si kastaba ha ahaatee, neefsasho shanqar leh - oo loo yaqaan 'stridor' - ayaa badanaa u soo shaac baxda si lama filaan ah fiidkii ama habeenkii waxaana taas u sabab ah marin-haweedka oo ciriiri noqda. Waxay keentaa sanqadh iyo dhawaaq sare leh marka uu ilmahaagu neefsanayo.

    Calaamadaha kale ee badanaa lagu yaqaan caabuqan waxaa ka mid ah:

    • qufac dalqada jira, oo sida meel xiran
    • cod xabeeb leh ama si kale ah.

    In kastoo ay ku xiran tahay sida marinka-hawada u yaraado, carruurta qaar ayaa laga yaabaa inay ku adkaato neefsashadu, maqaarka u dhexeeya feeraha ama qoorta hoosteeda ayaa laga yaabaa inay isu soo ururto sidii wax in la nuugaya oo kale. Si la mid ah sida stridor (neefsi sharqan leh), dhibaatadan dhanka neefsashada ah waxay u bilaaban kartaa si lama filaan ah.

    Calaamadaha xanuunka ee qiixdu inta badan way ka sii dartaa habeenka labaad ama saddexaad ee uu qofku xanuunsanayo.

    Qufaca shanqarta dheer wuxuu socon karaa ilaa hal bil.

    Caabuqa xiiqda (croup) ee sahlan (Mild croup)

    Haddii uu ilmahaagu qabo xiiqda fudud, waxaa laga yaabaa inay:

    • yeesho qofku qufac iyo cod xabeeb leh, laakiin waa inay si fudud u neefsan karaan oo aanay neeftoodu sameenayn shanqarta dheer.

    Caabuqa xiiqdherta ee dhexdhexaadka ah (Moderate croup)

    Haddii uu ilmahaagu leeyahay caabuqa xiiqdheerta oo meel dhexaad ah, waxaa laga yaabaa inay:

    • yeeshaan qufac iyo cod xabeeb leh
    • ay ku adkaado hadalka iyo neefsashadu
    • sameeyaan dhawaq si-si kale ah, oo ay shanqartiisu sarreyso marka ay neefsadaan iyagoo xanaaqsan, laakiin saas maaha marka ay degan yihiin. Taas waxaa u sabab ah hawo-mareenka ayaa xoogaa xiran.

    Caabuqa xiiqdheer ee aadka u daran (Severe croup)

    Haddii uu ilmahaagu leeyahay caabuq croup oo aad u daran, waxaa laga yaabaa inay:

    • yeeshaan qufac iyo cod xabeeb leh
    • uu ku adkaado hadalku markay hadlayaan codkooduna xabeeb si kale ah yeesho
    • sameeyaan dhawaq si-si kale ah, oo ay shanqartiisu sarreyso marka ay neefta qaadanayaan, xataa marka ay nasanayaan
    • neefsashadu aysan u sahlanaan, iyadoo maqaarka u dhexeeya sarartooda ama luqunta hoosteeda uu noqdo mid wax nuugaya oo kale
    • u muuqdaan sidii qof cabsi ama walaac dareemaya
    • ay sameeyaan wareeg dhaqdhaqaaq leh si ay u helaan inay u dareemayaan inay si sahlan ugu neefsan karaan - inta badan horay ayay isu soo jaleeciyaan.

    Croup illustration - KidsHealth Nemours

    Figure one: Illustration showing how croup affects the airway. Image shared with permission from Nemours KidsHealth.

    Sida loo daryeelo caabuqa qiixdheerta (How to care for croup)

    • Isku day inaad ilmahaaga dejiso, maadaama neefsashadu ay adag tahay marka ay xanaaqsan yihiin.
    • Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu helo nasasho badan; jidhkoodu waxa uu u baahan yahay tamar uu kula dagaalamo fayraska
    • Hubi in ilmahaagu cabbo cabitaano ku filan.
    • Haddii ay neefsashada dhib kala kulmayaan ilmahaagu, waa inaad u tagtaa dhakhtar. Waxaa laga yaabaa inay u qoraan daawada steroids-ka si ay uga caawiso inuu bararka marinka-haweedu yaraado. Antibiyootigu ma caawin doono caabuqa qiixdheerta sababtoo ah waxaa keena fayras.

    Caabuqa qiixdheerta si degdeg ah ayuu isu bedeli karaa, markaa waa muhiim inaad daawato calaamadaha muujin kara in ilmahaagu ka sii darayo. Tani waxay badanaa dhacdaa habeenkii, markaa isku day inaad ka ag dhowdahay si aad u maqashid.

    Haddii ilmahaagu qabo stridor (neefta shanqarta dheer) marka ay nasanayaan, waxay badanaa u baahan doonaan in si dhow loogaga warhayo isbitaalka.

    Isla markiiba wac ambalaas (000) haddii ilmahaagu uu dhib kala kulmayo neefsashada ama ay neeftiisu samaynayso shanqar dheer, uu kuula muuqdo in midabkiisu sii cadaanayo iyo inuu lulmoonayo oo kale, bishimihiisu buluug noqdeen, ama aanu wax liqi karin.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato (When to get help)

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:

    • ay ku adagtahay ilmahaagu inuu neefsado, ama uu leeyahay stridor (neef shanqadh dheer).
    • uu Ilmahaaguu u muuqdo mid aad u buka, midabkiisu sii cadaanayo isla markaasna lulmoonayo.
    • bushimaha ilmahaagu u muuqdaan kuwo buluug ah.
    • ilmahaagu uu bilaabo inuu dhareero ama aysan waxba liqi karin.

    Aad isbitaalka haddii:

    • ilmahaagu uu leeyahay stridor (neef shanqadh dheer) marka ay nasanayaan oo ay degan yihiin.
    • maqaarka u dhexeeya feeraha ilmahaaga ama qoorta hoosteeda ay gudaha isugu dunto sidii inay wax nuugayaan oo kale marka ay neefsanayaan iyagoo nasanaya.

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • ilmahaagu uu leeyahay stridor (neef shanqadh dheer) marka ay xanaaqsan yihiin.
    • ay calaamadaha ilmahaaga ka sii darayaan.
    • aad ka walaacsan tahay inay fuuq baxeen.
    • haddii aad ka walwalsan tahay sabab kasta oo kale.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • ay u fududahay inay neefsadaan markay nasanayaan.
    • ay cabayaan cabitaan ku filan.
    • ay feejignaantoodu joogto ayna kula hadli karaan.

    Su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan caabuqa qiixdheerta (Common questions about croup)

    Caabuqa qiixdheerta ma la kala qaadi karaa? (Is croup contagious?)

    In kastoo caabuqa qiixdheerta laftiisu aysan dadku kala qaadi karin, fayraska keena waa. Fayrasyadani waxay inta badan faafaan marka qof fayraska qaba uu qufaco ama hindhiso. Habka ugu fiican ee lagaga hortagi karo in fayraska qiixdheertu uu faafo waa in la baro ilmahaaga inay ku dadaalaan nadaafadda, sida inay si joogto ah u dhaqdaan gacmahooda iyo inay afka daboolaan markay qufacayaan.

    Fayrasyadee ayaa keena caabuqa croup? (Which viruses cause croup?)

    Dhowr fayras oo kala duwan ayaa keeni kara caabuqa croup. Kuwaasi badanaa waa parainfluenza iyo fayraska habka neefasashada (respiratory syncytial (RSV).

    Miyaan isticmaalaa uumi si aan u daaweeyo croup? (Should I use steam to treat croup?)

    Uumiga hadda laguma talinayo in lagu daweeyo qiixdheerta. Waagii hore, takhaatiirta qaarkood waxay ku talin jireen uumiga in lagu daaweeyo caabuqa qiixdheerta, oo ay ku jiraan qalabka laisku uumiyo. Caddaymaha sayniska hadda waxay muujinayaan in daawayntani aanay waxba tarayn.

    Carruurta waaweyn miyuu ku dhici karaa caabuqa qiixdheerta? (Can older children get croup?)

    Carruurta waaweyn waa uu ku dhici karaa caabuqa qiixdheertu, balse ma badna in uu ku dhaco caruurta ay da'doodu ka weyn tahay lix sano.

    Intee in le'eg ayuu caabuqa qiixdheertu caruurta haynayaa? (How long does croup last?)

    Caabuqa qiixdheerta caadi ahaan wuxuu caruurta hayaa ilaa afar maalmood/habeen. Calaamadaha xanuunka intooda badani waxay sii jiri doonaan ilaa hal usbuuc, laakiin qufucu wuxuu socon karaa ilaa hal bil.

    Codka aan caadiga ahayn (stridor) ee ay ilmahaygu yeesheen wuxuu sii socday wax ka badan afar maalmood. Maxaan sameeyaa? (My child's stridor has lasted longer than four days. What should I do?)

    Haddii ilmahaagu weli codkoodu si kale yahay (stridor) - dhawaq dheer, neefsasho sare - afar maalmood ka dib, waa inaad u tagtaa dhakhtar. Taasi waa wax aan caadi ahayn.

    Ilmahaygu ma aadi karaa xanaanada carruurta ama iskuulka marka ay qabaan caabuqa qiixdheerta? (Can my child go to childcare or school when they have croup?)

    Waxaa fiican in ilmahaaga aad ku hayso guriga oo aysan aadin xanaanada caruurta ama iskuulka marka ay qabaan calaamadaha xanuunka sida qandho, diif biyo ah ama qufac. Marka ay xaaladoodu roonaato, ilmahaagu wuxuu ku noqon karaa hawlihii caadiga ahaa.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Waxaa soo saartay Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Isbitaalka Carruurta ee Royal, iyadoo talo laga helayo waaxda Daawooyinka Guud. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay bishii Maajo (May) 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.