Head injury – general advice (Somali) – Dhaawaca madaxa - talo guud

  • Carruurtu inta badan madaxa ayay meel ku garaacaan ama ku dhufsadaan, wayna adkaan kartaa in la ogaado in dhaawacu uu halis yahay iyo in kale. Jug kasta oo madaxa ku dhacda waxaa loo arkaa dhaawac madaxa ah.

    Dhaawacyada madaxa waxaa loo kala saaraa mid fudud, dhexdhexaad ama daran. Dhaawacyo badan oo madaxa ah ayaa fudud, waxayna keenaan oo kaliya barar ama nabar yar. Dhaawacyada madaxa ee fudud waxaa lagu maareyn karaa guriga, laakiin haddii ilmahaagu leeyahay calaamadaha miyir-beelka, waa inay arkaan dhakhtar.

    Waa inaad isla markiiba wacdaa ambalaas haddii ilmahaagu:

    • uu soo gaaray dhaawac madaxa ah oo ku lug leh xawaare sare ama joog ka weyn mitir, tusaale ahaan, shil baabuur, shil-sare oo iskeetka ah ama uu kasoo dhacay qalabka garoonka ciyaarta.
    • uu miyir beelay (suuxay).
    • uu leeyahay suuxdin, gariir ama taam.
    • uu aad u jahawareersan yahay, xasuustu ka luntay ama uusan kuu jawaabayn ama uu lulmoonayo.
    • ay aragtidiisu lunto ama leeyahay laba aragti.
    • uu hal gacan ama lug wax ka badan ka dareemayo daciifnimo ama kabuubyo/jidhidhid.
    • uu dareemayo qoor xanuun ama jilicsanaan.
    • uu u muuqdo inaysan xaaladiisu fiicneyn oo uu matagay hal mar ka badan.
    • uu leeyahay madax xanuun daran ama sii kordhaya.
    • oo ay nasasho la'aantiisa sii kordhayso, kacsan yahay, ama dagaal badan yahay.

    Erayada loo isticmaalo dhaawaca madaxa (Glossary of head injury terms)

    Miyir beel muddo kooban ah (Concussion) – dhaawac fudud oo maskaxeed oo beddela habka maskaxdu u shaqeyso. Calaamadaha miyir-beelka badanaa waa wax muddo kooban ah, laakiin waxaa ku jiri kara noocyo badan oo calaamado jireed ah (madax-xanuun, lallabbo, dawakhaad, daal, dhibaatooyinka aragga, dheellitirka xun, dareenka buuqa), isbeddelka dareenka (walwal, xanaaq, murugo), isbeddelka fekerka (caad indhaha kaa saaran, jahawareer, xusuusta oo ku adkaata, fekerka oo gaabis ah), iyo hurdo la'aan.  

    Miyir beelid – marka qofku uu awoodi waayo inuu indhaha kala qaado, hadlo ama raaci waayo amarada. Ma laha wax wacyigelin ah oo ku saabsan kicinta dibadda jirkooda waxaana laga yaabaa inaysan xasuusan waqtiyada degdega ah ka hor iyo ka dib dhaawaca.

    Tilmaamaha iyo calaamadaha dhaawaca madaxa (Signs and symptoms of head injury)

    Calaamadaha lagu garto dhaawaca madaxa ka dib ayaa loo isticmaalaa si loo go'aamiyo inta uu dhaawacu le'eg yahay. Macluumaadka hoose waa tilmaan.  

    Dhaawac dhexdhexaad ah oo madaxa ah ama mid daran (Moderate to severe head injury)

    Haddii ilmahaagu qabo dhaawac dhexdhexaad ah ama mid daran oo madaxa ah, waxaa laga yaabaa inay muujiyaan calaamadaha 'calanka cas' sida kuwa kor ku qoran.

    Dhaawac fudud oo madaxa ah (ma laha miyir beel) (Mild head injury (no concussion))

    Dhaawac fudud oo madaxa ah waa marka ilmahaagu:

    • uu madaxa meel ku dhufsado.
    • oo markaas ayada ah uu miyirkiisu joogo kulana hadlayo.
    • oo uusan matagin.
    • waxaa laga yaabaa in barar ama meel madaxooda jaranto.
    • laakiin sidiisa kale uu caadi iska yahay.

    Waa inaad raadsataa talo caafimaad haddii ilmahaagu ay yeeshaan calaamado cusub oo dhaawac madaxa ah ama aad ka welwelsan tahay iyaga. Haddii kale, usii kuurgal ilmahaaga oo la soco mid ka mid ah tlmaamaha iyo calaamadaha ku taxan qeybta hoos imaanaysa daryeelka guriga.

    Dhaawac fudud oo madaxa ah (miyir beel waa suurtagal) (Mild head injury (possible concussion))

    Suuxdintu waa marka ilmahaagu:

    • laga yaabo in uu soo bandhigay heerka miyirka oo is beddelay (tusaale, suuxay, jahawareer ama hilmaan) wakhtigii dhaawaca.
    • laga yaabo in ay la kulmaan calaamado kala duwan oo jirka ah (madax-xanuun, lallabbo, dawakhaad, daal, dhibaatooyin aragga, dheelitirnaan xumo, dareenka buuqa).
    • laga yaabo in ay la kulmaan isbeddelo xagga dareenka (walwal, xanaaq, murugo).
    • laga yaabo in uu isbeddel ku yimaado qaabka uu u fakirayo (caqliga, jaahwareerka, xusuusta oo ku adkaata, fekerka gaabinaya) iyo khalkhal hurdo.
    • Calaamadahaan badanaa waa kuwo muddo kooban ah.

    Waa inaad raadsataa talo caafimaad haddii ilmahaagu leeyahay mid ka mid ah calaamadaha miyir-beelka ee kor ku xusan.

    Daryeelka guriga (Care at home)

    Carruurta iyo qaan-gaarka qaba miyir-beelka waxay ku qaadan kartaa ilaa afar toddobaad inay ugasoo kabtaan, laakiin badi miyir-beelka ayaa iskood u soo roonaan doona dhowr maalmood gudahood. Dhaawac fudud oo madaxa ah ka dib, ilmahaagu waa inuu helaa nasasho xoogaa ah (ma aha mid adag) 24 ilaa 48 saacadood ee ugu horreeysa. Waa inay ku soo noqdaan dhaqdhaqaaqyada nolol maalmeedka iyo dhaqdhaqaaqa jidhka ee fudud (tusaale socodka) laakiin waa inay yareeyaan jimicsiga xoogga badan, ciyaaraha jugta leh iyo wakhtiga shaashadda sida telefishinka, kombuyuutarrada iyo taleefannada casriga ah inta lagu jiro wakhtigan.

    Appka HeadCheck waxay gacan ka geysan karaa in guriga lagu maareeyo soo kabashada miyir-beelka waxaana si xor ah looga heli karaa dukaanka App-ka (App store) iyo dukaanka Google. HeadCheck waa qalab is dhexgal ah; Faa'iidada ugu weyni waa u oggolaanshaha qoysaska inay la socdaan calaamadaha carruurta maalin kasta, ka dibna bixinta tusaalooyin waxqabadyo habboon oo ku salaysan calaamadaha iyo da'da.

    Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu uu madax xanuun yeesho dhaawaca madaxa ka dib. Sii paracetamol, hasiin ibuprofenor aspirin lixdii saacadoodba mar haddii loo baahdo si xanuunka uu uga yareeyo.

    Looma baahna in la toosiyo ilmahaaga inta lagu jiro habeenkii inuu takhtar kugula taliyo mooyaane. Isla markiiba wac ambalaas haddii aad toosin weydo ilmahaaga.

    Carruurta madaxa ka dhaawacantay waxay yeelan karaan calaamado waqtiyo kala duwan. Qaar ka mid ah calaamadaha waxaa laga yaabaa inaysan if bixin isla markiiba dhaawaca hore ka dib, laakiin waxaa laga yaabaa inay soo if baxaan dhowr maalmood (tusaale, daal, dhibaatooyinka hurdada, isbeddelka niyadda).

    Haddii ilmahaagu la kulmo mid ka mid ah calaamadaha soo socda ee "calanka guduudan", u gee dhakhtarka ama qaybta degdegga ah ee isbitaalka kuugu dhow:

    • calaamadaha madax-xanuunka oo sii xumaanaya (daran, joogto ah, aan paracetamol waxba ka tarayn), jahawareer (dabeecad aan caadi ahayn ama jahawareer), xanaaq ama matag.
    • hurdo badan ama hurda ka kicista oo ku adkaata.
    • dhiig ama dheecaan kasta oo ka yimaada dhegta ama sanka.
    • suuxdin/miyir-beel/qalal/gariir.
    • aragtida oo uu caad koro ama labajibbaaranto.
    • wax isku-dabaridka oo liidata ama cakiran.
    • daciif kasta oo cusub oo lugta ama gacanta ah, ama daciifnimo kasta oo jirta oo ka sii daraysa ama aan soo roonaanayn.
    • dhibaato liqidda ah ama qufaca marka wax la cunayo ama la cabbayo.
    • buuqa oo la dhibsado.
    • hadal gaja ama aan caddayn.

    Haddii ilmahaagu madaxa ka dhaawacmay, waa inay dugsiga iyo ciyaaraha si tartiib-tartiib ah ugu soo laabtaan. Dhaawacyada madaxa ee dhexdhexaadka ah iyo kuwa daran, dhakhtarkaaga ayaa kula talin doona. Wixii talo ah ee ku saabsan sidii aad ugu celin lahayd ilmahaaga hawlahooda caadiga ah haddii uu dhaawac fudud madaxa kasoo gaaray, eeg xaashida xaqiiqda dhaawaca madaxa - ku laabashada dugsiga iyo ciyaaraha. Head injury – return to school and sport.

    Daal badan (Excessive fatigue) 

    Daalka waa dhib badanaa la arko oo dhici kara dhaawaca madaxa ka dib. Marka ilmuhu leeyahay daal badan, waxay la macno tahay in maskaxdoodu ay si adag uga shaqeyso hawlaha sida caadiga ah si fudud loo qabto, tusaale ahaan samaynta shaqada dugsiga, jimicsiga jirka, daawashada TV-ga, ciyaaraha kombiyuutarka, ama wada sheekaysiga dheer.

    Ilmahaagu waxa laga yaabaa inuu la kulmo qaar ka mid ah ama dhammaan calaamadaha soo socda miyir beelka ka dib, badanaana kuwani si tartiib-tartiib ah ayay u yaraan doonaan oo ayna u xalismi doonaan afar toddobaad dhaawaca ka dib:

    • madax xanuun.
    • aragga oo cakiran.
    • dawakhaad, dheelitirnaan liidata, dhibsashada buuqa iyo iftiinka.
    • gaabiska marka la fekerayo, fahamka iyo ka jawaabista su'aalaha ama amarrada.
    • dhibaato dhanka in waxa markaas loo baahan yahay inuu qofku la socdo uusan la socon karin.
    • dhibaatooyinka xusuusta.
    • ay ku adagtahay in ay u fakiraan erayada saxda ah ee loo baahan yahay in la sheego.
    • wax weeydiisashada oo ka badan heerkii hore, si sahlan na u xanaaqa.
    • cabsi iyo walaac badan.
    • habkii hurdada oo la bedelay.
    • dareenka oo is bedbedala iyo xanaaq.

    Haddi ilmahaagu jirkiisa ama dhaqankiisa garasho ka duwan yahay sida caadiga ah, ama ay ka sii darayso, dib ugu celi dhakhtarka ama qaybta gurmadka degdega ah ee isbitaalka kuugu dhow.

    Inta ay calaamaduhu sii jiraan, carruurtu waa inay helaan nasasho xoogaa ah (ma aha mid adag) laakiin waa inay sii wadaan dhaqdhaqaaqyada nolol maalmeedka oo ay ku soo noqdaan dhaqdhaqaaqa fudud ee jirka tusaale ahaan; socodka. Carruurtu waa inay helaan hurdo ku filan, cunto caafimaad leh lana xaddidaa daawashada TV-ga ama ku ciyaarista aaladaha elegtarooniga ah ee mobilada. U ogolow ilmahaagu inuu si tartiib-tartiib ah ugu soo laabto wax-akhriska iyo hawlaha kale ee u baahan waqtiyo feejignaan ama fikir badan.

    Qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay inaad xasuusnaato (Key points to remember)

    • Dhaawaca madaxu wuxuu noqon karaa mid fudud, dhexdhexaad ah ama daran.
    • Wac ambalaas haddii ilmahaagu uu dhaawac madaxa ah soo gaaray kaas oo ku lug leh xawaare sare ama dherer, ama haddii uu miyir beelo marka jugta madaxa kasoo gaarto ka dib ama ay matagaan wax ka badan hal mar.
    • Ilmahaagu waxa laga yaabaa inay yeeshaan astaamo kala duwan toddobaadyada xiga dhaawaca madaxa marka uu dhaco. Haddii ilmahaagu uu yeesho mid ka mid ah calaamadaha calanka cas ee kor lagu sharraxay, waa inaad raadsataa daryeel caafimaad oo degdeg ah.
    • Carruurta miyir-beelka uu ku dhaco waa inay helaan xoogaa nasasho ah (ma aha mid adag) 24 ilaa 48 saacadood ee ugu horreeysa. Cunugaagu waa inuu helaa hurdo ku filan, xadid wakhtiga uu ku qaadanayo shaashada laakiin sii wad hawl maalmeedka tusaale. akhrinta, socodka oo si tartiib-tartiib ah u kordhi dhaqdhaqaaqyadan ilaa inta ay ka dhalanayso kaliya (wax ka yar hal saac), calaamadaha khafiifka ah ee ka sii daraya oo muddo kooban ah.
    • Inta badan carruurta si fiican ayay u bogsadaan ka dib dhaawac fudud oo madaxa ah. Haddii ilmahaagu wali u baahan yahay taageero si uu ugu soo laabto hawl maalmeedka laba toddobaad ka dib dhaawac fudud oo madaxa ah, waa in uu GP-gu dib ugu sameeyo qiimayn caafimaad. Carruurta ay calaamadahooda jirrada socoto in ka badan afar toddobaad waxaa loo gudbin karaa RCH Adeegga Dhaqancelinta Carruurta ee Victoria (Victorian Paediatric Rehabilitation Service - VPRS). GP-yadu waxay u gudbin karaan adeegyada VPRS ee bukaan-socod ee deegaankaaga iyagoo adeegsanaya shabakadooda. RCH Victorian Paediatric Rehabilitation Service (VPRS)
    • Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan helitaanka VPRS ee bukaan-socodka, waxaad la xidhiidhi kartaa isku-duwaha bukaan-socod ee RCH VPRS adiga oo wacaya 03 9345 9300 ama ugu soo dir iimayl rehab.services@rch.org.au.

      Su'aalaha badanaa dhaqaatiirteena la weydiiyo (Common questions our doctors are asked)

      Sideen ku ogaan karaa in canuggayga xanaaqiisa iyo isbedbedelka dabeecadaha ay tahay sababo la xiriira inuu daalan yahay dhaawaca madaxa ka dib, ama inay tahay wax laga walwalo?

      Carruurtu waxay inta badan u dareemaan daal (daalaan) si degdeg ah dhaawac madaxa ka dib, taasina waxay buunbuunin kartaa mid kasta oo ka mid ah calaamadaha iman kara dhaawaca madaxa ka dib, sida jahawareer, khalkhal shucuureed iyo dhibaatooyinka fikirka. Haddii aad ka welwelsan tahay, qaad si dhakhtar uu u arko. Haddii dhaqanka ilmahaagu aad uga duwan yahay dhaqankooda caadiga ah, raadso gargaar caafimaad oo degdeg ah.


      Waxaa sameeyay Gurmadka Isbitaalka Carruurta ee Royal, Neurosurgery iyo waaxyada cilmi nafsiga. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

      Dib loo eegay Oktoobar 2023.

      Fadlan had iyo jeer raadso taladii ugu dambeysay ee takhtar diiwaangashan oo ku shaqeysta.

      Macluumaadka Caafimaadka Carruurta waxaa taageera Royal Children's Hospital Foundation. Si aad wax ugu tabarucdo, booqo   www.rchfoundation.org.au.

      Afeef

      Macluumaadkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero, maaha inay beddesho, wadahadalada lala yeelanayo dhakhtarkaaga ama xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha qoraalladan macluumaadka caafimaadka macaamilka waxay sameeyeen da'daal badan si ay u hubiyaan in macluumaadku yahay mid sax ah, oo kii u dambeeyay ah oo si fudud loo fahmi karo. Isbitaalka Royal Children's Hospital Melbourne ma aqbalayo mas'uuliyadda wixii khalad ah, macluumaadka loo arko marin-habaabin, ama guusha nidaam kasta oo daaweyn ah oo lagu faahfaahiyay qoraaladan. Macluumaadka ku jira qoraal-gacmeedyada si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa sidaa darteed waa inaad had iyo jeer hubisaa inaad tixraacayso nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraal-gacmeedka. Waajibku aduu ku saaran yahay, isticmaalaha, si aad u hubiso inaad soo dejisay nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraalka macluumaadka caafimaadka macaamilka.