Rashes (Somali) – Finan/furuuruc

  • English

    Qodobbada muhiimka ah

    • Finanka ama meelaha gaduuta ee maqaarka waa isbeddel ku yimaada muuqaalka iyo dareenka.
    • Finanku waxay noqon karaan guduud, soo buuran, meel fidsan, buro oo kale, amaba xataa dhowr waxyaabood oo ah intaan soo sheegnay oo la isku daray. Qaarkood waxaad ka dareemaysaa cuncun, halka kuwa kale aanay yeellan.
    • Waa wax badanaa dhaca in dhallaanka iyo carruurtu ay yeeshaan finanka ama meela gaduuta ee maqaarka ah.
    • Finanka ama meelaha gaduuta ee maqaarka badanaa waa kuwa ka dhasha fayrasyo iyo kuwo aan wax dhibaato ah lahayn oo iskood meesha uga baxaya.
    • Mararka qaar, finanka ama meelaha gaduuta ee maqaarka waxay noqon karaan calaamad aad halis u ah.
    • Finanka ama meelaha gaduuta oo maqaarka midabkiisu aanu isbadaleyn marka la tuujiyo (non-blanching) waxay noqon karaan xaalad halis ah. Haddii ilmahaaga uu la xanuunsan yahay qandho (heerkulka 38°C ama ka badan) oo uu leeyahay finan ama meel maqaarka ah oo gaduudatay oo marka la tuujiyo aysan midabkeeda isbadaleyn, isla markiiba wac ambalaas (000).

    Waa maxay finan furuurucu?

    Finanka ama meelaha gaduuta ee maqaarka waa isbeddel ku yimaada muuqaalka iyo dareenka.

    Finanka ama maqaarka jirka oo ay meelo ka gaduutaan/casaan noqdaan ayaa ah wax badanaa lagu arko carruurta iyo dhallaanka. Badanaa waxaa sababa fayras. Badanaa, finanka fayrasku ee maqaarka ku faafa (viral rash) waa kuwo aan wax dhibaato ah lahayn muddo ka dibna iskood ayay meesha uga baxaan.

    Haddii furuurucu aanu ahayn mid faafaya, waxaa laga yaabaa inay sababeen:

    • Xaallad kale, sida xasaasiyad ama cambaar
    • taabashada wax dhibaya maqaarka, sida geed qodax yaryar leh ama qaar ka mid ah saabuunta.

    Calaamadaha iyo astaamaha furuuruca

    Furuuruc wuxuu u ekaan loona dareemi karaa si gaara. Waxay noqon karaan casaan, meel kor u soo buuran, meel fidsan, buro oo kale, meel biyo ay galeen oo kale amaba xataa dhowr waxyaabood oo ah intaan soo sheegnay oo la isku daray. Finanka qaar ayaa laga yaabaa inay cuncun noqdaan, halka qaar kalena aysan wax cuncun ah lahayn.

    In kasta oo ay ku xiran tahay finanka ama maqaarkaas gaduutay waxa sababay, waxaa laga yaabaa inay ku faafaan qaybo kala duwan oo jirka ah inta aadan ka reysan.

    Finanka ka dhasha taabashada waxyaabaha cuncunka keena sida dhirta ayaa badanaa ku reysta si ka dhaksi badan finanka ama maqaar gaduutay oo uu sabab u yahay fayrasyada.

    Furuuraca qaarkiis ayaa la garan karaa. Tusaale, finanka jadeecada waa casaan u eg dhibco dhibco (blotchy); waxayna ka bilaabataa madaxa ka bacdina wuxuu ku faafaa jirka oo dhan.

    Ka akhri xaashidan xog ku saabsan fayrasyada kale ee keena finanka xaashidan:

    Finanka uusan midabkoodu is badalin marka la tuujiyo (non-blanching rashes)

    Waxaa laga yaabaa inaad maqashay ereyga 'non-blanching' oo la isticmaalayo ayadoo lagu sharaxayo finanka. Taas macnaheeda waxay tahay finan uusan midabkooda isbadalayn marka la tuujiyo.

    Finanka uusan midabkoodu is badalin marka la tuujiyo (non-blanching) ayaa badanaa ah kuwo halis noqon kara. Tusaale, meningitis iyo meningococcal labaduba waa caabuqyo aad khatar u ah oo keeni kara kinanka uusan midabkoodu is badalin marka la tuujiyo (non-blanching).

    Haddii uu ilmahaagu la xanuunsan yahay qandho (heerkulka 38°C ama ka badan) uuna leeyahay finanka marka la tuujiyo aan bedelayn midabka maqaarka (non-blanching), waa inaad taas u qaadataa xaalad caafimaad oo halis noqon karta aadna wacataa ambalaas (000) si degdeg ah.

    Sida loogu daryeello furuuraca (rashes) guriga

    • Haddii uu ilmahaagu leeyahay finan/maqaar gaduutay oo midabkiisa isbedelayo markaad tuujiso (blanching), oo aadan is lahayn waxaa sababay xasaasiyad, markaas oo kale badanaa muhiim ma aha in aad ogaato waxa sababay.
      • Sababtuna waxay tahay finanka jirka ku faafa (viral rashes) badankood waa kuwo iskood isaga reysta ayadoon la daawayn.
    • Antibiyootik waxba kama tarayo fayrasyada mana caawin doono finanka maqaarka ku faafa.
    • Finanka badanaa ka dhasha taabashada waxyaabo uu jirku dhibsanayo ayaa ah kuwo iska reysanaya hadii uu ilmahaaga ka feejignaado waxyaabahaas.
      • Tusaale, haddii aad u malaynayso in finankaas/maqaarkaas gaduutay ay sababeen dareere wax lagu dhaqo, isku day inaad bedesho dareeraha aad u isticmaasho inaad ku dhaqdo dharkooda.
    • Waa inaad la hadashaa dhakhtarka ilmahaaga haddii aad u malaynayso inay xasaasiyad qabaan.
    • Haddii finanka/maqaarkiisu gaduutay ama ka dhigayo ilmahaagu kuwa dhiban ama ay la xanuunsan tahay, lana hadal farmashiistaha wixii ku saabsan daawooyinka.
      • Waxaa laga yaabaa inay kugula taliyaan daawo afka laga qaato oo xasaasiyada loogu talagalay ama xanuun baabi'iye.

    Goorta loo baahan yahay inaad caawimaad raadsato

    Ka wac ambalaasta (000) haddii:

    • Ilmahaagu uu la xanuunsan yahay qandho (heerkulka 38°C ama ka badan) uuna leeyahay finan/maqaar gaduutay oo aan midabkiisa isbadaleyn (blanch) marka la tuujiyo.
    • Ilmahaagu uu leeyahay finan/maqaar gaduutay oo ay u sii dheertahay qandho (heerkulka 38°C ama ka badan), iyo sidoo kale madax-xanuun qoorta ah oo adkaata iyo/ama dhabar xanuun.
    • Ilmahaagu leeyahay finan/maqaarka oo gaduuta iyo calaamado tilmaamaya xasaasiyad aad u daran (anaphylaxis) sida inay neefsashadu ku adag tahay, shanqadh laga maqlayo feerihiisa marka uu neefsanayo (wheezing) ama carabka la bararayo.

    Aad isbitaalka haddii:

    • Ilmahaaga uu leeyahay qandho iyo finan casaan dhibco-dhibco oo kale ah.
    • Ilmahaaga uu leeyahay finan midabkoodu yahay purple, cambaar oo kale ah (blotchy) oo u eg barar laakiin uusan midabkiisu is badalayn (blanch) marka aad riixdo.
    • Ilmahaaga uu leeyahay finan guduudaan, maqaar , iyo sidii meel ay biyo ku jiraan oo kale oo wax kulul la taabsiiyay.

    U tag dhakhtar ama xirfadle caafimaad haddii:

    • Ilmahaaga uu leeyahay finan/maqaar gaduutay oo aan midabkiisa isbadelayn (blanch) laakiin uu sidiisa kale u muuqdo inuu fiican yahay oo uusan wax qandho ah lahayn (heerkulka 38°C ama ka badan).
    • Ilmahaaga uu leeyahay qandho iyo finanka/maqaarka-gaduudan midabkooda isbadalayo (blanches) marka aad tuujiso.
    • Ilmahaaga uu leeyahay finan casaan ah iyo maqaar u muuqda inay biyo galeen oo kale, taasina ay usii dheertahay calaamado kale oo ah calaamadaha jadeecada (measles) sida qandho (heerkulka 38°C ama ka badan), qufac iyo diif biyo ah.
      • Una sheeg dhakhtarka ama qofka fadhiya meesha hore ee laga soo galo rugta caafimaaadka, maadaama uu ilmahaagu faafin karo xanuunka.
    • aad ka walwalsan tahay furuuraca ilmahaaga sababtay doonto ha ahaatee.

    Guriga ku daryeel ilmahaaga haddii:

    • finanka/maqaarka cas ee ilmahaagu uu isbedelayo markaad tuujiso (blanches), balse sidoo kale ay u muuqdaan in xaalkoodu fiican yahay.

    Su'aalaha badana la iska weydiiyo finanka/maqaarka oo casaada

    Maxay tahay sababta ay finanku ugu badan yihiin caruurta?

    Finanku waxay ku badan yihiin carruurta sababtoo ah hab-dhiska difaaca jirkooda ayaa ah mid wali soo kobcayo. Tani waxay ka dhigaysaa inay u badan tahay inay qaadaan fayrasyada, kuwaas oo ah waxyaabaha ugu badan ee sababa finanka/maqaarka. Sidoo kale caruurta maqaarkood si sahlan ayey wax u dhisi karaan, marka waxaa laga yaabaa inay finan ka qaadaan waxyaabo uu maqaarkoodu dhibsanayo oo aan dadka kale saameynayn.

    Sidee bay finanka maqaarku u faafaan (viral rashes)?

    Finanka maqaarka ku faafa (viral rashes) waxaa sababa fayras, dhamaan fayrasyaduna si kala duwan ayay u faafaan. Haddii uu ilmahaagu leeyahay finanka maqaarka ku faafa (viral rashes), qaabka ugu fiican oo looga hortagi karo inuu ku faafo dadka kale ayaa ah inaad ku da'daasho nadaafada. Hubi inaad si joogto ah gacmahaaga u dhaqdo - waliba markaad taabato dareerayaasha jidhka ee ilmahaaga sida candhuufta ka dib. Sidoo kale waa inaysan la wadaagin dadka kale alaabaha wax lagu cuno oo dhan, koobabka, shukumaanada, cadayga iyo dharka ilaa inta uu fayrasku ka baxayo.

    Waa maxay furuuruca kulaylka?

    Waxa loo yaqaan (heat rush) waa xaalad ku timaada maqaarka marka uu dhididka ku go'doomo maqaarka. Taasina badanaa waxay dhacdaa marka uu jirku dhidido si ka badan sidii caadiga ahayd, sida xilliyada kuleelaha. Finanka ka dhasha kuleylka (heat rash) maaha wax dhibaato leh, laakiin waxay noqon karaan kuwo cuncun leh oo uu qofku dhibsado. Inta badan, finanka ka dhasha kuleylka iskood ayay isaga reystaan. Haddii uu ilmahaagu qabo finanka ka dhasha kuleylka (heat rash) uuna u muuqdo mid aysan xaaladiisu fiicnayn, kala hadal farmashiistahaaga wixii daawo ah ee la heli karo.

    Ma u baahanahay inaan ilmahayga u geeyo dhakhtarka mar kasta oo ay finan/maqaar cas yeeshaan?

    Uma baahnid inaad ilmahaaga u geyso dhakhtarka mar kasta oo uu finan/maqaar cas yeesho. Raac talada kor ku qoran ee ku saabsan goorta loo baahan yahay inaad raadiso daryeel.

    Ilmahaygu finan baa ka soo baxay aniguna uur baan leeyahay. Miyeey tahay inaan taas ka welwelo?

    Qaar ka mid ah caabuqyada faafa waxay sababi karaan dhibaatooyin xilliyada hore ee uurka. Haddii aad uur leedahay, ilmahaaguna yeesho finan/maqaar cas, oo aad ka walwalsan tahay, waa inaad u tagtaa dhakhtarkaaga ama dhakhtarka dhalmada (obstetrician) ee deegaankaaga si aad talo uga hesho.

    Ilmahaygu weli ma aadi karaa daryeelka carruurta ama dugsiga haddii uu qabo finan/maqaar cas?

    Inta badan, ilmahaagu wali wuu aadi karaa daryeelka carruurta ama dugsiga haddii uu leeyahay finan aan badneyn oo midabkoodu isbadalayo marka la tuujiyo (balanches), oo ay sidooda kalena u muuqdaan kuwo ay xaaladoodu fiican tahay. Haddii uu ilmahaagu leeyahay finan/maqaar cas taasna ay u dheertahay qandho (heerkulka 38°C ama ka badan) ama calaamado kale oo xanuun, waa inay joogaan guriga ilaa inta ay ka reysanayaan.

    Barnaamijkan oo cod la duubay ah ayaa sidoo kale hoos laga heli karaa, sidoo kalena waxaa laga heli karaa Apple Podcasts iyo Spotify.

    Wixii macluumaad dheeraad ah


    Waxaa soo saaray Waaxda Gurmadka ee Isbitaalka Carruurta ee Royal. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Waxaa dib u eegis lagu sameeyay Nofeembar 2025

    Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee uu bixiyo Dhakhtar diiwaangashan oo shaqada ku jira.