oneTEAM (Somali) – Hal koox

  • WAALIDIINTA/DARYEELAYAASHA, hadal oo dareen in codkaaga la maqlay (PARENTS/CARERS, speak up and feel heard)

    Waxaan aaminsanahay inaad si fiican u garanayso ilmahaaga.

    Xilli kasta oo ay noqotaba, haddii aad dareento in ilmahaaga ay jirada kusii badaneyso ama aad ka welwelsan tahay xaaladdooda, waxaanu doonaynaa inaad ka hadashid.

    Waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay in xubin shaqaalaha ka mid ah ay kuu diyaariyaan turjubaan.

    Waqtiyada la sugayo turjumaanka way kala duwanaan kartaa.

    Talaabada 1aad (Step 1)

    La hadal kalkaalisadaada ama kalkaalisada masuulka ka ah (Talk to your nurse)

    Haddii aad weli welwelsan tahay u gudub TALLAABADA 2.

    Talaabada 2 (Step 2)

    Weydiiso dib u eegis caafimaad oo degdeg ah (Ask for a rapid medical review)

    Kaarka oranjiga ah ayaa la heli karaa kaas oo ku lifaaqan boodhkan yaala qolka ilmahaaga.

    Sii kaarkan kalkaaliso caafimaad.

    Dhakhtar ayaa ku arki doona ilmahaaga 30 daqiiqo gudahood.

    Haddii aad weli welwelsan tahay u gudub TALLAABADA 3.

    Talaabada 3 (Step 3)

    Kooxda Gurmadka Degdega ee Caafimaadka (Medical Emergency Team (MET))

    Marka ay jirto xaalad degdeg ah weydii xubin ka mid ah shaqaalaha inay wacaan MET.

    Kalkaalisooyinka iyo dhakhaatiirta ka socda daryeelka degdegga ah ayaa isla markiiba ka jawaabi doona.

    Boodhka (oneTEAM poster)

    Kaarka oranjiga (oneTEAM card)

    Escalation of care card

    Kaarka oranjiga (oneTEAM card)


    Isbitaalka Royal Children’s Hospital (RCH) waxa uu qirayaa dadkii dhaqan ahaan u lahaa dhulku uu RCH-ku yaalo dadka reer Wurundjeri ee Qaranka Kulin, waxaanan xushmad u diraynaa odayaashoodii hore iyo kuwa hadda.

    230034 Oktoobar 2023