Consent (Somali) – Fasax-bixin

  • Fasax-bixin (consent): bixinta fasaxa ilmahaaga si loo daweeyo (Consent: giving permission for your child to have treatment)

    Isbitaalka Royal Children's Hospital waxaan rabnaa inaad ka heshid dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay si aad ugu gaarto go'aamo xog ogaal ah ilmahaaga. Macluumaadka soo socdaa wuxuu sharxayaa wax kasta oo ku saabsan fasax-bixinta iyo sida aan u raadino heshiiska daaweynta bukaanka ee RCH.

    Waa maxay fasax-bixinta marka laga hadlayo daryeelka caafimaadka? (What is consent in healthcare?)

    Fasax-bixintu waa go'aan lagu qanco oo daawaynta, qaliinka, talada ama faragelinta kale ee daryeelka caafimaadka ah.

    Maxaan u baahanahay inaan xisaabta ku darsado kahor intaanan fasax bixin? (What should I consider before giving consent?)

    Markaad ogolaato daawaynta ilmahaaga, waa inay ku salaysnaataa hab ku siinaysa fursad aad ku waydiiso su'aalo oo aad uga hadasho wixii walaac ah ee aad qabtid.

    Choosing Wisely Australia waxay bixisay liis shan su'aalood ah oo laga yaabo inaad u baahato inaad weydiiso qofka bixinaya daryeekaaga caafimaadka inta aadan fasax bixin ka hor.

    5 su'aalood oo aad waydiiso dhakhtarkaaga ama bixiyaha kale ee daryeelka caafimaadka ka hor inta aanad helin wax baaritaan, daaweyn ama qaliin ah (Five questions to ask your doctor or other health care provider before you get any test, treatment or procedure)

    1 Runtii ma u baahanahay baaritaankan ama qaliinkan? (1. Do I really need this test or procedure?)

    Baaritaanadu way ka caawin karaan adiga iyo dhakhtarkaaga ama bixiyaha kale ee daryeelka caafimaadka in lagu ogaado dhibaatada. Qaliinada ayaa laga yaabaa inay ka caawiyaan daaweynta.

    2 Waa maxay khatarta ka imaan karta? (2. What are the risks?)

    Ma jiri doonaan waxyeellooyin ka dhasha daaweynta? Intee bay la egtahay fursadaha lagu heli karo natiijooyin aan sax ahayn? Miyay taasi u horseedi kartaa baaritaan dheeraad ah ama qaliin kale?

    3 Ma jiraan xulashooyin ka fudud, ka badbaado badan? (3. Are there simpler, safer options?)

    Mararka qaarkood waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad samayso waa inaad isbedel ku samayso qaab nololeedka, sida inaad cuntid cunto caafimaad leh ama aad jimicsi badan samayso.

    4 Maxaa dhacaya haddii aanan waxba samayn? (4. What happens if I don’t do anything?)

    Weydii in xaaladaadu ay ka sii dari karto -ama kasoo roonaan karto - haddii aadan isla markiiba samayn baaritaanka ama qaliinka.

    5 Waa maxay waxa iga go'i kara? (5. What are the costs?)

    Waxa kaa go'i kara waxay noqon karaan mid dhaqaale, shucuur ama kharash wakhtigaaga. Haddii ay jirto wax ka go'i kara bulshada, waxaasi ma yihiin mid macquul ah mise waxaa jira beddelaad ka jaban?

    Yaa i weyddiin doona inaan fasax bixiyo? (Who will ask me to give consent?)

    Xaaladaha intooda badan, qofka bixinaya daryeelka caafimaadka ee siinaya daawaynta ayaa noqon doona qofka ku weydiisan doona fasax-bixinta. Waa kuwo aqoon ku filan u leh, cilmi ku filan u leh daawaynta waxayna fahmeen khataraha, faa'iidooyinka, iyo beddel kasta. Badanaa dhakhtar ayaa ku waydiin doona fasaxa, laakiin qaar ka mid ah shaqaalaheena kale ayaa sidoo kale codsan kara fasax.

    Sidee ku bixin karaa fasaxayga? (How can I give my consent?)

    Fasax-bixinta waxaa lagu sameyn karaa siyaabaha soo socda waxayna ku xirnaan doontaa daaweynta ama baaritaanka:

    • Mid aan hadal ahayn – tusaale ahaan, inaad gacanta u taagto ilmahaaga si ay kalkaalisadu u qaado cadaadiska dhiiga.
    • Mid hadal ahaan loo sheego - adigoo sheegaya inaad ogoshahay ilmahaaga in la daweeyo.
    • Mid qoraal ah – adoo saxiixaya foom fasax-bixin ah (consent form) oo ogolaansho u siinaya ilmahaaga in la daawayn karo.

    Maxaa dhacaya haddii Ingiriisigu aanu ahayn luqadda aan doorbiday? (What if English isn’t my preferred language?)

    Waxaan diyaarin karnaa turjubaan si aan u hubinno inaad fahantay habka fasax-bixinta. Foomka fasax-bixinta RCH waxaa sidoo kale lagu fasiray luqadaha soo socda: Turki, Carabi, Shiineys (Dhaqameed), Dinka, Soomaali iyo Fiyatnaamiis.

    Waxa kale oo aad dooran kartaa in qof ku caawiyaa uu kaala soo qayb galo wadahadalka fasax-bixinta.

    Goorma ayaa la i weydiin doonaa fasaxa? (When will I be asked to give consent?)

    Fasax-bixinta oo qoran ayaa loo baahan yahay marka daawaynta la soo jeediyay ay tahay mid aan sahlanayn, ay leedahay khataro waaweyn ama ay ku lug yeelan karto baahida dhiig ku shubista. Fasax-bixin qoraal ah ayaa had iyo jeer looga baahan yahay hababka u baahan in ilmahaaga la seexiyo (suuxin).

    Halka ay fasax-bixintu la xiriirto habraac gaar ah, fasax-bixin qoraal ah ayaa laga heli karaa rugta inta aanan bukaanka la qaabilin marka hore (pre-admission clinic) ama balanta qiimaynta bukaan socodka ka hor inta aan qaliinka la sameyn. Maalinta la seexinayo, waxaanu xaqiijin doonaa inaad ku faraxsan tahay in qaliinka hore loo sii gudo gali karo.

    Maxaa dhacaya xaaladaha degdega ah? (What happens in an emergency?)

    Xaaladaha degdega ah, haddii bixiyaha daryeelka caafimaad si macquul ah oo daacad ay kujirto u aaminsan yahay in daaweyntu ay lagama maarmaan tahay si looga hortago khatar halis ah oo ku wajahan nolosha bukaanka, caafimaadka jireed ama maskaxeed, waxay si sharci ah u sii guda gali karaan nidaamka ku habboon iyaga oo aan helin fasax.

    Yaa fasax bixin kara? (Who can give consent?)

    Badanaa waa waalidka ama masuulka sharciga ah (qofka leh xuquuq sharci, masuuliyad, waajibaad, awood iyo awood uu u go'aamiyo ubadka) kaasoo la waydiin doono inuu bixiyo fasax. Waxaa muhiim ah in la fahmo in caruurtu ay sidoo kale bixin karaan fasaxa xaaladaha qaarkood laakiin awooda ay sidaas ku sameeyaan waxay ku xirantahay da'dooda iyo awooda ay u leeyihiin inay go'aan ka gaaraan in daweynta la qaato iyo in kale. Bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ayaa ku siin kara hagitaan ku saabsan ilaa xadka uu ilmahaagu fasax ku bixin karo.

    Daryeelayaasha korinta (foster carers) badanaa ma haystaan mas'uuliyadda waalidnimo ee sharciga ah sidaas darteed waa in kuwa Carruurta Ilaaliya (Child Protection) lala xiriiraa si loo xaqiijiyo cidda awood u leh inay bixiso fasaxa ilmaha sida ku xusan Xukunka Ilaalinta Ilmaha.

    Maxaa dhacaya haddii aanan ku raacsanayn daawaynta la soo jeediyay? (What if I do not agree with the proposed treatment?)

    Marka bukaanada/qoysaskoodu aysan ku raacsaneyn daaweynta lagu taliyey, iyo heshiis la'aantu waxay ka dhigan tahay inay jirto suurtagalnimada waxyeello weyn oo ubadka ah, bixiyaha daryeelka caafimaadka ayaa laga yaabaa inuu raadsado talo sharci oo ah mida ay danta ugu jirto bukaanka.

    Maxaa dhacaya haddii fikirkaygu isbedelo? (What happens if I change my mind?)

    Waxaad bedeli kartaa fikirkaaga xiligay noqotaba ka dib markaad bixiso fasaxa. Haddii aad fikirkaaga bedeshid, waxaa laga yaabaa in lagaa codsado inaad qoraal ahaan u qortid fasax ka noqoshadaada.

    Waa maxay xuquuqdeydu? (What are my rights?)

    Waxaad xaq u leedahay in si buuxda laguugu sheego khataraha iyo faa'iidooyinka daaweyn kasta. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay si aad go'aan uga gaadho, iyo sidoo kale inaad waydiiso su'aalo oo aad hesho jawaabo waafiya.

    Waxa naga go'an anaga inaan kuu sameyno (Our commitment to you)

    Halkan RCH, waxaan rabnaa inaad ku qanacdo go'aamo kasta oo aad ku sameyso magaca ilmahaaga. Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, fadlan weydii bixiyaha daryeelka caafimaadka adiga ee ku weydiisanaya fasaxa. Haddii aadan fahmin mar walba waa caadi inaad na weydiiso inaan mar kale sharaxno ama waqti dheeraad ah haddii aad u baahan tahay.

    Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan fasax-bixinta caafimaadka waxaa laga heli karaa xiriirinta (linkiga) soo socota:


    Last updated May 2023