Somali COVID-19 – Somali

  •  Xaashiyaha xaqiiqada (Factsheets)

    Talada waalidiinta iyo Masuuliyiinta (Advice for parents and guardians)

    Shuruudaha Booqashada inta lagu jiro COVID-19 (Visiting requirements during COVID-19)

    Safmarka COVID-19 darteed, Isbitaalka Royal Children’s Hospital wuxuu soo saaray xanibaad lagu ilaalinayo bukaanadeena, qoyskooda iyo shaqaalaha. 

    Goobta Sugitaanka (Dabaqa Dhulka ah) (Main reception – ground floor)

    Dhamaan booqdayaalka imanaya waxaa la weydiin doonaa dhowr su’aallood oo baaritaan ah waxaana la qaadayaa heer kulkooda. Fadlan ogsoonow in lagaaga baahan karo in dib laguugu baaro meeshaad ka gelayso mar walba.

    Waxweydiimaha (Queries)

    Waan ognahay in xanibaadahani ay yihiin kuwa loolan leh waana fahamnay xaallada qoys oo walba inay ka duwan tahay tan kale. Fadlan la hadal ilmahaaga kooxda daaweynaysa iyo/ama kalkaalisada caafimaadka ee masuuliyada haysa haddii aad qabto wax welwel ah.

    Saxada Gacanta iyo Masaafasiinta Bulshada (Hand hygiene and social distancing)

    Marka aad joogto RCH, waxaanu ku xasuusinaynaa inaad fadlan raacdo hababka xakamaynta infakshanka:

    • Isticmaal gacan-nadiifiyaha marka la soo gelayo ama laga baxayo qolka
    • Dabool qufacaaga iyo hindhisadaada
    • Ka fogow qofka 1.5 mitir

    Waad ku mahadsan tahay iskaashigaaga iyo kaalmada marka aan u wada shaqaynayno si aan u xafidno bukaanada iyo shaqaalaha inta lagu jiro safmarka.

    Si aad u joogtayso macluumaadka saxda ah ee macluumaadka ku saabsan bulshada si joogto loogu booqdo gal websaytka Victorian DH oo ah https://www.health.gov.au/

    Macluumaadka COVID-19 (COVID-19 Information)

    Barta baarista booqdaha (Visitor assessment checkpoint)

    Dhamaan booqdayaasha waa la baari doonaa ka hor intaanay gelin Isbitaalka RCH. Booqdayaasha waxaa la weydiin doona dhowr su’aalood oo caafimaad, waxaana la eegi doona heerkulka jirkeedu.

    Waalidiinta iyo masuuliyiintu waa ka soo geli karaan wiiska jaallada ah ama albaabada meesha laga soo galo irida weyn ee albaabka ku yaalla Flemington Road si looga galo goobta baarista booqdaha.

    Ballamada Rugta Takhasusiinta Caafimaadka-telefoon ku hagida (Telehealth Specialist Clinic appointments)

    Si loo caawimo bukaankayaga iyo shaqaalaha inay caafimaad ahaadaan, aakhirkana caawimaan hoos u dhigida faafka COVID-19 iyada oo loo marayo habka masaafa-siinta bulshada, RCH wuxuu hadda xadadayaa tirada dadka booqanaya isbitaalka maalin walba.

    Tan waxaa ka mid ah siinta fursad bukaanada iyo qoysaskooda inay ka galaan ballamada Rugta caafimaadka ee takhasuska ah guriga iyo iyagoo telefoonka ka soo gelaya, ama wicitaan fiidowga ah. Telefoonka caafimaadka ku salaysan waa hab muhiima oo aan ku bixino daryeelka sii soconaya oo daryeelida bukaankayaga iyada oo hoos loo dhigayo dadka imanaya isbitaalka maalin walba.

    Rugaha caafimaadka ee RCH ayaa si firfircoon dib ugu eegaya liiska rugtat caafimaadka oo qiimaynaya haddii bukaankoodu u baahan yahay in lagu arko shakhsiyan, ama haddii ay ku haboon tahay ballanta telefoonka ama dib ugu eegida telefoonka.

    Kooxda rugaha caafimaadka ee takhasuska ah ayaa la soo xiriiri doona bukaanada iyo qoyskooda ka hor ballantooda soo socota loogu sheego haddii la bedelay ballantooda telefoon ee kula xiriirida ama telefoon dib ugu eegida.

    Waa maxay ku-baarista telefoonka (What is telehealth?)

    Ku-baarista telefoonka waa hab qoysasku ku hellaan balamadooda iyaga oo aan tegayn shakhsiyan RCH. Si la mid ku kulmida-fiidiyowga, bukaanada ayaa awooda inay la xiriiraan daryeel bixiyahooda caafimaadka iyaga oo guriyahooda jooga, iyaga oo isticmaalaya tablet-ka.

    Sida loo galo ku-baarista telefoonka (How to access telehealth at the RCH?)

    Waxaad u baahan doontaa:

    • In telefoon kuu xiran yahay
    • qalab sida miiska kumbuyuutarka, laptop, tablet ama
    • smartphone
    • meel iftiin fiican oo gaar u ah halkaas oo aan buuq lahayn
    • wicitaanka fiidiyowga
    • web-browser sida Safari ama Google Chrome
    • web-camera, codbaahiyayaal (speakers) iyo mirophone (ku xiran laptop-ka iyo aalladaha moobaylka

    Sida lagu hello baarista-durugsan ee caafimaadka qoysaska iyo bukaanada? (How to access the telehealth platform for families and patients?)

    Markaad diyaar u noqoto inaad bilawdo baarista-durugsan ee caafimaadka ee wicida telefoonka, raac talaabooyinkaan:

    1. Gal www.rch.org.au/telehealth

    2. Riix buttonka Start Your Video Call

    3. Raac awaamiirta ku taalla iskiriinka si loogu qabto Goobta Sugitaanka Baarista Durugsan ee Caafimaadka. Rugaha caafimaadku waxay ka muuqan doonaan iskiriinkaaga markay ka jawaabaan wicitaanka fiidiyowgaaga.

    Waxaa kaloo jira buttonka Test Video Call oo RCH ee websaytka Baarista Durugsan ee Caafimaadka si qoysku u awoodaan inay eegaan in qalabkoodu shaqaynayo.

    Yaan kala xiriiri karaa kaalmada Baarista Durugsan ee Caafimaadka? (Who can I contact for telehealth support?)

    Caawimada helitaanka baarista durugsan ee caafimaadka, fadlan wac

    Chin-Mae Raymundo
    Telehealth Coordinator
    Tel: 9345 4645
    Email: rch.telehealth@rch.org.au
    Isniinta ilaa Jimcaha (saacadaha shaqada)

    Su’aallaha badanaa la isweydiiyo (Frequently asked questions)

    Waa maxay coronavirus-ka cusub, COVID-19?

    Coronavirus-yadu waa qoys ballaaran oo ah fayras kuwaas oo laga yaabo in ay keeneen xayawaan ama aadami. COVID-19 waa fayras cusub kaas oo u keeni kara infakshan dadka, kuwaas oo ay ku jiraan jirada neefsiga aadka u daran. Waxaa dhowaan la ogaaday in coronavirus uu sababo cudurka COVID-19.

    Waa maxay calaamadaha coronavirus-ka?

    Dad badan oo qaaday COVID-19 waxay yeellan doonaan calaamada sahlan. Si kastaba ha ahaatee cadaymaha ugu horreeyaa ayaa sheegaya in dadka waaweyn iyo dadka horay u qabay xaallada caafimaad oo horay ayaa khatar siyaada ah ugu jira inay yeeshaan astaama aad u daran.

    Astaamaha coronavirus-ka ee caamka ah oo la sheegay waxaa ka mid ah:

    • Xumad
    • Dhibaato neefsi sida neefsi la’aan
    • Qufac
    • Cuna xanuun
    • Tabar daro ama daal

    Waxaan ka welwelsanahay in carruurtaydu leeyihiin astaamaha COVID-19. Maxaan samaynayaa?

    Haddii aad welwel ka qabto in ilmahaaga ay haysato astaanta COVID-19, fadlan booqo https://www.health.gov.au/ ama wac khadka loo sameeyey oo ah 1800 675 398 wixii talo ah.

    Carruuraha qaba calaamadaha neefsiga waxay booqan karaan dhakhtarkooda, ama waxay aadi karaan isbitaalka ugu dhow qaybtiisa xaalladaha degdegta ah wixii daryeel ah oo degdeg ah. Haddii aad u baahan tahay talo saacadaha shaqada ka dib, waxaad kaloo la xiriiri kartaa Dhakhtarka Guud ee saacadaha shaqada ka dib oo ah 1800 022 222 ama garaac 000 wixii degdeg ah.

    Xaggee ayaan aadaa si aan u hello macluumaad intaas ka badan iyo talo?

    Si aad u hesho macluumaadkii ugu dambeeyey oo ku saabsan COVID-19, waxaan ku dhiirigelinaynaa bulshada inay joogto u booqdaan websaytka Wasaarada Caafimaaka iyo Adeega Aadanaha.

    Haddii aad u baahan tahay mutarjum, fadlan wac TIS National tel: 131 450.

    Ma ma jiraa macluumaad ku saabsan COVID-19 oo lagu helli karo luqad aan ka ahayn Ingiriis?

    Haa, waxaa jira xaashiyaha macluumaadka oo la tarjumay oo ay helli karaan dadka kala duwan dhaqan ahaan iyo luqad ahaanba waxaana laga helli karaa Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Fiktooriy websaytkeeda Adeegyada Aadamiga.

    Kaalmaynta ilmahaaga inuu la tacaalo Safmarka COVID-19 (Supporting your child to cope with the COVID-19 pandemic)

    Haddii aad ka welwelsan tahay ilmahaagu inuu qabo COVID-19 fadlan wac khadka loo asteeyey oo ah 1800 675 398 ama booqo https://www.health.gov.au/ macluumaad intaa ka badan.

    Waalid badan ayaa raadinaya talada ku saabsan sida ugu fiican oo loo kaalmayn karo carruurtooda si wax looga qabto safmarka coronavirus-ka. Xaallada degdega isu bedelaysa, wararka iska soo daba dhacaya oo sheegaya dad xanuunsanaya, iyo carruur badan oo aan awoodin inay sii wadaan hawlahooda caadiga ahaa, waa waqti aan deganayn ee qoysaska. Xaashida xaqiiqada waxay ka koobantaa macluumaadka waalidiinta iyo daryeelayaasha si lo caawimo carruurtooda loogana jawaabo su’aallahooda waqtiga loolanka leh iyo waqtiga aan la malayn karin.

    Kala hadal coronavirus-ka ilmahaaga (Talk about coronavirus with your children)

    Waa muhiim in aadan ka fogaan kala hadlida coronavirus carruurtaada – ka fogaanshaha mawduuca waxay ka dhigi kartaa kuwa aad uga welwelsan wixii socda. Carruur badan ayaa qaba aragtiyo iyo fikrado ku saabsan coronavirus, sidaas darteed bilaw adigoo weydiinaya waxay la socdaan. Isticmaal su’aalla furan waxna ka qabo wixii welwel ah, cabsida macluumaadka beenta ah oo laga yaabo inay maqleen. Dhib maaha in loo sheego carruurta in aynaan hayn jawaabaha oo dhan laakiin markaan ogaano waan idin la wadaagaynaa.

    Ahow daacad furfuran, laakiin da’da la jaan-qaad (Be open and honest, but age-appropriate)

    Ku dhiganaw xaqiiqada, laakiin ka feker ilmaha da’diisa markaad la wadaagayso macluumaad. Carruurta da’ ahaan kala duwani waxay u baahan doonaan jawaaba kala duwan. Uga dhig wax sahlan oo waadax ah carruurta yaryar siina tafaasiil badan carruurta waaweyn iyo kuwa kurayga ah.

    Waa muhiim inaad xasuusiso carruurta in kasta oo ay qaadi karaan fayraska, uma badna inuu ka dhigo kuwa aad u jirada. U sheeg haddii ay jiradaan kama duwana hargabkii horay ugu dhici jiray. Waxaa laga yaabaa inuu yeeshaan xumad, qufac, sanka oo biya ka socdaan ama cuna xanuun ayna jiradaan dhowr maalmood ka dib ama qiyaas ahaan asbuuc, ka dibna ay caafimaadayaan. U sheeg carruurta inay u badan tahay in dadka waaweyni ay ay jiradaan, khaasatan haddii ay yihiin dad waaweyn, ama qaba xaallad caafimaad. Ha ogaadeen istaraatiijiyada badankeed oo ay ku arkaan bulshada, sida gacma dhiqida iyo masaafa-siinta bulshada, ay caawimayso ka xafidnaanta helista badankeed. Markii sidaas loo sameeyo waxay caawimayaan xafidaada kuwa kaleeto.

    Yeello niyad wanaag iyo rajo (Stay positive and hopeful)

    Waa caawimaysaa inaad niyad wanaagsan tahay markaad kala hadlayso coronavirus-ka carruurtaada. Badanaa warbaahintu waxay diirada saartaa waxyaallaha welwelka leh iyo dhinaca xun, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inay ka badbadato aadna uga fekeraan in xaalladu tahay mid raja beella. U sharax inay jiraan dhakhaatiir aad u badan iyo saynisyahano aad u shaqaynaya si ay u hellaan fayraska, ayna baranayaan waxyaalla cusub maalin walba. Ha ogaadeen in dad badan oo adduunka ku nooli ay ka soo kaceen coronavirus-ka. Muhiim ayay u tahay iyaga inay ogaadaan in kasta waxyaalluhu kala duwan yihiin hadda, ayna adag tahay muddo, waxyaallahani aakhirka waxay ku noqonayaan caadi.

    Xadad macluumaadka carruurtu ka hellaan warbaahinta (Limit information children get through the media)

    Waxaa jira macluumaad aad u badan oo dhinaca warbaahinta oo ku saabsan coronavirus-ka waxayna u badan tahay in carruurtaadu ay arkayaan oo ka maqlayaan warkaan TV, raadiyaha iyo online-ka. Isku day inaad xadado inta ilmuhu daawado, maqlo oo ka akhriyo wararka, kuwaas oo ay ku jiraan warbaahinta bulshada, arkida muuqaalla sawir leh ama akhrinta waxyaallaha ku saabsan nambarka siyaadaya oo kaysaska coronavirus oo noqon kara wax aad u badan oo kaa xanaajinaya. Sidoo kale waa muhiim in la isku dayo in la xadado u furnaanta ilmahaaga aalladaha cabsida keena ee wararka online-ka ah.

    Diirad saarida waxyaallaha carruurtu xakamayn karaan (Focus on the things children can control)

    Waxaan u baahanahay in aan caawino carruurtu inay diirada saaraan waxay samayn karaan si ay amaan iyo caafimaad u helaan. Iyada oo carruurta la siinayo waxyaalla la taaban karo oo ay qaban karaan ayaa caawimaysa si ay u dareemaan in la awoodgeliyey halkii ay ka ahaan lahaayeen caawima la’aan. Xasuusi carruurta saxada gacanta – xaqiiji inay ogyihiin siday ugu dhiqi lahaayeen gacmahooda si hagaagsan xasuusina inay sidaas sameeyaan ka hor iyo ka dib markay wax cunaan, iyo ka dib markay taabtaan wajigooda ama duufsadaan. Bar inay ku duufsadaan ama ku hindhisaan suxulkooda. Xasuusi inay ka fogaadaan taabashada indhahooda, sankooda iyo afkooda. Markii ay suurtagal tahay, buuqa waa in laga fogaadaa, dadkuna waa inay iska ilaaliyaan aad u dhowaashaha dadka kale oo aan guriga ka tirsanayn. Tus carruurta sida laysu salaamo iyada oo aan la istaabanayn sida iska taabashada suxulka ama lugta.

    Si fiican u sii wadida jimicsiga jireed, cunida cunto caafimaad leh iyo hurdo badan ayaa iyaduna aad muhiim ugu ah in la saacido carruurtaada. Carruur aad u badan ayaa aad uga xun in la joojiyey cayaarihii iyo xarakaadkii kale. Raadi dariiqooyin kale oo aad carruurtaada kaga dhigto kuwa firfircoon, sida waqti ku luminta deyrka ama aadida socod qoys, orod ama baaskiil fuulida.

    Ku adkayso barnaamijkaaga markii ay suurtawdo (Stick to routines where possible)

    Carruurtu waxay u baahan tahay barnaamijyo ka badan inta lagu jiro xaallada aan la saadaalin karin. Sii wad intii suurtagal ah in hawsha gurigu tahay mid caadi ah aadna ku darto waqti qoys. Waxaad qaabayn kartaa in ilmahaaga barnaamikiisu waqtiga cuntada iyo waqtiga seexashada, iyo weliba xarakaad waxbarashada online-ka ee dadka waaweyn. Isku day inaad xisaabta ku darto xarakaad jireed maalintii, maadaama taasi muhiim u tahay carruurta da’ walba leh, una fiican tahay dadka waaweyn.

    Tus carruurtaada inaad degan tahay (Show your children that you are calm)

    Carruurtu waxay ka shidaal qaataan waalidkood iyo daryeellayaashooda wixii ku saabsan wax ka qabashada arrineed. Xataa ilma kasta oo yari wuxuu xasaasiyad ka qabaa walaaca iyo welwelka dadka waaweyn. Waalidiinta iyo daryeelayaashoodu waxay u baahan yihiin inay maareeyaan caadufadooda iyo walaacooda si ay carruurta u dejiyaan. Isku day inaad la hadasho carruurta wixii ku saabsan coronavirus-ka markaad dareemayso walaac ama ay kugu adag tahay. Waxaad weydiin kartaa lamaanahaaga ama qof kale oo aad aaminsan tahay inay la hadlaan carruurta.

    Eeg calaamadaha walaaca ama welwelka leh ee ilmahaaga (Look out for signs of anxiety or stress in your children)

    Qof walbaa si gaara ayuu uga falceliyaa xaalladaha walaaca leh. Carruurta qaarkeed ayaa badanaa dabiiciyan aad uga walaacsan kuwa kale, waxaana laga yaabaa in coronavirus-ku aad u saameeyo. Aad ula soco kuwa aadka u walaacsan ama dabeecada aan caadiga ahayn ee carruurtaada. Carruurta aadka u yar waxaa laga yaabaa inay muujiyaan calaamadaha sida isbedelka dabeecada, ay caadufadaysan yihiin, ay qabaan kacsanaan ama dhib ku qabaan hurdada ama cuntada. Carruurta waaweyn ayaa muujin kara astaamahaas iyaguna ama waxaa laga yaabaa inay u muuqdaan kuwa maahsan, qaba dhibaato xagga feejignaanta ama wax hilmaamaya. Carruurta qaarkood ayaa yeesha dabeecad siyaada ah, sida cabsi siyaada ah oo jeermiska iyo sumawga.

    Xaqiiji inaad sheeko la yeellato ilmahaaga waxyaallo aan ka ahayn COVID-19. Qaado waqti inaad la fariisato carruurtaada dhegaysona wixii ay ka welwelsan yihiin. Haddii aad welwel qabto in ilmahaagu uu muujinayo calaamadaha walaac siyaada ah ama welwel, ka raadi talo dhakhtarkaaga guud.

    Adiguna iska taxadar (Look after yourself too)

    Waqtiyada welwelka iyo hubansho la’aanta leh ayaa culays badan saari kara cilaaqaadka qoyska. Si loogu taageero carruurta sida ugu fiican, waa muhiim in waalidku ay daryeellaan naftooda waqtiga lagu jiro xaalladaan qalafsan. Isku day inaad hesho waqti nasasho fiican leh iyo isdaryeel. Haddii aad dareemayso welwel, culays siyaado ah ama amaan la’an ama in aadan awoodin inaad taageerto carruurta sidii aad jeclaan lahayd, fadlan la tasho qoyska iyo saaxiibada ama dhakhtarka guud.

    Qodobada muhiimka ah oo la xasuusanayo (Key points to remember)

    • Carruurtu waxay ka sugaan hagida dadka waaweyn wixii ku saabsan sidii wax loo qaban lahaa xaallad qalafsan
    • Isdeji, khayr filo markaad ilmahaaga kala hadlayso wixii ku saabsan coronavirus-ka
    • Macluumaadka waadax ka dhig, daacad ahow da’dana la jaan qaad
    • Xadad warbaahinta warkooda wixii ku saabsan coronavirus
    • Sii carruurta waxyaalla la taaban karo, sida gacmaha loogu nadiifiyo si fican, si ay u dareemaan inay xakamaynayaan
    • Xaqiiji adiga iyo carruurtaadu inaad firfircoon tihiin jir ahaan
    • Haddii adiga iyo carruurtaadu aad daremaysaan inay idinka badatay hawshu ama welwelsan tihiin ka raadi kaalmo saaxiibo, qoyska ama dhakhtarkaaga guud
    • Isku day inaad samayso waqti aad ka jawaabto su’aallaha carruurta hana furnaado albaabka wada hadalku

    Su’aallaha guud oo badanaa la is weydiiyo (Common questions our doctors are asked)

    Ilmahaygu wuxuu ka welwelsan yahay dadka waaweyn, ayeeyo ama awoowe, inay aad u jiradaan ama u dhintaan coronavirus-ka. Maxaan u sheegayaa?

    Waa muhiim inaad ahaato daacad aadna rajayso khayr. U sheeg ilmahaaga in ku celcelinta sida keli ahaanta nadiifinta gacanta ay caawimi karaan inaad xafido qaraabadaada inay qaadaan fayraska. Sidoo kale u sheeg in aan leenahay isbitaalla casri ah oo aad u fiican Australia gudaheeda, halkaas oo ay joogaan dhakhaatiir iyo kalkaalisayaal diyaar u ah inay dadka xanaaneeyaan haddii ay jiradaan.

    Ilmahaygu weli wuxuu rabaa in uu arko saaxiibadiis wuxuuna weydiistay haddii aan heli karo waqti cayaareed. Maxaan samaynayaa?

    U sheeg carruurtaada in hal wax oo aad ku caawinto joojinta coronavirus-ku in uu faafo adigoo waqti yar ku bixinaya dadka kaleeto. Halkii aad ka samaysan lahayd waqti cayaareed, ka feker siyaalla kale oo aad isugu xirmi kartaan saaxiibadaa sida facetime, telefoon ama warqad qorid. U sharax in xaalladu aanay sidaas ahaan doonin mar walba, waxayna ku soo noqonayaan caadi wax walbaa.

    Ilmahaygu wuxuu ka maqlay waxyaalla ku saabsan dad dhimanaya wuxuuna ka welwelsan yahay haddii taasi ku dhacayso iyaga. Maxaan oranayaa?

    U-xaqiiji in ilmahaaga coronavirus-ku aanu carruurta ka dhigi karin kuwa aad u jiran oo aanay u dhimanayn coronavirus. Haddii ay qaadaan, waxay u badan tahay inuu hargab noqdo, kaas oo la mid ah astaamaha hargabka ee la soo maray, sida cuna-xanuun, biya sanka ka imanaya, qufac ama xumad, waxayna u badan tahay inay ka ladnaadaan asbuuc iyo xoogaa.

    Waxaa sameeyey Royal Children’s Hospital, General Medicine, Psychology, Social Work and Mental Health Departments. Waxaan aqoonsanaynaa hawsha uu geliyey Isbitaalka RCH qaybtiisa macmiilaha iyo daryeelayaasha.

    Waxaa dib loo eegay Maarso 2020.

    Macluumaadka Caafimaadka Carruurta (Kids Health Info) waxaa kaalmeeyey The Royal Children’s Hospital Foundation. Si loogu deeqo, booqo www.rchfoundation.org.au

    app-ka Caafimaadka Ilmaha (Kids Health Info app)
    App-ku wuxuu kuu suurtagelianyaa inaad baarto in ka badan saddex boqol oo qoraal oo ku saabsan xaqiiqada caafimaadka iyo shaqada offline-ka ah.

    Afeef
    Macluumaadkaan waxaa looga jeedaa in la kaalmeeyo, maaha in la bedelo, wada hadalka dhakhtarkaaga ama mihnadlayaasha daryeelka caafimaadka. Qorayaasha macluumaadka caafimaadka macmiilaha waxay sameeyeen da’daal siyaada ah si loo xaqiijiyo in macluumaadku sax yahay, yahayna kii ugu dambeeyey si loo akhriyo. Isbitaalka Royal Children’s Hospital, Melbourne ma aqbalayo masuuliyada wixii macluumaad qalad ah, ama macluumaad loo arko marin habaabin, ama guusha daaweyn kasta oo lagu faahfaahiyey qoraaladaan la bixiyey. Maclumaadka ku jira qoraallada kuwa la qaybiyey ayaa la cusboonaysiiyaa sidaas darteedna waa inaad hubisaa inaad ka tixraacayso qoraalkii ugu dambeeyey oo la bixiyey. Masuuliyadu adiga ayay ku saaran tahay, isticmaalaha, si loo xaqiijiyo inaad la soo degtay macluumaadkii ugu dambeeyey.

    DH

    Coronavirus (COVID-19) – Somali

    Fiidiyowyada (Videos)

    Kala hadlida carruurtaada wixii ku saabsan COVID-19
    (Talking to your child about COVID-19)

    Kala hadlida carruurtaada wixii ku saabsan COVID-19 waxay noqon karaan arrin loolan leh, waana ognahay in waalidiinta qaarkood aanay hubin wixii ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa su’aallahooda.

    Dr Margie waa soo noqotay si ay kuu siiso qalab sidii wada sheekaysi loola yeellan lahaa iyo sidii aad ku kaalmayn lahayd ilmahaaga wixii ku saabsan safmarkaan.

    Si aad ula socodsiiso macluumaadka ku haboon oo ku saabsan COVID-19 fadlan booqo https://www.health.gov.au/ sidoo kale haddii aad ka welwelsan tahay ilmahaagu inuu qabo COVID-19 fadlan wac 1800 675 398.

    Baaritaanka Tusaha ilmaha ee Isbitaalka: COVID-19

    In lagaa qaado baaritaanka COVID-19 waxay noqon kartaa wax ay ka cabsadaan carruurtu waxaana laga yaabaa inaad la yaaban tahay sida loo sharxo. Isla waxay booqatay Rugtayada Caabuqa Habka Neefsiga asbuucii la soo dhaafay si looga baaro COVID-19 ka dib markay muujisay astaamaha buuxinaya kiriteeriyada baarista. Ardayada sanadka 2aad ayaa na soo raacday marka laga qaadayey waxayna noo sheegtay waxay dareentay ilma ahaan. Waxay ahayd wax Isla ku faraxday, natiijadeedii waxay muujisay in aanay waxba qabin.