T&A (Somali) T&A – daryeelka bukaanka aan isbitaalka jiifan doonin

  • Bixinta qumanka (Tonsillectomy) iyo bixinta nudaha dhuunta (adenoidectomy) (T&A) - daryeelka bukaanka aan isbitaalka jiifan doonin (Tonsillectomy and adenoidectomy (T&A) – discharge care)

    Xaashidan xaqiiqda waxaa ku jira macluumaad ku saabsan daryeelka guriga loogu sameynayo carruurta laga soo saaray isbitaalka marka laga saaro qumanka iyo adenoids ka dib. Wixii macluumaad ah ee ku saabsan sababta ilmahaagu ugu baahan yahay qalliinka iyo waxa laga filan karo, ka eeg tonsillectomy iyo adenoidectomy (T&A) xaashida xaqiiqda.

    Ku daryeelida guriga (Care at home)

    Waa caadi in ilmahaagu uu yeesho dhuun xanuun, dhego xanuun, afka oo ura, codka oo isbeddela iyo barabara cad oo cunaha ah qaliinka ka dib. Dhibaatooyinkani waxay imaan karaan ilaa laba toddobaad ka dib marka qumanka iyo adenoids laga saaro. Waxyaabahan macnaheedu maaha inuu jiro caabuq.

    Hubi ilmahaaga ugu yaraan laba jeer habeenkii labada habeen ee ugu horreeysa si aad u ogaatid inuu jiro wax dhiig-bax ah ama dhibaato xagga neefsashada ah. Haddii ilmahaagu ka yar yahay afar sano, waxa fiican inaad seexatid isla qolka uu jiifo.

    • Haddii ilmahaagu uu laqitaan badan sameynayo tani waxay noqon kartaa dhiigbax. Haddii dhiigbax uu yimaado, u qaad ilmahaaga qaybta gargaarka degdega ah ee kuugu dhow.
    • Haddii ilmahaaga laga saaray adenoids-ka, ha u ogolaanin in uu uriyo ama sanka uu diif ka siimiyo muddo laba toddobaad ah. Waxay qaadan kartaa ilaa hal bil ka hor inta aanu ilmahaagu si fiican uga neefsan sankiisa.

    Cunista iyo cabbitaanka (Eating and drinking)

    Cunista iyo cabitaanka ayaa aad muhiim u ah qalliinka ka dib maadaama ay ka caawiso nadiifinta iyo bogsashada dhuunta. Ma jiraan wax xannibaad ah oo ku saabsan waxa ilmahaagu cuni karo. Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu doorbido inuu cuno cunto jilicsan, laakiin way fiican tahay inuu cuno cunto adag, sida rootiga ama siiriyalka (cereal).

    Xaqiiji in ilmahaagu uu sidoo kale cabbo cabitaan badan maalintii oo dhan maalmaha ugu horreeya qalliinka kadib. Haddii uusan cunayn inta caadiyan laga rabo inuu cuno, siinta qaar ka mid ah cabitaanada ay ku jiraan sonkor (tusaale casiir ama koordiyal) waxay xaqiijin doontaa inuu helo xoogaa kalooris ah si uu tabar u yeesho.

    • Sii daawooyinka xanuunka 30 ilaa 60 daqiiqo ka hor inta uusan wax cunin si ay uga yarayso xanuunka ka dhasha liqidda.
    • Ilmahaagu waxa laga yaabaa inuu u arko cabitaan la qaboojiyey ama cabitaano baraf leh iyo cunto mid uu ku nafiso.
    • Ilmahaagu waa inuu sii joogteeyaa cadaysiga ilkihiisa subaxii iyo habeenkii.

    Lalabbo iyo matag (Nausea and vomiting)

    Haddii ilmahaagu matago, hal saac cunto ha siin, ka dibna sii cabitaan haddii ay soo roonaadaan. Haddii ay cabitaan qaadan karaan iyagoon matagin, ku billow cunto yar.

    Haddii ilmahaagu sii matagayo, la xidhiidh GP-gaaga ama qaybta degdega ah ee isbitaalka kuugu dhow.

    Ku soo noqoshada hawlaha caadiga ah (Returning to usual activities)

    Ilmahaagu waxa laga yaabaa in uusan rabin in uu wax badan qabto ilaa 10 maalmood qaliinka ka dib. Carruurta badankood waxay u baahan yihiin laba toddobaad inay guriga ka joogaan dugsiga ama xanaanada. Inta ay la ekaanayso waxqabadka caadiga ah ee ilmahaagu ka qaybqaadan karo waa in lagu saleeyaa sida ay dareemayaan.

    • Caadi ahaan waxay qaadataa saddex toddobaad intaysan si dhameystiran u reysan ka hor. Ilmahaagu waa inaanu dabbaalan ilaa wakhtigaas uu ka dhamaysanayo.
    • Isku day inaad ilmahaaga ka fogayso dadka qaba qufaca iyo hargabka.

    Maareynta xanuunka (Pain management)

    Waa wax caadi ah in ilmahaagu uu aad uga xanuunsado cunaha iyo dhegaha ka dib marka laga saaro qumanka iyo adenoids ka. Ilmahaagu waxa uu u baahan doonaa dawo xanuun ilaa laba toddobaad waxaana laga yaabaa in xanuunkoodu ka sii daro ka hor inta aanu soo roonaan.

    Maalinta 4-aad ama 5-aad ee qalliinka kadib waa wax caadi ah in xanuunku si ku meel gaar ah uga sii daro.

    Calaamadaha xanuunka ee carruurta yaryar ayaa laga yaabaa inay noqdaan ooyin marar badan, ama diidaan inay wax cunaan ama cabbaan.

    Daawooyinka (Medication)

    Waxaa muhiim ah in cunugaaga si joogto ah loo siiyo xanuun jabiye usbuuca ugu horeeya qaliinka kaas oo uu ku jiro paracetamol (tusaale Panadol) iyo daawooyinka kale ee uu dhakhtarkoodu u qoray.

    • Paracetamol waxaa la siin karaa ilaa afar jeer maalintii, iyada oo ugu yaraan afar saacadood loo kala dhaxeysiinayo. Ha siinin wax daawo ah oo leh paracetamol in ka badan afar jeer 24 saac gudahood.
    • Ha siin wax daawo ah oo ay ku jirto codeine.
    • Ka eeg baakadda daawada ay ku jirto qiyaasta saxda ah. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu kugula taliyo qiyaas ka duwan, waxayna ku xiran tahay miisaanka ilmahaaga.
    • Waa muhiim inaad si joogto ah u siiso dawooyinka xanuunka meeshii aad ka sugi lahayd ilaa inta uu xanuun ka qabanayo ka hor inta aanad dawo siin.

    Haddii xanuunka ilmahaaga aan la xakameyn iyadoo la isticmaalayo dawooyinka loo qoray, fadlan booqo dhakhtarkaaga degaanka ee ku talin kara daawooyin ka duwan.

    Siyaabo kale oo xanuunka meesha looga saari karo (Other ways to relieve pain)

    Ka caawi ilmahaaga inuu fahmo waxa uu filan karo adiga oo isticmaalaya luqad fudud oo da'dooda ku habboon. Waa muhiim in iyaga si daacad ah loogaga waramo qalliinka iyo soo kabashada.

    In la isticmaalo farsamooyinka mashquulinta waxay noqon kartaa mid faa'iido leh ayadoo lagu darayo daawada xanuunka joojisa si aanu ilmahaagu ugu mashquulin xanuunka. Qaar ka mid ah farsamooyinka mashquulinta waxaa ka mid ah:

    • inaad ku caawiso ubadkaaga wax uu jecel yahay oo aamusiya (tusaale akhrinta buug)
    • u raaxaynta ilmahaaga adigoo taabanaya, salaaxaya ama duugis siinaysa.

    Goorta loo baahan yahay in dhakhtar la arko (When to see a doctor)

    Waa inaad la socotaa ilmahaaga marka uu guriga joogo ood la socotid wixii dhibaato ah ee dhici kara inta ay bogsanayaan.

    Haddii ilmahaagu uu leeyahay mid ka mid ah kuwan soo socda, waa inaad u geysaa GP-gaaga ama qaybta degdegga ah ee isbitaalka kuugu dhow:

    • dhiig cusub oo ka imaanaya sanka ama afka, ama la socda matagga
    • liqidda joogtada ah (tani waxay muujin kartaa dhiig-bax)
    • matag afar jeer ka badan 24-ka saacadood ee ugu horreeya qalitaanka ka dib
    • uusan waxba cabi karin haba yaraatee
    • heerkul ah 38°C ama ka badan.

    Qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay inaad xasuusnaato (Key points to remember)

    • Waa caadi in ilmahaagu uu yeesho dhuun xanuun, dhego xanuun, afka oo ura, codka oo isbeddela iyo barabara cad oo cunaha ah qaliinka ka dib.
    • Hubi ilmahaaga ugu yaraan laba jeer habeenkii labada habeen ee ugu horreeya qalliinka ka dib si aad u xaqiijisid inuusan jirin wax dhiig-bax ah ama neefsashada oo ku adag.
    • Cunista iyo cabbitaanka aad bay muhiim u tahay qalliinka ka dib - sii daawooyinka xanuunka 30 ilaa 60 daqiiqo ka hor wax cunista si aad uga yareyso xanuunka liqidda.
    • Si joogto ah usii ubadkaaga xanuun jabiye sida uu dhakhtarkoodu u qoray asbuuca ugu horeeya ee qaliinka kadib.
    • Haddii ilmahaagu uu dhiig cusub ka imaanayo sanka ama afka, neefsashada oo ku adkaata, waxba aanu cabbi karin, qandho leeyahay ama uu si joogto ah wax u liqo, waa inaad u geysaa dhakhtarkaaga ama qaybta degdegga ah ee isbitaalka kuugu dhow.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Su'aalaha caadiyan dhakhaatiirtayada la waydiiyo (Common questions our doctors are asked)

    Jirku ma u baahan yahay qumanka iyo adenoids? Maxaa dhacaya haddii la saaro?
    Jidhku dhab ahaantii uma baahna qumanka iyo nudaha adenoid aad u badan. Tani waxay ka dhigan tahay in qumanka iyo adenoids la'aantood uu ilmahaagu caafimaadkoodu fiican yahay.

    Waxaa soo saaray The Royal Children's Hospital Qalliinka iyo waaxaha Otolaryngology iyagoo tallo ka helaya Safer Care Victoria. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa la sameeyay Ogosto 2021.

    Macluumaadka Caafimaadka Kids waxaa taageera Royal Children's Hospital Foundation. Si aad wax ugu tabarucdo, booqo www.rchfoundation.org.au.

    Afeef (Disclaimer)

    Macluumaadkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero, maaha inay beddesho, wadahadalada lala yeelanayo dhakhtarkaaga ama xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha qoraalladan macluumaadka caafimaadka macaamilka waxay sameeyeen da'daal badan si ay u hubiyaan in macluumaadku yahay mid sax ah, oo kii u dambeeyay ah oo si fudud loo fahmi karo. Isbitaalka Royal Children's Hospital Melbourne ma aqbalayo mas'uuliyadda wixii khalad ah, macluumaadka loo arko marin-habaabin, ama guusha nidaam kasta oo daaweyn ah oo lagu faahfaahiyay qoraaladan. Macluumaadka ku jira qoraal-gacmeedyada si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa sidaa darteed waa inaad had iyo jeer hubisaa inaad tixraacayso nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraal-gacmeedka. Waajibku aduu ku saaran yahay, isticmaalaha, si aad u hubiso inaad soo dejisay nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraalka macluumaadka caafimaadka macaamilka.