Qodobada muhiimka ah ee loo baahan yahay in la xasuusnaado (Key points)
- Neefta ka dhalata onkodka waxay qofka ku kacdaa markay cimiladu qasan tahay iyo markay duufaan jirto.
- Xaaladu waa mid dhif ah laakiin waxay noqon kartaa mid lama filaan ah, halisna ah isla mar ahaantaasna khatar ku ah nolosha.
- Neefta ka dhalata onkodka waxay u badan tahay inay saamayso carruurta neef ama sanboor qabta, laakiin carruurt waa qaadi kartaa.
- La soco saadaasha hawada iyo neefta ka dhalata onkodka inta lagu jiro xilliyada gu'ga.
- Haddii ay saadaashu sheegayso inay jiri doonto neefta ka dhalata onkodka, isku day inaad ilmahaaga ku hayso gudaha, xidh albaabada iyo daaqadaha oo daar qaboojiyahaaga si uu dib ugu warshadeeyo hawada marka la isticmaalayo.
- Feejignaan u lahoow calaamadaha neefta, sida neefsashada oo adkaata, cariiri aad ka dareemayso feeraha, hiinraag iyo qufac.
- Haddii ilmahaagu qabo neef, raac Qorshehooda Waxqabadka Neefta (Asthma Action Plan).
- Wac ambalaas (000) isla markiiba haddii ilmahaagu la harjadaayo inuu neefsado ama hadlo.
Waa maxay neefta ka dhalata onkodka (thunderstorm asthma)? (What is thunderstorm asthma?)
Neefta ka dhalata onkodka waa nooc ka mid ah neefta dadka ku dhacda waxaana sababa cimilada markay qasan tahay iyo markay duufaantu jirto. Maaha wax badanaa la arko laakiin waxay noqon kartaa mid lama filaan ah, oo halis ah isla mar ahaantaasna khatar gelisa nafta qofka bini aadamka ah.
Marinnada hawada ayaa ciriiri noqonaya amaba way bararayaan marka ay qofka neeftu qabato, taas oo adkeynaysa in la neefsado.
Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu halis ugu jiro neefta onkodka haddii ay qabaan neef ama xasaasiyad xilliyada qaar ah sida sanboorka (xasaasiyada rhinitis). Dadka kuwaas oo weligood aanay marnaba horay ugu soo dhicin ayay sidoo kale neefta onkodka ku dhici kartaa.
Maxaa keena kara neefta onkodka? (What causes thunderstorm asthma?)
Inta lagu jiro marxaladaha neefta onkodka, duufaanta daruuraha ayaa soo jiidata marka ay sameysmaan. Miraha huska ayaa biyaha ka nuuga daruuraha, taas oo keenta inay bararaan oo ay jebiyaan qaybo yaryar oo ay dabayshu iyo roobka dhulka ku riixaan. Dadka u nugul manka waxaa laga yaabaa inay neefta ku dhacdo marka ay neefsadaan waxyaabahaas yaryarka.
Neefta onkodku waxay uu geli kartaa sambabada marka loo eego manka caadiga ah, taas oo dhalin karta xaalado halis ah oo degdeg ah.
Waxaa muhiim ah in la xasuusnaado in marxalad kasta oo onkodka ah aysan sababin neefta onkodka - xitaa marka tirada manka ay sarreyso.
Tilmaamaha iyo calaamadaha neefta onkodka (Signs and symptoms of thunderstorm asthma)
Calaamadaha neefta onkodka ee carruurta waxaa ka mid noqon kara:
- neefsashada oo dhib ku noqota
- cidhiidhi laga dareemo laabta
- qufac
- hinraag
- hadalka oo dhibaya.
Xaaladaha halista ah ee neefta onkodka, ilmahaaga waxaa laga yaabaa:
- inay aad u xanaaqaan, daal dareemaan ama ay dhutiyaan
- inay sameeyaan dhaq-dhaqaaq dhuuqid qoto dheer oo cunaha ah ama laabta marka ay isku dayayaan in ay neefsadaan.
Wac ambalaas (000) isla markiiba haddii ilmahaagu la harjadaayo inuu neefsado ama hadlo.

Inaad u diyaargaroowdo neefta onkodka (Preparing for thunderstorm asthma)
Haddii aad ku nooshahay meel mankeedu badan yahay oo uu ilmahaagu qabo neef, sanboor ama xasaasiyad manka, waa inaad u diyaargarowdaa neefta onkodka. Qoyskaaga haday taariikh u leeyihiin neef iyo xasaasiyad waxay sidoo kale kor u qaadaysaa halista xaaladda.
Victoria gudaheeda, xilliyada ugu badan sanadka oo dhan ee ay neefta onkodka timaado waa gu'ga iyo xagaaga, inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Diseembar. Tani waa xilliga manka cawska uu ka jiro gobolka. Haddii ilmahaagu halis ku jiro, waxaa wanaagsan inaad hubiso cimilada xilliyadaas oo kale intaysan dibadda u bixin. Neefta onkodka ee maalmaha cimiladu qasan tahay oo dhan ma kicin doonaan neefta onkodka; u diyaargaroow balse ha ka nixin.
Mareegtu VicEmergency waxay la wadaagtaa saadaasha neefta onkodka bilahan, taas oo leh digniino gobol kasta oo Victoria ah. Waxa kale oo aad ka hubin kartaa Manka Melbourne saadaasha manka maalinlaha ah ee Melbourne.
Haddii ay saadaashu sheegayso inay tahay marxaladahii neefta onkodka:
- Isku day inaad ilmahaaga ku hayso gudaha - siiba haday dabayl jirto
- xidh albaabadaada iyo daaqadahaaga
- Daar qaboojiyaha gaarigaaga ama guriga si uu dib ugu warshadeeyo hawada marka la isticmaalayo.
Talo ku socota carruurta leh sanboorka iyo xasaasiyadda (Advice for children with hay fever and allergies)
- Fiiri heerarka manka maalin kasta inta lagu jiro xilliyada gu'ga.
- Isku day inaad ilmahaaga ku hayso gudaha adoo albaabbada iyo daaqadaha xiraya maalmaha manka sareeyo.
- Kala hadal dhakhtarka ilmahaaga daaweynta sanboorka; waxa laga yaabaa inay kuu dejiyaan qorshe loogu talagalay sanboorka ayna daawo kuu qoraan.
- Si dhow ula soco ilmahaaga maalmaha la saadaalinayo neefta onkod.
- Wac ambalaas (000) isla markiiba haddii ilmahaagu la harjadaayo inuu neefsado ama hadlo.
Talo ku socota carruurta neefta qabta (Advice for children with asthma)
- Sanad kasta ka hubso dhaqtarka Qorshaha Waxqabadka Neefta (Asthma Action Plan).
- Hubi in qof kasta oo daryeela ilmahaaga oo ay ku jiraan waalidiinta, awooweyaal/ayeeyoyaal ay heystaan nuqulkii u dambeeyay ama sawirkii u dambeeyay ee ah Qorshaha Waxqabadka Neefta.
- Diyaarso sahayda daawada neefta ee ilmahaaga.
- Baro sida qalabka neefta (asthma reliever) loogu isticmaalo spacer-ka si aad ugu diyaarsanaato inaad caawiso. Carruurta da'doodu ka yar tahay afar sano waa inay isticmaalaan qalabka neefta ee loo yaqaan spacer oo maaski leh.
- Haddii ilmahaagu uu haysto ka hortag (preventer), xaqiiji inay isticmaalaan maalin kasta inta lagu jiro xilliga manka cawska - xitaa marka ay caafimaad qabaan.
- Baro gargaarka degdega ah ee neefta oo wac ambalaas (000) isla markiiba marka ay timaado xaalad degdeg ah.
Su'aalaha badi la iska weydiiyo neefta onkodka (Common questions about thunderstorm asthma)
Malaga yaabaa in ay ilmahayga ay ku dhacdo neefta onkodka haddii aysan waligeed hore neef u lahaan jirin?
Haa, neefta onkodka waa ay ku dhici kartaa ilmahaaga haddii aanay waligood neef hore ugu soo dhicin. Haddii ilmahaagu leeyahay sanboor ama uu ka soo jeedo qoys neef ay ku dhacday, khatartoodu waa ay sarreysaa. Si kastaba ha noqotee, neefta onkodka waxay saameyn kartaa ilmo kasta.
Sidee ayay neefta onkodka uga duwan tahay neefta caadiga ah?
Neefta onkodka iyo neefta caadiga ah calaamadaha lagu aqoonsado caadiyan waa iskaga mid laakiin waxay ku kala duwan yihiin waxyaabaha dhaliya. Isku darka manka iyo xaaladaha cimiladau waxay sababaan neefta onkodka; si degdeg ah ayay u timaaddaa waxaana laga yaabaa inay ka sii darnaato neefta caadiga ah.
Yay u badan tahay inay ku dhacdo neefta onkodku?
Dadka qaba sanboorka ayaa ah kuwa ugu badan ee ay ku dhacdo neefta onkodka. Si kastaba ha ahaatee, dadka qaarkood oo qaba sanboor aad u daran kuma ay dhacdo neefta onkodka, sidoo kalena dadka qaar ee qaba neefta onkodka ma qabaan sanboorka.
Sideen ku ogaan karaa marka ay jirto fursad laga yaabo in ay neefta onkodku ku dhalan karto?
Waaxda Caafimaadka iyo Xafiiska Saadaasha Hawada waxay dadka la wadaagaan saadaasha neefta onkodka ee Victoria inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Disembar. Waxaa wax lagu qiimeeyaa iyadoo la isku darayo fursadaha nooc ka mid ah duufaannada iyo heerarka manka cawska ee la saadaaliyay. Haddii aad ku nooshahay Victoria, hubi saadaashan si aad u aragto inay jirto fursad xaaladaha neefta onkodka ah iyo in kale.
Maxaa dhacay intii lagu jiray markii uu dilaacay cudurka neefta onkodka sanadkii 2016?
Melbourne waxay bishii Nofeembar ee sanadkii 2016 hoy u ahayd dhacdadii neefta onkodka dabaylaha faafa ee ugu wayneed uguna darneed ee aduunka. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay Dowlada Victoria waxay maalgelisay horumarinta nidaamka la socodka manka ee gobolka waxayna bilawday Nidaamka Saadaasha Khatarta Cudurka Onkodka Neefta si loo saadaaliyo neefta onkodka.
Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)
Waxaa soo saartay qaybta daawaynta guud ee Isbitaalka Royal Children's Hospital. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.
Waxaa dib u eegis lagu sameeyay Nofeembar 2024.
Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee takhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.