Qodobbada muhiimka ah (Key points)
- Kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro ayaa ka caawinaya carruurtaada inay ka ilaaliyaan dhaawac halis ah marka ay ku safrayaan baabuurka.
- Waxaa jira talooyin aad u wanaagsan oo ku aadan sida loo isticmaalo kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro si loo xaqiijiyo in amniga caruurta uu aad u sugan yahay intii macquul ah. Talooyinkani had iyo jeer maaha kuwo la mid ah sharciga.
- Waa muhiim in la ogaado nooca ugu badbaadada fiican ee kuraasta baabuurta lagu xiro ah ee aad ilmahaaga u heli karto.
- Dhallaanka iyo carruurta yaryar amnigooda waxaa aad ugu wanaagsan kuraasta baabuurta lagu xiro ee gadaal u sii jeeda. Ilmahaaga waa inaad ku xirtaa kursi gadaal usii jeeda marba hadii uu le'eg yahay - caadiyan ilaa inta uu ka gaarayo da'da
laba ilaa saddex sano.
- Calaamadaha garbaha ayaa ah hab wanaagsan oo aad ku hubin karto in ilmahaagu uu si badbaado leh ugu xiran yahay kursiga caruurta ee baabuurka lagu xiro ama inuu ka koray kursigaas.
- '5-ta tallaabo ee xaqiijinta ah (5 talaabo oo hubin ah)' waa dhowr su'aalood oo lagu hubinayo in kuraasta caruurta lagu xiro ee loo yaqaan (adult lap-sash seat belt) oo keliya ay ku badbaadi karaan caruurtu. Ilmahaagu waa inuu ka gudbaa dhamaan
5ta tallaabo ah si loogu tixgeliyo inuu amaan xoojiyaha (booster) la'aantiis.
- Inta badan carruurtu kama gudbi doonaan 'tijaabada talaabooyinkaas 5 ta ah' ilaa ay ka gaarayaan da'da toban ilaa laba iyo toban sano.
Maxay tahay sababta kuraasta caruurtu muhiim u yihiin? (Why are car and booster seats so important?)
Shilalka ka dhaca waddooyinka ayaa ah sababta ugu weyn ee keenta dhimashada la xiriirta shilalka ee ay ku dhintaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay 15 sano Australia gudaheeda. Sannad kasta Victoria gudaheeda, boqollaal carruur ah ayaa ku lug yeesha
shilalka baabuurta. Marka uu dhaco shil baabuur, khatarta in dhaawac halis ah uu soo gaaro ilmaha ayaa ah mid aad u sarreysa haddii:
- uusan suunka u xirnayn marka uu baabuurka saaran yahay (haddii uusan ku xirnayn kuraasta baabuurta lagu xiro, kuraasta kor u soo qaadeysa ee loo yaqaan booster ama uusan suunka u xirnayn marka uu ku fadhiyo dhabta qof qaangaar ah)
- aan si sax ah suunka loogu xirin (haddii uu saaran yahay baabuur ama uu ku xiran yahay kursiga loo yaqaan booster ee aan la ekayn)
- uu ku fadhiyo kursiga hore ee baabuurka.
Kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro iyo kuwa loo yaqaan booster ka waxay ka ilaalinayaan ilmahaaga in dhaawac halis ah uu soo gaaro marka ay ku safrayaan baabuur. Waxay taas sameeyaan iyagoo:
- ku xajinaya ilmahaaga kursigooda
- ka caawinaya in saamaynta ka dhalata shilka ay kuraasta soo gaarto si loo ilaaliyo madaxa, luqunta iyo jidhka ilmahaaga
- ku xakamaynaya ubadkaaga suuman la soo marinayo lafahooda awooda leh ee garbaha iyo sinta meeshuu suunka uga xirnaan lahaa qoorta iyo caloosha.
Waa inaad had iyo jeer hubisaa in ilmahaagu ku fadhiyo kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro ee ku haboon qaab dhismeedka jirkooda ama kursiga suunka ee cabbirkooda - xitaa marka aad meel dhow u safreyso. Baabuurta way ku kala duwanaan karaan kursiga
saxda ah ee ku haboon caruurta.
Waa nuucee kursiga caruurta ee baabuurta lagu xiro ee markaas ku haboon ilmahayga? (Which car or booster seat is best for my child?)
Waxaa jira saddex nooc oo ah kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro:
- Kuraasta carruurta ee baabuurta lagu xiro ee gadaal usii jeeda
- Kuwaas waxay kusii jeedaan dhinaca dambe ee baabuurka
- Waxay taageeraan dhabarka, madaxa iyo qoorta
- Waxay leeyihiin suuman ayaga loo sameeyay.
- Kursiga caruurta ee baabuurta lagu xiro ee hore eegaya
- Waxay kusii jeedaan dhanka hore ee baabuurka
- Waxay taageeraan dhabarka, madaxa iyo qoorta
- Waxay leeyihiin suuman ayaga loo sameeyay.
- Kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro ee loo yaqaan booster
- Waxay kusii jeedaan dhanka hore ee baabuurka
- Waxay taageeraan dhabarka, madaxa iyo qoorta
- Ma laha suun ayaga loo sameeyay- waxaa loo isticmaala suunka baabuurka ee dadka qaangaarka ah ay xirtaan.
Ilmahaagu waa inuu had iyo jeer ku safraa kursi iyo suun u qalma cabbirka jirkooda, ee maaha mid u qalma da'dooda. Ilmahaaga isla markiiba ha u wareejin kursiga loogu talagalay da'da xigta - xitaa haddii sharciyada da'da ku saleysan ay oggolaadaan.
Marka aad bedalayso kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro (Changing child car restraints)
Inaad si degdeg ah ugu wareejiso ilmahaaga kursiga loogu talagalay da'da xigta waxay kordhinaysaa khatarta in dhaawac halis ah ama dhimasho ay timaado haddii uu shil baabuur dhaco.
Inta badan sharciyada ka jira Australia ee khuseeya kuraasta caruurta lagu xiro waxaa lagu saleeyay da'da. Si kastaba ha ahaatee, Isbitaalka Carruurta ee Royal (The Royal Children's Hospital - RCH) wuxuu si weyn ugu talinayaa in la raaco tilmaamaha khabiirada
qaranka ee khuseeya kuraasta caruurta ee badbaadada leh iyo in caruurta loo xulo kursi la eg intaad u doori lahayd mid loogu talagalay da'dooda. Talooyinka ah in kuraasta lagu saleeyo qaab-dhismeedka (size) jirkooda ayaa u oggolaanaya caruurtaada
inay muddo dheer sii isticmaalaan kuraasta iyagoona u fiican ammaankooda.
Sug ilaa inta uu ilmahaagu ka weynaanayo kursiga baabuurta lagu xiro inta aadan ugu badalin mid weyn. Markaas ka bacdi, tijaabi dhamaan fursadaha kale ee kuu furan ee khuseeya kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro ka hor inta aadan u wareegin nuucyada
xiga. Tusaale, raadi kursi weyn oo kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro ah ka hor inta aadan ku wareegin kuraasta loo yaqaan booster ee suunka baabuurta kaliya loo isticmaalo.
Booqo shabakada Gaadiidka Victoria (Transport Victoria website) si aad u akhrido sharciyada iyo talooyinka hada kajira gudaha Victoria ee khuseeya kuraasta
caruurta ee baabuurta lagu xiro ee ka jira.
Kuraasta caruurta ee gadaal usii jeeda (Rearward-facing car seat)
Ilmahaaga waa inaad ku xirtaa kursi gadaal usii jeeda ama midka lagu dhex rido laga bilaabo marka uu dhasho. Kuraasta nuucaan ah waxay taageerayaan madaxa iyo luqunta marka ay safrayaan waxayna si weyn u yaraynaysaa saamaynta shilku ku yeelan karo jidhkooda.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo ah kuraasta gadaal loo sii jeedin karo, sida kuwa dhallaanka lagu rido iyo kuraas siyaado kala duwan loo isticmaali karo, kuwaas oo marna gadaal loo sii jeedin karo marna hore loo soo jeedin karo.
Waa inaad saxdaa cabirka aadna xirtaa suumanka kursiga caruurta ee gadaal loo sii jeediyo ama kan lagu dhex rido markasta oo aad safreyso.
Goorta aad u wareegi karto kuraasta hore usii jeeda (When to move to a forward-facing car seat)
Ilmahaaga waxaa amnigiisu aad u sugan yahay markuu ku fadhiyo kursi gadaal usii jeeda. Waa in lagu xiraa kursiga gadaal u sii jeeda wax badan intii macquul ah - caadiyan ilaa inta ay ka gaarayaan labo ilaa saddex sano. Waa inaad ku wareejisaa ilmahaaga
kursiga hore usii jeeda marka ay ka koraan midka ugu xadka cabirkooda.
Kuraasta gadaal usii jeeda- iyo kuwa hore usii jeeda ee waafaqsan heerarka Australia iyo New Zealand AS/NZS 1754 waxay badanaa leeyihiin calaamado ilaa garabka jooga. Calaamadahani waa hab wanaagsan oo lagu hubin karo in ilmahaagu ku badbaadayo kuraastaas
iyo inuu ka koray.
Marka uu ilmahaagu ka koro kursiga baabuurka ee sii jeeda, isku day inaad hesho kursi weyn oo gadaal usii jeeda intaad si degdeg ah ugu wareejin lahayd mid hore usii jeeda.
| Da'da |
Shuruucda Australia |
Talada badbaadada khabiirka |
| Wixii lix bilood ka yar. |
Lix bilood ilaa afar sano markay jiraan. |
Kuraasta gadaal usii jeeda oo kaliya. |
| Bảy tuổi trở lên. |
Chỉ sử dụng ghế nâng hoặc dây đai an toàn thắt ngang hông dành cho người lớn. |
Kursi gadaal usii jeeda ama mid hore usii jeeda oo suuman leh. |
Kursi gadaal usii jeeda ama kan caruurta lagu rido oo kaliya.
Kursi gadaal usii jeeda ilaa intii macquul ah. Isticmaal cabbirka, ha isticmaalin da'da, si aad u go'aansato goorta aad u badalayso kursiga baabuurta lagu xiro. Kuraasta caruurta ee baabuurta lagu xiro ee gadaal usii jeeda waxay ku haboon yihiin carruurta
da'doodu tahay laba ilaa saddex sano.
Marka loo wareegayo xoojiyaha kursiga (When to move to a booster seat)
Ilmahaaga waa in lagu xiraa kursi baabuur oo horay usii jeeda ilaa inta uu koritaankoodu ka gaarayo halka ugu sarreysa ee aysan sii isticmaali karin kursiga nuucaas ah - sida lagu muujiyay calaamadaha dhererka garabka ee kursigu leeyahay. Sababtuna waxay
tahay in kuraasta hore usii jeeda suumanka ay leeyihiin ay u badbaadin doonaan ilmahaaga si ka fiican siday u badbaadin karaan kuraasta booster-ka ee loo isticmaalo suunka baabuurka.
Caadi ahaan ilmaha Australiyaanka ahi kama kori doono kursiga baabuurka ee hore u sii jeeda ilaa ay ka gaarayaan siddeed jir, waxaana laga yaabaa in carruurta qaarkood ay da'daas da' ka weyn uga koraan.
Marka ilmahaaga uu ka weynaado kursiga baabuurka ee hore u sii jeeda, markaas waxaa la gaaray xilligii lagu wareejin lahaa kuraasta booster ka.
| Da'da |
Shuruucda Australia |
Talada badbaadada khabiirka |
| Afar ilaa todoba sano jir. |
Kursiga baabuurka ee horay u sii jeeda oo leh suun ama kursi xoojiye. |
Kursiga baabuurka ee hore usii jeeda oo suun leh inta ugu badan ee macquul ah. Isticmaal cabbirka, ha isticmaalin da'da, si aad u go'aansato markaad ku wareejinayso kursiga xoojiyaha ah. |
| Todoba sano iyo wixii ka weyn. |
Kursi booster ah oo suunka baabuurka ee dadka waaweyn xirtaan loo isticmaalo oo keliya. |
Kursi booster ah inta uu ilmuhu ka gudbayo '5 tallaabo tijaabooyinka ah (5 step test)' (faahfaahinta hoos ka eeg). |
Goorta loo baahan yahay inaad u wareegto suunka baabuurka ee ay dadka waaweyn xirtaan oo keliya (When to move to an adult seat belt only)
Si la mid ah sida markaad u wareegayso kursi hore usii jeeda, ilmahaagu waa inuu sii isticmaalaa kursiga booster-ka ilaa inta uu si dhab ah uga weynaanayo ee uu ka dhaafayo xadka cabbirka ugu sarreeya ee calaamadaha dhererka garabka. Kursiga booster ka
wuxuu u badbaadinaya ilmahaaga si aanu u badbaadinayn suunka dadka waaweyn xirtaan oo keliya; Khatarta dhaawacyada caloosha, madaxa, qoorta iyo laf dhabarta waxay kordhaysaa ilaa 3.5 jeer haddii ilmo lagu xiri karo kursi booster ah aan lagu xirin.
Noocyada kala duwan ee kuraasta booster ka ah ayaa waxay la-eg yihiin carruurta cabbirka jirkoodu kala duwan yahay; isku day inaad doorato mid la eg ilmahaaga ilaa inta ugu badan ee macquulka ah. Kuraasta booster-ka ah waa ay la egyihiin carruurta intooda
badan ilaa ay ka gaarayaaan 10 ilaa 12 sano jir.
Marka aad is tiraahdo ilmahaagu waa uu ka koray kursiga booster ka, waa inaad u wareejisa suunka baabuurta ee dadka waaweyn ay xirtaan keliya haddii ay ka gudbaan 'tijaabada 5-ta tallaabo (5 step test).'
'Tijaabada 5-ta tallaabood (5 step test)'
'Tijaabada 5-ta tallaabood (5 step test)'ayaa kaa caawin doonta sidaad u xaqiijin lahayd in ilmahaagu uu weynaaday si uu u isticmaalo suunka baabuurka ee ay dadka waaweyn isticmaalaan. Tallaabooyinka waxay yihiin:
- Ilmuhu miyuu fadhiisan karaa asagoo dhabarkiisu ku tiirsan yahay kursiga baabuurka?
- Ilmuhu markuu jilbaha soo laabo miyeey kusoo laabmayaan kharka kuraasta baabuurka?
- Suunka baabuurka qeybtiisa dhexe si fiican maugu fadhisaa dhexbartanka garabka ilmaha (maaha inay ku fadhisaa qoortiisa ama ay banaanka taal meel u dhow gacantooda)?
- Suunka kursiga qeybta loogu talagalay inay soo kor marto dhabta ilmaha miyeey ku fadhisaa meel hoose oo sinta ilmaha la siman, iyadoo taabaneysa cajiradooda?
- Ilmuhu si badbaado leh saas ma ugu fadhin karaa inta lagu jiro safarka oo dhan?
Dhamaan jawaabaha shanta tallaabo waa inay noqdaan 'haa' ka hor inta aan la go'aansan in ilmuhu uu ku safri kari baabuurka asagoon u baahan kuraasta lagula xiro baabuurta.
Caadi ahaan, carruurta Australiyaanka ah koriimadoodu ma gaarsiisna meel la dhihi karo waa ay kaga gudbeen 'tijaabada 5-ta talaabo (5 step test)' ee baabuurta badankood ilaa inta ay ka gaarayaan 10 ama 11 sano mooyee.
Xusuusnow: In ilmahaagu uu ka gudbo' 5-ta tallaabo' waxayna ku xiran tahay waynaanta jirkooda iyo gaariga ay ku safrayaan labadaba. Tusaale, baabuurta qaar kuraastooda dambe aad ayay u waaweyn yihiin. Ku tijaabi ilmahaaga baabuur kasta ka hor intaysan
safrin.
Goorta ay ilmuhu ku fadhiisan karaan kursiga hore (When to move to the front seat)
Ilmahaagu waa inuu ku fadhiistaa kursiga dambe ilaa uu ka gaadhayo 13 jir ama ka weyn. Taas waxaa u sabab ah khatarta dhaawac ee ku imaan karta carruurta da'doodu tahay 12 iyo kuwa ka yar waxay ku dhowdahay labanlaab marka ay ku fadhiyaan kursiga hore
marka loo eego kursiga dambe.
Sida kuraasta ilmaha loogu xiro baabuurka (Installing a car seat)
Kuraasta baabuurka ee ilmaha lagu xiro waxay ilmahaaga xafidayaan oo keliya haddii si sax ah loogu xiro baabuurka. RCH wuxuu si weyn ugu talinayaa in dhamaan kuraasta ilmaha lagu xiro uu eego khabiir ku habboon si loo hubiyo inay badbaado iyo ammaan yihiin.
Talooyinka muhiim ah oo khuseeya badbaadada kuraasta ilmaha ee baabuurka lagu xiro (Important tips for car seat safety)
- Soo iibso ama soo kirayso kursi baabuur oo aqbalaya Heerka Australia iyo New Zealand AS/NZS 1754. Waa sharci-darro in la isticmaalo nooc wadamada kale ee dibedda ah ama kursi aan buuxin shuruudahaas.
- Had iyo jeer raac tilmaamaha ay qoreen shirkada kursiga soo saara iyo calamadaha garbaha si aad u hubiso in kursigu ku habboon yahay cabbirka ilmahaaga.
- U xir suunka kursiga baabuurka ee horay u sii jeeda mar kasta oo ilmahaagu ku dhex safrayo.
- Si joogto ah u hubi kursiga baabuurka ee ilmahaaga oo u sax qiyaasta suunka markay koraan.
- Had iyo jeer hubi inaad ilmahaaga si sax ah suunka aad ugu xirtay, adigoo isticmaalaya kursiga saxda ah ee ku haboon cabbirkooda - xitaa haddii aad u safraysaan meel dhow.
Su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan kuraasta gaariga iyo suunka (Common questions about car and booster seats)
Ilmahaygu wuxuu aad ugu raaxeystaa kuna qanacsan yahay kuraasta ilmaha ee hore u sii jeeda; ma ka badeli karaa kuraasta gadaal usii jeeda anoo ugu bedalaya kursi hore usii jeeda? (My child is more comfortable facing forward in the car; can I move them from rearward to forward-facing?)
Muhiimada kuraasta baabuurtu waa inay caruurta badbaadiyaan oo ay ka ilaaliyaan dhimasho iyo dhaawac halis ah inuu soo gaaro shil baabuur hadduu dhaco - muhiimadu maaha waxa ay jecel yihiin ama ay raaxo u arkaan. Sababta keliya ee badbaadada leh ee looga
badeli karo ilmaha kursiga gadaal usii jeeda ee loogu bedali karo kursi hore usii jeeda waa inaysan cabir ahaan la ekayn oo ay ka koreen kursiga gadaal u sii jeeda.
Kuraasta baabuurku miyay dhacayaan? (Do car seats expire?)
KidSafe, Mu'asasada Ka Hortagga Shilalka Ilmaha ee Australia (Child Accident Prevention Foundation of Australia), waxay ku talinaysaa in la isticmaalo kuraasta baabuurta ee ka yar
10 sano laga bilaabo taariikhda la soo saaray. Alaabaha laga sameeyay kursaasta ilmaha ee baabuurka lagu xiro waa ay duugoobaan muddo ka dib, itaas oo ay micnaheeduna tahay inaysan sidii loogu talagalay wax u difaacayn. Ha isticmaalin kursiga ilmaha
ee meel ka dilaacsan, ama meelo ka go'an, ama calaamadaha walaaca (stress marks), ama leh suun duugoobay. Haddii kursiga baabuurka hore shil baabuur lagula galay, waa in aadan mar kale isticmaalin - xitaa haddii aanu u muuqan mid ay jug soo gaadhay.
Waxaa laga yaabaa inuu gudaha ka jaban yahay. Shirkadaha qaar waa ay kuu badalayaan kursi shil lagu galay ayagoo kuugu badalaya mid cusub.
Ma isticmaali karaa kuraasta caruurta ee salka bas la saaro (booster cushion) halkaan ka isticmaali lahaa kuraasta caadiyan ilmaha lagu xiro ee kor usoo qaadaysa (booster seat)? (Can I use a booster cushion instead of a booster seat?)
Kuraasta caruurta ee salka bas la saaro (booster cushion) way ka duwan yihiin kuraasta caadiyan ilmaha lagu xiro ee kor u soo qaadaysa (booster seat) maadaama aysan lahayn taageero dhabar ama madax, oo aanad ku xidhi karin baabuurka. Si ka duwan kuraasta
booster ka, kuwa salka la saaro kama difaacayaan ilmahaaga dhinacyada ama madaxa haddii uu shil baabuur dhaco. Laguma talinayo in la isticmaalo kuraasta salka uun la saaro oo sharciyan lama ogola in lagu isticmaalo Australia.
Ka waran haddii uu ilmahaygu ka weynaaday kursiga uu hadda isticmaalo? (What if my child has outgrown the restraint they are currently in?)
Marka uu ilmahaagu ka weynaado kursiga uu isticmaalo, macnaheedu maaha in hadii aad isla markiiba ugu badasho nuuca xigaa uu ka badbaado fiican yahay. Waxa laga yaabaa inay u baahan yihiin kursi weyn oo isla nuuca ay isticmaalaan oo kale ah. Tusaale,
haddii ilmahaagu lix bilood jiro oo uu ka koray kursiga dhallaanka lagu rido ee gadaal loo sii jeediyo, badbaado ahaan waxaa u fiican in loo soo iibiyo kursi ka weyn oo gadaal usii jeeda intii looga badali lahaa mid hore usoo jeeda isla markiiba.
Sidee ku ogaan karaa in kursigayga ilmuhu uu soo buuxiyay shuruudihii badbaadada Australia? (How do I know if my car seat meets Australian safety standards?)
Dhammaan kuraasta ilmaha ee baabuurta lagu xiro ee lagu iibiyo Australia ee u hoggaansan shuruucda Australia iyo New Zealand AS/NZS 1754 waxa si cad loogu calaamadeeyaa baakadda ay ku jiraan iyo kursiga laftiisa. Haddii kursiga ilmahaagu leeyahay calaamaddan,
wuxuu buuxinayaa shuruudaha ugu yar ee badbaadada waana in la isticmaalo. Uma baahnid inaad ku qiimeyso kursiga wax intaas ka badan, ama inuu yahay noocyada qaaliga ah ama uu leeyahay sifooyin dheeri ah oo gaar ah. Kuraasta baabuurka ee dibadda laga
soo gatay waxa laga yaabaa in aanay buuxin shuruudaha badbaadada Australia.
Ilmahaygu ma rabo inuu isticmaalo kursi booster ah, balse kuraastaas ayaa weli ah kuwo ku habboon marka loo eego cabbirka carruurta ee lagu taliyay. Maxaan sameeyaa? My child does not want to use a booster seat, but they still fit the size recommendation. What should I do?)
Jawaabaha dhamaan shanta su'aalood ee '5-ta tallaaboooyin ee tijaabada' waa inay wada ahaadaan 'haa' ka hor inta aadan si badbaado leh ilmahaaga ugu wareejin kursiga baabuurka ee ay dadka qaangaarka ahi ku fariistaan ee loo isticmaalo suunka baabuurka.
In kasta oo ay wax iska caadi ah tahay in ilmahaaga saaxiibadood ay mararka qaar ku deystaan, hadana ogoow adiga ayaa mas'uul ka ah amaankooda. La qaado ilmahaaga wakhti aad kagala hadasho sababta ay ugu qasban yihiin inay ku fariistaan kuraasta ilmaha
(booster) ee baabuurka lagu xiro. Had iyo jeer isku day inaad badbaadada mudnaanta koowaad siiso oo aad ka hormariso raaxada.
Ma isticmaali karaa kursiga booster ka ee lagu soo saaray gaadhigayga, mise waxaa ka dhanka badbaadada ka fiican in aan soo iibsado kursi booster oo gaar ah? (Can I use the booster seat built into my car, or is it safer to buy a separate booster seat?)
Sharciyada Victoria waxay u ogolaanayaan carruurta afar sano jir ah ama ka weyn inay isticmaalaan kuraasta booster leh ee lagu sameeyay baabuurka. Inkastoo ay kuraasta booster ka ee baabuurka lagu soo saaray ay sahlan yihiin sababtoo ah uma baahnid inaad
ku xirto kana furto baabuurka markasta, waxaa laga yaabaa inaysan u difaaceyn ilmahaaga dhabarkooda ama madaxooda sida ay kuraasta booster leh ee aan baabuurka ku imaan u difaaci karaan. Ka hubi hay'adaha sharciyeynta wixii ku saabsan sharciyada badbaadada
kursiga lagu soo saaray baabuurka ee gobolkaaga.
Ilmahayga yari een dhalay ma u baahan yahay kursiga baabuurka markaan raaceyno tagsi ama baabuurta kale ee sida tagsiga u shaqeeyso sida Uber ka? (Does my baby need a car seat in a taxi or rideshare service like Uber?)
Victoria gudaheeda, sharcigu ugama baahna dareewalada tagsiga inay rakaabkooda siiyaan kuraasta booster ka ee ilamaha lagu xiro. Haddii ilmahaagu ka yar yahay hal sano, waa inay ku safraan kursiga dambe ee tagsiga, qof weyna waa inuu qabtaa laakiin aanay
la isla isticmaalin suunka. Haddii ilmahaagu ka weyn yahay hal sano, waa inay kaligood kursi u gaar ah ku fadhiyaan markay raacayaan tagsiga kursigaas oo ah mid suun leh haddii aan loo heli karin kuraasta caruurta ee baabuurka lagu xiro. Tagaasida Victoria waxaa sharci ahaan looga baahan yahay in baabuurkoodu leeyahay meel kuraasta ilmaha lagu xiro oo lagu dhuujin karo (anchor) si markaas haddii ay rakaabka go'aansadaan inay isticmaalaan kursiga ilmaha oo ay ayagu leeyihiin ay ugu xiri karaan baabuurka.
Sharciyada u degan baabuurta sida tagaasida loo isticmaalo (rideshare) Uber-ka way ka duwan yihiin. Baabuurta Rideshare waa inay raacaan shuruucda wadada Victoria ee loogu talagalay baabuurta gaarka loo leeyahay. Taasi micnaheedu waxay tahay ilmahaagu
waa inuu saaran yahay baabuur sharciga u hogaansan ama uu ku xirnaadaa kuraasta carruurta (booster) markuu tagaasida rideshare-ka ku safrayo ilaa ay ka gaarayaan toddobo sano.
Haddii aad ku nooshahay meel ka baxsan Victoria, xaqiiji inaad iska hubiso sharciyada gobolkaaga ka hor intaadan safrin.
Marwalba waxay badbaadadu ku jirtaa inaad ilmahaaga ku xirto kursi ku habboon mar kastoo lagu kaxaynayo baabuur. Taasi micnaheedu waxay noqon kartaa inaad hore usii qaadato kursigaaga baabuurka oo aad taqaano sida loogu rakibo baabuur kale.
Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)
Waxaa soo saartay waaxda dhaawacyada carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Waxaa dib loo eegay bishii Maarso 2025
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.