Rashes (Somali) – Finan/furuuruc

  • Finanka ayaa aad ugu badan carruurta iyo dhallaanka. Inta badan finanka waxaa sababa caabuqyada fayraska caadiga ah. Caadi ahaan, finanku dhib ma laha oo iskood bay u dhamaanayaan.

    Haddii ilmahaagu leeyahay finan yaryar, casaan dhalaalaya ama buluug ah ama nabarro aan caddaan ahayn (blanch) markaad riixdo, si degdeg ah u raadso daryeel caafimaad.

    Calaamadaha iyo astaamaha (Signs and symptoms)

    Finanku waxay yeelan karaan muuqaalo badan oo kala duwan: casaan, meelo siman; kuuskuus; finan; baroh; ama isku dhaf inta aan soo sheegnay ah. Waxay noqon kartaa wax caadi ah in firiircu uu ku faafo badi ama dhammaan jirka ka hor inta aysan baabi'in. Finanku waxay sii jiri karaam maalmo ilaa toddobaadyo.

    Inta badan finanka waa wax iska sahlan oo uma keenayaan ilmahaaga wax dhib ah, inkastoo finanka qaar ay keeni karaan cuncun badan.

    Goorta loo baahan yahay in dhakhtar la arko (When to see a doctor)

    Badanaa xanuunka keena finanka ayaa sidoo kale sababi doona in ilmahaagu qandho yeesho (eeg xaashida xaqiiqda Qandhada carruurta).

    Haddii ilmahaagu qabo finan yaryar, casaan dhalaalaya ama buluug ah ama nabarro aan caddaan ahayn (blanch) markaad riixdo, isla markiiba talo caafimaad ka raadso waaxda gurmadka ee isbitaalka kuugu dhow. See our fact sheet Meningococcal infection.

    Haddii ilmahaagu qabo finan ay weheliyaan madax xanuun, qoorta oo adkaata ama dhabar xanuun, isla markiiba raadso talo caafimaad.

    Haddii aad ka walwalsan tahay ilmahaaga, raadso talo caafimaad.

    Ku daryeelida guriga (Care at home)

    Kiisaska badankood, muhiim maahan in la ogaado fayraska keena finanka. Inta badan finanka ayaa iskood u fiicnaan doona.

    Haddii nabarrada canuggaagu ay cuncun yihiin, kala hadal farmashiistaha ama GP-ga xaafaddaada wixii ku saabsan daawaynta kaa caawin karta yaraynta cuncunka.

    Ilmahaaga waad dejin kartaa haddii fayraska keenay finanku uu ilmahaaga dareensiinayo murugo.

    Sidee infekshannada fayrasku u faafaan? (How are viral infections spread?) 

    Fayrasyada waxaa lagu kala qaadaa taabasho toos ah iyo hawada. Sida ugu fiican ee looga hortagi karo faafitaanka iyo qaadista fayrasyadu waa in aad dhaqdo gacmahaaga marka aad taabato dareeraha jidhka ka bacdi aadna ka fogaatid in aad la wadaagto maacuunta wax jari karta, koobabka wax lagu cabbo, shukumaanada, cadayga iyo dharka. Maaskiga ayaa sidoo kale lagu talinayaa in la xirto marka calaamadaha jirrada ay soo ifbaxaan.

    Qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay inaad xasuusnaato (Key points to remember)

    • Finanka ay sababaan fayrasku aad ayey ugu badan yihiin carruurta iyo dhallaanka.
    • Inta badan finanka ay keenaan fayrasyada wax dhib ah ma laha oo iskood bay isaga baaba'aan.
    • Haddii ilmahaagu leeyahay qandho iyo finan aan caddaan isu badalayn (blanch) marka la riixo ama ay aad u xanuunsan yihiin, raadso daryeel caafimaad oo degdeg ah.

    Su'aalaha caadiyan dhakhaatiirtayada la weydiiyo (Common questions our doctors are asked)

    Miyaan u baahanahay inaan ilmahayga u kaxeeyo dhakhtarka mar kasta oo ay finan ka soo baxaan?

    Maya, haddii ilmahaagu qabo jirro fudud - sida hargabka caadiga ah - oo ay sidooda kale ay isaga faraxsan yihiin oo wax cunayaan oo ayna wax cabayaan, markaa lahaanshaha finan yaryar maaha wax welwel leh.

    Ilmahaygu finan baa ka soo baxay aniguna uur baan leeyahay. Miyeey tahay inaan taas ka welwelo?

    Qaar ka mid ah caabuqyada fayrasku waxay keeni karaan dhibaatooyin xilliga uurka. Haddii aad uur leedahay, oo ilmahaagu leeyahay finan oo aad ka walwalsan tahay, waa inaad u tagtaa dhakhtarkaaga ama dhakhtarka dhalmada si aad talo uga hesho.  

    Waxaa soo saartay qaybta daawaynta guud ee Royal Children's Hospital. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Cusbooneysiintii ugu dambeysay 13 Ogosto 2023.

    Macluumaadkan ayaa sugaya dib u eegis joogto ah. Fadlan had iyo jeer ka raadso taladii ugu dambeysay takhtar diiwaangashan oo ku shaqeysta.

    Macluumaadka Caafimaadka Carruurta waxaa taageera Royal Children's Hospital Foundation. Si aad wax ugu tabarucdo, booqo www.rchfoundation.org.au.

    Afeef

    Macluumaadkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero, maaha inay beddesho, wadahadalada lala yeelanayo dhakhtarkaaga ama xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha qoraalladan macluumaadka caafimaadka macaamilka waxay sameeyeen da'daal badan si ay u hubiyaan in macluumaadku yahay mid sax ah, oo kii u dambeeyay ah oo si fudud loo fahmi karo. Isbitaalka Royal Children's Hospital Melbourne ma aqbalayo mas'uuliyadda wixii khalad ah, macluumaadka loo arko marin-habaabin, ama guusha nidaam kasta oo daaweyn ah oo lagu faahfaahiyay qoraaladan. Macluumaadka ku jira qoraal-gacmeedyada si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa sidaa darteed waa inaad had iyo jeer hubisaa inaad tixraacayso nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraal-gacmeedka. Waajibku aduu ku saaran yahay, isticmaalaha, si aad u hubiso inaad soo dejisay nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraalka macluumaadka caafimaadka macaamilka.