Challenging behaviour – toddlers and young children (Somali) – Dabeecadaha Qallafsan - carruurta socod baradka ah iyo carruurta yaryar

  • Carruurta yaryar waxay la kulmaan shucuur kala duwan waxayna iyaga nafsad ahaantooda isugu muujiyaan siyaabo badan oo kala duwan. Waa caadi in carruurta socod baradka ah iyo carruurta yaryari ay xanaaqaan oo ay wax maqli waayaan inta xirfadahooda bulsheed iyo shucuureed ay soo korayaan.

    Waa muhiim in adiga iyo dadka kale ee daryeelka bixiya aad ka jawaabtaan oo aad taageertaan ilmahaaga inta ay korayaan oo ay baranayaan inay maareeyaan shucuurtooda. Hagidda ilmahaaga iyo dhiirigelinta dabeecadaha wanaagsan waxay ka caawin doontaa inay bartaan hababka ku habboon oo ay tahay inay u dhaqmaan.

    Calaamadaha iyo astaamaha dabeecaddaha khalafsan (Signs and symptoms of challenging behaviour)

    Qoysas kala duwani ayaa waxay yeelan doonaan rajooyin kala duwan oo ku saabsan waxa la aqbali karo iyo waxa loo arki karo dabeecad khalafsan. Qaar ka mid ah dabeecadaha ay qoysasku caadi ahaan u arkaan inay caqabad ku yihiin waxaa ka mid ah:

    • madax-adeeg (tusaale diidmada inay raacaan codsiyadaada)
    • kuwo aanan la qancin karin (tusaale diidmada cunista cuntooyinka qaarkood ama xidhashada dharka qaarkood)
    • kuwo waxyeeleeya dadka kale (tusaale qaniinyo, laad)
    • xanaaq xad dhaaf ah marka ilmuhu aysan helin waxa ay rabaan
    • xanaaqa (hal mar maalintii celcelis ahaan waxay kor u kacdaa sanadka 2-aad ee nolosha).

    Maxaa sababa dabeecadaha qalafsan? (What causes challenging behaviour?)

    Dabeecada qallafsan waxaa mararka qaarkood sabab u ah ilmahaaga oo weli baranaya xirfadaha bulshada iyo mid shucuur ahaaneed ee ay u baahan yihiin si ay ugu dhaqmaan qaabka aad jeclaan laheed inay u dhaqmaan. Badanaa marka ilmuhu si xun u dhaqmo, waxay jawaab celin u tahay dareen cabsi/welwel, xanaaqa ama culeysyada nolosha waxayna la halgamayaan maaraynta dareemada waaweyn.

    Carruurtu waxay ka faa'iidaystaan ​​dareenka wanaagsan ee waalidkood iyo daryeelayaashooda si markaas ay u dareemaan ammaan oo uu dareenkooda shucuur ahaan u koro. Carruurtu waxaa laga yaabaa inay muujiyaan dabeecado khallafsan markay rabaan inay isku dayaan inay kasbadaan dareenka iyo jawaabaha dadka waaweyn - carruurta qaarkood, in dareen aan wanaagsaneyn loo muujiyo xitaa ayay ka doorbidayaan inaan gabi ahaanba wax dareen ah loo muujin.

    Carruurta yar sidoo kale si fudud ayay u mashquulaan oo waxay leeyihiin xasuus gaaban, taas oo laga yaabo inay tahay sababta ay mararka qaarkood u samayn waayaan waxaad ku amarto ama ay ku celceliyaan waxay hore usoo sameeyeen.

    Waxa jira dhawr waxyaalood oo kale oo laga yaabo inay saameeyaan awoodda ilmahaagu u leeyahay inuu xakameeyo falcelintooda, shucuurtooda ama hab-dhaqankooda, oo ay ku jiraan:

    • inuu xanuunsan yahay
    • hurdo la'aan ama daal
    • waqti badan oo ay ku qaataan eegista shaashada
    • cunto xumo ama dareen gaajo
    • isbeddel ku yimaadda duruufaha qoyska ama jadwalkooda.

    Mararka qaarkood, dabeecadda khallafsan ee muddada soo socotay waxay u muuqan karaan arrimo kale oo caafimaad ama dhibaatooyin hoose oo dhinaca korriimada, bulshada ama shucuureed ah. Waxa kale oo muhiim ah in la tixgeliyo xaaladda markaas taagan ee ilmaha ama deegaanka iyo sida ay u saameyn karto. Haddii aad ka welwelsan tahay ilmahaaga, u tag GP-gaaga. 

    Iyada oo qayb ka ah korriimada wanaagsan, socod baradka ayaa si tartiib-tartiib ah u baran doona sida ay uga falcelinayaan xaaladaha kala duwan. Marka ilmahaagu sii weynaado, waxay awoodi doonaan inay wax badan ka fahmaandabeecadaha la aqbali karoiyo inay sii wanaajiyaan xakameynta dabeecadahooda.

    Sida ay tahay in loola dhaqmo dhaqamada qallafsan (How to deal with challenging behaviours)

    Dejinta xuduudo iyo xeerar cad waa muhiim si ilmahaagu u ogaado dabeecadda laga filayo iyaga. Tilmaamahaaga ka dhig kuwo fudud oo gaaban (tusaale, wax garaacid ah ma jirto. Garaacista dhaawac bay keentaa”), oo hubi in ilmahaagu fahmay waxaad u sheegtay. Waxa kale oo muhiim ah inaad bixiso tilmaan gaaban oo fudud oo ku saabsan hab-dhaqanka aad jeclaan lahayd inaad aragto (tusaale, "walaalkaa u naxariiso").

    Waxa jira dhawr siyaabood oo aad ugu muujin karto inay ka go'aan dhaqamada khallafsan, sida:

    • In la iska indhatiro - dhaqamada yar-yar ee fiiro-doonka ah, waxa fiican in la iska indho tiro dhaqanka (tusaale iska indhatir ilmahaaga oo u jawaab oo kaliya marka ay joojiyaan samaynta waxaas aadan doonayn inay sameeyaan). Ka jawaab celinta joogtada ah ee dabeecadaha xun waxay bari kartaa ilmaha in taasi tahay dariiqa wanaagsan ee lagu soo jiito dareenkaaga.
    • Mashquulinta - carruurta yaryar waxay joojin karaan dhaqanka xun haddii la siiyo beddelka wax ay ka helaan.
    • Dhiirrigelinta dareenka - tilmaan sida dabeecadda ilmahaagu u dareensiinayso qof kale (tusaale murugo, dhaawac) oo weydii ilmahaaga siduu dareemi lahaa haddii uu qof ku sameeyo iyaga waxa ay sameeyeen oo kale.

    Wax ka qabashada dhaqamada joogtada ah, dabeecad aad u xun waxay noqon kartaa mid walaac badan. Way fiicantahay inaad hagto dhaqanka ilmahaaga adigoo isticmaalaya hab wanaagsan.

    Xoojinta waxyaabaha wanaagsan (Positive reinforcement)

    Habka togan ee loo maareeyo dhaqanka ilmahaaga ayaa ku lug leh aqoonsiga iyo abaalmarinta dabeecadaha wanaagsan inta badan iyo in diiradda la saaro dhinacyada wanaagsan ee dhaqanka ilmahaaga, meeshaad uga mashquuli lahayd dabeecadaha xun.

    • Dhiirigeli dhaqamada wanaagsan ka hor intaysan noqon kuwa xun (tusaale, "Waxaan u maleynayaa inaad si fiican u qabanayso inaad si tartiib ah ula ciyaarto walaalkaa"). Tani waxay dhiirigelinaysaa ilmahaaga iyadoo fiiro gaar ah siinaysa dhaqankooda wanaagsan, intii aad sugi lahayd ilaa iyo inta ay wax qaldan ka sameynayaan oo diiradda la saarayo dhaqanka xun. Hubi inaad si gaar ah u leedahay dabeecadaha aad runtii jeceshahay oo aad rabto inaad dhiirigeliso.
    • Tixgeli inaad gurigaaga ka hirgeliso hab-dhaqan wanaagsan. Shaxda abaalmarinta (reward chart) ee loogu talagalay carruurta yaryar waxay ku dhiirrigelin kartaa ilmahaaga inuu kordhiyo dabeecadaha wanaagsan. Istaraatiijiyadani waxay kaa caawin kartaa inaad diirada saarto waqtiyada uu ilmahaagu si fiican u dhaqmayo.
    • Ubadkaaga u noqo mid ay ku daydaan. Carruurtu waxay raad raacaan tilmaamo ku saabsan sida loo dhaqmo markay daawadaan dadka kale. Waa muhiim inaad u dhaqanto oo aad u hadasho qaab aad jeceshahay inaad ku aragto dabeecadda ilmahaaga - haddii aad rabto inaad ka goyso ilmahaaga qayliyada uu kugu qeylinayo, waxaa muhiim ah inaad isku daydo inaad acod gaaban oo deggan aad kula hadasho markaad xanaaqsan tahay.

    Cawaaqibta dabeecadda xun (Consequences for negative behaviour)

    Haddii ilmahaagu jebiyo xeerarka aad u dejisay, usheeg inay samaynayaan wax khaldan, haddi ay ku haboontahayna sii fursad labaad oo ay ku saxaan dhaqanka.

    Haddii dhaqanka xun uu sii socdo, waa inay jirtaa ciqaab macquul ah oo da'dooda ku habboon oo aad oggoshahay inaad sameyso (tusaale "Haddii aadan joojin inaad saaxiibkaa wax ka dafto, kuma ciyaari kartid baabuurta mar dambe"). Ciqaabta dhaqsi la sameeyo waa mid cadaalad iyo waxtar badan marka loo eego ciqaabta dib loo dhigo.

    Waqti-joojintu (Time-out) waa qaabka caadiyan loo ciqaabo, laakiin waxay u baahan tahay in si habboon loo isticmaalo si taasi ay si fiican u shaqeeyso. Ka dhig waqti-joojinta ciqaab loogu talagalay dabeecadaha aadka usii khallafsan (tusaale si ula kac ah haddii ay jug ugu geystaan qof kale, dhaqamada khatarta ah ama si ula kac ah haddii ay wax u jabiyaan) halkii aad ciqaabtaas u isticmaali lahayd dabeecadaha la iska indho tiri karo (tusaale cayda, gunuunaca).  

    Waqti-joojintu (Time-out) waa in aan loo isticmaalin in ilmaha lagu rafaadiyo (tusaale go'doominta muddo dheer), laakiin waxa loo isticmaali karaa in ilmahaaga looga saaro xaaladda dhawr daqiiqo oo la siiyo fursad ay ku dejiyaan oo ay beddelaan dhaqankooda.

    Guud ahaan, waxaa lagugula talinayaa in waqti-joojinta ilmahaagu ay ugu badnaan nahaato hal daqiiqo sannad kasta oo da'diisa ah, iyo inaad u oggolaato inay ka baxaan waqti-joojinta marka muddada ciqaabta ay dhamaato, xitaa haddii aysan weli ooyinta joojin oo aysan degin. In ilmahaaga lagu hilmaamo ama looga tago waqti-joojinta ama go'doominta muddo dheer waxay u badan tahay inay dhaliso xanaaq dheeraad ah. Haddii ilmahaagu uu aad uga xumaado fikirka ah waqti-joojinta, ama haddii ilmahaagu uu hore ula soo kulmay marxalad xanuun badan oo aad u malaynayso in wakhti-joojintu wax uga sii darayso, markaa tani ma noqon karto xeeladda ku habboon ilmahaaga. Ogoow, adiga ayaa naga yaqaan ilmahaaga, marka waxaa laga yaabaa inay haboon tahay inaad la kulanto GP'gaaga si aad caawinaad ugu hesho xaaladan.

    Wakhti-la-galayo (Time-in) ayaa aad u caawin karta carruurta yaryar ee laga yaabo in aanay fahmi karin fikradda wakhti-joojinta: tani waa marka aad u dhawaato oo aad isku daydo inaad niyada u dejiso (ula fadhiiso si aamusnaan ah iyaga, laabta ku qabo ama xaji) inta ay la halgamayaan inay is dejiyaan.   

    Habka aad u wajahayso ciqaabta ha noqoto mid la joogteeyo, ilmahaaguna waxay u badan tahay inay fahmaan waxa laga filayo. 

    In si xun loo edbiyo waxay noqon karaa mid dhibaato keenta (Negative discipline can be harmful)

    Edbinta jirka/jir dilka (Physical discipline)

    Edbinta jirka waa wax kasta oo lagu sameeyo ilmaha si loo keeno xanuun jidheed ama raaxo la'aan taas oo looga jawaab celinayo dhaqankooda. Edbinta jirka waxaa ka mid ah yad-da, garaacid, dharbaaxo dabada ah, dharbaaxo daanka, qanjaruufo ama jiidista waana inaan loo isticmaalin istiraatiijiyad lagu maareeyo dabeecadaha khallafsan.

    Daraasado badan ayaa lagu ogaaday in edbinta jirku ay saameyn xun ku yeelan karto ilmaha muddo dheer, oo ay ku jiraan:

    • gardarada iyo dhaqanka bulshada liddi ga ku ah oo kordhay 
    • barista carruurta in rabshadahu yihiin wax iska caadi ah
    • kalsooni darro
    • dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda
    • xiriirka ilmaha iyo waalidka u dhaxeeya oo xumaada

    Haddi ay qoyskaaga dhexdiisa ay ka jirto rabshado ama gardaro, aad dareemayso amaan darro, ama adiga ama ilmahaaga aad halis degdeg ah ku jirtaan, la xidhiidh adeega gurmadka degdega ah 000.

    Qaylo ama ceebayn (Shouting or shaming)

    Qaylada ama codka oo kor loo qaado waxay noqon kartaa jawaab la fahmi karo marka waalidiintu xanaaqa ka bato; si kastaba ha ahaatee, daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qaylada soo noqnoqta ee carruurta lagu qeylinayo ay ku yeelan karto saamayn xun oo la mid ah mida edbinta jireed.

    In laguugu qayliyo - gaar ahaan qof aad kaaga qeyn jir ahaan - aad bay u dhibaysaa ilmaha. Qaylada ma wanaajiso hab-dhaqanka carruurta, waxayna u horseedi kartaa dhibaatooyin badan oo dabeecadeed (tusaale gardarrada korodhka ah) iyo arrimaha caafimaadka maskaxda (sida walaaca, niyad-jabka) mustaqbalka.

    Ceebaynta, hoos-udhigga iyo bahdilka carruurta lagu sameynayo oo ay sabab u tahay ficiladooda ayaa sidoo kale aad u dhaawacaysa caafimaadkooda maskaxeed ee mudada dheer, mana aha hab wax ku ool ah oo lagu horumariyo dhaqankooda.

    Go'doomin ciqaab ahaan ah (Isolation as punishment)

    Ku qaadashada waqti dheer qaab go'doomin ah ayadoon waxba sababta la sharixin ama la sameyn taageero niyadeed waxay waxyeelo u keeni kartaa carruurta yaryar. Go'doominta (gaar ahaan wakhti ay xanaaqsan yihiin) waxaa loo arki karaa in la nacay, taas oo u keeni karta welwel iyo jahawareer ilmahaaga. Mararka qaarkood waxtar ayay noqon kartaa in ilmahaaga laga kaxeeyo marxalada khallafsan kabacdina loogu baddalo jawi degan, laakiin ma caawinayso haddii la fogeeyo in ka badan muddada lagu taliyey oo ah hal daqiiqo sannadkii da'da.   

    Goorta loo baahan yahay in dhakhtar la arko (When to see a doctor)

    Mararka qaarkood, dabeecada joogtada ah ee aadka u khallafsan waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa xaalad koritaan ama walaac caafimaad maskaxeed oo aad u daran. Haddii hab-dhaqanka ilmahaagu saamaynayo sida ay ula qabsanayaan nolosha waa inaad u tagtaa GP-gaaga wixii gargaar iyo qiimayn dheeraad ah.

    Caqabadaha hab-dhaqanku waxay saamayn joogto ah, oo xun ku yeelan karaan nolosha qoyska. Haddii ay dhibaato kaa haysato maaraynta ama la qabsiga hab-dhaqanka ilmahaaga, waxaad la hadli kartaa GP-ga kaasoo laga yaabo inuu kuu gudbiyo khabiir ku takhasusay dabeecadaha carruurta. 

    Maaraynta dareenkaaga marka ilmahaagu leeyahay caqabado dhaqan aad bay u adag tahay. Waa muhiim inaad naftaada ka taxadarto oo aad raadsato taageero haddii aad u baahan tahay. Macluumaadka ku saabsan taageerada waalidnimada waxaa laga heli karaa halkan: https://raisingchildren.net.au/grown-ups/services-support  

    Qodobbada muhiimka ah ee loo baahan yahay inaad xasuusnaato  (Key points to remember) 

    • Waa caadi in carruurta socod baradka ah iyo carruurta yaryari ay xanaaqaan oo ay wax maqli waayaan inta xirfadahooda bulsheed iyo shucuureed ay soo korayaan.
    • In la iska indhatiro, laga mashquulo iyo dhiirri-gelinta dareenka naxariista leh waxay gacan ka geysan kartaa ka hortagga dabeecadaha xunxun.
    • Dhiirigelinta waxyaabaha wanaagsan iyo in diiradda la saaro akhlaaqda wanaagsan ee ilmahaaga ayaa ah habka ugu fiican ee lagu hagi karo dhaqanka ilmahaaga.
    • Dejinta xeerar iyo in ciqaabtu ay noqoto mid la joogteeyo oo da'da ku habboon waa muhiim.
    • Ku ciqaabida ilmahaaga edbinta jireed (tusaale, dharbaaxo), qaylo ama go'doomin waxay noqon kartaa dhibaato mana aha in loo adeegsado maaraynta dabeecadaha adag.

    Su'aalaha badanaa dhakhaatiirtayada la waydiiyo (Common questions our doctors are asked)

    Shaashada oo waqti badan la eego saamayn intee le'eg ayay ku yeelanaysaa gabadheyda?   

    Cilmi-baadhistu waxay ogaatay in wakhti aad u badan oo uu cunig kasta ku qaato shaashadda ay waxyeello u geysan karto maskaxdooda koraysa. Waxay si xun u saameyn kartaa feejignaantooda, kobcinta luqaddooda iyo sida wanaagsan ee ay ula falgalaan dadka kale, waxaana lala xiriiriyay dhibaatooyinka hurdada. Waxyaalahan oo dhan waxay gacan ka geysan karaan dhaqanka khallafsan. Akademiyada Maraykanka ee Dhakhaatiirta Carruurta waxay ku talinayaan in: carruurta da'doodu ka yar tahay 18 bilood ay iska ilaaliyaan wakhtiga shaashadda, oo aan ahayn ku-sheekaynta muuqaalka; carruurta da'doodu u dhaxayso 18 bilood ilaa laba sano waxay daawan karaan ama isticmaali karaan barnaamijyo ama apps tayo sare leh haddii dadka waaweyni ay daawadaan ama la ciyaaraan si ay uga caawiyaan inay fahmaan waxa ay arkayaan; carruurta da'doodu tahay laba ilaa shan sano waa in aan la siin wax ka badan hal saac oo wakhtiga shaashadda ah maalintii, iyada oo dadka waaweyni ay daawanayaan ama la ciyaarayaan.

    Sideen ugu sameyn karaa 'waqti-joojin (time-out)' qaab waxtar leh?   

    Inta badan marka carruurta yaryari ay si xun u dhaqmaan, waxa ay u baahan yihiin waa caawinta waalidkood ama daryeelaha si ay u dejiyaan. Waqti-joojinta (time-out) waxaa loo isticmaali karaa farsamo ahaan si ilmahaaga loo siiyo xoogaa ‘waqti hoos u dhac ah’ mana aha in loo isticmaalo ciqaab ahaan si ilmaha loo dhibo. Waqti-joojintu waxay si fiican u shaqeysaa marka la isticmaalo muddo gaaban (ugu badnaan hal daqiiqo sannadkii) iyo marka ay dhacdo dabeecad aan habboonayn isla markaas kabacdi. In carruurta la diro ama la karantiilo muddo dheer waxay keeni kartaa murugo ka weyn waxaana laga yaabaa inayna waxtar lahayn.   

    Sideen ku ogaan karaa in ADHD ay sabab u tahay dabeecadda gabadhayda?

    Dhammaan carruurta yaryar waxay leeyihiin feejignaan xaddidan oo mararka qaarkood waxay sameeyaan waxyaabo aan laga fikirin, laakiin tiro yar oo carruur ah ayaa qabta ADHD (Attention Deficit Hyperactivity Disorder). Calaamadaha ADHD sida caadiga ah waxaa ka mid ah inay ilmaha ku adagtahay la socoshada waxa laga hadlaayo, in wax laiska sameeyo ayadoon laga fakirin iyo heerarka dhaqdhaqaaqa sare. Dabeecadahan oo dhan aad bay ugu badan yihiin socod baradka iyo qaar badan oo ka mid ah carruurta aan dugsiga gaarin. Haddii ilmahaagu leeyahay wax ka badan hal calaamadaha ADHD oo astaamuhu ay socdaan in ka badan lix bilood, waxaad tixgelin kartaa inaad aragto GP-gaaga si aad ugala hadasho welwelkaaga. Fiiri xaashida xaqiiqda ah Feejignaan la'aanta kacsanaanta xanuunka (Attention deficit hyperactivity disorder) Attention deficit hyperactivity disorder.

    Waxaa soo saaray The Royal Children's Hospital Macluumaadka Bulshada, Waaxda Daawada Dhallinta, iyo Ra'yiururinta Caafimaadka Carruurta ee RCH. Waxaan qiraynaa talooyinka macaamiisha iyo daryeelayaasha RCH.   

    Markii ugu horreysay ee la daabacay Oktoobar 2023. 

    Macluumaadkan ayaa sugaya dib u eegis joogto ah. Fadlan had iyo jeer ka raadso taladii ugu dambeysay takhtar diiwaangashan oo ku shaqeysta.

    Macluumaadka Caafimaadka Carruurta waxaa taageera Ururka Royal Children's Hospital Foundation. Si aad wax ugu tabarucdo, booqo www.rchfoundation.org.au.

    Afeef

    Macluumaadkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero, maaha inay beddesho, wadahadalada lala yeelanayo dhakhtarkaaga ama xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha qoraalladan macluumaadka caafimaadka macaamilka waxay sameeyeen da'daal badan si ay u hubiyaan in macluumaadku yahay mid sax ah, oo kii u dambeeyay ah oo si fudud loo fahmi karo. Isbitaalka Royal Children's Hospital Melbourne ma aqbalayo mas'uuliyadda wixii khalad ah, macluumaadka loo arko marin-habaabin, ama guusha nidaam kasta oo daaweyn ah oo lagu faahfaahiyay qoraaladan. Macluumaadka ku jira qoraal-gacmeedyada si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa sidaa darteed waa inaad had iyo jeer hubisaa inaad tixraacayso nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraal-gacmeedka. Waajibku aduu ku saaran yahay, isticmaalaha, si aad u hubiso inaad soo dejisay nuqulkii ugu dambeeyay ee qoraalka macluumaadka caafimaadka macaamilka.