Gastroenteritis (Somali) – Caloosha

  • Gastroenteritis (gastro-gastro) waa caabuq mindhicirka ku dhaca oo keena shuban (diif, biya-biyood) iyo marmar matag. Mataggu si dhakhso ah ayuu u degi karaa, laakiin shubanku wuxuu socon karaa ilaa 10 maalmood.

    Gastro waxaa sababi kara jeermis badan oo kala duwan, inkastoo sababta ugu badan ee gastrodu ay tahay caabuq fayras ah. Carruurta badankoodu uma baahna inay gastro u qaataan wax daawo ah; si kastaba ha ahaatee, waa muhiim inay cabbaan dareere badan si looga hortago inay fuuqbaxaan.

    Gastro si fudud ayuu u faafaa, wuxuuna aad ugu badan yahay uguna daran yahay dhallaanka iyo carruurta yaryar. Dhallaanka lix bilood ka yar si sahlan ayay u fuuq-bixi karaan waxayna u baahan yihiin inuu GP-ga hubiyo haddii ay qabaan gastro-gaas.

    Calaamadaha iyo astaamaha gastarada (Signs and symptoms of gastro)

    Haddii ilmahaagu qabo gastro, waxaa laga yaabaa inay:

    • dareemaan caafimaad darro, oo aysan rabin inay wax cunaan ama cabaan
    • matagaan 24 ilaa 48 saacadood ee ugu horeeya (badanaa ka hor inta aanu shubanku bilaabmin)
    • qabto shuban, oo socon kara ilaa 10 maalmood
    • inay yeeshaan xoogaa calool xanuun ah
    • yeeshaan qandho.

    Ku daryeelida guriga (Care at home)

    Daawaynta ugu weyn waa in aad ilmahaaga ku ilaaliso cabitaanka badan sida biyaha, fuuqcelinta afka, caanaha naaska ama caanaha la qaso. Aad bay muhiim u tahay in la beddelo dareerayaasha ka lumay jirkooda matagga iyo shubanka dartii.

    Gastrolyte, HYDAlyte, Pedialyte iyo Repalyte waa noocyo kala duwan oo dareere fuuq-celinta afka ah oo loo isticmaali karo beddelka dareeraha iyo milixda jidhka. Waxay sidoo kale loo heli karaa ayagoo tiirar baraf ah (icy poles), kuwaas oo carruurtu inta badan ku farxaan inay helaan.

    Haddii ilmahaagu diido biyaha ama dareeraha fuuq-celinta afka, isku day cabitaanka tufaaxa oo lagu qasay biyo. Ha siin cabitaanno ay sonkortu ku badan tahay (tusaale flat lemonade ama cabitaannada isboortiga), sababtoo ah waxay kaga sii dari kartaa fuuq-baxa. Waxaad siin kartaa ilmahaaga caanahooda caadiga ah; si kastaba ha ahaatee, carruurta qaar ayaa laga yaabaa in aanay jeclayn cabitaanka caanaha haddii ay leeyihiin gastro.

    Haddii ilmahaagu matago wax badan oo dareere ah, isku day inaad si joogto ah u siiso wax yar oo dareere ah (10 ilaa 15 daqiiqo kasta). Ilmahaagu waxa laga yaabaa inuu diido cuntada marka ugu horraysa ee ay gastro ku dhacdo. Tani waa dhif inay dhibaato noqoto inta ay cabayaan dareere.

    Ha siinin ilmahaaga daawooyinka aanan la iibsan karin warqad dhakhtar la'aanteed ee yareeya matagga iyo shubanka, maxaa yeelay daawooyinku waxay waxyeello u geysan karaan carruurta.

    Carruurta qabta gastro caadi ahaan waa ay faafin karaan, markaa si fiican gacmahaaga u dhaq markaad taabatid ilmahaaga ka dib, gaar ahaan quudinta ka hir iyo xafaayada marka laga badalo ka dib. Ilmahaaga ka fogee carruurta kale intii suurtogal ah ilaa shubanku ka joogsanayo.

    Goorta loo baahan yahay in dhakhtar la arko (When to see a doctor)

    Ilmaha da'doodu ka yar tahay lix bilood waa in had iyo jeer uu GP-gu hubiyo haddii ay qabaan gastro, sababtoo ah waxay halis sare ugu jiraan fuuq-bax.

    Ilmo kasta oo qaba gastro waa inuu u tagaa GP-ga haddii ay:

    • matagayaan oo uu shuban jiro, oo aysan waxba cabayn
    • ay leeyihiin shuban badan (Sideed ilaa 10 jeer oo shuban biyo ah, ama laba ama saddex saxaro oo waaweyn maalintii) ama haddii shubanku aanu ka soo roonaan 10 maalmood ka dib
    • matag joogto ah ayna u muuqato in dareere kasta oo lasiiyo uu soo celinayo/matagayo
    • ay jiraan calaamadaha fuuq-baxa tusaale. Xafaayada qoyan oo yar ama aan wa badan musqusha galin, huruud madow ama bunni ah, dareemo iftiin ama dawakhaad, leh bushimo iyo af qallalan
    • leeyahay calool xanuun xun
    • saxaradooda dhiig uu kujiro
    • leeyihiin matag cagaaran
    • ay jirto sabab kale oo aad uga welweshid.

    Haddii ilmahaagu aad u fuuqbaxay oo aanu jirka ku heyn karin wax dareere ah, waxa laga yaabaa inay u baahdaan in la seexiyo cusbitaalka si ay dheecaan sanka uga soo galaan caloosha (tuubo sanka galaysa) ama si toos ah xididka ay faleebo ugu durnaato (xididka ama IV).

    Qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay inaad xasuusnaato (Key points to remember)

    • Ilmaha da'doodu ka yar tahay lix bilood ee qaba gastro si sahlan ayay u fuuq bixi karaan waxayna u baahan yihiin inuu GP-gu eego.
    • Sii dhallaanka cabitaan mar kasta oo ay matagaan. Naas nuujinta sii wad. Haddii masaasad ay ku cabaan, sii xalka fuuq-celinta ee afka laga qaato 12-ka saacadood ee ugu horreeya.
    • Sii carruurta wax yar oo dareere ah marar badan.
    • Dhallankaaga ama ilmahaaga waa ay faafin karaan cudurka, sidaa darteed si joogto ah gacmahaaga u dhaq, gaar ahaan quudinta ka hor iyo xafaayada markaad ka badeshid ka dib.
    • U gee ilmahaaga dhakhtarka haddii ay fuuqbaxayaan, calool xanuun xun ay dareemayaan ama aad ka welwelsan tahay.

    Wixii macluumaad dheeraad ah (For more information)

    Su'aalaha badanaa dhakhaatiirtayada la waydiiyo (Common questions our doctors are asked)

    Waxaan ka walaacsanahay dareeraha aan siinayo ilmahayga inuu shubanka uga sii darayo. Cabitaanka mau yareeyaa?

    Aad bay muhiim u tahay in dareeraha la siiyo, xitaa haddii shubanku u muuqdo mid ka sii daraya. Waxaa muhiim ah in qoyaanka jirka uu lumiyay shuban iyo mataga awgeed badalkeeda la helo si looga hortago fuuqbaxa.

    Miyay tahay inaan ka walwalo in ilmahaygu aanu rabin inuu wax cuno marka uu gastro ku dhaco?

    Marka ugu horraysa ee ubadkaagu uu gastro ku dhaco waxaa laga yaabaa inay diidaan cuntada wax kasta ku bilaabaan. Taasi inta badan wax dhib ah malaha marba haday cabayaan dareere. Marka ilmahaagu gaajoodo mar kale, sii cuntada ay rabaan inay cunaan.

    Ilmahayga ma siin karaa caano (dairy) gastro markuu ku dhaco kabacdi?

    Carruur badan ayaa u nugul caanaha (dairy) muddo gaaban gastro markuu ku dhaco ka dib. Haddii tani dhacdo, waxaad yareyn kartaa qaadashada caanaha muddo laba toddobaad ah gastro markuu ku dhacay ka dib. Haddii calaamadaha xanuunku sii socdaan intaas ka badan, u gee ilmahaaga GP-gaaga


    Waxaa soo saaray Hospital Royal Children's General Medicine, waaxaha Degdegga ah iyo Gastroenterology, iyo Xarunta Caafimaadka Carruurta ee Bulshada. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Dib loo eegay Luulyo 2023.

    Macluumaadkan ayaa sugaya dib u eegis joogto ah. Fadlan had iyo jeer ka raadso taladii ugu dambeysay takhtar diiwaangashan oo ku shaqeysta.

    Macluumaadka Caafimaadka Carruurta waxaa taageera Ururka Royal Children's Hospital Foundation. Si aad wax ugu tabarucdo, booqo www.rchfoundation.org.au.

    Afeef

    Macluumaadkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero, maaha inay beddesho, wadahadalada lala yeelanayo dhakhtarkaaga ama xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha qoraalladan macluumaadka caafimaadka macaamilka waxay sameeyeen da'daal badan si ay u hubiyaan in macluumaadku yahay mid sax ah, oo kii u dambeeyay ah oo si fudud loo fahmi karo. Isbitaalka Royal Children's Hospital Melbourne ma aqbalayo mas'uuliyadda wixii khalad ah, macluumaadka loo arko marin-habaabin, ama guusha nidaam kasta oo daaweyn ah oo lagu faahfaahiyay qoraaladan. Macluumaadka ku jira qoraal-gacmeedyada si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa sidaa darteed waa inaad had iyo jeer hubisaa inaad tixraacayso nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraal-gacmeedka. Waajibku aduu ku saaran yahay, isticmaalaha, si aad u hubiso inaad soo dejisay nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraalka macluumaadka caafimaadka macaamilka.