Constipation (Somali) – Calool-fadhiga

  • Calool-fadhigu waa marka ilmaha ay hayso saxaro adag (saxaro ama saxaro ay qabaneyso) iyo/ama aanu si joogto ah u tagin musqusha. Waxaa jira farqi badan oo u dhexeeya adkaanta iyo inta jeer ee ay caadiyan caruurtu saxaroodaan.

    • Ilmaha naaska la nuujiyo waxaa laga yaabaa inay saxaro qabato markasta oo la quudiyo kabacdi, ama hal mar bas inay saxaroodaan toddobaad kasta.
    • Dhallaanka masaasada lagu quudiyo iyo carruurta waaweyn waxay caadi ahaan saxaroodaan ugu yaraan hal mar maalintiiba ilaa saddexdii maalmood.

    Calool fadhiga waa dhibaato caadi ku ah carruurta, gaar ahaan waqtiga tababarka musqusha ama bilaabida cuntooyinka caadiga ah. Waxa kale oo ay noqon kartaa dhibaato ka dib marka ilmuhu la kulmo marxalad ah saxaro xanuun ama cabsi leh.

    Calaamadaha iyo astaamaha calool-fadhiga (Signs and symptoms of constipation)

    Calool fadhiga ayaa sababi kara:

    • calool xanuun (xanuunku wuxuu noqdaa mid yimaada oo tago)
    • ilmahaagu inuu dareemo gaajo ka yar sidii caadiga ahayd
    • dabeecad qalafsan
    • jeexjeexyada dabada (kala-goysyada yar ee maqaarka ku wareegsan futada) kuwaas oo keena xanuunka iyo dhiig-baxa marka la saxaroonayo - waxaa sababi kara cadaadis si ay saxaro weyn, oo adag usoo gudubto
    • dhaqanka ah isku-celinta, sida in loo fadhiisto qof saxaroonayo oo kale, lugaha oo laisi saarto ama diidmada in lagu fariisto musqusha.

    Haddii ilmahaagu calooshoodu fadhiso, waxa laga yaabaa inay u muuqdaan kuwo calooshoodu soo weyn tahay oo kale, oo xataa waxa laga yaabaa inaad dareento burooyin adag oo saxarada ah haddii aad si tartiib ah calooshooda u riixdid.

    Calool-fadhiga muddada-dheer ah waxay u horseedi kartaa ilmahaaga inay carro isku shubaan (surweelka iskaga saxaroodaan ama ku haleeyaan). Tani waxay dhacdaa haddii ilmahaaga dabadooda (hoose) ay saxaro badan ka buuxday muddo dheer oo ay dabadu sidii laastiigii jiidmato. Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu aanu helin rabitaanka inuu musqusha galo sababtoo ah malawadka futada ayaa had iyo jeer dareema inay kala jiidantay. Saxaradu waxay ka bacdi ku halaabi kartaa surwaalka ilmahaaga, iyaga oo aan dareemin. Caafimaad ahaan, saxaro-isku -halaynta (soiling) waxaa loo yaqaan 'encopresis' ama 'faecal incontinence'.

    Maxaa sababa calool fadhiga? (What causes constipation?)

    Inta badan xaaladaha calool-istaagga carruurta, lama helo sabab halis ah oo keentay marxaladaas. Sababaha suurtagalka ah waxaa ka mid ah:

    • Dabeecadaha dabiiciga ah - carruurta qaarkood waxay leeyihiin dhaqdhaqaaqa xiidmaha oo gaabis ah, taas oo keenta calool-istaagga.
    • Caadooyinka mindhicirka - sida iska indho-tirka rabitaanka inaad saxarooto. Carruur badan oo yaryar ayaa aad ugu mashquulsan ciyaarta taas oo ka horistaagta inay aadaan musqusha. Saxaradu markaa way sii adkaanaysaa oo sii weynaataa. Waqtiga musqusha waa in la qoondeeyaa saddex jeer maalintii, maalin kasta, si loogu oggolaado booqashooyinka joogtada ah, ee aan laga qasin ee musqusha.
    • Dabeecadda saxaro isku celinta ah – ilmuhu waxa laga yaabaa inuu bilaabo inuu ‘xajiyo’ waayo-aragnimo xanuun badan ama cabsi leh ka dib, sida saxaro adag oo uu hore u saxarooday ayadoo dabada afkeedu dilaacneed. Isku-celinta waxay sii adkeynaysaa saxarada, waxayna ka dhigaysaa saxarada soo socota mid aad u xanuun badan.
    • Isbeddelka jawiga musqulaha - sida musqul ku cusub ama musqusha dugsiga ama musqul la dhibsanayo, ama in lagu yiri saxarada isku celi oo sug ayagoo markaas ay saxaro heyso (caadiyan tan waxay ka dhacdaa iskuulka).
    • Cuntada – cunto ay ku badan yihiin cuntooyinka warshadaysan oo ay ku yar yihiin khudaarta iyo khudradda cusub waxay keeni kartaa calool istaag. Carruurta cabta caano badan oo lo'da ah maalin kasta sidoo kale waxaa laga yaabaa inay calool istaag yeeshaan.
    • Cudur - tiro aad u yar oo carruur ah, cudurro ay ka mid yihiin maqnaanshaha dareemayaasha caadiga ah ee qaybaha mindhicirka, cilladaha laf-dhabarka, yaraanta tayroodh iyo cudurrada kale ee dheef-shiid kiimikaadka ayaa keeni kara calool-fadhi. Dhammaan waxyaabahani waa kuwo naadir ah ama dhif ah, laakiin takhtarkaaga ayaa ka hubin doona ilmahaaga.

    Ku daryeelida guriga (Care at home)

    Waxa kaliya oo aad u baahan tahay inaad ka walwasho adkaanta ama inta jeer ee uu saxaroodo ilmahaaga haddii ay u muuqato inay dhibaato keenayso. Inta badan, waxaad ku daawayn kartaa ilmahaaga guriga si aad uga caawiso calool-fadhigo.

    Caadooyinka mindhicirka caafimaadka qaba (Healthy bowel habits)

    Haddii ubadkaaga musqusha u tababaran ay calooshu-fadhiso, waxaa muhiim u ah inay yeeshaan caado ah inay si joogto ah u fadhiistaan ​​musqusha.

    • Ilmahaagu waa inuu ku fadhiistaa musqusha quraacda, qadada iyo cashada ka dib - xitaa haddii aysan dareemin rabitaanka inay saxaroodaan. Waa inay ku fadhiyaan saddex ilaa shan daqiiqo, xataa haddii ay xoogaa yar kahor saxaroodeen. Isticmaalka saacad waqtiga lagu xisaabiyo ayaa keeni karta in laga fogaado doodaha ku saabsan muddada ay fadhiyeen.
    • Ku xooji hab-dhaqanka wanaagsan (fadhiisashada iyo in lagu saxaroodo musqusha) ayadoo loo marayo hab dhiirigelin ah iyo in darbiga lagu dhajiyo qoraalo/sawiro da'da ku habboon ama jaantusyada abaal-marinta (reward charts), ama qaabab kale oo lagu dhiirigelin karo. Ku ammaan ilmahaaga marka uu ku fadhiisto musqusha, xitaa haddii aanay dhigin saxaro.
    • Ku dhiiri geli ilmahaaga inay ka jawaabaan rabitaanka jidhkooda ee saxarada ah.
    • Hubi in ilmahaagu haysto qalabka saxda ah ee isticmaalka musqusha dadka waaweyn. Taasi waxay noqon kartaa in musqusha fadhigeeda wax loo saaro iyo in lugaha wax ay saartaan dhulka loo dhigo si ay lugaha ugu nasiyaan.

    Ka saar wax kasta oo dhalin kara cabsi ama xanuun (Remove frightening or painful associations)

    • Carruur badan oo yaryar ayaa ka baqa inay ku dhacaan musqusha. Meel lugaha la saarto ama bir la qabsan karo ayaa caawin karta. Buug ay jecel yihiin inay musqusha gudaheeda ku heystaan ayaa laga yaabaa inay marxaladooda dejiso.
    • Isku day inaad ogaatid in ilmahaagu ka cabsi qabo isticmaalka musqulaha dugsiga, xannaanada ama daryeelka carruurta, oo fiiri inay jiraan wax lagu caawin karo.

    Raashin caafimaad leh (A healthy diet)

    Muhiimada uu raashinku u leeyahay daawaynta calool-istaagga carruurta way ka hooseysaa mida dadka waaweyn ay u leedahay, laakiin kordhinta qaadashada fiber-ka ayaa laga yaabaa inay caawiso qaar ka mid ah carruurta leh dareenka dabiiciga ah ee calool-istaagga. Si aad ugu darto fiber badan cuntada ilmahaaga, waxaad isku dayi kartaa waxyaabaha soo socda:

    • Ugu yaraan laba jeer oo aad siiso furuut maalin kasta - furuut ka qolofku ku hadhay, sida plums, prunes, sabiib, apricots and peaches, ayaa leh fibre badan.
    • Casiirka prune - kani waa calool jilciye fudud oo dabiici ah oo wax u tara carruurta qaarkood. Casiirka prune waxa laga yaabaa inuu dhadhan fiicnaado haddii lagu qaso casiir kale, sida tufaax, apricot ama casiirka cranberry ga. Baraf ayaad ka dhigi kartaa casiirka prune-ka si aad uga samayso tiirar baraf ah. Prune sidii timirta oo kale u fadhiyo iyo/ama apricots ayaa loo isticmaali karaa kooxda da'da yar ee aan casiirka caadiga ah wali la barin. Ku dar prune-ka biyo la karkariyay una ogolow inay qooyaan ilaa 10 daqiiqo. Daadi inta badan biyaha karkaraya iyo ka dhig mid saafi ah. Raashinka ugu dar and kaligeed caadi u sii.
    • Ugu yaraan saddex jeer oo khudaar ah maalin kasta.
    • Isticmaal cereal aan la warshadayn, sida bran cereals, sarreenka la shiiday, cereal ka wholegrain ka ah ama oatmeal - ka fogow cerealka la safeeyey, sida Corn Flakes iyo Rice Bubbles.
    • Isticmaal rootiga rootigameal/Wholegrain ka ah halkii aad ka isticmaali lahayd rootiga cad.

    Haddii ilmahaagu ka weyn yahay 18 bilood, yaree qaadashada caanaha lo'da ugu badnaan 500 ml maalintii oo iska ilaali cabitaannada macaan cuntada ka hor. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad hagaajiso rabitaanka cuntada ee ilmahaaga marka la gaaro wakhtiyada cuntada.  

    Dhallaanka calool-istaagga leh ee cabba caanaha la qaso ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in caanaha la beddelo ka dib markii lagala tashaday xirfadle caafimaad.

    Iska ilaali in caanaha la qaso aad dhowr jeer ka bedeshid sababtoo ah tani waxay gacan ka geysan kartaa dhibaatada.

    Goorta loo baahan yahay in dhakhtar la arko (When to see a doctor)

    Haddii ilmahaagu ka yar yahay 12 bilood oo aad u malaynayso inuu calooshu fadhido, waa inaad la tashataa GP-gaaga ama kalkaalisada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

    Carruurta da'da weyn, haddii isbeddellada fudud ee cuntada aysan caawinayn, ilmahaaguna dareemayo xanuun siyaado ah ama haddii ay hoosta ka dhiigayaan, waa inaad u geysaa GP-ga.

    Isbeddellada cuntada fudud ayaa lagu dhiirigelinayaa si caafimaadka guud uu u hagaago haddii isbeddelladani aysan soo saarin ficil saxaro jilicsan 3 maalmood gudahood intaas ka dib waa inaad talo inaad u raadsato GP-gaaga ayaa. Waxaa laga yaabaa in GP-gaagu uu kugula taliyo daawada caloosha jilcisa.

    Carruurta calooshoodu fadhisay bilo badan waxay u badan tahay inay u baahdaan dawooyinka caloosha jilciya dhowr bilood, taas oo ay u dheertahay in lagu dhiirigaliyo inay yeeshaan caadooyin saxaro oo caafimaad leh.

    Xulashooyinka daawooyinka caloosha jilciya

    Daawooyinka caloosha jilciya ayaa farmashiyaha laga soo iibsan karaa adoon heysan waraaq dhakhtar qoray, laakiin laguma talinayo in caruurtu qaataan dawooyinka caloosha jilciya iyagoon talo caafimaad helin.

    • Isku darka paraffin dareere ah (Liquid paraffin mixtures) waxay ku imaadaan dareere dhadhan loo yeelay ayagoo ah, waxayna u shaqeeyaan ayagoo qoynaya saxarada si ay si sahlan banaanka ugu soo baxdo. Kuma jiraan wax daawo ah.
    • Osmolax wuxuu ku yimaadaa tuubo. Waxaa lagu qasi karaa cabitaanno badan oo kala duwan oo kulul ama qabow iyo/ama lagu dari karaa cuntada. Waa dhadhan la'aan taas oo waxtar u leh carruurta. Waxay u shaqeysaa qaab ah inay saxarada jileec ka dhigto.
    • Macrogol3350 waxay ku yimaadaa bac xirmo ah biyo ayaana lagu qasaa waxayna u shaqeysaa qaab ah inay saxarada jileec ka dhigto. Waxa kaliya lagu qasi karaa biyo waxayna leedahay dhadhan.
    • Lactulose waxay ku imaadaa sidii dareere dhadhan macaan leh, waxayna u shaqeysaa qaab ah inay jilciso saxarada iyo inay kiciso mandhicirka si markaas ay u faaruqdo. Waxa laga yaabaa inuu dhadhan keedu fiicnaado marka lagu qaso casiir ama caano. Waxay sababi kartaa dabayl ur leh (dhuuso).
    • Docusate/poloxalkol waxay ku timaadaa sidii kiniini ama goojo oo kale (kuwaas oo ku habboon carruurta ka yar saddex sano jir), waxayna u shaqeysaa qaab ah inay jilciso saxarada.
    • Senna waxay ku timaada sida kiniini ama granules, waxayna u shaqeysaa qaab ah inay kiciso mindhicirka si uu u faaruqo. Granules waxaa lagu qasi karaa cunto sida tufaax la dubay. Ilmahaaga waxaa laga yaabaa inuu yeesho shuban ama calool xanuun haddii qiyaastu ay aad u badan tahay.
    • Bisacodyl waxay ku timaadaa sidii kiniin ama goojo, waxayna u shaqeysaa qaab ah inay kiciso mindhicirka si uu u faaruqo. Waxay sababi kartaa calool xanuun.
    • Psyllium husk fibre waxay ku timaadaa sidii kiniin ama goojo, waxayna u shaqeysaa qaab ah inay kiciso mindhicirka si uu u faaruqo. Waxay sababi kartaa calool xanuun.
    • Suppositories iyo mini-enemas waa kiniiniyo yaryar ama dareere la geliyo dabada ilmahaaga, kuwaas oo kicinaya malawadka dabada si markaas ay u faaruqdo. Ma jilciyaan saxarada ku jirta mindhicirka qeybta sare. Waxaa mararka qaarkood lagu taliyaa in loo isticmaalo calool-istaagga daran, laakiin calool-jilciyaha afka laga qaato ayaa aad waxtar u leh oo uga dhib yar carruurta intooda badan. Suppositories Glycerin waxaa loo isticmaali karaa calool-istaagga daran ee dhallaanka. Waligaa canugaaga ha siin enema ilaa in dhakhtarka ilmahu kuu sheego maahee.
    • Waraabka mindhicirka (Bowel irrigation) – Tiro aad u yar oo carruur ah ayuu calool-istaagoodu mid aa u daran noqdaa ka bacdina ay u baahdaan in la seexiyo isbitaalka si looga soo dhaqo mandhicirka. Tan waxaa badanaa la sameeyaa iyadoo la isticmaalayo dareeraha 'mindhicirka diyaariya ('bowel prep') oo loo siiyo cabitaan ahaan ama loo mariyo tubo caloosha la gaarsiiyay (tuubada sanka).

    Qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay inaad xasuusnaato (Key points to remember)

    • Waxaa jira farqi badan oo u dhexeeya adkaanta iyo inta jeer ee ay saxaroodaan carruurtu.
    • Waxa kaliya oo aad u baahan tahay inaad ka walwasho adkaanta ama inta jeer ee uu saxaroodo ilmahaaga haddii ay u muuqato inay dhibaato keenayso.
    • Calool-fadhigu wuxuu keeni karaa calool xanuun, rabitaanka cuntada oo yaraada iyo wax dhibsi.
    • La tasho dhakhtarkaaga haddii isbeddellada cuntada fudud aanay ku caawinayn 3 maalmood gudahooda, ilmahaagu hadii uu dareemayo xanuun badan ama haddii ay hoosta ka dhiigayaan.
    • Calool-fadhiga sida caadiga ah waxa lagu xakamayn karaa caadooyinka mindhicirka oo caafimaada iyo dawooyin, sida uu takhtarku ku taliyey.

    Su'aalaha badanaa dhakhaatiirtayada la waydiiyo (Common questions our doctors are asked)

    Goorma ayay tahay inaan ka walwalo midabka saxarada ilmahayga?

    Guud ahaan, waa wax iska caadi ah haddii carruurtu saxaroodaan saxaro midab leh kuwaas oo u dhaxeyn kara jaale-brown ilaa cagaar madow. Haddii saxarada ilmahaagu ay caddahay, guduudan tahay ama madow dahay, u gee dhakhtarkooda si uu u arko.

    Ilmahaygu markuu saxaroonayo aad buu usoo riixaa, taas macnaheedu ma waxay tahay calool istaag?

    Waa wax caadi ah in carruurta da'doodu ka yar tahay lix bilood ay soo riixaan ka hor intaanay gudbin ficil saxaro jilicsan. Tani maaha calool-istaag, laakiin waxay ka tarjumaysaa si tartiib-tartiib u kobcaya xirfad/awoodda isku-dubbarididda ficilka mindhicirka.


    Waxaa soo saaray Isbitaalka Carruurta ee Royal Waaxyaha Daawaynta Guud iyo Xaaladaha Degdega ah. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.

    Dib loo eegay Ogosto 2023.

    Macluumaadka Caafimaadka Carruurta waxaa taageera Ururka Royal Children's Hospital Foundation. Si aad wax ugu tabarucdo, booqo www.rchfoundation.org.au.

    Afeef

    Macluumaadkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero, maaha inay beddesho, wadahadalada lala yeelanayo dhakhtarkaaga ama xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha qoraalladan macluumaadka caafimaadka macaamilka waxay sameeyeen da'daal badan si ay u hubiyaan in macluumaadku yahay mid sax ah, oo kii u dambeeyay ah oo si fudud loo fahmi karo. Isbitaalka Royal Children's Hospital Melbourne ma aqbalayo mas'uuliyadda wixii khalad ah, macluumaadka loo arko marin-habaabin, ama guusha nidaam kasta oo daaweyn ah oo lagu faahfaahiyay qoraaladan. Macluumaadka ku jira qoraal-gacmeedyada si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa sidaa darteed waa inaad had iyo jeer hubisaa inaad tixraacayso nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraal-gacmeedka. Waajibku aduu ku saaran yahay, isticmaalaha, si aad u hubiso inaad soo dejisay nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraalka macluumaadka caafimaadka macaamilka.